ergeyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ergeyn
(Ergeyn-ta)
Ergo ahaan ugu tegid; ergo u dirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ergeyn
m.f.dh eeg ergee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ergeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) ergo ahaan qof cid kale ugu dirid; qolo farriin gaar ah u gee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xergeyn
(Xergeyn-ta)
Xoolo meesha lagu xerrinayo geyn, u kaxayn, ku hayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xergeyn
m.f.dh eeg xergee. la-mid: xerrin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xergeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo meel lagu xerriyo u rarid oo geyn. Dh: xergeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ergey
(Ergey-ga)
Qof farriin ama war ama arrin gaar ah loo dhiibto oo tol, qolo, dad kale u geeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ergey
m.l (-go, m.dh) 1. Qof farriin, war ama arrin gaar ah loo dhiibo oo tol, qolo ama dawlad gaarsiiya. 2. Qof loo doortay inuu dal kale wakiil uga noqdo wadankiisa. Tusaale: “Saalax waa ergeyga Soomaaliya u jooga jimciyadda quruumaha ka dhexeysa”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ergey
m.l (-go, m.dh) 1. Qof farriin, war ama arrin gaar ah loo dhiibo oo tol, qolo ama dawlad gaarsiiya. 2. Qof loo doortay inuu dal kale wakiil uga noqdo wadankiisa. Tusaale: Saalax waa ergeyga Soomaaliya u jooga jimciyadda quruumaha ka dhexeysa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ergey
f. n. envoy, representative, delegate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ergey
-ga: (n) envoy (en vooy); delegate (del e gaayt); emissary (emas seri)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ergey
(fal) qof ergo ahaan cid kale ugu dir; qof cid kale farriin ugu dhiib. Dh: ergee, ergi, ergay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ergey
de: envoy, representative, delegate
lx: ergey
pd: (-ga Pl: ergo)
ps: n2-f, n1-f
key: ergey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ergayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ergo ahaan qof cid kale ugu dirid; qolo farriin gaar ah u gee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ergeys
-ka: (magac, lab, keli) ergo ahaan qof cid kale ugu dirid; qolo farriin gaar ah u gee. Dh: ergeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Orgeyn
(Orgeyn-ta)
(xoolo) Kudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
orgeyn
m.f.dh eeg orgee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
orgeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) ri'yo kudid, ri'yo saarasho. Orgi keli ah ayaa orgeynta riyaha oo dhan ku filan. Dh:rimin.
orgeyn-ta: (magac, dhedig, keli) orgeynta lafteeda. Dh: orgays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gargelyo
(Gargelya-da)
Qolo arrin adagi ku xiran tahay, diraal ama ergo loo diro oo la soo hadla, si heshiis loo gaaro; ergeyn; gelliimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gelliimid
(Gelliimid-da)
Cid u ergeyn si heshiis loo helo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galliimid
-da: (magac, dhedig, keli) cid u ergeyn si nabad iyo xasillooni loo helo. Dh: gelliimid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gargelyo
-da: (magac, dhedig, keli) raalligelinta cid lagu gardarrooday ama diraal ama ergo loo diro oo la soo hadla, si heshiis loo gaadho. Dh: ergeyn, gelliimid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gargelyood
-ka: (magac, lab, keli) ergo dirid si heshiis loo gaadho. Dh: ergeyn, gelliimid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gelliimid
-da: (magac, dhedig, keli) cid wax tabanaysa, u ergeyn si heshiis loo helo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
négligeable
négligeable, adj. - U ergeyn; waanwaan iyo heshiis kala faalootid wada xaajood.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
négocier
négocier, v. - U ergeyn; Waanwaan iyo heshiis kala faalootid wada xaajood; la macaamilid; ula macaamilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ergeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Wax la oggoladay ahaansho (farriin, arrin iyo wixi lamida). 2. Wax ergo loo dhiibto ahaansho (farriin, arrin iyo wixi lamida).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ergeysan
(tilmaame) qof farriin ama arrin, cid kale ka sida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ergeyso
f.mg3 (-stay, -satay) Ergey dirasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ergeyso
f.mg3 (-stay, -satay) Ergey dirasho. m.f.dh, ergeysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ergeyso
(fal) qof ergey ka dhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gerweyn
m.dh la-mid: garweyn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geygeyn
-ka: (magac, lab, keli) baro uskag ah ama dufan. Haddii marada geyngeyn ku dhaco waa gunimo weyne. Dh: gaashgaash.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wargeyn
m.f.dh eeg wargee. la-mid: wargeys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wargeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) war qaadid oo cid kale u tebin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xergeys
-ta: (magac, dhedig, keli) meel daaq iyo biyo leh u rarid. Dh: xergeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Erey
(Erey-ga)
(hadal) dhawaaq ama dhawaaqyo ulajeeddo leh; kelmed; (ama eray).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
erey
m.l (-yo, m.dh) 1. Dhawaaq kasta oo weer ka mid ah oo macne lagu garto gudbiya; kelmed. 2. Muran aan loo bogin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
erey
m.l (-yo, m.dh) 1. Dhawaaq kasta oo weer ka mid ah oo macne lagu garto gudbiya; kelmed. 2. Muran aan loo bogin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
erey
m. n. word
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
erey
-ga: (n) word (woordh); see [eeg] eray2 kalmad, eray
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
erey
-ga: (magac, lab, keli) eeg eray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
erey
de: word
lx: erey
pd: (-ga)
ps: n2-m
syn: kelmed
key: erey
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geyn
(Geyn-ta)
Wax meel ka qaadid oo meel kale dhigid, gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geyn
m.f.dh eeg gee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geyn
vl. n. transporting, conveying
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
geyn
-ta: (n) the act of transporting or carrying
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel ka kaxayn ama ka qaadid oo meel kale gaadhsiin. Oodi jiidis iyo qaadis waa isla guri geyn. Dh: gayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geyn
de: transporting, conveying Alt sp: gayn ~ geeyn
lx: geyn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: geyn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ekeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) (la ~) xadhig iyo wax la mid ah ku joojin. Dh: ekayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ergan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la ergay ahaansho (xoolo, alaab iyo wixi lamida).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ergay
(fal) qof ergo ahaan cid kale ugu dir; qof cid kale farriin ugu dhiib. Dh: ergee, ergi.
ergay-ga: (magac, lab, keli) qof farriin ama war gaar ah loo dhiibo oo qolo kale u geeya; qof farriin cid gaar ah u geeya. Dh: ergey. Wa: ergo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ergee
f.g/mg2 (-geeyay, -geysay) Farriin, war iyo wixi lamida tol, qolo dawlad iyo wixi lamida u qaadid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ergee
f.g/mg2 (-geeyay, -geysay) Farriin, war iyo wixi lamida tol, qolo dawlad iyo wixi lamida u qaadid. m.f.dh, ergayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ergee
v. send an envoy; go as envoy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ergee
-yey ergaysay: (v) authorize and send another person as one's representative
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ergee
(fal) qof, cid kale, ergo ahaan ugu dir; qof, cid kale farriin ugu dhiib. Dh: ergay, ergi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ergee
de: send an envoy; go as envoy
lx: ergee
pd: (ergeeyey)
ps: v2b=
key: ergee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ergin
m.f.dh eeg ergi. la-mid: ergis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ergin
-ta: (magac, dhedig, keli) shey ama wax qof u dhiibid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ergedi
v. give a borrowed item to someone to use, lend ; take ~ use something in trust
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ergedi
de: give a borrowed item to s.o. to use, lend; take ~ use s.t. in trust
lx: ergedi
pd: (ergediyey)
ps: v2a=
syn: amaano
key: ergedi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
figeyn
m.f.dh eeg figee. la-mid: figeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fogeyn
(Fogeyn-ta)
1. Meel durugsan geyn, u dhigid; meel shishe geyn.
2. Shisheeye ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fogeyn
m.f.dh eeg fogee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fogeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel durugsan geyn, u dhigid; meel shilshe geyn; fogeys.
fogeyn-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, faquuqid oo takoorid. Dh: fogeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hogeyn
(Hogeyn-ta)
Hilib ama cunno kale, hog ku dubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hogeyn
m.f.dh eeg hogee. la-mid: hogeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irbeyn
m.f.dh eeg irbee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jugeyn
(Jugeyn-ta)
Jug gaarsiin; nabarro badan oo jug ah, ku dhufasho; garaacis; tumis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jugeyn
m.f.dh eeg jugee. la-mid: jugeys, jukeyn, jukeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lugeyn
m.f.dh eeg lugee. la-mid: lugeys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
orgeys
-ka: (magac, lab, keli) eeg orgeyn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
u geyn
-ta: (n) delivery (di-li-veri)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xergey
(fal) meel daaq iyo biyo leh u rar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ergeysiin
m.f.dh eeg ergeysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ergeysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, ergo ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sergedayn
m.dh la-mid: sargadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sergedayn
-ta: (magac, dhedig, keli) serged la dhicid; sargadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceelgeyn
m.f.dh eeg ceelgee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceelgeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo biyo la doonasho; aroorin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
derejeyn
m.dh la-mid: darajayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
derejeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) marka qof lagu abaalmarinayo wanaag uu sameeyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ergeysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Wax ergo ahaan cid u siin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ergeysii
v.caus: make someone an envoy; send an envoy; accept proposals ~ offers made by a delegation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ergeysii
(fal) qof ergo ka dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ergeysii
de: make s.o. an envoy; send an envoy; accept proposals ~ offers made by a delegation
lx: ergeysii
pd: (ergeysiiyey)
ps: v2a=caus
key: ergeysii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geyngeyn
(Geyngeyn-ka)
Baro uskag ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geyngeyn
m.l.u 1. Midab lo'da iyo riyaha oo ah midabbo badan oo isku dhafan, meel loo raacana aan lahayn. 2. Baro uskag ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geyngeyn
m. n., [collective] dirt, mess
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geyngeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) baro uskag ama dufan ah yeelasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geyngeyn
cf: uskag
de: dirt, mess
lx: geyngeyn
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: geyngeyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heeryeyn
(Heeryeyn-ta)
Heeryo korka ka saarid; reeryeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heeryeyn
m.f.dh eeg heeryee. la-mid: reeryeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heeryeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) heeryo kor ka saarid. Dh: reeryeyn, heeryeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hergelin
m.dh la-mid: hargelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murugeyn
m.f.dh eeg murugee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Orgeysan
(xoolo) Kudaal u baahan; abasax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
orgeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Ri' wax orgi u baahan ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
orgeysan
der. [adjective] ready for mating, (goat) in heat