facyar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
facyar
(tilmaame) qof aan weynayn oo da'yar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
facyari
-da: (magac, dhedig, keli) eeg facyaraan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
facyaraan
-ta: (magac, dhedig, keli) da' yaraan; mid cad-olostost aan weyneyn ahaan. facyaraansho -ha: (magac, lab, keli) qof da' yar ahaansho. Dh: da' yaraan, facyari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Facshar
(Facshar-ka)
1. Wax af laga yiraahdo ama addin laga falo oo xil leh.
2. Ceeb weyn; fadeexad; ceebaal; hayuur; (ama faxshar).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
facshar
facshar¹: m.l (-rro, m.dh) 1. Ceeb iyo sharafdhac weyn. 2. la-mid: facsharid. 3. Kashifaad. la-mid: faxshar¹.
facshar²: f.g1 (-ray, -rtay) Facshar ku samayn; ceebeyn. la-mid: faxshar².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
facshar
m.l (-rro, m.dh) 1. Ceeb iyo sharafdhac weyn. 2. la-mid: facsharid. 3. Kashifaad. la-mid: faxshar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
facshar
m. n., [compound] embarrassing action, scandal, speech that shames someone publicly
facshar v. embarrass, disgrace, shame someone publicly
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
facshar
facshar¹: -ka: (n) disgrace (dis greeys) discredit (dis keredit); scandal (iskaandel) ~ facsharaad
facshar² -aytay: (v) 1. blow the whistle; bring shame or dishonor on: discredit (dis keredit). 2. expose to view or make known as a disgrace
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
facshar
-ka: (magac, lab, keli) ceeb weyn; wax af laga yidhaahdo ama addin laga falo oo xil leh. Facshar baad samayseen markaad Faarax turuqdeene. Dh: ceebaal, bayuur, faxshar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farayar
f.mg4 (-raa, -rayd) Wax aan tiro badnayn ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
farayar
f.mg4 (-raa, -rayd) Wax aan tiro badnayn ahaansho. m.f.dh, farayaraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faryaro
(Faryara-da)
Faraha dadka tan ugu yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faryaro
m.dh Gacmaha iyo lugaha farahooda midda ugu yar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faryaro
m.dh Gacmaha iyo lugaha farahooda midda ugu yar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faryaro
f. n., [compound] little finger, pinkie ~ pinky
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faryaro
-faryarada: (n) little finger (lital fingar)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faryaro
-da: (magac, dhedig, keli) faraha dadka tan ugu yar. Faryaro faadumaa lagu kabaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faryaro
de: little finger, pinkie ~ pinky Counted as the first finger by Somalis
lx: faryaro
pd: (/da)
ps: n6-f-cmp
key: faryaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faar
(Faar-ka)
1. Caanaha garooray, inta biyaha noqota maahee inta adag; bur.
2. Wax biyabbiyo ahaa oo adkaaday oo fariistay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faar
faar¹: m.l Caano, dawo, rinji iyo wixi lamida intooda adkaata marka ay kala baxaan.
faar²: f.g/mg1 (-ray, -rtay) 1. (f.mg) Caano, dawo iyo wixi lamida bur iyo u biyo u kala bixid. 2. (f.g) la-mid: far².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faar
faar¹: m.l Caano, dawo, rinji iyo wixi lamida intooda adkaata marka ay kala baxaan.
faar²: f.g/mg1 (-ray, -rtay) 1. (f.mg) Caano, dawo iyo wixi lamida bur iyo u biyo u kala bixid. m.f.dh, faarid. 2. (f.g) la-mid: far.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Faar
Cheese
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faar
m. n., (mass n.): sour milk (when it has separated)
faar v. sour, go sour (of milk), separate into curd and whey
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faar
-ka: (n) sediment (sedhamant); lees (liiz); dregs ~ qashar-ka
faar -ay / tay: (v) milk turned sour
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faar
(fal) kibir oo tookh, Dh: faadh.
faar -ka: (magac, lab, keli) caanuhu kolka ay dhanaanaadaan ama baqaan inta buurbuurka noqota; caanaha gadhoodhay, inta biyaha noqota ma ahee inta adag. Dh: bur.
faar -ka: (magac, lab, keli) carro dhanaan oo dusha ku yeelata budo cad oo milix ah. Adhigu wuxuu leefleefaa carrada meesha faarka leh. Dh: seel, garraw.
faar -ka: (magac, lab, keli) iftiin weyn oo ay gaadiidka dhulka u adeegsadaan socdaalkii habeenkii. Dh: iftiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aayar
Si deggan oo miyir leh; qunyar; tartiib; xasil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aayar
m.dh.fk Si deggan oo miyir leh. la-mid: aad yar, aadyar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aayar
m.dh.fk Si deggan oo miyir leh. Tusaale: Aayar u soco! la-mid: aad yar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aayar
[adverb] or [adverbial] [expression] slowly, gently, lightly, slightly
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aayar
(adv) slowly (islowli); taking more time than is usual or necessary ~ tartiib, qunyar. Ex: Aayar u soco; walk slowly. —Syn: dilatory, leisurely, laggard, deliberate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aayar
(fal) si miyir ah u faltan ama u dhaqan. Aayar socodkaaga kolka ad waalidkaa la socoto.
aayar: (tilmaame) si deggan oo miyirsan. Aayar gaadhiga kolkaad magaalo dhex socoto. Dh: miyir, tartiib, qunyar. Li: xoog, aad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aayar
cf: aad yar
de: slowly, gently, lightly, slightly
lx: aayar
pd: (aadyar)
ps: adv
key: aayar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afyar
(Afyar-ta)
Magac kalluun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afyar
m.dh Nooc kalluunka ka mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afyar
m.dh Nooc kalluunka ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afyar
f. n., [compound] fish species
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afyar
-ta: (n) 1. small mouth; little mouth. 2. small opening
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afyar
-ta: (magac, dhedig, keli) jaad kalluunka ka mid ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afyar
de: fish sp.
lx: afyar
pd: (-ta)
ps: n-f-cmp
key: afyar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacar
(fal) laf iyo waxii la mid ah dillaac u yeel. Goortay wanaaggii bacreen bagac ka siin waayey. Dh: dillaaci, qarradhi.
bacar -ka: (magac, lab, keli) laf iyo wixii la mid ah falliidhid ama dillaacin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dacar
(Dacar-ta)
1. Geed yar oo jaadad badan ah oo leh caleemo hilib leh oo dhinacyada qodxo ku leh, iyo laan dheer (baaldacar) oo baarkiisa dhabaq ka samaysmo; caleemaha, dhacaan aad u xaraar oo laysku daweeyo baa laga lisaa; sibir.
2. Dhacaan xaraar oo cawl ah ama cagaar, oo inta beerka ka yimaada, heerkutaasha ku urura; xammeeti.
3. Wixii qush ah oo caloosha ku jira oo layska dacarfaalo; qaras.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacar
dacar¹: m.l Dhismo weyn oo dusha ka dedan dhinacyadana ka furan oo laga dhiso qabuuraha wadaaddada waaweyn oo marka la siyaaranayo dadku harsado.
dacar²: m.dh 1. Geed yar oo jaadad badan ah oo leh caleemo hilib leh oo dhinacyada qodxo ku leh, iyo laan dheer (baaldacar) oo baarkiisa dhabaq ka samaysmo; caleemaha, dhacaan aad u xaraar oo laysku daweeyo baa laga lisaa; sibir. 2. Dhacaan xaraar oo cawl ah ama cagaar, oo inta beerka ka yimaada, beerkutaasha ku urura; xammeeti. 3. Wixii qush ah oo caloosha ku jira oo layska dacarfaalo; qaras.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dacar
m.dh 1. Geed yar oo jaadad badan ah oo leh caleemo hilib leh oo dhinacyada qodxo ku leh, iyo laan dheer (baaldacar) oo baarkiisa dhabaq ka samaysmo; caleemaha, dhacaan aad u xaraar oo laysku daweeyo baa laga lisaa; sibir. 2. Dhacaan xaraar oo cawl ah ama cagaar, oo inta beerka ka yimaada, beerkutaasha ku urura; xammeeti. 3. Wixii qush ah oo caloosha ku jira oo layska dacarfaalo; qaras.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dacar
f. n., [collective] bitter aloe; bitter stuff; bile
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DACAR
[DA-AR] Aloe 03
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DACAR
(Da-ar) N Aloe breviscapa Reynolds & Bally. Liliaceae.
N Aloe somaliensis W. Watson. Liliaceae.
May Aloe microdonta Chiov. Liliaceae.
N Aloe scobinifolia Reynolds & Bally. Liliaceae.
N Aloe megala cantha Bak. Liliaceae.
May Aloe ruspoliana Bak. Liliaceae.
N Aloe steudneri Schweinf. Liliaceae.
S Aloe pirottae Berger. Liliaceae.
N Asparagus asiaticus L. Liliaceae.
S Crinum somalense Chiov. Amaryllidaceae.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dacar
nickname; name-m bitter
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dacar
-ta: (n) 1. bitter aloe (bitar-alow) 2. constipation (konis-tipeey-shin) ~ qaras.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dacar
magac wiil la rajaynayo in uu noqdo mid adag oo aanu cadaawuhu soo haweysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacar
(tilmaame) wax aad u qadhaadh. Dh: xadhaadh. Li: macaan, malab.
dacar-ta: (magac, dhedig, keli) geed gaaban oo leh dhego kala sarsarreeya oo waaweyn. Dheecaanka ka baxa dhegihiisu waa qadhaadh, daawo ahaanna waa loo isticmaalaa.
dacar -ta: (magac, dhedig, keli) cillad xanuun ah oo ku dhacda caloosha, qushka caloolsha ku jira ee layska dacarbixiyo. Rag damac iyo dacari kama dhammaato. Dh: qaras.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dacar
cf: qaras, qush, sibir
de: bitter aloe; bitter stuff; bile
lx: dacar
pd: (-ta)
ps: n-f-col
key: dacar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
facas
(fal) budo, iyo wixii la mid ah, rufaaq oo cajiin.
facas-ka: (magac, lab, keli) bul qallafsan oo timaha u eg oo weelasha lagu xuruudo si uskagga looga gooyo, gaarahaan weelasha dufanka leh. Dh: liif.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fajar
(Fajar-ka)
Oogga hore; waabberi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fajar
m.l Waaberiga qorraxdu inta aysan soo bixin. la-mid: fajir.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fajar
m.l Waaberiga qorraxdu inta aysan soo bixin. la-mid: fajir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fajar
m. n. dawn, day-break
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fajar
-ka: (n) the first appearance of daylight each morning: dawn (dhoori) ~ oog
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fajar
bw: Arabic
de: dawn, day-break
lx: fajar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: fajar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fakar
fakar¹: m.l la-mid: feker¹.
fakar²: f.mg1 (-ray, -rtay) la-mid: feker².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fayad
m.dh la-mid: fayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kayar
-ka: (magac, lab, keli) aan le'ekayn ama ka da' yar.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
WACAR
[WA-ARE] Lannea greenwayi 01
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aadyar
m.dh.fk la-mid: aayar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aadyar
(fal) eeg aayar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
badyar
f. n., [compound] lake
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badyar
-ta: (magac, dhedig, keli) meel weyn oo biyo qabatin ah oo aan gudhin berrina uu hareeraha ka xigo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
badyar
a: badyaro
de: lake
lx: badyar
pd: (-ta)
ps: n2-f-cmp
key: badyar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baryar
(tilmaame) qof qurjad xun. Dh: sinyar, lafyar, jidhyar, saryar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
da'yar
da'yar¹: m.dh.u Dhallinyaro. la-mid: da'yaro.
da'yar²: f.mg4 (-raa, -rayd) Wax muddo yar jiray ahaansho (nafley).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
da'yar
m.dh.u Dhallinyaro. la-mid: da'yaro.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
da'yar
-ta: (n) young (yaang); youth (yuuth) ~ dhallinyaro —da'yar -ah: (adj) young (yaang). Ex: gabadh da 'yar; a young girl
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
da'yar
-ta: (magac, dhedig, keli) dhallinta soo koraysa ee ay bulsho leedahay. Li: da'roon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabyar
m.dh la-mid: danyar¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacaar
-ka: (magac, lab, keli) eeg bal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacfar
-ka: (magac, lab, keli) marka qof farsamo uu baranayo si wanaagsan u barto. Axmed dacfar ayaa ka muuqda sida dawaarka loo tolo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danyar
danyar¹: m.dh.u Qof dhaqaalihiisu liito oo aan heli karin wax nolol maalmeedkiisa dhaafsiisan. la-mid: dabyar.
danyar²: f.mg4 (-raa, -rayd) Qof dhaqaalihiisu liito oo aan heli karin wax dhaafsiisan nolol maalmeedka ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
danyar
m.dh.u Qof dhaqaalihiisu liito oo aan heli karin wax nolol maalmeedkiisa dhaafsiisan. la-mid: dabyar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
danyar
f. n., [collective] the poor, people of modest economic circumstances
danyar [compound] adj., (ie. n., adj.): poor, economically weak
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
danyar
-ta: (n) poor (puur) person; economically poor person ~ reer tabareed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danyar
-ta: (magacwadareed) dadka inta haynta yar ee saboolka ah. Dh: danlay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Facaad
(Facaad-da)
1. Fac; da'.
2. Dhallaanciil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
facaad
m.dh la-mid: fac (3).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
facaad
f. n. age
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
facaad
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan sannad dhannayn oo ilmaha filkiisa ku jira oo loo tiriyo sida bil ama maalmo. Dh: dhallaanciil.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
facaad
de: age
lx: facaad
pd: (-da)
ps: n2a-f
key: facaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
facfac
-a: (magac, lab, keli) dhaqdhaqaaq firfircooni wata. Dh: dardar, firfircooni. Li: gaabis.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
fächer
fächer, v. - cadhoonaya; cadhaysan.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
facial
(adj) of, or pertaining to the face.
ku saabsan wejiga
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
facial
/feyshal/ (adj) 1. wajiga (wajiga la-xiriira) (n) 2. waji-qurxinta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faclay
(fal) orod facle ah orod. Dh: boodbood, orod, ciyaar, rabbaas.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Factor
Qodob
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Factor
Isir
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
factor
/faaktar/ (n) 1. cunsur (waxyaabaha arrin saameeya ama dhaliya middood). e.g. This is an important factor to consider before you make your decision. (n) 2. isir (tirada qaybisa tiro kale haraa la'aan. e.g. 4 is a factor of 12.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Factor
Udub
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fallar
(Fallar-ka)
Siddeed meelood oo meel; tummun; 1/8.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fallar
m.l.t (-rro, m.dh) Wax siddeed meelood oo is le'eg loo qaybshey, meeshood; tumun. Tusaale: “Hasha la shireystay f. iga sii”.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fallar
m. n., num: one eighth (1/8)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fallar
-ka: (n) 1/8; one eighth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fallar
-ka: (magac, lab, keli) jeex babaayo ah.
fallar -ka: (magac, lab, keli) qaybta siddeedaad ee wax la jeexjeexay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fallar
de: one eighth (1/8)
lx: fallar
pd: (-ka)
ps: n2-m, num-m
key: fallar