faallays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faallays
-ka: (magac, lab, keli) eeg faallayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faallay
(fal) arrin ama xaajo iyo wixii la mid ah falanqay oo faaqid; arrin wax ka sheeg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baallays
-ka: (magac, lab, keli) eeg baallayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faallayn
(Faallayn-ta)
Arrin faallo ka bixin; wax ka sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faallayn
m.f.dh eeg faallee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faallayn
-ta: (magac, dhedig, keli) falanqayn iyo faaqidaad dhinac walba leh; arrin faallo ka bixin iyo wax ka sheegid. Dh: faaqidaad, falanqayn, gorfayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaallays
(Gaallays-ta)
Jaad hore oo toorrey oo loo tuman jirey in gaalada lagu laayo oo lagula dagaallamo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaallays
gaallays¹: m.l.kh Waran g. ah: nooc warmaha waaweyn ka mid ah lagu dagaallamo.
gaallays²: m.dh.kh Toorrey g. ah: toorrey dheer oo birsulub leh oo lagu dagaallamo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaallays
f. n. dagger
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaallays
de: dagger (used in former times to kill infidels)
lx: gaallays
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: gaallays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaallays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qaallayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taallays
-ka: (magac, lab, keli) eeg taallayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaallays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xaallayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faallee
-yey / faallaysay: (v) make a comment or remark
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fadallayn
m.f.dh eeg fadallee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadallayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xoog u ordid oo fadallo kicin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aallay
de: I was (in a place) {N}
lx: aallay
ps: v4c-1sg-ind-past
key: aallay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
callays
-ka: (magac, dhedig, keli) eeg callayn.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dallays
name-f shade; she who shades or provides cover-as from the sun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faclays
-ka: (magac, lab, keli) eeg faclayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fahlays
-ka: (magac, lab, keli) eeg fahlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaalays
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, gaal ka yeelid.
gaalays-ta: (magac, dhedig, keli) middi weyn oo af badan. Cali gaallays buu soo tuntay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hallays
m.l la-mid: hallayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hallays
-ka: (magac, lab, keli) eeg hallayn. hallaysan: (tilmaame) wax xumaaday oo cillaysan ama kharriban.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laalays
-ka: (magac, lab, keli) geed geedaha ku marma oo xooluhu cunaan. Daaraddayada laalays baa ka baxay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naallay
v., pl., -ind, simple past tense: we were (in a place)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naallay
de: we were (in a place) {N}
lx: naallay
ps: v4c-1pl-ind-past
key: naallay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaallay
(fal) dhalanrog oo siday ahayd si ka duwan ka dhig. Wax walba qaallay ha is odhan Dh: sarguuri; salguuri.
qaallay: (fal) qalalaase iyo buuq geli. Meesha qaal- lay si laguu ogaado Dh: qalalaasay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qallays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg gallayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saalays
-ka: (magac, lab, keli) saalo dhigis xoolaad. Geel ban jooga oo yamaarug daaqay, saalays badanaa.
saalays -ka: (magac, lab, keli) eeg saalayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taallay
v., -ind, simple past tense: it [fem.] was (situated) there
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taallay
de: it [fem] was (situated) there
initial: t
lx: taallay
ps: v4c-3f-ind-past
key: taallay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xallays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xalayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yaallay
v.-ind, simple past tense: it [masc.] was (situated) there
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yaallay
de: it [masc] was (situated) there
initial: y
lx: yaallay
ps: v4c-3m-ind-past
key: yaallay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baallayn
m.f.dh eeg baallee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baallayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhinac jirid; doc xigid. Baallaynta iga daayoo dhexda soo joogso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaallayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhalan rogid oo siday ahayd si ka duwan ka dhigid. Dh: salguurin.
qaallayn-ta: (magac, dhedig, keli) qalalaase gelin arbushid. Dh: qalalaasayn, qaallays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shallays
-ka: (magac, lab, keli) shallayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taallayn
(Taallayn-ta)
Taallo ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taallayn
m.f.dh eeg taallee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taallayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhismo taallo ah, meel ka dhisid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaallayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dan ka galid oo wax ka qabashadeeda xil iska saarid. Dh: xaalays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadqalalays
-ka: (magac, lab, keli) qalalaase iyo qas abuurid. Dh: fadqalalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangallays
-ka: (magac, lab, keli) eeg hangallayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaallaysan
(tilmaame) wax salguursan. Arrin qaallaysan qaadi ma furdaansho. Dh: salguursan.
qaallaysan: (tilmaame) mid arbushan. Annagoo qaallaysan ayuu na soo maray guddoomiyuhu.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baralaays
-ka: (n) a person affected with paralysis; paralytic (para litik)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faa'idays
-ka: (magac, lab, keli) eeg faa'ideyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faalleeye
m. n. commentator
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faalleeye
de: commentator
lx: faalleeye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: faalleeye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaradays
-ka: (magac, lab, keli) eeg faaradayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faataxays
-ka: (magac, lab, keli) eeg faataxayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farallaab
(Farallaab-ka)
1. Wax yar oo la siiyo qof hawl qabtay oo badanaa loo qarsho.
2. Faraqabsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farallaab
m.l In yar oo lacag ah oo hoos laysugu dhiibo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
farallaab
m.l In yar oo lacag ah oo hoos laysugu dhiibo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farallaab
m. n., [compound] small gift ~ something slipped secretly into one's hand
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farallaab
-ka: (magac, lab, keli) eeg faralaab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
farallaab
de: small gift ~ s.t. slipped secretly into one's hand
lx: farallaab
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: farallaab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaqlays
-ka: (magac, lab, keli) eeg habaqlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadalhays
-ka: (magac, lab, keli) eeg hadalhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaalmaysi
m.l la-mid: kaalmaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaalmaysi
-ga: (magac, lab, keli) kaalmaysasho; gargaarsasho; taageersasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaalmayso
f.g3 (-stay, -satay) Wax kaalmo ka dhigasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaalmayso
f.g3 (-stay, -satay) Wax kaalmo ka dhigasho. m.f.dh, kaalmaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaalmayso
v.auto: get someone to help oneself; make use of someone ~ something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaalmayso
-kaalmaystay I kaalmaysatay: (v) use the help [assistance]; exploit (ekis-palooyt)-, capitalize (kapitalaayz) ~ kaasho, gargaarso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaalmayso
(fal) taakulayso; taageerso; gargaarso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaalmayso
de: get s.o. to help oneself; make use of s.o.~ s.t.
lx: kaalmayso
pd: (kaalmaystay)
ps: v3b=auto
key: kaalmayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maatilays
-ka: (magac, lab, keli) qof makasta iyo maatida ka xaanqaata oo laaya xeer ahaanna dadkaasi waa birimagaydo. Maati lays waa magacii ba'. Dh: uurdoox. Li: maatikoris
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaalays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg magaalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacamlays
-ka: (magac, lab, keli) eeg nacamlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaliyays
-ka: (magac, lab, keli) eeg qaaliyayn qaaliyaysan: (tilmaame) wax qaali ah oo qiimihiisa caadiga ah in ka badan la siinayo ah. Badeecad qaaliyaysan ayaa suuga taalla. Dh: qaaligaraysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabaalays
-ka: (magac, lab, keli) sabaalayn; sasabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagaalays
-ka: (magac, lab, keli) sagaal ka dhigis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taakulays
-ka: (magac, lab, keli) eeg taakulayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabaalays
m.l la-mid: tabaalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaalays
-ka: (magac, lab, keli) eeg tabaalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaalays
-ka: (magac, lab, keli) eeg walaalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xalaalays
m.l la-mid: xalaalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalaalays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xalaalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xifaalays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xifaalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirtaallays
-ka: (magac, lab, keli) eeg cirtaallayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faamallaydh
-ka: (magac, lab, keli) daldaloollo hawadu ka soo gasho guriga daarta ah oo daaqadaha ka korreeya; dariishadda yar ee aan badanaa la furin oo hawadu ka baxdo kana soo gasho oo ka korraysa daaqadaha waaweyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadqalalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhib iyo qas ku abuurid; fadqalallo ka dhexridid ama ku ridid. Dh: arbushid, qasid, fidnayn. Li: xasilin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halalaclays
-ka: (magac, lab, keli) si halalac ah u bidhdhaamid. Dh: halalaclayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangallaysi
-ga: (magac, lab, keli) kolba hal lug ah ku boodboodis. Hangallaysigu wuxu ka mid yahay waariga carruurta. Dh: hangoollaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangallayso
(fal) lug keli ah ku boodbood. Dh: hangoollayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
humbaallays
-ka: (magac, lab, keli) eeg humballayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
itifaallayn
-ta: (magac, dhedig, keli) faallo iyo wax ka sheegid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
allay
/alleey/allays, allaying, allayed; dejin qof xanaaqsanaa ama cabsanayey (yarayn). e.g. He tried to allay her fears.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
falls
/fals/ (n) biya-dhac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabays
-ka: (magac, lab, keli) eeg aabayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanays
-ka: (magac, lab, keli) eeg aanayn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
always
/oolweys/ (adv) had iyo jeer; mar kasta. e.g. I always go to the library.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
always
/oolweys/ (adv) mar kasty, mar welby. He is always late.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
always
ad., goor walba, kol walba, goor iyo galab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballay
(fal) cid kale la kulan. Inaan khayr balleeyaan, baqalka kuugu soo direy.
ballay: (fal) canug afartanbaxay gardaadi; ilmo yar tunka ku qaad oo la warwareeg, iyada oo la rajaynayo in uu intaada wanaagsan yeesho. Ballay wiilka oo la boodbood. Dh: ballee.
ballay -ga: (magac, lab, keli) meel godan oo biyo fadhiistaan. Waa meel biyaha laga cabbo ama xoolaha loo aroorsho. Lo'da ballayga u aroori. Dh: war, har, gal, dhijaan, balli, galsho, jidhaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
callay
(fal) alaab isduldhigdhig oo si wanaagsan u rasee. Dh: callee, rasee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dallay
-ga: (magac, lab, keli) ardaaga qoryaha lagu soo meersho; daarad aqal oo shirib ka samaysan. Dh: bersed, sarab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faalal
(Faalal-ka)
1. (geedo, kd.) iyadoo aan kor loo dheeraan ee dhulka korkiisa ama wax kale korkood, lagu ballaarto sida qaraha.
2. Agagaar; arar.
3. Manjabbaxsi.