engejiso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
engejiso
(fal) wax hore u qoyanaa, adigu qallajiso. Dharka wadh oo engejiso. Dh: qallajiso. Li: qoyso.
engejiso -da: (magac, dhedig, keli) aalad waxa qoyan in ay qallajiso loogu talo galay. Qasaaladu Engejiso ayay wadataa. Dh: qallajiso. Li: qoyso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
engejis
m.l la-mid: engejin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
engejis
-ka: (magac, lab, keli) eeg engejin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qallajiso
(fal) wax qoyan engejiso. Qallajiso dharkaaga.
qallajiso -da: (magac, dhedig, keli) eeg qallajis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
engejisad
-ka: (magac, lab, keli) qallajisadka wax hore u qoyanaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
engeji
f.g2 (-iyay, -isay) Wax qoyaan ka qalajin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
engeji
f.g2 (-iyay, -isay) Wax qoyaan ka qalajin. m.f.dh, engejin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
engeji
v. dry something (out)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
engeji
-yey / say: (v) dehydrate; make dry; remove the moisture from
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
engeji
(fal) wax qallalan ka dhig. Dharka maydh oo haddana engeji. Dh: qallaji. Li: qoo. engejin -ta: (magac, dhedig, keli) wax gallalan ka dhigid. Hababka kalluunka lagu cuna waxa ka mid ah engejinta. Dh: qallajin, qallalin. Li: qoyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
engeji
de: dry s.t. (out)
lx: engeji
pd: (engejiyey)
ps: v2a=tr
key: engeji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
engegso
f.mg3 (-saday, -satay) Wax qoyan qalalsasho (cid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Engejin
(Engejin-ta)
Qallayl ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
engejin
m.f.dh eeg engeji. la-mid: engejis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
engejin
-ta: (n) the act of drying
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
engejiye
-ha: (magac, lab, keli) qalab waxa qoyan lagu qallajiyo ama lagu engejiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
engejisasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg engejisad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nejis
(Nejis-ka)
1. Najaaso ku taal.
2. Najaaso fala; wax xun aan iska dhawrin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nejis
m.l la-mid: najaas¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nejis
m. n. impurity, impure thing; shameless (person)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nejis
-ka: (n) nasty or indecent person ~ nijaas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nejis
(tilmaame) wax xun oo uskag ah. Dh: nijis.
nejis -ka: (magac, lab, keli) qof akhlaaq xun. Nejiska lalama saaxiibo. Dh: nijaas.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nejis
bw: Arabic
cf: najaaso
de: impurity, impure thing; shameless (person)
lx: nejis
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: nejis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ergiso
f.g3 (-stay, -satay) Xoolo alaab iyo wixi lamida ereg u dhiibasho ama u qaadasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ergiso
v. borrow something temporarily, take in trust
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ergiso
-ha: (magac, lab, keli) neef xoolo ah ama wax kale, oo cid kale loogu dhiibo inay manaafacaadsato. Dh: ereg.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ergiso
de: borrow s.t. temporarily, take in trust
lx: ergiso
pd: (ergistay)
ps: v3b=tr
key: ergiso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xejiso
(fal) qabso oo ku dheg oo ha sii dayn. Xejiso gaadhiga. Dh: xajiso,hayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Engegid
(Engegid-da)
Qoyaan ka bi'id; qallalid; kafafid; kawrixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
engegid
m.f.dh eeg engeg².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
engegid
-da: (magac, dhedig, keli) wax hore u qoyanaa, qallalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
engegsi
m.l la-mid: engegsasho.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
English
a., Ingiriis, -ki; an Englishman, nin Ingiriis ah; English language, af-Ingiriis.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
engrais
engrais, n.m.pl. - digo; saalada xoolaha; barwaaqeeye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ergeyso
f.mg3 (-stay, -satay) Ergey dirasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ergeyso
f.mg3 (-stay, -satay) Ergey dirasho. m.f.dh, ergeysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ergeyso
(fal) qof ergey ka dhigo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
edgewise
/edjiways/ edgeways; (adv) 1. darafka (dhanka geeska ah) (phr) 2. get a word in edgewise (fursad hadal u helid iyadoo qof kale hadlayo). e.g. I could not get a word in edgewise.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
ennésimo
agg. - dhowr jeer (badan).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
indeciso
agg. - shakisan, aan go'aan gaarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
engegsasho
m.f.dh eeg engegso. la-mid: engegsad, engegsi.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
evangelist
/ivaanjalist/ (n) baadari wareega oo wax-wacdiya.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
centésimo
agg. - boqolaad; santi.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
endémisme
endémisme, n.m. - u gaar ahaaneed (cudur).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
entremise
entremise, n.f. - soo dhexgal arrimeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mingeliyo
m.dh la-mid: mingelyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wareejiso
(fal) melmelo oo xagaaga u jeedi. Kursiga wareejiso.
wareejiso: (fal) xil, alaab ama wax kale oo ay cid kali kaa hayso la wareeg oo qaado.
wareejiso: (fal) gabadh ad guursatay aqal geyso oo aqalkii ehelkeeda ka kaxayso. Gabadha wareejiso inta aanay aqalkooda ku umulin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xerageddiso
f.mg3 (-stay, -satay) Guri u dhow u guurid (cid).