faataxayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faataxayn
m.f.dh eeg faataxee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faataxayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ducaysi oo faataxo akhriyid. Dh: faataxaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faataxay
(fal) ducee oo suuradda faataxaada akhri; faataxada akhri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faataxays
-ka: (magac, lab, keli) eeg faataxayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faataalayn
m.dh la-mid: faataadhugleyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faataalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si islaweyni ah u dhaqmid. Dh: faataadhuglayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faataxaysi
m.l la-mid: faataxaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faataxaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg faataxaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faataxayso
f.mg3 (-stay, -satay) Faataxo akhrisasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faataxayso
f.mg3 (-stay, -satay) Faataxo akhrisasho. m.f.dh, faataxaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faataxayso
(fal) ducayso oo faataxada akhriso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faaradayn
(Faaradayn-ta)
Faarad marin, ku sinsimid; raandayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaradayn
m.f.dh eeg faaradee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaradayn
-ta: (magac, dhedig, keli) loox, faarad marin.
faaradayn -ta: (magac, dhedig, keli) looxaan, faarad kaga shaqayn oo ku hagaajin. Dh: raandayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faataxaysad
m.l la-mid: faataxaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faataxaysad
-ka: (magac, lab, keli) ducaysasho iyada oo Faataxada la akhrisanayo. Dh: faataxaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farafarayn
m.f.dh eeg farafaree. la-mid: farafarays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farafarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel la dhigay faraha la galid. Dh: taataabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalakaxayn
-ta: (magac, dhedig, keli) labo qof oo is dagaalaayey midba dhinac u jiidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faataa
m.l la-mid: faataadhugle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faataa
-ga: (magac, lab, keli) qofka faanka iyo istuska badan. Dh: faataabakhle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fataan
m.l (-nno, m.dh) Qof dadka isku dira; fidnoole; diradiroole.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fataan
m.l (-nno, m.dh) Qof dadka isku dira; fidnoole; diradiroole.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fataan
m. n. instigator, one who rouses insurrection ~ incites rebellion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fataan
-ka: (magac, lab, keli) rabshadwade fidnad iyo isku dir ka shaqeeya. Fataan lalama saaxiibo. Dh: fidnawale, rabshoole.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fataan
bw: Arabic
de: instigator, one who rouses insurrection ~ incites rebellion
lx: fataan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: fataan
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Atamayn
Atomisation
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caatayn
(Caatayn-ta)
Caato ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caatayn
m.dh la-mid: caataysiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caatayn
-ta: (magac, dhedig, keli) weyd ka dhigid. Dh: weydayn.
caatayn -ta: (magac, dhedig, keli) jeenyagoosadka neef ruqo u hadhay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faataxo
m.dh (-ooyin, m.l) Suuradda ugu horreysa kitaabka Qur'aanka kariimka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faataxo
f. n. first chapter (Sura) of the Koran
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faataxo
-faataxada: (n) the first Sura [chapter] of Koran ~ faatixo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faataxo
-da: (magac, dhedig, keli) suuradda ugu horraysa Quraanka; waa toddoba aayadood oo uu Bissinku ku jiro.
faataxo -da: (magac, dhedig, keli) duco suuradda Quraanka ugu horraysa la akhristo. Faro dufan leh bay faataxo ka kacdaa. Dh: duco.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faataxo
bw: Arabic
de: first chapter (Sura) of the Koran
lx: faataxo
pd: (/da)
ps: n0-f
key: faataxo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fatahan
fatahan¹: f.mg1 (-hmay, -hantay; -hmi) Wax la fatahay noqosho.
fatahan²: f.mg4 (-hnaa, -hnayd) Wax la fatahay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fatahan
f.mg1 (-hmay, -hantay; -hmi) Wax la fatahay noqosho. m.f.dh, fatahmid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fatahan
v. overflow, come out, leak out, dissipate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fatahan
-fatahmay: (v) flood (falaadh), deluge (dhelyuuj)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fatahan
(fal) biyo webi iyo meel la mid ah ku jiray, buuxsan oo geerka dhaaf, dababdeed na daado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fatahan
de: overflow, come out, leak out, dissipate
lx: fatahan
pd: (fatahmay)
ps: v1=intr
key: fatahan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mataxan
Is-giriirixinaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mataxan
f.mg4 (-xnaa, -xnayd) la-mid: mutuxan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mataxan
(tilmaame) wax amardiiddo la soo taagan ah oon cabsoonayn. Qof soo mataxan uun sideed odhan! Dh: mutuxan, taagan, yuucan.
mataxan: (tilmaame) mudh iyo gacan ah oo qaawan oon dhar dushiisa saarnayn. Dh: qaawan, mutuxan.
mataxan: (tilmaame) orod aan joogsi iyo jeedsi midna lahayn ordaya. Isagoo orod mataxan ayuu halkaa nagu dhaafay Dh:maqiiqan, mutuxan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaaxayn
(Qaaxayn-ta)
Nabar qaaxada u dhaca gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaxayn
m.f.dh eeg qaaxee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaxayn
-ta: (magac, dhedig, keli) nabar qaaxada u dhaca gaadhsiin. Carruurta qaaxaynta ka daa. Dh: oofayn, qaaxays.
qaaxayn -ta: (magac, dhedig, keli) god hoos u qodid oo gun ballaadhan u yeelid. Qaaxaynta boholuhu waa muhiin dhulka adag. Dh: qaaxays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raaxayn
(Raaxayn-ta)
(u raaxayn) raaxo siin, u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raaxayn
m.f.dh eeg raaxee. la-mid: raaxo (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raaxayn
-ta: (magac, dhedig, keli) (u ~) cid kale raaxo u suurtagelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waaxayn
(Waaxayn-ta)
Waax waax u kala dhigdhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waaxayn
m.f.dh eeg waaxee. la-mid: waaxyayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaxayn
-ta: (magac, dhedig, keli) waaxwaax u kala dhigdhigid. Neefku waaxayn ayuu innagu gaadhayaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaladayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qalab kala duwan oo waxtar leh dhigid. Meel berriba aad ka guuraysaayi aaladayn uma baahna. Dh: hubayn.
aaladayn-ta: (magac, dhedig, keli) qalab millateri iyo awood u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
astakayn
m.dh la-mid: ashtakayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faallayn
(Faallayn-ta)
Arrin faallo ka bixin; wax ka sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faallayn
m.f.dh eeg faallee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faallayn
-ta: (magac, dhedig, keli) falanqayn iyo faaqidaad dhinac walba leh; arrin faallo ka bixin iyo wax ka sheegid. Dh: faaqidaad, falanqayn, gorfayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaraday
(fal) looxaan, faarad mari oo ku sin. Albaabka faaraday. Dh: raanday, faaradee.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Faaraxad
name-f happiness, joyful; to be happy or joyous. Syn: Faarax, Farax
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faataale
m. n. boaster, braggart
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faataale
-faataalaha: (n) bluffer (balaafer); see [eeg] faataadhugle
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faataale
de: boaster, braggart
lx: faataale
pd: (/ha)
ps: n7-m
syn: faataadhugle
key: faataale
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faataxee
f.mg2 (-xeeyay, -xaysay) Faataxo akhriyid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faataxee
v. recite the first Sura of the Koran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faataxee
(fal) eeg faataxay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faataxee
de: recite the first Sura of the Koran
lx: faataxee
pd: (faataxeeyey)
ps: v2b=intr
key: faataxee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fajalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si foolxun wax u dhicid ama u boobid. Dh: galabaageddis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falakayn
-ta: (magac, dhedig, keli) figaynta iyo fuudhafuudhaynta qof la kadeedayo. Dh: falakays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gayaxayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hal marqid; hal marqid; neefka oo naasaha wax lagaga duubo si aanan loo jiqin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo neef madax u ah u yeelid oo horkaxayn. Saca u weyn ayaa madaxayn loo kaxaystaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daafadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof qof kale garbis xoog leh ku jiidha. Markuu i garbiyey ayaan daafadayntiisii la dhacay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faa'idayn
-ta: (magac, dhedig, keli) faa'ido soo kordhin. Dh: faa'iidays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaradays
-ka: (magac, lab, keli) eeg faaradayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faaraxsan
Farax hayo; reyrreyna haya; (ama faraxsan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaraxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: faraxsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faaraxsan
der. [adjective] happy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaraxsan
(tilmaame) qof farxad iyo rayrayn dareemaya. Dh: faraxsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faaraxsan
a: faraxsan
de: happy
lx: faaraxsan
ps: adj-der
key: faaraxsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaraxuun
-ka: (magac, lab, keli) geed qadhaabka ka mid ah oo gacayrada la jaad ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faarumayn
(Faarumayn-ta)
(geel) (u faarumayn) hasha la lisa hayo, lugaha dib ugu bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faarumayn
m.f.dh eeg faarumee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faarumayn
-ta: (magac, dhedig, keli) 'geel' si fiican u joojin oo lugaha kala bixin. Dh: faadhumayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Faatikaan
pr. n., loc. Vatican
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Faatikaan
de: Vatican
lx: Faatikaan
pd: (-ka)
ps: n0-loc-m
key: Faatikaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faddarayn
(Faddarayn-ta)
Wax faddaraysan ka dhigid; najaasayn; wasakhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faddarayn
m.f.dh eeg faddaree.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faddarayn
-ta: (n) contamination (kon taam e neey shin); foulness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faddarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wasakh ama nijaas gaadhsiin. Dh: faddaaddayn. Li: nadiifin.
faddarayn -ta: (magac, dhedig, keli) dhaqan xun barid. Dh: aafayn. Li: tarbiyadayn, edbib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fadeexayn
(Fadeexayn-ta)
Ceeb weyn u yeelid ama ku sheegid; facsharid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fadeexayn
m.f.dh eeg fadeexee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadeexayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, ceeb iyo kashifaad u geysad. Dh: ceebayn, canbaarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fagaarayn
(Fagaarayn-ta)
(u fagaarayn) legdan, feer, tartan, dabbaaldeg, kd.. meel fagaare ah oo la wada joogo u samayn, u golaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fagaarayn
m.f.dh eeg fagaaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fagaarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) tartan iyo wax la mid ah, fagaaro u samayn; ciyaar iyo wax la mid ah, meel fagaare ah oo la wada joogo u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farsamayn
(Farsamayn-ta)
Hawl aqoon iyo tab u baahan qabasho; wanaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farsamayn
m.f.dh eeg farsamee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farsamayn
vl. n. manufacturing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
farsamayn
-ta: (n) processing, fabrication, manufacture, production (pro-dhak shin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farsamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hawl fulinteeda kolba tab iyo xeelado ay ku fusho u qabasho. Dh basarin, habayn.