faanbiyitaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faanbiyitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg faanbiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanbixitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg caanbixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faanitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg faanid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabi'itaan
-ka: (magac, lab, keli) tirtirmitaanka wax jirey oo raadkiisa la waayey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faa'iditaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg faa'idid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaqiditaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg faaqidaad. faar: (fal) caano, faar yeelo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadhiyitaan
-ka: (magac, lab, keli) fadhdhiyidda lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaabilitaan
-ka: (magac, lab, keli) cid ka hortegitaan oo soo dhawayn. Qaabilitaankii martida ayaa saacado qaadatay. Dh: qaabilid.
qaabilitaan -ka: (magac, lab, keli) ku aaddanaan oo ku toosnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afgembiyitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg afgembiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabitaan
-ka: (magac, lab, keli) fal ku akhriyid; sixir ku samayn. Baabitaanku waa xaaraan. Dh: sixritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baanitaan
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, la garramid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caayitaan
-ka: (magac, lab, keli) hadal xun ku dhihitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaditaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg faadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faafitaan
-ka: (magac, lab, keli) meelo badan ku baahid ama gaadhid. Waxa soo yaraaday faafitaankii cudurrada. Dh: fiditaan. Li: ururid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faagitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg faagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faanbiyid
(Faanbiyid-da)
1. Si jimic daran wax u baarid.
2. (alaabo, kd.) si foolxun u dhicid ama u boobid; kala tuurtuurid; meel walba gacan gelin.
3. Maskax ka baarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faanbiyid
-da: (magac, dhedig, keli) qof aadan waxba ka ogeyn fekerkiisa ama waxa uu qabo, ra'yigiisa wax ka ogaansho.
faanbiyid -da: (magac, dhedig, keli) alaabo ama wax kale, si foolxun u dhicid ama u boobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaritaan
-ka: (magac, lab, keli) caano, faar yeelasho.
faaritaan-ka: (magac, lab, keli) eeg faadhitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaabitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax akayn u baahan, wax kale ku xoojin. Dh: kaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laabitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg laabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taabitaan
-ka: (magac, lab, keli) wada gaadhitaan iyo koobniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waabitaan
-ka: (magac, lab, keli) meel waabidda lafteeda; waabniin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waayitaan
-ka: (n) the act of not finding
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waayitaan
-ka: (magac, lab, keli) heli waayitaan oo ka quusasho.
waayitaan -ka: (magac, lab, keli) keli) dhicid oo dallici waayid. Li: helitaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaabitaan
-ka: (magac, lab, keli) xaab urursasho. Xaabitaankuu xariif isku moodaa. Dh: xaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaabitaan
-ka: (magac, lab, keli) dareen fajac ah oo kayimaad dhacdo aan caadi ahayn. Dh: fajicitaan, dhaygagitaan, anfariiritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabiqitaan
-ka: (magac, lab, keli) fulin oo sidii uu ahaa u hirgelin. Wax lagu heshiiyay dabiqitaanka sharciga Eebbe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aakhiritaan
m.l la-mid: aakhir.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aakhiritaan
m.l la-mid: aakhir. aakhiro m.dh Meesha iyo nolosha dambe ee lagu noolaan doono marka adduunka laga tago.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aakhiritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg aakhir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aarbaxitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg aarbixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baayiritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg baayirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banbaxitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg banbaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caabaqitaan
-ka: (magac, dhedig, keli) barar iyo millile yeelasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caabuditaan
-ka: (magac, lab, keli.) eeg caabudid. caabuq': (fal) nabur hoosta ka buka noqo. caabuq-a: (magac, lab, keli) meel jidhka ka mid ah oo bugta oo nabarkii ku yiil hunbululuqay ama malaxaystay; nabar hoosta ka bukooda. Dh: millil, hurgun, hurgumo, arami, caabaq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caabuqitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg caabuqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbiritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg cabbirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canbusitaan
-ka: (magac, lab, keli) canyayuubitaan; mid jactadsan ka dhigitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canjilitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg canjilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daa'imitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax waara oo weligii jira ahaan. Dunidan daa'imitaan loogama fadhiyo. Dh: waaritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabacitaan
-ka: (magac, lab, keli) dhar iyo wixii la mid ah, xaradh ku samayn.
daabacitaan-ka: (magac, lab, keli) buug iyo wixi la mid ah, madbacad ku qoritaan. Daabacitaanka qaamuusku bil iyo badh buu qaadan karaa qoristiisuna sannado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daahiritaan
-ka: (magac, lab, keli) nijaasta iyo wasakhda ka maydhid, uskagga ka maydhid Daahiritaan baan ku ogaa masallaha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daalicitaan
-ka: (magac, lab, keli) soo daahiritaanka wax uu soo muuqasho. Soo daalicitaanka dayaxa ayuu safarku sugayaa. Dh: bixitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fallisitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg fallisid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fashilitaan
-ka: (magac, lab, keli) arrin socota docfaruurid ama fashilin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fayiigitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg fayiigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
finiinitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg finiinid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haajiritaan
-ka: (magac, lab, keli) meesha aad joogto meel ka durugsan u gudaalitaan; meel fog aaditaan. Dh: haayiritaan, dalwid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haayiritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg haajiritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raariditaan
-ka: (magac, lab, keli) hoos u riditaan: hoos u dhaadhicin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saayiritaan
-ka: (magac, lab, keli) la saayiritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sannifitaan
-ka: (magac, lab, keli) sanifidda lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaasiditaan
-ka: (magac, lab, keli) xasad samayn; xaasid ahaan; u quudhid la'aan oo wanaagga cidda kale ka xumaan. Dh: xaasidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xannibitaan
-ka: (magac, lab, keli) xannibaad samayn.
xannibitaan -ka: (magac, lab, keli) shakiritaan oo meel ku xajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awaajiyitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg awaajiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaneeditaan
-ka: (magac,lab, keli) eeg haaneedid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masabiditaan
-ka: (magac, lab, keli) masabidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raarriditaan
-ka: (magac, lab, keli) hadal, cashar iyo wixii la mid ah, ka dhaadhicin. Ka raarriditaan ayey dadku kaa rabaan iyo inay fikirkaaga arkaan. Dh: fahamsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraanburitaan
-ka: (magac, lab, keli) god ka mid ah gododka suugaanta ku baraanburis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanadiiditaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg caanadiidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanadiiqitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg caanadiiqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tahanbaabitaan
-ka: (magac, lab, keli) hungoobi taanka, lugo'itaanka waxba laga soo waayo meel aad ku talo gashay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaqbaaqitaan
-ka: (magac, lab, keli) baaqbaaqis ku suubbin beer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caalwaayitaan
-ka: (magac, lab, keli) «u-hawl, dhib iyo wax la mid ah, u taagwaayitaan; u tabar-waayitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haanfuuqitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg haanfuuqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haanfuuritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg haan -fuugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalabayritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg kalabayrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laballisitaan
-ka: (magac, lab, keli) labalisidda lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxariiritaan
-ka: (magac, lab, keli) dhibaatood; leelleelitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarango'itaan
-ka: (magac, lab, keli) tafiir go'itaanka; itaalbeelitaanka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaalaabbixitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg gaalaab-bixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasmitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax aasan noqosho; wax ay ciidi ku rogmatay ahaansho. Aasmitaanka magaalada waxa dhaliyay dhulgariirkii dhacay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ababitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg ababid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
akiditaan
-ka: (magac, lab, keli) adkaynta iyo xoojinta xog ama talo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ayiditaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg ayidaad. ayidsan: (tilmaame) taageersan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baacitaan
-ka: (magac, lab, keli) kor u qaaditaan labada gacmood wax lagu qaado oo madaxa kor loo dhaafiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaditaan
-ka: (magac, lab, keli) kala maqnaansho daba dheeraaday. Baaditaan baan ku kala maqnqyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baahitaan
-ka: (magac, lab, keli) faaafitaanka war ama wax kale. Dh: fiditaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaniyaal
m.l (-llo, m.dh) 1. Hindi ganacsade ah. 2. Qof diinta Hinduuga haysta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baaniyaal
m.l (-llo, m.dh) 1. Hindi ganacsade ah. 2. Qof diinta Hinduuga haysta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baaniyaal
m. n. Indian merchant; Bengali Hindu
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baaniyaal
-ka: (n) Sikh (siik)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaniyaal
-ka: (magac, lab, keli) qayb ka mid ah Hindida.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baaniyaal
de: Indian merchant; Bengali Hindu
lx: baaniyaal
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: baaniyaal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaqitaan
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, u yeedhid ama codsi u jeedin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baaritaan
(Baaritaan-ka)
Baaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaritaan
m.l 1. Raadinta wax qarsoon. 2. Suuq waayidda badeeco ganac loo soo bandhigay. la-mid: baarid².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baaritaan
m.l 1. Raadinta wax qarsoon. 2. Suuq waayidda badeeco ganac loo soo bandhigay. la-mid: baarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baaritaan
vl. n. investigation, analysis, research, inspection
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baaritaan
ka: (n) 1. investigation (investageyshan); analysis (anaalisis) 2. checkup (jeek ap) Ex: baaritaan caafimaad; medical checkup [a general physical examination] baarid, baaris
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaritaan
-ka: (magac, lab, keli) wax dahsoon raadin ku suubbin. Dh: baadhitaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baaritaan
a: baadhitaan; baaraan, baarid, baaris
de: investigation, analysis, research, inspection
lx: baaritaan
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: baaritaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baasitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax horreeyay, dhaafid.
baasitaan -ka: (magac, lab, keli) ku guulaysashada itixaan aad martay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
babbitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg babbid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caacitaan
-ka: (magac, lab, keli) roob aan laga jirsan ku rafaaditaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caagitaan
-ka: (magac, lab, keli) caagidda lafteeda.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cabbitaan
ka: (n) drink (drink); beverage (bevarij) ~ cabitaan, sharaab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbitaan
-ka: (magac, lab, keli) dareere, afka ku qaaditaan oo liqitaan. Dh: cabniin.
cabbitaan -ka: (magac, lab, keli) dhammaan wixii la cabbo oo dhan; cabbaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daafitaan
-ka: (magic, lab, keli) daafniin ku dhicis. Daafitaan baan uga cabsi carruurta la isku daray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daahitaan
-ka: (magac, lab, keli) daaqadaha iyo albaabada maryo qurux ahaan ku sii deyn. Daahitaanka ka hor guriga kashkaash.
daahitaan-ka: (magac, lab, keli) dabaylaraacitaanka geela. Daahitaan buu libaaxu geela ku laayey.
daahitaan -ka: (magac, lab, keli) ka dabamarid goortii la rabay inuu yimaaddo ama uu wax dhaco. Dh: habsaamitaan, raagitaan.
daahitaan-ka: (magac, lab, keli) albaabada iyo daaqadaha maryo quruxi ahaan ku sii deyn.