faataadhugleyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faataadhugleyn
(Faataadhugleyn-ta)
Faataadhugle iska dhigid; faataadhuglennimo samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faataadhugleyn
m.f.dh eeg faataadhuglee. la-mid: faataalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faataadhugleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) kibir iyo isfaantaarin; isqaadqaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faataadhuglayn
-ta: (magac, dhedig, keli) iska dhigid faataadhugle; faataadhuglenimo samayn.
faataadhuglayn-ta: (magac, dhedig, keli) kibir iyo isqaadqaad samayn oo faanid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faataadhugle
(Faataadhugla-ha)
Qof is tustus badan oo wuxuusan ahayn iska dhiga; afmiinshaar; jeedaldheere.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faataadhugle
m.l (-layaal m.l/dh) Qof faan badan oo sheegta wax uusan ahayn. la-mid: faataa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faataadhugle
m. n. boaster, braggart, pretender; romancer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faataadhugle
-faataadhuglaha: (n) bigmouth (big maw th); bluffer (balaafer); intimidator (iin tim i dhaaytor); boaster (bowster); showy person ~ faataale
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faataadhugle
-ha: (magac, lab, keli) qofka kibir badan oo wax uusan ahayn iska dhigdhiga. Dh: jeedaldheere.
faataadhugle -ha: (magac, lab, keli) qof hanjabaad iyo istus badan oo waxaanu ahayn iska dhigdhiga. Dh: digdigle.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faataadhugle
de: boaster, braggart, pretender; romancer
lx: faataadhugle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: faataadhugle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faataadhuglay
(fal) cid kale u hanjab si aad u cabsigeliso.
faataadhuglay: (fal) kibir iyo isqaadqaad samee; wax aanad ahayn iska yeelyeel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faataadhuglee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Faataadhugle samayn. la-mid: faataalee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faataadhuglee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Faataadhugle samayn. m.f.dh, faataadhuglayn. la-mid: faataalee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faataadhuglee
v. boast, talk big, pretend
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faataadhuglee
-yey say: (v) bluff (balaaf); show off; make people stare
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faataadhuglee
(fal) eeg faataadhuglay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faataadhuglee
a: faataalee
de: boast, talk big, pretend
lx: faataadhuglee
pd: (faataadhugleeyey)
ps: v2b=intr
key: faataadhuglee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faataalayn
m.dh la-mid: faataadhugleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farandulleyn
(Farandulleyn-ta)
(dad) Afarta addin ku ordid; afar-addinleyn; gabaaraggurdeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farandulleyn
m.f.dh eeg farandullee. la-mid: farandulleys, firindigleyn, firinndigleys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farandulleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) afarta addin, mar qudha ku wada ordid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mataatulleyn
m.f.dh eeg mataatullee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaayaatufleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) xaasidnimo iyo caloolxumo isku biirtay. Dumaal gaaban leh gaayaatufleyn waa mas geed galaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abashuqleyn
m.f.dh eeg abashuqlee. la-mid: aburshuqlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abashuqleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg abashuqlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cagajugleyn
(Cagajugleyn-ta)
Cagaha dhulka la dhicid, si qof cabsi lagu geliyo; cabsiin; bajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagajugleyn
m.f.dh eeg cagajuglee. la-mid: cagajugle (2).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cagajugleyn
-ta: (n) the act of frightening; harassment (haares-ment)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagajugleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg cagajug- layn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fagaarageyn
m.f.dh eeg fagaaragee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fagaarageyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax aad u qarsoonaa, bannaanka soo dhigid; meel fagaare ah geyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fartaagleey
-da: (magac, dhedig, keli) jaad ka mid ah qolofleyda badaha ku nool oo u eg dhagax isku tuulan, dhimashadeedu na deegaanka iyo cimilada badda ayuu halis u yahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaafaajugle
-ha: (magac, lab, kali) qof kibir iyo xoog isku darsaday oo fadhfadh iyo faan badan. Dh: faataadhugle. Wa: jaafaajuglayaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labadulleyn
m.f.dh eeg labadullee. la-mid: labadulleys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afarqaadleyn
m.dh la-mid: afarqaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
camaadhyaley
-da: (magac, dhedig, keli) abeesada waaweyn nooca loo yaqaano beyda. Dh: abguri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Camandulleyn
(Camandulleyn-ta)
Si camandulle ah u farsamayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
camandulleyn
m.f.dh eeg camandullee. la-mid: camandulle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faataabakhle
-ha: (magac, lab, keli) dadka, qofka kibirka badan ee wax aanu ahayn isku sheega. Dh: faataadhugle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farandulleys
m.l la-mid: farandulleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hantaaturreyn
m.f.dh eeg hantaaturree.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabbaaljoogleyn
m.dh la-mid: dabaaljoogleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dameeradhaglayn
m.f.dh eeg dameeradhaglee. la-mid: dameerabilayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqaaqjoogleyn
m.f.dh eeg dhaqaaqjooglee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqaaqjoogleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) si kolna la socdo kolla la joogsado u socod.