faakihaysi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faakihaysi
m.l la-mid: faakihaysasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faakihaysi
-ga: (n) leisure (liishar); no hurrying; taking one's time
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faakihaysi
-ga: (magac, lab, keli) nafaxaad iyo raaxaysi; waqtiga nafta la raalli gelinayo; raaxaysi iyo baashaalid. Dh: raaxaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faakihayso
f.mg3 (-stay, -satay) Raaxo waqti isku dhaafin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faakihayso
f.mg3 (-stay, -satay) Raaxo waqti isku dhaafin. m.f.dh, faakihaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faakihayso
v. have a good time, enjoy oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faakihayso
(fal) raaxayso oo tamashlee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faakihayso
de: have a good time, enjoy oneself
lx: faakihayso
pd: (faakihastay)
ps: v3b=intr
key: faakihayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faakihaysad
m.l la-mid: faakihaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faakihaysad
-ka: (magac, lab, keli) raaxo iyo dhered daraaddood, iska tamashlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faa'idaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg faa'ideysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faajafajoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Qof ladan oo waxan muhim ahayn lacag badan ku kharajgarayn, xarrago ama faakihaysi dartii.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faajafajoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Qof ladan oo waxan muhim ahayn lacag badan ku kharajgarayn, xarrago ama faakihaysi dartii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faa'iidaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg faa'idaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faa'idays
-ka: (magac, lab, keli) eeg faa'ideyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faakihaad
-da: (magac, dhedig, keli) waxyaabo lagu raaxaysto lagase maarmi karo. Dh: baashaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaadihays
(Kaadihays-ta)
Kolay xuub adag ah oo sida mergiga u kala jiidma oo dadka iyo nafley badani lee yihiin; kaadida kelyaha ka timaadda baa ku ururta, oo dabadeed kolkay hadba badato, xagga dibadda uga baxda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaadihays
m.dh (-syo, m.dh) Xuub adag oo kaadidu ku keydsanto inta aaney ka iman nafleyda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaadihays
m.dh (-syo, m.dh) Xuub adag oo kaadidu ku keydsanto inta aaney ka iman nafleyda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaadihays
f. n. bladder
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaadihays
-ta: (n) bladder (balaa-dher) kaadi hays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaadihays
-ta: (magac, dhedig, keli) halka ay kaadidu ku ururto inta aanay jidhka ka soo bixin; kiish ay ku ururto kaadidu oo xididdada kaadimareenka ee kelyaha ka yimaaddaa kaadida ku soo shubaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaadihays
de: bladder
lx: kaadihays
pd: (-ta)
ps: n1-f, n2a-f
key: kaadihays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aakhiraysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg aakhiraysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faa'idayso
(fal) waxtarso oo macaash hel; naftaada faa'ido u soo kordhi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faa'ideysi
m.l la-mid: faa'iideysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faadumaysi
-ga: (magac, lab, keli) duco iyo sitaad ay dumarka uurka lihi samaystaan kolka ay dhalmada u dhowaadaan. Faadumaysi baa ka jiray shalay xaafadda. Dh: xaawiyofaadumo, duco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faarumaysi
(Faarumaysi-ga)
(geel) kolka geela loo godlo oo la doonayo in la liso, oo hashu labada lugood dib ula baxdo, oo lisid isu golaadiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faarumaysi
m.l la-mid: faarumaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faarumaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg faarumaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faataxaysi
m.l la-mid: faataxaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faataxaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg faataxaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farakuhays
m.l la-mid: farakuhayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farakuhays
-ka: (magac, lab, keli) eeg farakuhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faakihaysasho
m.f.dh eeg faakihayso. la-mid: faakihaysad, faakihaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faakihaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) raaxo iyo dhereg daraaddood, tamashlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadiyaysni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg baadiyaystaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faa'idaysad
-ka: (magac, lab, keli) wax aanad hore u hayn, soo biirso oo faa'ideyso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faa'iidayso
(fal) waxtra iyo faa'iodo yeelo oo dantaada daryeel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faa'iideysi
m.l la-mid: faa'iideysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faadhumaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg faadhumaysad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
farakwaansi
-ga: (n) frequency (firikwansi)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farayaraysi
m.l la-mid: farayaraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farayaraysi
-ga: (magac, lab, keli) farsamo aad u heer sarraysa wax u samayn ama u qurxin; si farshaxanimo ku jirto ugu nuux nuuxsado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaacidaysi
-ga: (magac, lab, keli) wax loo ictiqaadiyo in hoodo laga helo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aalaysi
-ga: (magac, lab, keli) beer aala ka gurasho; aale ka cuunid. Dh: quwaaxaysi, eeleysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aanaysi
(Aanaysi-ga)
Godob u raadsi; xigtaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aanaysi
m.l 1. Godob u raadsi. 2. Xigtaysi. la-mid: aanaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aanaysi
vl. n. blame, act of blaming, holding someone responsible
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanaysi
-ga: (magac, lab, keli) eegaargudasho ku salaysan godob horay loo geystay. Dh: aanaysad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aanaysi
de: blame, act of blaming, holding s.o. responsible
lx: aanaysi
pd: (-ga)
ps: vn7-m
key: aanaysi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aawaysi
-ga: (magac, lab, keli) cid ama wax la garabsado oo gargaar laga dhigto. Is aawaysiga ayaa horumar laagu gaadhaa. Dh: taageersi, kaalmaysi gargaarsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Adkaysi
(Adkaysi-ga)
Hawl, dhibaato, xanuun, dhabar-adayg u lahaansho; dulqaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adkaysi
adkaysi¹: m.l 1. Dhibaato hawl, xanuun, dhabar'adayg u lahaansho; dulqaad. 2. la-mid: adkaysasho.
adkaysi²: m.l (daawo) Awoodda difaaca jirka: waa cabbir adkeysanka jirka uu cudurrada u yeelan karo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
adkaysi
adkaysi¹: m.l 1. Dhibaato hawl, xanuun, dhabar'adayg u lahaansho; dulqaad. Tusaale: Afeef hore lahaw ama adkaysi dambe. 2. la-mid: adkaysasho.
adkaysi²: m.l (daaw.) Awoodda difaaca jirka: waa cabbir adkeysanka jirka uu cudurrada u yeelan karo.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
adkaysi
endurance
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
adkaysi
vl. n. endurance, patience, tolerance
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
adkaysi
-adkaystay / adkaysatay: (v) endure (indhuur); resist (risiizt); endure something with tolerance and patience.
ku adkayso - adkastay / adkaysatay: (v) persist (persiist); insist (insiisf); refuse to yield. Ex: waxuu ku adkaystay inuusan arag; he insisted, that he had not seen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adkaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg adkaysasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
adkaysi
de: endurance, patience, tolerance
lx: adkaysi
pd: (-ga)
ps: vn7-m
key: adkaysi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afhaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg afhaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bahaysi
m.l la-mid: bahaysasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bahaysi
-ga: (n) 1. a connection based on motherly kinship. 2. alliance (a leey ansi)~ isbahaysi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg bahaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Facaysi
(Facaysi-ga)
Facaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
facaysi
m.l la-mid: facaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
facaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg facaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fanaysi
m.l la-mid: fanayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fanaysi
-ga: (magac, lab, keli) dhugdhugleyda, gammaanka iyo wixii la mid ah, xagga danbe fadhiisad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Filaysi
(Filaysi-ga)
Filaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filaysi
m.l la-mid: facaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg filaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jahaysi
m.l la-mid: jahaysasho.

jihaysi
m.l la-mid: jahaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jihaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg jihaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maahays
-ka: (magac, lab, keli) qof aan garaad badan lahayn oo wuxuu sameeyaana inta badan wax ka soo qaad lahayn. Maahayska ninmankii nii malmalay muranku waa ceebe. Dh: maangaab.
maahays -ka: (magac, lab, keli) inta tamarta yar ee in loo naxo oo la dhawro mudan. Xilliga dagaallada mahayska iyo rayadka lama laayo. Dh: maati, maxas.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taakays
-ka: (magac, lab, keli) eeg taakayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaddaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg aaddaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baasaysi
m.l la-mid: baasaysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baasaysi
m.l Wax shar leh aaminid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baasaysi
- ga: (n) pessimism (pese miizem); a negative approach ~ baase-ha
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baasaysi
-ga: (magac, lab, keli) rumayn la rumeeyo in shay uu mar walba xumaan horseed u yahay. Baasaysiga qambaarku waa xujo aan daliil loo hayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baashays
-ka: (magac, lab, keli) eeg baashayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baayaysi
-ga: (magac, lab, keli) hadal naxariis iyo ka naxsasho ku lammaan tahay oo gabdhaha lagu sabo kana dhigan 'walaal'. Dh: beerlaxawsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badhaysi
m.l Wax tiradooda aad u badantahay qiimahooduna yaryahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
badhaysi
m.l Wax tiradooda aad u badantahay qiimahooduna yaryahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaysi
-ga: (magac, lab, keli) wax meel kasta yaalla oo uu iibkiisu aad u riqiisay ama xoog u jabay. Badhaysiga jaadka, miyaan mijin boobay! Dh: badhayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caadaysi
m.l la-mid: caadaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caadaysi
vl. n. habit, custom
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caadaysi
-ga: (n) getting used to; accustoming [oneself to] ~ u barasho. Ex: caadaysiga hawada qabawga ah; getting used to the cold weather
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caadaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg caadaysad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caadaysi
de: habit, custom
lx: caadaysi
pd: (-ga)
ps: vn2-m
key: caadaysi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faa'iday
(fal) waxtar yeelo oo faa'ido soo kordhi; shaqo aad haysay, faa'iido ka soo saar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faallays
-ka: (magac, lab, keli) eeg faallayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fahmaysi
m.l la-mid: fahmaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falakays
-ka: (magac, lab, keli) eeg falakayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaafaysi
-ga: (magac, lab, keli) hawl iska nanasin. Gaadhka ciidanku waa gaafaysi. Dh: wareegto, jilaysi, moogtan, meerto, kaayaysi, kaalaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gashaysi
-ga: (magac, lab, keli) biyo, dhoobo ka miirasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaayaysi
-ga: (magac, lab, keli) hawl, ruux ba maalin qabasho; xoolo, nin ba maalin jirid. Dh: kaltan, kal, kaaye, kaalmaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laaktays
m.l Insaym uu soo dhiijiyo mindhicirka yari, kaas oo kalkaaliya falgalka biyood ee maltows uu isugu beddelayo laba molikiyuul oo gulukows ah.