faaruqi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaruqi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Weel wax ku jira ka marin. 2. Meel wax yaalliin ka marin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faaruqi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Weel wax ku jira ka marin. 2. Meel wax yaalliin ka marin. m.f.dh, faaruqin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faaruqi
v. clear (out), evacuate, empty something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faaruqi
-yey / say: (v) make empty; unload, vacate (vee keeyt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaruqi
(fal) wixii ku jira ka madhi; waxba ha ku reebin. Dh: madhi. Li: buuxi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faaruqi
de: clear (out), evacuate, empty s.t.
lx: faaruqi
pd: (faaruqiyey)
ps: v2a=tr
xe: Evacuate the room.
xv: Faaruqi qolka.
key: faaruqi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaruqid
m.f.dh eeg faaruq².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaruqin
m.f.dh eeg faaruqi. la-mid: faaruqis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaruqin
-ta: (magac, dhedig, keli) weel ama wax kale, wax madhan ka dhigid. Faaruqinta bakhaarku shan cishay qaadatay. Dh: madhin, idlayn. Li buuxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaruqis
m.l la-mid: faaruqin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaruqis
-ka: (magac, lab, keli) eeg faaruqin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaruq
faaruq¹: m.l.kh F. ah: weel aan wax ku jirin ama meel aan wax oollin.
faaruq²: f.g1 (-qay,- qday) Wax maran, wixii ku jiray laga saaray.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faaruq
faaruq¹: m.l.kh F. ah: weel aan wax ku jirin ama meel aan wax oollin.
faaruq²: f.g1 (-qay, -qday) Wax maran, wixii ku jiray laga saaray. m.f.dh, faaruqid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faaruq
m. n., [abstract] (adj.): emptiness; empty
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faaruq
-ah: (adj) empty (em ti); vacant (veey kant) ~ muran. —Syn: blank, void, vacuous, bare, barren. Ex: koob faaruq ah isii; give me an empty cup
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaruq
(tilmaame) weel ama wax kale oo madhan ama aan waxba ku jirin. Dh: madhan, baabbah, eber. Li: budh, buux, daf, tif.
faaruq-a: (magac, lab, keli) xaaladda wax madhar xaaladda weel ama meel aan waxba ku jirin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faaruq
de: emptiness; [atr.] empty
lx: faaruq
pd: (-a)
ps: n0-m-abs
xe: Bring me the empty bottles.
xv: Dhalooyinka faaruqa ah i keen.
key: faaruq
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
drain
/dhareyn/ (v) 1. shub-mid, daadasho, ka-shubid (v) 2. biyo-ka qalajin, engejin (v) 3. faaruqin, marin (n) 4. dhuunta ama tuubada bullaacadda qaada.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
empty
/empti/ (n) 1. maran, faaruq (v) 2. marin, faaruqin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
evacuation
/ivaakuweyshan/ (n) 1. daad-gurayn, qixin (n) 2. faaruqin, bannayn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
expel
/ikispel/ (v) 1. ka-saarid, ka cayrin (v) 2. saarid, faaruqin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
obsession
/obseshan/ obsessive; (n) wax qofka ku taagan had iyo jeer, oo maskaxda aan ka faaruqin.
Qaamuus-Yare Ingiriis-Jiiddu-Soomaali - Saalim Caliyow Ibro [1998]
evacuate (v)
ha biyaal
faaruqin
Qaamuus-Yare Ingiriis-Jiiddu-Soomaali - Saalim Caliyow Ibro [1998]
vacate (v)
biinaawshaal
faaruqin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabbahay
(fal) wax aan gudihisa wax ku jirin ka dhig: eber ka dhig. Dh: baabbahee, madhi, faaruqi, dhammee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bannay
(fal) meel wax yaalleen ama ku awdnaayeen ka qaad ama ka gur si ay bannaanaato. Bannay afaafka oo daaha ka qaad. Dh: binnaay, bannee, fur. Li: xidh, awd, juf, ood.
bannay: (fal) qaanuun ahaan wax bannaan ka dhig; wax mamnuuc ahaa sharciyee. Dawladdu waxay bannaysay ka ganacsiga qaadka. Dh: bannee.
bannay: (fal) weel wax ku jireen madhi oo faaruqi. Bannee dhiilka aan hasha godlan ku lisnee. Dh: bannee.
bannay: (fal) (u ~) wax lagugu soo ganay ama lagugu soo tuuray oo aad dhan uga booddid ama uga dhaqaaqdid. Dhagaxii la igu soo tuuray baan u banneeyey. Dh: bannee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bannayn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel furid oo wax ku awdan ka qaadid. Kol hadduu dhulku gabaw yahay maxaad bannaynta daaqadda ku fali? Dh: furid, fasixid. Li: xidhid, awdid, oodid.
bannayn-ta: (magac, dhedig, keli) meel, geedo iyo dhirba ka gurid. Dh: bannaanayn.
bannayn-ta: (magac, dhedig, keli) qaanuun ahaan wax bannaan ka dhigid oo sharciyayn.
bannayn -ta: (magac, dhedig, keli) weel wax ku jireen madhin oo faaruqin.
bannayn -ta: (magac, dhedig, keli) (u ~) wax lagugu soo ganay ama tuuray u bannayntii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuxi
(fal) weel ama dhisme meel gudo ah oo godan ama daloosha meel dhiman u diid, budh ka sii, daf ka sii, afka ka mari, ilkaha ka dhig. Wiilka bidhaha u buuxi. Li: madhi, faaruqi.
buuxi: (fal) ballan xidhnayd fuli oo kaga dhabee shuruudo iyo go'aanno aad dad la gaadhay. Ballanqaadkiisii wuu buuxiyey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceejin
-ta: (magac, dhedig, keli) si xoog ah u buuxin. Dh: miijin, buuxis, ceejis. Li: faaruqin.
ceejin -ta: (magac, dhedig, keli) ceejo ku qabasho. Dh: siririn, cunaqabatayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiqsad
-ka: (magac, lab, keli) heemis ama dhammayn; faaruqin iyo dhammaan laacid. Dh: fiiqsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinif
(tilmaame) wax dhammayn ama weel faaruqin. Halaqyaa na qaniinayoo, waabay baan hinif siinnayoo... Dh: fuuqsi. Li: hanbayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huubee
(fal) huubaha ka dhabaandhab oo ka daadi. Dh: faaruqi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faarugsi
m.l la-mid: faarumaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maaruqid
m.f.dh eeg maaruq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaruqid
-da: (magac, dhedig, keli) dacaayadayn been ah; ceebaal aan la la xishoon fidin. Qof maaruqid badan lama jecla. Dh: ceebayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faari
f.g2 (-iyay, -isay) Caano, dawo iyo wixi lamida faar u yeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faari
v. thicken, curdle, make something clot ~ coagulate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faari
(fal) caano fadhiisi oo faar u yeel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faari
de: thicken, curdle, make s.t. clot ~ coagulate (e.g., sour milk or other organic material)
lx: faari
pd: (faariyey)
ps: v2a=tr
key: faari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farqi
(Farqi-ga)
Xala duwanaan; khilaaf (ama faraq).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farqi
farqi¹: m.l Kala duwanaanta laba wax ama ka badan leeyihiin. la-mid: faraq.
farqi²: f.g2 (-iyay, -isay) Wax faraq u yeelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
farqi
m.l Kala duwanaanta laba wax ama ka badan leeyihiin. la-mid: faraq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farqi
m. n. difference
farqi v. put a fringe on, fringe
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
farqi
-a: (n) difference (difrensi), disagreement (disagriiment) ~ kala duwan, khilaaf ~ Syn: dissimilarity, divergence, variation, distinction, discrepancy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farqi
-ga: (magac, lab, keli) xaddiga kala duwanaanshaha u dhaxeeya labo shey ama arrimood. Dh: khilaaf, faraq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faardi
m.l la-mid: faarsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faardi
-ga: (magac, lab, keli) jaad kalluunka ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faarsi
faarsi¹: m.l la-mid: faarsasho.
faarsi²: m.l Noocyada kallunka ka mid ah. la-mid: faardi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faarsi
-ga: (magac, lab, keli) jaad kalluunka ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faasuq
m.l la-mid: faasiq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faasuq
(tilmaame) qof denbiile ah oo aan cibaadada Alle iyo diintiisa ku toosnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maaruq
f.mg1 (-qay, -qday) Roob si aad ah u di'id.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaruq
(fal) dacaayad fidi. Haddaad bilaamacni tahay kolba qof maaruq.
maaruq-a: (magac, lab, keli) dacaayad been ah: cambaarayn iyo ceebaal cid la saaro. Nimaan macno hayn baa maaruq ku maaweelooda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saaruq
(Saaruq-da)
Laamaha iyo caleemaha dhirta badda oo xiisadda iyo hirarku xeebta ku soo tufaan ama biyaha korkooda sabbeeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saaruq
m.dh (-qyo, m.dh) Laamaha iyo caleemaha dhirta badda oo hirku xeebta ku soo tufo ama biyaha dul sabbeeya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saaruq
f. n., [collective] dead seaweed ~ algae
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaruq
-da: (magac, dhedig, keli) laamaha iyo caleemaha dhirta badda ka dhexbaxa oo marmar xiisadda iyo hirarku ay xeebta ku soo tufaan ama biyaha korkooda sabbeeya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saaruq
de: dead seaweed ~ algae (floating on the sea or washed up on the shore)
initial: s
lx: saaruq
pd: (-da)
ps: n0-f-col
key: saaruq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caabuqi
(fal) millili ama barari. Caabuqi nabarka. Dh: barari. Li: bogsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaruqe
m.l Dixri yaryar oo boogaha ku dhasha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daaruqe
m.l Dixri yaryar oo boogaha ku dhasha.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Faaruuq
name: Faruk
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Faaruuq
name-m he who distinguishes truth from falsehood, clarifier
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Faaruuq
bw: Arabic
de: Faruk
lx: Faaruuq
ps: name-m
key: Faaruuq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaruqnimo
m.dh Faaruq ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baaluqid
(Baaluqid-da)
Shan iyo toban sano gaarid; baaluq noqosho; qaangaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaluqid
m.f.dh eeg baaluq².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaluqid
-da: (magac,dhedig, keli) waqtigii baaluqa gaadhid; da'dii xilqaadashada gaadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baarugid
m.f.dh eeg baarug.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caabuqid
m.f.dh eeg caabuq³. la-mid: caabaqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caabuqid
-da: (magac, dhedig, keli) nabarkii jidhka ku yaallay oo dib u barar ama millila, hoosta na dheecaan ku yeesha. Dh: caabaqid, hurgumow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaruqee
f.g2 (-qeeyay, -qeysay) Boog dixri ku dhalin (diqsi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaruqow
f.mg1 (-qoobay, -qowday) Wax caalliray noqosho (boog).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daaruqow
f.mg1 (-qoobay, -qowday) Wax caalliray noqosho (boog). m.f.dh, daaruqoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faalugid
m.f.dh la-mid: faaligid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaraxid
-da: (magac, dhedig, keli) farxid iyo rayrayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faarixid
(Faarixid-da)
Farxid; reyrreyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faarixid
m.dh la-mid: farxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faarixid
-da: (magac, dhedig, keli) mid faraxsan ahaan; farxad qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faarniin
m.l la-mid: faarid (1).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faarniin
-ka: (magac, lab, keli) caano, faar yeelasho.
faarniin -ka: (magac, lab, keli) eeg faadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faarugso
f.mg3 (-saday, -satay) la-mid: faarumayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faarumay
(fal) lugaha kala saar oo si wanaagsan u joogso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faarumee
f.g2 (-meeyay, -maysay) U f.: hal la maalayo haaneedin. Tusaale: “Hashii baa Cali faarumeeyey”.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faarumee
v. separate (a camel) from the herd for milking
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faarumee
(fal) eeg faarumay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faarumee
de: separate (a camel) from the herd for milking
lx: faarumee
pd: (faarumeeyey)
ps: v2b=
key: faarumee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fakarsii
f.mg2 (-iiyay, -iisay) la-mid: fekersii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faquuqid
(Faquuqid-da)
Gooni u saarid, u eryid, u goyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faquuqid
m.f.dh eeg faquuq². la-mid: faquuq¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faquuqid
-da: (magac, dhedig, keli) qof ama neef inta kale ka dhex saarid. Dh: takoorid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faquuqis
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, fogayn ama haybsoocid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farmuqid
m.f.dh eeg farmuq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farraqid
-da: (magac, dhedig, keli) lacag, biyo, raashin iyo wixii la mid ah kol keli ah wada qaybin iyadoon waxba lala hadhin. Dh: farraqis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faarumaysi
(Faarumaysi-ga)
(geel) kolka geela loo godlo oo la doonayo in la liso, oo hashu labada lugood dib ula baxdo, oo lisid isu golaadiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faarumaysi
m.l la-mid: faarumaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faarumaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg faarumaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faasuqnimo
m.dh la-mid: faasiqnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tafarruqid
m.dh la-mid: tafaraaruqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafarruqid
-da: (magac, dhedig, keli) dad, iskhilaafid iyo kala tegid.