faataadhuglay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faataadhuglay
(fal) cid kale u hanjab si aad u cabsigeliso.
faataadhuglay: (fal) kibir iyo isqaadqaad samee; wax aanad ahayn iska yeelyeel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faataadhuglayn
-ta: (magac, dhedig, keli) iska dhigid faataadhugle; faataadhuglenimo samayn.
faataadhuglayn-ta: (magac, dhedig, keli) kibir iyo isqaadqaad samayn oo faanid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faataadhugleyn
(Faataadhugleyn-ta)
Faataadhugle iska dhigid; faataadhuglennimo samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faataadhugleyn
m.f.dh eeg faataadhuglee. la-mid: faataalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faataadhugleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) kibir iyo isfaantaarin; isqaadqaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faataadhugle
(Faataadhugla-ha)
Qof is tustus badan oo wuxuusan ahayn iska dhiga; afmiinshaar; jeedaldheere.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faataadhugle
m.l (-layaal m.l/dh) Qof faan badan oo sheegta wax uusan ahayn. la-mid: faataa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faataadhugle
m. n. boaster, braggart, pretender; romancer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faataadhugle
-faataadhuglaha: (n) bigmouth (big maw th); bluffer (balaafer); intimidator (iin tim i dhaaytor); boaster (bowster); showy person ~ faataale
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faataadhugle
-ha: (magac, lab, keli) qofka kibir badan oo wax uusan ahayn iska dhigdhiga. Dh: jeedaldheere.
faataadhugle -ha: (magac, lab, keli) qof hanjabaad iyo istus badan oo waxaanu ahayn iska dhigdhiga. Dh: digdigle.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faataadhugle
de: boaster, braggart, pretender; romancer
lx: faataadhugle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: faataadhugle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faataadhuglee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Faataadhugle samayn. la-mid: faataalee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faataadhuglee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Faataadhugle samayn. m.f.dh, faataadhuglayn. la-mid: faataalee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faataadhuglee
v. boast, talk big, pretend
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faataadhuglee
-yey say: (v) bluff (balaaf); show off; make people stare
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faataadhuglee
(fal) eeg faataadhuglay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faataadhuglee
a: faataalee
de: boast, talk big, pretend
lx: faataadhuglee
pd: (faataadhugleeyey)
ps: v2b=intr
key: faataadhuglee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faahoortan
-ka: (magac, lab, keli) si faataadhuglayn ah u socod; si isqaadqaad ah u socosho. Faahoortan ayaad usocotaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faataadhug
-ta: (magac, dhedig, keli) hanjabaad istus iyo faan ku jiro. Dh: baalaxoofto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faataalayn
m.dh la-mid: faataadhugleyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faataalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si islaweyni ah u dhaqmid. Dh: faataadhuglayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abashuqlay
(fal) 'hal' guux iyo abur sii daa, adoo doobtii soo ridi waayay. Dh: aburshuqlay.
abashuqlay: (fal) 'awr' dhareeri adiga oo muujinaya astaamaha abasaxa. Dh: aburshuqlay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaadhay
(fal) barwaaqo ka dhig oo liibaan u horseed. Allahayoow dalka noo badhaadhay. Dh: badhaadhee, baraaree, barwaagee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagajuglay
(fal) «u ~» u hanjab. Dh: baji, cabsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daalaadhac
(fal) culays ku saaran la ciirciir; la dheeldheelli hawl kaa taagroon.
daalaadhac -a: (magac, lab, keli) howl aad ku daashay oo aad la legdantay. Daaladhac buu kula jiraa howsha guriga. Dh: dalanbaabi, kacaakuf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faddaadday
(fal) uskagee oo faddaree. Dh: uskagee, faddaray, faddaree, wasakhee. Li: nadiifi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naafdhalay
-ga: (magac, lab, keli) awr didmo badan oo dadka cuna ama qof dagaal badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaadaadhig
(Qaadaadhig-ga)
Qaadaadhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaadaadhig
qaadaadhig¹: m.l la-mid: qaadaadhigid.
qaadaadhig²: f.g1 (-gay, -gtay) Arrin si dhab ah u faaleyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaadaadhig
f.g1 (-gay, -gtay) Arrin si dhab ah u faaleyn. m.f.dh, qaadaadhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaadaadhig
v. examine in detail, inspect thoroughly ~ extensively
qaadaadhig vl. n., [compound] examination, inspection
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaadaadhig
(fal) falanqee oo arrin aad u dhexgal oo dhan walba ka eeg. Arrinta odayada la qaadaadhig oo natiijo ka keen. Dh: faalloo, gorfee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaxaadegan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la kulmay degganaan la'aan joogto ah ahaansho. la-mid: baaxaaddegan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caawadhalad
-ka: (magac, lab, keli) wax markaas dhashay ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagataallay
(fal) (ka ~) ka warwareeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daawadhigad
(Daawadhigad-ka)
Daawayeelad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daawadhigad
m.l la-mid: daawadhigasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daawadhigad
-ka: (magac, lab, keli) heshiis la isla gaadho. Arrintani daawadhigad ayay u baahan tahay. Dh: heshiin, daawaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faanahorray
(fal) ka saanhorray oo horsoco. Ciidanka wad oo ka faanehorray. Dh: horsoco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falaanfulan
f.mg4 (-ulnaa, -ulnayd) la-mid: falaanfalan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fantaxdhuus
-ka: (magac, lab, keli) leebka oo la rido isagoon fantaxdiisu hagaag u dul fadhiyin xadhigga qaansada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fartaagleey
-da: (magac, dhedig, keli) jaad ka mid ah qolofleyda badaha ku nool oo u eg dhagax isku tuulan, dhimashadeedu na deegaanka iyo cimilada badda ayuu halis u yahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaafaajugle
-ha: (magac, lab, kali) qof kibir iyo xoog isku darsaday oo fadhfadh iyo faan badan. Dh: faataadhugle. Wa: jaafaajuglayaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalaydhalay
(tilmaame) wax xalay dhashay oo cusub ah.
xalaydhalay -da: (magac, dhedig, keli) hoshiis ku saabsan godob dhiig oo horay loo kala qabey oo lagu heshiiyo in la isa saamaxo oo laga soo qaado sidii wax aan dhicinba. Dh: xaladhaley.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaxaaddegan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) la-mid: baaxaadegan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaxaaddegan
(tilmaame) mid aan degganayn oo aan xaaldba ku sugnayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
camaadhyaley
-da: (magac, dhedig, keli) abeesada waaweyn nooca loo yaqaano beyda. Dh: abguri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faataabakhle
-ha: (magac, lab, keli) dadka, qofka kibirka badan ee wax aanu ahayn isku sheega. Dh: faataadhugle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falaadxumaan
m.f.dh eeg falaadxun. la-mid: falaadxumaansho, falaadxumo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaadaadhig_1
de: examine in detail, inspect thoroughly ~ extensively
hm: 1
lx: qaadaadhig
pd: (qaadaadhigay)
ps: v1=tr
key: qaadaadhig_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaadaadhig_2
de: examination, inspection
hm: 2
lx: qaadaadhig
pd: (-ga)
ps: vn2a-m-cmp
key: qaadaadhig_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaadaadhigid
(Qaadaadhigid-da)
(arrin) Dhinac walba ka eegid, aad u baarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaadaadhigid
m.f.dh eeg qaadaadhig². la-mid: qaadaadhig¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaadaadhigid
-da: (magac, dhedig, keli) gorfayn iyo ka faallood arrin dhinac walba laga eego. Dh: falanqayn, gorfayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaadaadhigis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qaadaadhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fallaadhgaame
-ha: (magac, lab, keli) kaah birlab danabeed ay si joogto ah u bixiyaan walxo kaahfala marka ay walaxdu ku jirto kalaguur bu'eed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dameeradhaglayn
m.f.dh eeg dameeradhaglee. la-mid: dameerabilayn.