energie
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
énergie
énergie, n.f. - tamar.
énergie de liaison - tamar is-haya
énergie, libre - tamar furan.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
energia
s.f. - xoog, tamar.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
physique
physique, n.f. - cilmiga (sayniska) la xiriira maadaha (matière), tamarta (énergie), sida sanqadha, kulaylka iwm.
physique. adj. - wax muuqda; la arki karo.
physique, n.m. - qaabka iyo dhismaha jirka.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
énergique
énergique, adj. - tamar badan; tamar leh; tamar lagu falay, qabtay.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
eerie
/iiri/ (adj) baqdin leh.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
emerge
/emerj/ (v) soo-bixid, soo bannaan-bixid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Energy
Tamar
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Energy
Tamar
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
energy
/enerji/ (n) tamar, quwad.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Energy
Tabar, xoog
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
énervé
énervé, adj. - cadhoon
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
energetic
(adj) exhibiting energy; strenuous; operating with force, vigor, or effect.
si xoog ah
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
energetic
/enerjetik/ (adj) tamar-badan (fir-fircoon).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
energetic
a., nin hawleed, xoog badan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
envergure
envergure, n.f. - baac.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
allergie
allergie, n.f. - Xajiin (wixii ay oogadaado diido)
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
emèrgere
v.intr. soo muuqasho, ka soo bixid, foocid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
enervate
/enerveyt/ (v) daciifin, caajisin, tabcaan ka-dhigid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
enseigne
enseigne, n.f. - aqoonsi meel ama aqal warshad.
enseigne, n.m. - ninka calanka qaada (militariga).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
entérite
entérite, n.f. - calool xanuun; shuban leh.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
entraide
entraide, n.f. - isgargaar.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
énurésie
énurésie, n.f. - qof isku kaaja; aan kaadida xagsan karin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
éternité
éternité, n.m. - wakhti ama milay aan dhammaad lahayn.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
exercice
exercice, n.m. - layli; jidh kala bixin; gacan ka qabasho; hawl gacmeed; gacan ku falis.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
exercise
layli
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
exercise
(n) activity that requires physical or mental exertion, esp. when performed to develop or maintain fitness or good health.
jimicsi
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
exercise
/eksarsays/ (v) 1. jir-dhisid, jimicsi (v) 2, awood ama xuquuq isticmaalid. e.g. He exercises authority. (n) 2. carbis-milatari (n) 4. layli (sida su'aalaha carbiska ah ee arday loo diro).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
generale
agg. - guud.
s.m. - sarreeye.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
générale
générale, n.f. - afada jananka u dhaxda.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
generare
v.tr. - dhalin, farcamid; sababayn.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Generate
Dhali
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
generate
/jenareyt/ (v) dhalin, keenid, sida dab, koronto iwm dhalin.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
generate
v.tr., dhal, yeelo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
menterie
menterie, n.f. - been; aan run ahayn.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
penderie
penderie, n.f. - armaajada.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
venerare
v.tr. - maamusid; caabudid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
venerate
/venareyt/ veneration (n); (v) qaddarin (sharfid, weeynayn).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
vénérien
vénérien, adj. - ay keento, ee ah galmadu, sida cudurrada laga qaado isu tagga ragga iyo dumarka.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
énergumêne
énergumêne, n.m. - qof dhib badan; qalqaali ah; rabsho badan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
enterprise
/enterparays/ (n) 1. shirkad; ganacsi (v) 2. mashruuc ama hawl dhib-badan (n) 3. karti (awood wax fulineed).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Enterprise
Shirkad
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
généalogie
généalogie, n.f. - abtirka; cilmiga barashada abtirka.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
généralité
généralité, n.f. - Guud; aqoon guud.
dans les affaires - arin guud.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
generalize
/jenaralayz/ (v) guud-ahaan ka-dhigid, wax guud laga dhigo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
générosité
générosité, n.f. - deeqsinimo
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
eege
-ha: (n) observer (observar); spectator; viewer; onlooker ~ daawade
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eegi
m.dh (-iyaal, m.l) Meel sarreysa oo si fiican hareeraha looga arki karo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eegi
-da: (magac, dhedig, keli) meel ka dhex taagan dhul baahsan oo isku muuqdo; meel dhulka intiisa kale ka sarraysa oo hareeraha la arki karo. Haddaan eegi dheer fuulo oon ololo oo qaylsho, amaan oohobeeyana raggii iigu iman maayo. Dh: korsin, godato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eerg
m.l (-gag, m.l) (fiisikis) Halbeegga C.G.S. ee tamarta. 1 eerg = 10 juul.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
eerg
m.l (-gag, m.l) (fiisikis) Halbeegga C.G.S. ee tamarta. 1 eerg = 10 juul.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Eerg
Erg
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eeri
m.l Koob weyn oon dheg lahayn oo muqmadda lagu dhigo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eeri
-ga: (magac, lab, keli) jaad weelasha ka mid ah macdanta ah oo wax lagu cabbo.
eeri-da: (magac, dhedig, keli) geed lagu cugo weelasha. Fidhinkaygu waa eeri, waa agamso. Dh: dhiitacab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ergi
f.lg2 (-iyay, -isay) Xoolo, alaab iyo wixi lamida. in muddo ah cid siin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ergi
f.lg2 (-iyay, -isay) Xoolo, alaab iyo wixi lamida, in muddo ah cid siin. m.f.dh, ergin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ergi
ditransitive v. entrust temporarily; lend something to someone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ergi
(fal) si ku meel gaadh ah oo ergiso ah qof kale xoolo u sii; shey ama wax aad leedahay qof u dhiib oo muddo ka sug soo celintiisa. Dh: ammaanee, toobalcaaree, dhiib, ergis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ergi
de: entrust temporarily; lend s.t. to s.o.
lx: ergi
pd: (ergiyey)
ps: v2a=ditr
key: ergi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Negi
1. Aan meeshooda ka dhaqdhaqaaqin.
2. Aan guurguurin.
3. Meel xoog ugu dhegsan ama ku adag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
negi
negi¹: m.dh la-mid: negaan.
negi²: f.mg4 la-mid: neg.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Negi
name-f stable, firm; permamently settled; calm, serene
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
negi
(tilmaame) halkiisii aan ka guurin oo jooga. Dh: nagi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eegid
(Eegid-da)
Indhaha saarid; dhawrid; dhugasho; fiirin; jalleecid; jeedaalin; arkid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eegid
m.f.dh eeg eeg².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eegid
-da: (magac, dhedig, keli) daranyo ka dhabid; baylah ka celin. Ubadku xoolaha kala eegid wanaagsan. Dh: jirid, darnyadhabid, ilaalin.
eegid -da: (magac, dhedig, keli) cid kale, fiirin oo indhaha la raacid; indhaha saarid. Dh: fiiris, eegis, dhawrid, dhugasho, fiirin, jalleecid, arkid.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
eegid
نظرة
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eegis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg eegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eersi
(Eersi-ga)
Eersasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eersi
m.l la-mid: eersasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
eersi
vl. n. state of being the cause, reason
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
eersi
-ga: (n) see [eeg] eersasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eersi
-ga: (magac, lab, keli) eeg eersad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
eersi
de: state of being the cause ~ reason
lx: eersi
pd: (-ga)
ps: vn2-m
key: eersi
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
encre
encre, n.f. - khad.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
engin
engin, n.m. - gantaal (hub); qalab
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
entre
entre, prép. - dhexdooda; ku dhex jira; dhexda ama badhtanka (meel ama cid); ee.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
envie
envie, n.f. - masayr.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ergee
f.g/mg2 (-geeyay, -geysay) Farriin, war iyo wixi lamida tol, qolo dawlad iyo wixi lamida u qaadid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ergee
f.g/mg2 (-geeyay, -geysay) Farriin, war iyo wixi lamida tol, qolo dawlad iyo wixi lamida u qaadid. m.f.dh, ergayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ergee
v. send an envoy; go as envoy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ergee
-yey ergaysay: (v) authorize and send another person as one's representative
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ergee
(fal) qof, cid kale, ergo ahaan ugu dir; qof, cid kale farriin ugu dhiib. Dh: ergay, ergi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ergee
de: send an envoy; go as envoy
lx: ergee
pd: (ergeeyey)
ps: v2b=
key: ergee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ergid
(Ergid-da)
Ereg u bixin, u dhiibid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ergid
m.f.dh eeg ereg².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ergid
-da: (magac, lab, keli) neef xoolo ah ama wax kale, ereg u bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ergin
m.f.dh eeg ergi. la-mid: ergis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ergin
-ta: (magac, dhedig, keli) shey ama wax qof u dhiibid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ergis
m.l la-mid: ergin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ergis
(fal) eeg ergi.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fèrie
s.f. pl. - maalmaha fasaxa.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
férié
férié, adj. - fasax.
jour férié - maalin fasax ah.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
merge
/merji/ (v) 1. ku dhex-qarsoomid (ku dhex-dhumid). 2. ku darsamid (isku-tagid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mergi
(Mergi-ga)
1. Daliigo xoog leh oo xubnaha oogada qaarkood, ku dhex jira ama isu haya, sida labada lafdhabarta dhinacyadeeda ku dhilan; midabkoodu waa cawl, haddii la kala jiidona, waa isku soo rooraan.
2. Waxa sida mergiga, haddii la kala jiido ama la maroojiyo ama laysku yareeyo oo dabadeed la sii daayo, kala baxa oo qaabkoodii hore yeesha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mergi
mergi¹: m.l (-iyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Daliigo seedo ah, xoog leh, isu haaya xubnaha nafleyda qaarkood, sida lafdhabarka labadeeda dhinac iyo luqunta.
mergi²: f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: merji.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mergi
m.l (-iyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Daliigo seedo ah, xoog leh, isu haaya xubnaha nafleyda qaarkood, sida lafdhabarka labadeeda dhinac iyo luqunta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mergi
m. n., [collective] tendons, sinews; elastic
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mergi
-ga: (n) tendon (teen 'dhan); sinew (sin yuu) seed-da, margi -ga
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mergi
-ga: (magac, lab, keli) daliigo xoog leh oo xubnaha oogada qaarkood ku dhex jira ama isku haya sida labada lafdhabarta dhinacyadeeda ku dhilan midabkoodu waa cawl haddii la kala jiidana way isku soo rooraan. Mergiyada dhabarka mid hadduu ku go'o dhaqaagi kari maysid. Dh: seed.
mergi-ga: (magac, lab, keli) seed adag oo laga sameeyo xadhig lagu maro saababka dhigaha iyo agab kale. Dh: seed. Wa: mergiyo.
mergi-ga: (magac, lab, keli) luqunta dhankeeda dambe inta u dhaxaysa lafdhabarta iyo qadaadka. Hadal waa mergi mergina waa hadba dhanka loo jiido. Dh: deli, tun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mergi
de: tendons, sinews; [ext.] elastic
lx: mergi
pd: (-ga)
ps: n2a-m-col
key: mergi