engegid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Engegid
(Engegid-da)
Qoyaan ka bi'id; qallalid; kafafid; kawrixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
engegid
m.f.dh eeg engeg².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
engegid
-da: (magac, dhedig, keli) wax hore u qoyanaa, qallalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurid
(Gurid-da)
1. Alaab ama wax kale oo badan oo meel ku sugan, midba mar qaadid, oo meel kale geyn.
2. Miro geed saaran soo jarid.
3. Neef irmaanaa, caanihii ka dhammaansho; galoofoobid.
4. (ceel, kd.) biyihii ka dhammaansho, engegid, go'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kafafid
(Kafafid-da)
(wax qoyan) wax yar engegid; kawrixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qallalid
(Qallalid-da)
Wax qallalan noqosho; engegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jidiinqallal
jidiinqallal¹: m.l 1. Hunguriga oo oon dartii engega. 2. la-mid: jidiinqallalid.
jidiinqallal²: f.mg1 (-alay, -ashay) Hunguriga oon dartiis engegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kafaf
f.mg1 (-faf, -ftay) Wax qoyan in yar engegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawrax
kawrax¹: m.l Wax qoyan oo aan si aad ah u engegin.
kawrax²: f.mg1 (-xay, -xday; -rixi) In yar engegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qallal
qallal¹: m.l 1. Cudur maskaxeed nafleyda ku dhaca oo suuxdin iyo gariir keena. 2. Cudur nafleyda dhinac naafeeya; dabeyl. 3. la-mid: qallalid.
qallal²: f.mg1 (-alay, -ashay) 1. Wax qoyanaa engegid. 2. Qof sarco qaba suuxid. 3. Xubin jirka nafleyda ka mid ah hawl gabid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qallal
qallal¹: m.l 1. Cudur maskaxeed nafleyda ku dhaca oo suuxdin iyo gariir keena. 2. Cudur nafleyda dhinac naafeeya; dabeyl.
qallal²: f.mg1 (-alay, -ashay) 1. Wax qoyanaa engegid. 2. Qof sarco qaba suuxid. 3. Xubin jirka nafleyda ka mid ah hawl gabid. m.f.dh, qallalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kafafid
-da: (magac, dhedig, keli) wax qoyanaa, soo yara engegid: soo yara qallalid. Dh: kawraxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kafafis
-ta: (magac, dhedig, keli) maro ama wax kale oo qoyan, yara engegid. Kafafis ma leh bustuhu ee caawa maxaa la huwan! Dh: kawraxis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qallafid
-da: (magac, dhedig, keli) engegid. Kababa jilci oo qallafidda ka ilaali. Dh: qombobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qallalid
-da: (magac, dhedig, keli) qombobid oo isku dhegid. Saanta gallalidda ka ilaali oo dhis.
qallalid -da: (magac, dhedig, keli) wax aan qoyanayn oo engegan noqosho. Bustaha qallalid ayaan u wadhay. Dh: engegid. Li: qoyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qonbobid
-da: (magac, dhedig, keli) engegid oo wax qallalan noqosho. Kereemka ayaa qonbobidda laga marsadaa. Dh: kogid, qallalid, engegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tirrigid
-da: (magac, dhedig, keli) fiddigid, engegida.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eegeegid
-da: (magac, dhedig, keli) eegid oo haddana eegid. Dh: fiirfiirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
engegsad
m.l la-mid: engegsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eegid
(Eegid-da)
Indhaha saarid; dhawrid; dhugasho; fiirin; jalleecid; jeedaalin; arkid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eegid
m.f.dh eeg eeg².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eegid
-da: (magac, dhedig, keli) daranyo ka dhabid; baylah ka celin. Ubadku xoolaha kala eegid wanaagsan. Dh: jirid, darnyadhabid, ilaalin.
eegid -da: (magac, dhedig, keli) cid kale, fiirin oo indhaha la raacid; indhaha saarid. Dh: fiiris, eegis, dhawrid, dhugasho, fiirin, jalleecid, arkid.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
eegid
نظرة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Engeg
(Engeg-ga)
Qallayl; qoyaan la'aan; kafaf; kawrax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
engeg
engeg¹: m.l Wax aan qoyanayn.
engeg²: f.mg1 (-gay, -gtay) Wax qoyanaa qalalid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
engeg
f.mg1 (-gay, -gtay) Wax qoyanaa qalalid. m.f.dh, engegid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
engeg
v. dry out, become dry, be withered
engeg m. n. (adj.): dryness; dry
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Engeg
Secco
Dry
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
engeg
(fal) mid qallalsan noqo; wax aan qoyanayn noqo.
engeg-ga: (magac, lab, keli) eeg engeeg.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
engeg
جَفَافِ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
engeji
f.g2 (-iyay, -isay) Wax qoyaan ka qalajin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
engeji
f.g2 (-iyay, -isay) Wax qoyaan ka qalajin. m.f.dh, engejin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
engeji
v. dry something (out)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
engeji
-yey / say: (v) dehydrate; make dry; remove the moisture from
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
engeji
(fal) wax qallalan ka dhig. Dharka maydh oo haddana engeji. Dh: qallaji. Li: qoo. engejin -ta: (magac, dhedig, keli) wax gallalan ka dhigid. Hababka kalluunka lagu cuna waxa ka mid ah engejinta. Dh: qallajin, qallalin. Li: qoyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
engeji
de: dry s.t. (out)
lx: engeji
pd: (engejiyey)
ps: v2a=tr
key: engeji
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
engaged
/ingeyjidh/ (adj) 1. mashquul ah, mashquulsan (adj) 2. alkuman (guur ku hishiiyey).
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
engeg_1
de: dry out, become dry, be withered
hm: 1
lx: engeg
pd: (engegay)
ps: v1=intr
key: engeg_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
engeg_2
cf: dowr
de: dryness; [atr.] dry
hm: 2
lx: engeg
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: engeg_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Engegan
Aan qoyanayn; qallalan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
engegan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax qalalay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
engegan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax qalalay ahaansho. m.f.dh, engegnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
engegan
der. [adjective] dry, dried out
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
engegan
-aa/engagnayd: (adj) free from liquid or moisture; dry (dharaay)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
engegan
(tilmaame) wax qallalsan. Caws engegan baad lo'da u soo gurtay. Dh: qallalan, engegsan, qallalsan. Li: qoyan, jilicsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
engegan
de: dry, dried out
lx: engegan
pd: (engegnaa)
ps: adj-der
key: engegan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
engegni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg engegnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
engegsi
m.l la-mid: engegsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
engegso
f.mg3 (-saday, -satay) Wax qoyan qalalsasho (cid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Engejin
(Engejin-ta)
Qallayl ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
engejin
m.f.dh eeg engeji. la-mid: engejis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
engejin
-ta: (n) the act of drying
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
engejis
m.l la-mid: engejin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
engejis
-ka: (magac, lab, keli) eeg engejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
erkegid
m.dh la-mid: irkigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
engejisad
-ka: (magac, lab, keli) qallajisadka wax hore u qoyanaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bennedid
m.f.dh eeg benned.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bennedid
-da: (magac, dhedig, keli) albaab furan xidhiddiis. In dhowaydba waataan bennedey, isaa gabaye. Dh: awdid, bannadid, bennidid, qufulid, xidhid, jufid. Li: furid, ballaqid, bannaanid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
berkegid
m.dh la-mid: bardadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beygagid
m.dh la-mid: baydadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deddegid
m.dh la-mid: degdegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deddegid
-da: (magac, dhedig, keli) degdeg wax u qabasho; horayhoray wax u samayn. Dh: degdegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Degdegid
(Degdegid-da)
Degdeg wax u samayn; ku dhaqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
degdegid
m.f.dh eeg degdeg². la-mid: deddegid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
degdegid
vl. n. hurry, haste
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
degdegid
-da: (magac, dhedig, keli) dhaqso wax u qabasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
degdegid
de: hurry, haste
lx: degdegid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: degdegid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dellegid
m.f.dh eeg delleg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eegeegis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg eegeegid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
engaging
/ingeyjin/ (adj) soo-jiidanaya, soo-jiidasho leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
engegsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax engegay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
engegsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax engegay ahaansho. m.f.dh, engegsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
engegsan
(tilmaame) wax aan qoyanayn ama aan dabacsanayn. Dh: engegan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
engejiso
(fal) wax hore u qoyanaa, adigu qallajiso. Dharka wadh oo engejiso. Dh: qallajiso. Li: qoyso.
engejiso -da: (magac, dhedig, keli) aalad waxa qoyan in ay qallajiso loogu talo galay. Qasaaladu Engejiso ayay wadataa. Dh: qallajiso. Li: qoyso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
engejiye
-ha: (magac, lab, keli) qalab waxa qoyan lagu qallajiyo ama lagu engejiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fangelid
(Fangelid-da)
Neef lagu joogo, qof labaad fuulid oo fanka fariisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fangelid
m.f.dh eeg falgal². la-mid: fangal¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fangelid
-da: (magac, dhedig, keli) faras qof fuushan yahay, fankiisa fuulid. Dh: fansaarid, fangelis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fennedid
-da: (magac, dhedig, keli) wax baadhid oo ka afwareegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gelgelid
(Gelgelid-da)
In mar ka badan gelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gelgelid
-da: (magac, dhedig, keli) meel kolba gelid oo haddana ka bixid. Li: bixbixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
engegitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg engegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jengeliyad
m.dh Haweenay aan ilbax ahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jengeliyad
f. n. unsophisticated female
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jengeliyad
-da: (magac, dhedig, keli) haweenay reer miyi ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jengeliyad
de: unsophisticated female
lx: jengeliyad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: jengeliyad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seegseegid
m.f.dh eeg seegseeg².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eegi
m.dh (-iyaal, m.l) Meel sarreysa oo si fiican hareeraha looga arki karo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eegi
-da: (magac, dhedig, keli) meel ka dhex taagan dhul baahsan oo isku muuqdo; meel dhulka intiisa kale ka sarraysa oo hareeraha la arki karo. Haddaan eegi dheer fuulo oon ololo oo qaylsho, amaan oohobeeyana raggii iigu iman maayo. Dh: korsin, godato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gegi
(Gegi-da)
Kob bannaan; meel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gegi
m.dh (-iyo, m.l) 1. Meel didib ah, bannaan, aan weynayn, oo aan dhir lahayn. 2. Garoon. la-mid: gego, jegi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gegi
m.dh (-iyo, m.l) 1. Meel didib ah, bannaan, aan weynayn, oo aan dhir lahayn. 2. Garoon. la-mid: gego.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gegi
f. n. clearing, cleared open space, field; level ~ flat area; clearing without vegetation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gegi
-da: (n) [Sports] playground (paleeygarawn)-, field (fiildh) ~ garoon
gegida ciyaaraha: the stadium (steydiyam)
gegida dayuuradaha: (n) the airport
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gegi
-da: (magac, dhedig, keli) meel bannaan oo siman sida goobta didibka ah ama laamiga ah ee diyaaraduhu dul ordaan ama fadhiistaan. Dh: gago.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gegi
de: clearing, cleared open space, field; level ~ flat area; clearing without vegetation
lx: gegi
pd: (-da)
ps: n1-f, n2a-f
key: gegi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Negi
1. Aan meeshooda ka dhaqdhaqaaqin.
2. Aan guurguurin.
3. Meel xoog ugu dhegsan ama ku adag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
negi
negi¹: m.dh la-mid: negaan.
negi²: f.mg4 la-mid: neg.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Negi
name-f stable, firm; permamently settled; calm, serene
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
negi
(tilmaame) halkiisii aan ka guurin oo jooga. Dh: nagi.