faaddirad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaddirad
m.dh Bil soon haweenay af-furan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaddir
m.l/dh (-riin, m.dh) Bil soon nin aan soonayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaddir
-ka: (magac, lab, keli) qofka aan soomanayn oo bisha soon dharaarteeda wax cuna. Faaddir lama noqdo haddaad cudurdaar haysan. Dh: soonlaawe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faajirad
m.dh Naag wax diinta xaaraantimaysay samaysa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faajirad
-da: (magac, dhedig, keli) naag denbi iye macsi badsata ama saaniyad ah. Dh: dhillo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caaddifad
m.dh la-mid: caaddifo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caaddifad
-da: (magac, dhedig, keli) xamaasad iyo kaljeclaysi, dhabta aad uga durugsan oo ruuxu siduu jecel yahay oo qudha ismoodsiiyo ama rumaysto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maaddiyad
m.dh (fals.) Fikrad falsafadeed oo aammisan in adduunka aan jirin wax aan maaddo ahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maaddiyad
f. n., [abstract] materialism
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maaddiyad
-da: (n) materialism (ma tiiriyaalisim); materiality (matiir-yaalati) ~ wax la taaban karo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaddiyad
-da: (magac, dhedig, keli) wixii maaddo ku saabsan. Xidhiidhka dadku inuu maaddiyad ku tiirsanaado ma fiicna.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maaddiyad
de: materialism
lx: maaddiyad
pd: (-da)
ps: n-f-abs
key: maaddiyad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faandigaad
-da: (magac, dhedig, keli) qalabaagaddiska iyo isku mulaaqidda alaab meel ku habaysan loo geysto. Dh: fatishaad, rogrogis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faadid
(Faadid-da)
(cunno, kd.) raagid iyo oollimaad darti la xumaansho; khaashid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faadid
m.f.dh eeg faad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faadid
-da: (magac, dhedig, keli) rogidda maro ama daah. Dh: feydid.
faadid-da: (magac, dhedig, keli) hurdo aan waxba la dareemin seexad; hurdo daal keenay la gam'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faadir
m.l (-riin, m.dh) la-mid: faaddir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faadir
-ka: (magac, lab, keli) qof aan soon xidhan ama afuray; qof aan soon u xidhnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faarad
(Faarad-da)
Qalab bir af lihi ku jirto oo alwaaxda iyo qoryaha lagu xaquuqo oo lagu simo; raando.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faarad
m.dh (-do, m.l) Qalab yar oo gacan buuxis ah oo dhexda ku leh xalleefato loo isticmaalo turxaanbixinta iyo sulux ka dhigidda alwaaxda; raando.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faarad
m.dh (-do, m.l) Qalab yar oo gacan buuxis ah oo dhexda ku leh xalleefato loo isticmaalo turxaanbixinta iyo sulux ka dhigidda alwaaxda; raando.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faarad
f. n. plane (carpenter's tool)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faarad
-da: (n) carpenter's plane; plane (paleeyn) ~ raandho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faarad
-da: (magac, dhedig, keli) qalab biro af badan ku jiraan oo siyaabo kala duwan u samaysan. Looxaanta iyo qoryaha ayaa lagu farsameeyaa. Dh: raando.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faarad
bw: Arabic
de: plane (carpenter's tool)
lx: faarad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: faarad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaddad
m.dh la-mid: baatad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faadhid
-da: (magac, dhedig, keli) ciid ama wax la mid ah qodid oo meel ka soo faqid. Dh: faarid.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Faadila
name-f victorious, virtuous, superior, honorable; abundance
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maaddad
m.dh la-mid: maaddo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maaddad
f. n. subject, matter, subject matter, academic discipline
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maaddad
a: maaddo (/da) [n6-f]
bw: Arabic
de: subject, matter, subject matter, academic discipline
lx: maaddad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: maaddad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaddir
-ka: (magac, lab, keli) magac magacyada Eebbe ka mid ah. Ilaahii Qaaddir ahaa ha u qaboojiyo iilka!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baadifad
(Baadifad-da, Baadifad-ka)
Qofka baadida hela oo qabta oo kii lahaa ku sima, waxa la siiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baadifad
m.l Hanti la siiyo qof baadi sheega ama keena. la-mid: baadifur.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baadifad
m.l Hanti la siiyo qof baadi sheega ama keena. la-mid: baadifur.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baadifad
m. n. finder of a lost animal ~ object; reward payment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadifad
-da: (magar, dhedig, kell) qofka baadida hela abaalgudka la siiyo. Dh: abaalmarin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baadifad
de: finder of a lost animal or object; reward payment Someone who claims supernatural power to find a lost animal or object for a fee
lx: baadifad
pd: (-ka ~ -da)
ps: n1-m/f
key: baadifad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baawirad
-da: (magac, dhedig, keli) jaad noocyada tawaariista ka mid ah oo labo ulood leh.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Faakhira
name-f excellent, magnificent, proud, outstanding
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faalikad
m.dh (-do, m.l) Jirrid geed weyn oo go'an oo dhismo loogu talaggalay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faalikad
-da: (magac, dhedig, keli) looxa weyn ee geedaha jirriddooda laga gooyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faddaray
(fal) eeg faddaadday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fadiilad
m.dh Wax dar Ilaah lo bixiyo; sadaqo. la-mid: fadiilo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadiilad
-da: (magac, dhedig, keli) sharaf iyo wanaag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faqiirad
m.dh Naag sabool ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faqiirad
-da: (magac, dhedig, keli) haweeney aan hanti ku filan haysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaddisad
m.l la-mid: geddisad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaddisad
-ka: (magac, lab, keli) alaabo ganacsi ah rogrogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaafirad
m.dh (-do, m.l) (dii.) Haweenay aan diinta Islaamka rumeysnayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaafirad
f. n. female infidel, nonbeliever
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaafirad
bw: Arabic
de: female infidel, nonbeliever
lx: kaafirad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: kaafirad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naakirad
(Naakirad-da)
Naashiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naakirad
m.dh (-do, m.l) Naag sharcigu caddeeyay in ay ninkeeda caasi ku noqotay oo aan nin kale guursan karin. la-mid: naakiro, naashiddo, naashiso, naashuusho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naakirad
m.dh (-do, m.l) Naag sharcigu caddeeyay in ay ninkeeda caasi ku noqotay oo aan nin kale guursan karin; naashiddo, naashiso, naashuusho.ld naakiro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naakirad
f. n. recalcitrant wife, woman separated from her husband
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naakirad
-da: (magac, dhedig, keli) naag ninkeeda aan u hoggaansamin oo dhib badan. Dh: naashiso. Li: raaliyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naakirad
de: recalcitrant wife, woman separated from her husband (not able to remarry in traditional law)
lx: naakirad
pd: (-da)
ps: n1-f
syn: naashiso, naashuusho
key: naakirad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaddiri
-ga: (magac, lab, keli) qof dariiqada qaaddiriyada haysta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaddiro
m.dh Caajis, daal iyo hurdo la'aan ka yimaada cunidda qaadka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaaddiro
m.dh Caajis, daal iyo hurdo la'aan ka yimaada cunidda qaadka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaaddiro
f. n., [compound] insomnia and fatigue caused by chewing khat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaaddiro
-qaaddirada: (n) hangover (hang-over); especially the hangover following the heavy use of Khat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaddiro
-da: (magac, dhedig, keli) lulo ka dhalata habeen ama in ka badan oo isku xigta oon la seexan. Nimay qaadiro hayso saan qallalani waa u furaash.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaaddiro
de: insomnia and fatigue caused by chewing khat
lx: qaaddiro
pd: (/da)
ps: n-f-cmp
key: qaaddiro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaddiyad
m.dh Dan iyo ujeeddo ay cid ama ummad leedahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaddiyad
m.dh Dan iyo ujeeddo ay cid ama ummad leedahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaddiyad
f. n. cause; case; aim, objective
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaddiyad
-da: (n) 1. situation (siju-weey-shin)-, circumstances (ser-kamis-tans). 2. aim (eeym); cause (kooz) principle (piriin 'si-paly issue (ishuu)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaddiyad
-da: (magac, dhedig, keli) arrin lafdhabar ah oo cidi u halganto. Qaddiyadda reer Falastiin waa xasaasi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaddiyad
bw: Arabic
de: cause; case; aim, objective
lx: qaddiyad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: qaddiyad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saaxirad
m.dh (-do, m.l) Naag sixirka taqaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saaxirad
f. n. female magician, witch
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saaxirad
-da: (n) witch (wij); sorceress (soor-saras); wise woman ~ sixiroolad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaxirad
-da: (magac, dhedig, keli) qof dumar ah oo sixirka taqaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saaxirad
de: female magician, witch
initial: s
lx: saaxirad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: saaxirad
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
taajirad
-da: (n) rich woman; wealthy woman
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaadirid
m.f.dh eeg xaadir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaadirid
-da: (magac, dhedig, keli) xaadir ahaan; u joogid. Dh: xaadiris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bandiirad
(Bandiirad-da)
Calan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bandiirad
m.dh (-do, m.l) Cad maro ah oo midabyo iyo qiyaas loo yaqaan leh oo astaan u ah qarannimada ummadeed; calan. la-mid: bandiiro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bandiirad
m.dh (-do, m.l) Cad maro ah oo midabyo iyo qiyaas loo yaqaan leh oo astaan u ah qarannimada ummadeed; calan. la-mid: bandiiro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bandiirad
f. n. flag, banner
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bandiirad
-da: (n) flag (falaag) calan. Ex: bandiiradda qaranka; the national flag
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bandiirad
-da: (magac, dhedig, keli) maro astaan u ah waddan. Dh: calan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bandiirad
de: flag, banner
lx: bandiirad
pd: (-da)
ps: n1-f
syn: calan {It}
key: bandiirad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daaltirad
(Daaltirad-ka)
Daaltirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaltirad
m.l la-mid: daaltirasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaltirad
-ka: (magac, lab, keli) eeg daalgoosi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faakharad
m.dh Dabayl ka dhacda xeebaha badweynta Hindiya xilliga dayrta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faakharad
-da: (magac, dhedig, keli) jaad dabaysha ka mid ah oo isbedbeddala.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faandigid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg faandigaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faqdiiran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) 1. Wax cararaya meel fog ka sii muuqasho. 2. Qof, qof kale oo hawl haya isagoo dul taagan kuurid. la-mid: fakiiran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaddicid
m.f.dh eeg qaaddac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaddicid
-da: (magac, dhedig, keli) diidid oo arrin socda si qayaxan uga hor imasho. Xisbiyada mucaaradku waxay ku heshiiyeen qaaddicidda doorashada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raadbarad
-ka: (magac, lab, kel) ilmo socodiu baranaya. Raadbarad kuftini wax ma yeesho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saadiraad
-ka: (magac, lab, keli) waxyaalaha dibbada loo dhoofiyo oo inta wadanka laga qaado dalalka shisheeye lagu soo gado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baryaddilad
m.l la-mid: baryadilasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaddirnimo
m.dh Faaddir ahaansho.