faanin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faanin
(Faanin-ta)
Qof ama wax kale, wax faan ah, ku sheegid; ammaanid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faanin
m.f.dh eeg faani. la-mid: faanis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faanin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, wanaag ka sheegid; aad u ammaanid. Li: xaqirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faani
f.g2 (-iyay, -isay) Faan ka sheegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faani
f.g2 (-iyay, -isay) Faan ka sheegid. m.f.dh, faanin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faani
v. commend, praise
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faani
-yey I say: (v) express admiration; praise (pareeyz); laud (loodh); commend, extol
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faani
(fal) cid kale wax wanaagsan ka sheeg: waad wanaagsan tahay ku dhe. Li: xaqir, bahdil.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faani
de: commend, praise
lx: faani
pd: (faaniyey)
ps: v2a=tr
key: faani
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baanin
(Baanin-ta)
Baan siin; baanasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baanin
m.f.dh eeg baani.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baanin
-ta: (magac, dhedig, keli) siinta cunto nafaqo leh, si qofku uga kabto bugtaan iyo dhaawac soo gaadhay. Baanin buu ku jiraa weli bukaanku.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faafin
(Faafin-ta)
Meelo badan wada gaarsiin; ballaarin; fitaaxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faafin
faafin¹: m.f.dh eeg faafi. la-mid: faafis, faahin, faahis, faaxin, faaxis.
faafin²: m.dh F. rasmi ah: wareegto rasmi ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faafin
m.dh F. rasmi ah: wareegto rasmi ah.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faafin
-ta: (n) distribution (dis tribu- yuushin); publication (pablakey- shan)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Faafin
Diffusione
Diffusion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faafin
-ta: (magac, dhedig, keli) war, mabaadi', wareegto, dhanbaal ama wax la mid ah meelo badan gaadhsiin. Diintu faafin bay ku gaadhay dadka Afrika. Dh: baahin. Li: koobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faahin
faahin¹: m.l (-miin m.dh) Qof fahmo badan.
faahin²: m.f.dh la-mid: faafin¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faahin
m.l (-miin m.dh) Qof fahmo badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faahin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoog faafin; war baahin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faalin
(Faalin-ta)
Faal dhigid oo wax ka sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faalin
m.f.dh eeg faali. la-mid: faalis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faalin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg faaldhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faanid
(Faanid-da)
Faan isku sheegid; is faanin; is ammaanid; tookhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faanid
m.f.dh eeg faan³.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faanid
vl. n. bragging, boasting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faanid
-da: (magac, dhedig, keli) wax wanaagsan naftaada ka sheegid; is'amaanid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faanid
de: bragging, boasting
lx: faanid
pd: (-da)
ps: vn1-f, vn2a-f
key: faanid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faanis
m.l la-mid: faanin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faanis
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, wanaag ka sheegid. Dh: faanid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faarin
m.f.dh eeg faari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faarin
-ta: (magac, dhedig, keli) caano fadhiisin oo faar u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaxin
m.dh la-mid: faafin¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaxin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax kala baxsan oo ballaadhan ka dhigid. Kubbadda iyo taayirku faaxintay wax ku taraan. Dh: fidin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waanin
(Waanin-ta)
Hadal waano ah ku dhihid; u caqlicelin; wacdiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waanin
m.f.dh eeg waani.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waanin
-ta: (magac, dhedig, keli) u caqlicelin oo hadal hogatusaale ah ku dhihid; talo u sheegid; u naseexayn. Qof waanintaada oggol ayaa la waaniyaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ammaanid
(Ammaanid-da)
Hadal ammaan ah ku dhihid; faanin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Koolin
(Koolin-ta)
Ammaanid; faanin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
boast
/boowsti/ (n) faan (wax ku faanid ama is faanin)
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
boastful
/boowstiful/ (adj) faan badan (is-faanin badan)
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
brag
/baraag/ (v) is-faanin (badanaa been ah); ku faanid. e.g. He bragged about his wealth.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
compliment
/komplament/ (n) 1. bogaadin; ammaan (v) 2. ammaanid (faanin, siiba af-macaanis ah).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
complimentary
/komplamentari/ (adj) 1. faanin (siiba faanin u af-macaanin ah) (adj) 2. bilaash ah (aan lacag laga bixin).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
plug
/plag/ (n) 1. bareesada qaybta labka ah ee daloolka korontada la geliyo 2. guf (shay yar oo wax lugu awdo, sida caagga lugu awdo daloolka saxanka musqusha) 3. iidheh u samayn (faanin si loo gato).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
elogiare
v.tr. - ammaanid, faanin.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
lodare
v.tr.- ammaanid, faanin.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
vantare
v.tr. - faanin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Absame
magac loo baxsho wiil lagu faaninayo in uu nasab ama reer wanaagsan ku abtirsado. Waa wiil inta badan dhashay xilli xafiiltan ama colaad dhab ah oo reer iyo isir ku salaysani oogan tahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Abti'udug
magac loo baxsho wiil lagu faaninayo in uu leeyahay abti wanaagsan oo udgoon. Inta badan waa wiil ku dhashay meel aanu abtigii joogin ama lagu xaqdhawri waayay. Hooyadii baa jeclaatay in uu wiilka magaca abtigii ku dheehnaado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Abtudhaale
magac loo baxsho wiil lagu faaninayo in uu ka dhashay reer awood iyo sharaf leh oo dadka ka hooseeya u tudha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Baashan
magac loo baxsho gabadh lagu faaninayo inay leedahay saansaanyihii iyo astaamihii bogoradaha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ammaan
(fal) wanaag qof falay ka sheeg. Qoraaga waa lagu ammaanay buuggiisa.
ammaan -ka: (magac, lab, keli) ganaf yar oo bir ah oo ku yaal qoriga keebkiisa si aanu iskii u dhicin. Qorigaaga ammaankiisa xidh.
ammaan-ka: (magac, lab, keli) nabadgelyada iyo badbaadada. Dawladdu ammaanka aad bay u adkaysay, shaqaaqooyinkii dabadood. Dh: nabad, nabaadniino.
ammaan-ka: (magac, lab, keli) kuruska geela meel ka mid ah oo jilicsan, qeedhiinkana lagu cuno. Dh: siigoma arkaan, bisile.
ammaan -ta: (magac, dhedig, keli) xoolo la siiyo boqarrada iyo madaxda. Dh: sado.
ammaan -ta: (magac, dhedig, keli) faanin qof wax uu sameeyay lagu ammaano; ereyo qurxoon oo cid la jecel yahay lagu yidhaahdo. Qofka ammaanta laguma hortiriyo. Dh: dhood, shool.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ammaanid
-da: (magac, dhedig, keli) wax fiican ka sheegid, wanaaggiisa ka warramid. Dh: faanin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faafniin
-ka: (magac, lab, keli) faafitaanka laftiisa. Faafniinka xumadda horay looma dareemin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faagniin
-ka: (magac, lab, keli) qoditaanka beerta ka hor, carro rogis. Dh: faagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faarniin
m.l la-mid: faarid (1).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faarniin
-ka: (magac, lab, keli) caano, faar yeelasho.
faarniin -ka: (magac, lab, keli) eeg faadhid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isfaanin
-ta: (n) bragging (baraaging)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
-aannin
(suffix)-, (v) he or she if ... not
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-aannin
de: may [someone] not be ...
lx: -aannin
ps: v5a-neg-opt
xe: Dont let him be aware of it!
xv: Yaanu ogaannin!
key: -aannin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faambin
m.dh la-mid: faambiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faambin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax u boobid ama u cunid si aan habaysnayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faandig
(fal) alaab meel taalla isku mulaaq oo kala rogrog. Dh: qalabaageddi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faansan
La faaniyey; wax faan ah lagu sheegay; ammaanan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faansan
f.mg4 (-naa, -nayd) La ammaanay ahaansho (qof).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faansan
der. [adjective] praised
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faansan
-aa: (adj) commended (kam-maandidh); admired
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faansan
(tilmaame) qof la faaniyey; qof wanaagasan oo aan u baahanayn in la faaniyo. Gabadh faansan baad tahay. Dh: ammaanan. Li: caayan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faansan
de: praised
lx: faansan
pd: (faansanaa)
ps: adj-der
key: faansan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fagniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg fagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falniin
m.l la-mid: falid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falniin
-ka: (magac, lab, keli) suubinta beer hadda la qodayo. Dh: beerid, falitaan.
falniin -ka: (magac, lab, keli) falidda iyo baabista lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faqniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg faqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg fadhitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasasin
m.f.dh eeg fasasi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fasasin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhaawac, millilin oo dheecaan u yeelid.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
fawning
n., (flattery) qayoqayo, -adi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faxniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg faxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaanbin
-ta: (magac, dhedig, keli) qun yar socosho. Gaanbinta waa lagu guryo gaadhaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faan
(Faan-ka)
Wax wanaagsan oo qof ama wax kale, lagu sheego; ammaan; dhood; tookh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faan
faan¹: m.l Hadal aan dhab ahayn oo cid lagu ammaano.
faan²: m.dh (-no, m.l) 1. Ilig dheer. 2. Foolasha maroodiga ee dhaadheer midkood.
faan³: f.mg1 (-nay, -ntay) Hadal aan dhab ahayn isku ammaanid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faan
faan¹: m.l Hadal aan dhab ahayn oo cid lagu ammaano; ammaan.
faan²: m.dh (-no, m.l) 1. Ilig dheer. 2. Foolasha maroodiga ee dhaadheer midkood.
faan³: f.mg1 (-nay, -ntay) Hadal aan dhab ahayn isku ammaanid. m.f.dh, faanid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faan
f. n. fang, tusk
faan m. n. bragging, boasting, praise
faan v. boast, brag
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faan
-ka: (n) the act or an instance of bragging; boast (bowst) ~ faanfaan
faan: -ay / tay: (v) glorify oneself in speech; brag (braag); boasting (bowsting); crow, vaunt
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faan
(fal) sheego in aad tahay ruuxa ugu sarreeya ama ugu fiican; wax wanaagsan sheego. Dh: tookh, dhood.
faan -ka: (magac, lab, keli) wax wanaagsan oo la haysto ama la sameeyo oo dadka hortooda lagu sheegsheegto iyada oo loola jeedo is tus iyo is muujin. Faan waa xoolo aan laguu sheegan karin. Nin is faanshay waa ri' is nuugtay.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
faan
تَفَاخُر
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aadin
m.dh la-mid: aaddin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aanan
vl. pron., neg. I ... not
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aanan
de: I ... not = aan + aan
lx: aanan
ps: vpro + neg
key: aanan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aawin
m.f.dh eeg aawi. la-mid: aawis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aynin
(suffix) [with negative ma] used to form negative past continuous tense of some verbs with pronoun we and I. Ex: ma seexanaynin; 1 was not going to sleep. Ma aavlinaynin; I was not shouting [yelling], Maannaan dagaalaynin: we were not fighting
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baani
f.g2 (-iyay, -isay) Qof buka ama dhaawac ah baan siin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baani
f.g2 (-iyay, -isay) Qof buka ama dhaawac ah baan siin. m.f.dh, baanin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baani
v. feed ~ give nutritious food to (a convalescent)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baani
-yey -say: (v) recuperate / (ri kuu-pereeyt); feed someone to return to health or strength ~ baano
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baani
(fal) dhuuni dux iyo waxtar leh sii. Baani bukaanka.
baani -ga: (magac, lab, keli) baadhis aan tudhaale lehayn. Boolisku baani bay nagu sameeyeen. Dh: degaanduug, faanbi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baani
de: feed ~ give nutritious food to (a convalescent)
lx: baani
pd: (baaniyey)
ps: v2a=tr
key: baani
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax ka dhursugid. Banin bal ha lagu dayo. Dh: dhawrid, baxnaanin.
banin -ta: (magac, dhedig, keli) daryeelka nabar qof ku yaal. Dh: dhayid.