faafreebe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faafreebe
-ha: (magac, lab, keli) qofka faafreebka ka shaqeeya. Dh: kormeere.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faafreeb
m.l Guddiga baara filimada, jaraa'idka, buugaagta iyo riwaayadaha inta aan loo bandhigin dadweynaha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faafreeb
m. n. censorship, preventing news from spreading
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faafreeb
-ka: (n) censorship (sen ser shiip)
faafreeb: -ay/tay: (v) censor (sen ser)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faafreeb
-ka: (magac, lab, keli) dib u eegidda iyo gacan marinta qoraallada ama barnaamijyada la faafinayo, si waxii dhaqanka khilaafsan ama ammaanka wax u dhimaya, looga reebo. Wargeys walba wuxu leeyahay koox u xilsaaran faafreebka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faafreeb
de: censorship, preventing news from spreading
lx: faafreeb
nt: faafreeb (faafreebay) [v1=]
pd: (-ka)
ps: n0-m
key: faafreeb
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
faafreeb
رقابة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maareeye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Qof madax ka ah mashruuc weyn ama wakaalad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maareeye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Qof madax ka ah mashruuc weyn ama wakaalad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maareeye
m. n. manager, administrator, director, foreman, monitor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maareeye
-maareeyaha: (n) director (diraktar); manager (maanijar); controller (kon-taroler); leader (liidher)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maareeye
-ha: (magac, lab, keli) eeg maamule.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maareeye
de: manager, administrator, director, foreman, monitor
lx: maareeye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: maareeye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saanreeb
m.l (-byo, m.dh) 1. Cudur geela ku dhaca oo tabar-yaraan ku reeba. 2. S. ah: neef geel ah oo caato ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saanreeb
-ka: (magac, lab, keli) cudur geela ku dhaca oo tabaryaraan ku reeba.
saanreeb -ka: (magac, lab, keli) neef geel ah oo caato ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faalleeye
m. n. commentator
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faalleeye
de: commentator
lx: faalleeye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: faalleeye
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Afaaf webi
Estuary
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faradheere
(Faradheera-ha)
Geed xoolaha loo qodo oo ay ku dhacartaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faradheere
m.l Geed xididkiisa xoolaha loo qodo oo ay ku dhacarsadaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faradheere
m. n., [collective] plant species, used for grazing livestock
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faradheere
-ha: (magac, lab, keli) geed xoolaha loo qodo oo ay ku dhacartaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faradheere
de: plant sp., used for grazing livestock
lx: faradheere
pd: (/ha)
ps: n7-m-col
key: faradheere
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laga reebo
(conjunction) except (iksapt)-, excluding (ikiskuluuding)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raadreebid
m.dh Waxyaabaha loo keydiyo taariikh ahaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raadreebid
m.dh Waxyaabaha loo keydiyo taariikh ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raadreebid
-da: (magac, dhedig, keli) magac iyo taariikh reebid.
raadreebid -da: (magac, dhedig, keli) meel raad kaga tegid.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Fansaar eber
Function, zero
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ameebe
-ameebaha: (n) amoeba also ameba
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ameebe
-ha: (magac, lab, keli) dirxi caloosha noolaha ku dhasha oo lagu xanuunsado; jaad gooryaanka ka mid ah. Ameebe ayaad leedahay ayuu dhakhtarku igu yidhi. Dh: gooryaan, ameebo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Areebo
(Areeba-da)
Naag aan gaari ahayn; basari; goonbaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
areebo
m.dh (-ooyin, m.l) Naag karti xun oo aan nadiifin karin jirkeeda, gurigeeda iyo wixi lamida; basari; baali; arraajo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
areebo
m.dh (-ooyin, m.l) Naag karti xun oo aan nadiifin karin jirkeeda, gurigeeda iyo wixi lamida; basari; baali; arraajo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
areebo
f. n. bad wife; slovenly woman, slob
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
areebo
-areebada: (n) slattern (slaateriy an untidy, dirty woman ~ baali, basari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
areebo
-da: (magac, dhedig; keli) naag aan gaari ahayn. Dh: basari, goombaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
areebo
de: bad wife; slovenly woman, slob Opp: gaari
lx: areebo
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: arraajo, baali, basari
key: areebo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aseebe
(Aseeba-ha)
Kalluun weyn oo xoog badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aseebe
m.l Nooc kalluunka ka mid ah oo jurmi weyn iyo xoog badan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aseebe
m.l Nooc kalluunka ka mid ah oo jurmi weyn iyo xoog badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aseebe
n. fish species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aseebe
-ha: (magac, lab, keli) jaad kalluunka ka mid ah oo aad u xoog badan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aseebe
de: fish sp.
lx: aseebe
pd: (/ha)
ps: n -m
key: aseebe
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
freeze
/friiz/ (v) 1. barafoobid, fariisasho (n) 2. baraf ahaansho wax-fadhiya ahaansho.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
freeze
v.tr. and v.i., baraf ka dhig; cold freezes the water, gabadanadu biyaha baraf bay ka dhigtaa; water freezes, biyuhu baraf bay noqdaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haaree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Qof haar u yeelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haaree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Qof haar u yeelid. m.f.dh, haarayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haaree
v. make a scar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaree
(fal) cid kale, haar iyo nabar u yeel. Dh: haaray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haaree
de: make a scar
lx: haaree
pd: (haareeyey)
ps: v2b=
key: haaree
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaaree
(fal) biyo doon soo galay ka dhur. Jaaree doonta. Dh: dhur.
jaaree: (fal) ka dhig ollog oo isku dhawee. Jaaree reeraha ha is barteene.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kareeb
(Kareeb-ka)
Dharka dumarka qaarki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kareeb
m.l Dhar jilacsan, midab leh oo qurxan oo haweenku qaataan. la-mid: kirib.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kareeb
m. n. crepe, kind of woman's dress
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kareeb
-ka: (magac, lab, keli) dhar jilicsan oo midab leh oo qurxoon oo haweenku qaataan. Dh: kirib.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kareeb
de: crepe, kind of woman's dress {Eng}
lx: kareeb
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: kareeb
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maaree
f.g2 (-reeyay, -reysay) 1. Si farsama leh arrin u xallin. 2. Maar ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maaree
f.g2 (-reeyay, -reysay) 1. Si farsama leh arrin u xallin. 2. Maar ka dhigid. m.f.dh, maarayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maaree
v. organize, direct, guide (through difficulty ~ danger)
maaree v. rust, make rusty
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maaree
-yey / maareysay: (v) manage (maanij); handle (handhal); supervise (suuparvaayz)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naafee
f.g2 (-feeyay, -faysay) 1. Nafley naafo ka dhigid. 2. Xag dhaqaale, xoog iyo wixi lamida dhaawicid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naafee
f.g2 (-feeyay, -faysay) 1. Nafley naafo ka dhigid. 2. Xag dhaqaale, xoog iyo wixi lamida dhaawicid. m.f.dh, naafayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naafee
v. incapacitate, disable
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naafee
-yey/naafeysay: (v)) disable (dis eey-bal); lame (leeym); cripple (kiri-pal), especially impair physically; impair (im-peer); maim (meeym)curyaami
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naafee
(fal) laxaadka ka heer oo curyaami. Dh: curyaami, dhaawac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naafee
de: incapacitate, disable
lx: naafee
pd: (naafeeyey)
ps: v2b=tr
key: naafee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaafee
f.g2 (-feeyay, -faysay) la-mid: qaafi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaafee
(fal) is dhegoolee oo qof aan wax ba maqlayn iska dhig. Qaafee kolkaad dhegoole u sheekaynayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Nafley ul weyn ku garaacid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaaree
v. beat, cudgel
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaaree
-yey / qaareysay: (v) beat with a club or a bat ~ buree
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaaree
de: beat, cudgel
lx: qaaree
pd: (qaareeyey)
ps: v2b=
key: qaaree
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bareele
-bareelaha: (n) [bareelayaal /bareelayaasha] stretcher (istreejar)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bareere
magac loo baxsho wiil loo baryayo inuu noqdo mid dhiirran oo aan xaqa ka gabban ama gees marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dareeme
m.l (-mayaal, m.l/dh) 1. Xubnaha dareenka jirka mid ka mid ah. 2. Xididdada nafleyda ee isku xira xangullaha iyo maskaxda. 3. la-mid: dareemo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dareeme
m.l (-mayaal, m.l/dh) 1. Xubnaha dareenka jirka mid ka mid ah. 2. Xididdada nafleyda ee isku xira xangullaha iyo maskaxda. 3. la-mid: dareemo.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dareeme
Detector
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dareeme
m. n. sense, feeling; sensory organ; nerve
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dareeme
-dareemaha: (n) nerve (nerv)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dareeme
de: sense, feeling; sensory organ; nerve See also: dareemo
lx: dareeme
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: dareeme
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dareere
-ha: (magac, lab, keli) wax aan ahayn adke ama neef oo si xor ah u qulquli kara oo aan qaabna lahayn. Li: adke.
dareere-ha: (magac, lab, keli) saddexda nooc ee matarka mid ka mid ah oo u dhexeeya adkaha iyo neefta waana magaca ka dhexeeya hoorarka aan adkayn oo dhan. Biyuhu waa dareere danabgudbiye ah. Biyuhu waa hoor waana dareere. Hawadu waa neef waana dareere.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaceer
(fal) ku kibir nimco Eebbe ku siiyey. Dh: faaq. Li: shukri, xamdi, mahadnaq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faafiye
m. n. distributor, spreader
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faafiye
-faafiyaha: (n) one who distributes or spreads something: distributor (dis tri-buyuu ter)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faafiye
-ha: (magac, lab, keli) qof war ama wax kale baahiya ama fidiya. Dh: baahiye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faafiye
de: distributor, spreader
lx: faafiye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: faafiye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faajeer
m.l (-rro m.dh) Nin bakhayl ah oo aan xilkas ahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faajeer
-ka: (magac, lab, keli) qofka bakhaylka ama bartiyaqaanka ah oo aan dhayal wax ku bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faallee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Faallo wax ka bixin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faallee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Faallo wax ka bixin. m.f.dh, faallayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faallee
v. explain, expound, comment on
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faallee
-yey / faallaysay: (v) make a comment or remark
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faallee
(fal) ka sheekee oo ka xogwarran wax dhacay; war ama xog, wax ka sheeg ama sii balballaadhi. Dh: faalloo, falanqee, qorfee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faallee
de: explain, expound, comment on
lx: faallee
pd: (faalleeyey)
ps: v2b=tr
xe: Expound upon the Somali culture.
xv: Faallee dhaqanka Soomaalida.
key: faallee
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fareejo
-fareejada: (n) indicator (indhakeytar); blinker, signal light
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
freebie
/friibi/ freebee (n) bilaash (lacag-la'aan).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka reeb
v. prevent, prohibit
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_reeb
de: prevent, prohibit
lx: ka reeb
pd: (reebay)
ps: v1=expr
key: ka_reeb
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karreeb
(Karreeb-ta)
1. Geela dhalay oo ubadka laga reebo.
2.* Warqad la qora bayo, tan dheeriga ah oo laga reebo.