f
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
F
(Fa')
Xarafka lixaad oo Alifka Soomaalida. Waa shibbane.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
f
m.dh (fa') Xarafka lixaad ee xuruufta afka Soomaaliga, waana shibbane.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
f
(fa') m.dh Xarafka saddex iyo tobnaad ee xuruufta afka Soomaaliga, waa shibbane.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
F
/ef/ (abbr) fahrenheit oo la soo gaabiyey (heer-kulbeegga kulka).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
f
-da: (n) the sixth [6th ] letter of the Somali alphabet, according to the style adopted by this dictionary, it is consonant, shibbane
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
f
(fa'): xarafka lixaad ee xarfaha Af-Soomaaliga oo ah shibbane u qorma: F, f. F.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aabbur
(Aabbur-ka)
Weel afka ka awda; dabool; fur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aabburan
Aabur la saaray; la daboolay; furaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aabburid
(Aabburid-da)
Weel dabool saarid; daboolid; furayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aagaan
1. (Aagaan-ka) Furka aagaamaha iyo haamaha lagu daboolo.
2. (Aagaan-ta) Haan yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aayatiin
(Aayatiin-ka)
Waxtar aan durba dhalane, waa danbe, oo iyadana loo baahan yahay, la filana hayo oo loogu talaggalo; waxtar raaga; cirib-danbeed; meecaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaaldhac
(Abaaldhac-a)
Abaal laysu falay been iyo asaraar ku gudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaalhayn
(Abaalhayn-ta)
Samaan laysu falay, mahad iyo xusuus wanaagsan u hayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abooto
(Aboota-da)
1. Hooyada hooyadeed ama aabbaha hooyadii; Mocooyo; Ayeeyo.
2. Fil weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abqo
(Abqa-da)
Quraca iyo maraaga iyo geedaha la mid ah mirohooda (iniino badan oo yaryar oo ku gudajira galal dheerdheer oo laba qalbac ah oo kolkay engegaan furma); geydhe; mergiyaale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abuur
1. (Abuur-ka) a) Wax aan hor u jirin uumis; alkun. b) Geed ubxa haya, docda uu lafta ama iniinta ku lee yahay, oo kolkii la beero korta oo geed hor leh oo cusub noqota; laf ama iniin ama cad kasta oo geed hor leh noqon karta; firi. c) Hawsha la qabto kolka beerta abuurka lagu rida hayo.
2. (Abuur-ta) Sida loo uumay (farsamo, hab, qaab); baxaalli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Addeecid
(Addeecid-da)
Wax la is faray yeelid, u hoggaansamid, okobbanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afaaf
(Afaaf-ka)
Meel furan (xero, derbi, aqal), oo laga galo ama laga baxo; illin; kadin; irrid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afargees
(Afargees-ka, Afargees-ta)
Muug fidsan oo leh afargees oo toosan iyo afar dhinac oo is wada dherer le'eg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afarsuulle
(Afarsuulla-ha)
Muruq afar suul ama afar madax leh, siiba muruqa weyn oo ku yaal bowdada docdeeda kore, oo kolka uu isku soo rooro lugtu kala baxdo oo fidsanto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afgaab
(Afgaab-ka)
Cudur sida furuqa oogada nabarro biyo leh ka soo yaaciya; furuqbiyoole.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aftahmo
(Aftahma-da)
Qof si fudud ugu hadla ama u qora, hadal qurux badan oo dadka aad u saameeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afti
(Afti-da)
1. Arrin ama qaanuun, in la oggolaado ama la diido darteed, dadweynaha ama tolka loo bandhigo.
2. Farriin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ag
(Ag-ta)
Meel ku dhow ama u dhow; aan ka fogeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Agagaar
(Agagaar-ka)
Hareeraha aan fogfogeyn; dhinacyada; (ama agaggaar).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ajenda
* (Ajenda-da, Ajenda-ha)
1. Xusuusqor.
2. Arrimaha fadhi lagaga hadlayo oo si taxan u qoran.