faddaaddayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faddaaddayn
-ta: (magac, dhedig, keli) faddaraynta iyo wasakhaynta wax nadiif ahaa. Dh: faddaaddays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faddaadday
(fal) uskagee oo faddaree. Dh: uskagee, faddaray, faddaree, wasakhee. Li: nadiifi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faddaaddays
-ka: (magac, lab, keli) eeg faddaaddayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faddaaddaysan
(tilmaame) wax faddaraysan ahaan; wax wasakhaysan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faddaaddo
(Faddaadda-da)
Faddaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faddaaddo
m.dh 1. Wax shaki leh ama aan caqligal ahayn. 2. Dillaac dhaawac caallirasan. 3. Marin laga bixiyey deyr ama qoqob. 4. la-mid: faddaro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faddaaddo
f. n., [abstract] dirtiness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faddaaddo
-da: (magac, dhedig, keli) wasakh iyo uskag. Dh: faddaro.
faddaaddo -da: (magac, dhedig, keli) shey wada daldalooshan oo waxtar gaba; wax kharaabsan oo qaansibeel noqda. Sanduuq faddaaddo ah wixii lagu ritaa hadhaw la heli maayo.
faddaaddo-da: (magac, dheddig, keli) wax shaki leh ama aan caqligal ahayn.
faddaaddo -da: (magac, dheddig, keli) dillaac dhaawac caallirasan.
faddaaddo -da: (magac, dheddig, keli) marin laga bixiyey deyr ama qoqob. Dh: faddaro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faddaaddo
a: faddaro
de: dirtiness
lx: faddaaddo
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: faddaaddo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faddarayn
(Faddarayn-ta)
Wax faddaraysan ka dhigid; najaasayn; wasakhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faddarayn
m.f.dh eeg faddaree.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faddarayn
-ta: (n) contamination (kon taam e neey shin); foulness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faddarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wasakh ama nijaas gaadhsiin. Dh: faddaaddayn. Li: nadiifin.
faddarayn -ta: (magac, dhedig, keli) dhaqan xun barid. Dh: aafayn. Li: tarbiyadayn, edbib.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haddaadan
conj., vl. pron., neg. if you ... not
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haddaadan
de: if you ... not = haddii + aad + aan
lx: haddaadan
ps: conj + vpro + neg
key: haddaadan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadaadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wadaad isku ekeysiin. Wadaadayn wadaad lagumo noqdo. Dh: wadaadays. Li: waranlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badbaadayn
m.dh la-mid: badbaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daddaabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qoofalidda gammaanka lugta iyo jeeniga la isku xidho. Dh: shakaalid, shakalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faddaaddee
(fal) eeg faddaadday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faddaaddow
(fal) wax faddaroobay noqo.
faddaaddow -ga: (magac, lab, keli) noqoshada wax uskagoobay oo faddaroobay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wadaaddeyn
(Wadaaddeyn-ta)
Wadaad iska dhigid, isu ekayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadaaddeyn
m.f.dh eeg wadaaddee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaadhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) liibaan siin; barwaaqo ka dhigid. Badhaadhaynta Eebbaa hayoo kana baryaynnaaye. Dh: baraarayn, badhaadhays, baraarays, barwaaqayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maddiiddayn
-ta: (n) hypnotism (hip-natiisam)-, mesmerism (mezmariisim); hypnosis (hip-nowsas) ~ maddiido
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fadqalallayn
(Fadqalallayn-ga)
Fadqalallo ka dhexridid ama ku ridid; fidnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fadqalallayn
m.f.dh eeg fadqalallee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhacaddayn
m.f.dh eeg indhacaddee. la-mid: indhacaddays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiddaayadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) tolma qurxoon oo sawirro iyo naqshado kala duwan ah ku samayn. Xiddaayadayntu dadka yaqaan wakhti badan kama qaadato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adyadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale gardarro ku samayn; qof iska maagid. Miyaad adyadaynta dadka iska daysid! Dh: maagitaan, gardarraysi, alyadayn, faduulin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaaddan
Aan caato, kd., la engegin ee qoyan; aan jaynafsanayn; ladnaani ka muuqato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaaddan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax ladnaani ka muuqato ahaansho (nafley).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaaddan
der. [adjective] feeble-minded, dim-witted, intellectually slow
dhaaddan [derived] [adjective] healthy-looking, well-fed, prosperous
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faddaray
(fal) eeg faddaadday.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haddadan
adv., time: just now; immediately
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haddadan
de: just now; immediately
lx: haddadan
ps: adv-time
xe: I just got on (the bus).
xv: Haddadan baan soo fuulay.
key: haddadan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qadaadan
f.mg4 (-naa, -nayd) Koor wax qadaaday ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadaadan
(tilmaame) koor wax la gadaaday ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bardadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg bardad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadaadsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la cadaadiyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadaadsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la cadaadiyey ahaansho. m.f.dh, cadaadsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cadaadsan
der. [adjective] oppressed, persecuted
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cadaadsan
(adj) pressurized (pree-sharizid)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaadsan
(tilmaame) hoos u cadaadsan; hoos loo riixay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cadaadsan
de: oppressed, persecuted
lx: cadaadsan
pd: (cadaadsanaa)
ps: adj-der
key: cadaadsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daddaabay
(fal) neef gammaan ah, daddaabe ku xidh. Dh: shakaal, shakal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faa'idayn
-ta: (magac, dhedig, keli) faa'ido soo kordhin. Dh: faa'iidays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faaradayn
(Faaradayn-ta)
Faarad marin, ku sinsimid; raandayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaradayn
m.f.dh eeg faaradee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaradayn
-ta: (magac, dhedig, keli) loox, faarad marin.
faaradayn -ta: (magac, dhedig, keli) looxaan, faarad kaga shaqayn oo ku hagaajin. Dh: raandayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fadallayn
m.f.dh eeg fadallee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadallayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xoog u ordid oo fadallo kicin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faddarays
-ka: (magac, lab, keli) eeg faddarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fagaarayn
(Fagaarayn-ta)
(u fagaarayn) legdan, feer, tartan, dabbaaldeg, kd.. meel fagaare ah oo la wada joogo u samayn, u golaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fagaarayn
m.f.dh eeg fagaaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fagaarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) tartan iyo wax la mid ah, fagaaro u samayn; ciyaar iyo wax la mid ah, meel fagaare ah oo la wada joogo u samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidnadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, fidmo ku abuurid ama ku ridid. Dh: fidnadays.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haddaanay
conj., vl. pron., neg. if she / it [fem.] ... not
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haddaanay
de: if she / it [fem] ... not = hadda + aan + ay
lx: haddaanay
pd: (haddaaney)
ps: conj + neg + vpro
key: haddaanay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadradayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hadal aan macno lahayn ku sheekayn. Ninkani hadradayn ayuu wakhtigiisa ku dilaa. Dh: kaftamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadaadays
-ka: (magac, lab, keli) gadaado ku shubid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaldadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sibidh, niis, garri iyo biyo isku laaqid oo isku cajiinid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddaqayn
m.dh la-mid: sadaqayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadaadays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg wadaadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadaadeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wadaad iska yeelid; wadaadnimo ku shaqayn. Wadaadeyn wadaad laguma noqdo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badbaadsan
(tilmaame) mid samatabaxay; mid nabadgalay. Dh: samatabaxsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaadhay
(fal) barwaaqo ka dhig oo liibaan u horseed. Allahayoow dalka noo badhaadhay. Dh: badhaadhee, baraaree, barwaagee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadcaddaan
m.f.dh eeg cadcad. la-mid: cadcaddaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadcaddaan
-ta: (magac, dhedig, keli) midab cadaan yeelad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadcaddeyn
m.f.dh eeg cadcaddee. la-mid: cadcaddeys (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daddaabeyn
m.f.dh eeg daddaabee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faataalayn
m.dh la-mid: faataadhugleyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faataalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si islaweyni ah u dhaqmid. Dh: faataadhuglayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faddaadiir
-ta: (magacwadareed) quruurax yaryar oo sidii kubadda u malaasan oo ay carruurtu u ciyaarto siyaabo kala duwan. Dh: fataatiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fallaagayn
(Fallaagayn-ta)
Fallaago ka dhigid; in cidi fallaago noqoto ku jirrabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fallaagayn
m.f.dh eeg fallaagee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fallaagayn
-ta: (magac, dhedig, keli) fallaago noqod ama cid kale fallaago ka dhigid. Dh: budhcaddayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadagadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid wax diiddan oo hadba wax kale ku dhaqaaqda. Dh: marmarsiiyo, xeeladaysi, diidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garraadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) talo xal loogu helay hawl jirtay. Dh: maarayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haddaannan
conj., vl. pron., neg. if we [excl.] ... not
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haddaannan
de: if we [excl] ... not = haddii + aannu + aan
lx: haddaannan
ps: conj + vpro + neg
key: haddaannan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haydaarayn
m.f.dh eeg haydaaree. la-mid: haydaarays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoodaddayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dibindaabyeyn iyo hadimayn. Dh: hoodaddays, luggoyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mardaaddin
m.dh la-mid: mardaaddiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mardaaddin
-ta: (magac, dhedig, keli) lebbisasho oo si xarrago iyo tamashle ah u socosho. Dh: shoobid, xarragood, tamashleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabdaaddin
m.dh la-mid: nabdaaddiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qadaadnaan
m.f.dh eeg qadaadan. la-mid: qadaadnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sadaqadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sadaqad u bixin; sadaqays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waddadhaan
-ka: (magac, lab, keli) dhabbaha dhaanku maro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaandayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shalwin oo meel sare hoos uga soo qululin.
walaandayn -ta: (magac, dhedig, keli) wada qaadid oo wax culus isla qabasho. Walax culus walaandayn ayaa lagu qaadi karaa. Dh: waldaafin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaadhays
-ka: (magac, lab, keli) eeg badhaadhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daddaabbeyn
(Daddaabbeyn-ta)
(fardo) daddaabbe ku xirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daldaalyayn
m.f.dh eeg daldaalyee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faddaraysan
Faddaro gaartey; wasakhi ku ba'day.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faddaraysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la faddareeyey ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faddaraysan
der. [adjective] dirty, filthy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faddaraysan
-aa ayd: (adj) contaminated (kon taam eneey-tidh); unclean; dirty; polluted
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faddaraysan
(tilmaame) qof ama dad dhaqan xun oo akhlaaq daran. Dh: fasaqmay, xumaaday.
faddaraysan: (tilmaame) ahaanta wax wasakhoobay. wax ay najaaso ama faddaro gaadhey.
faddaraysan: (tilmaame) wax wasakhaysan ama nijaasaysan. Maro faddaraysan laguma tukado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faddaraysan
de: filthy
lx: faddaraysan
pd: (faddaraysnaa)
ps: adj-der
key: faddaraysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadeexadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xumaan iyo ceeb dusha uga tuurid. Dh: ceebayn.