en
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
en
en, adv. manière - xaalad (isticmaalid garo badan oo kale bay leedahay); sida lagu sugan yahay
en, adv. lieu. - ee; degel; meel
en dessous - si qarsoon; si qarsoodi ah; hoos; xagga hoose.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abqo
(Abqa-da)
Quraca iyo maraaga iyo geedaha la mid ah mirohooda (iniino badan oo yaryar oo ku gudajira galal dheerdheer oo laba qalbac ah oo kolkay engegaan furma); geydhe; mergiyaale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afyuun
(Afyuun-ka)
Geed-ubax la beero oo waxtar (dawo) iyo dhibaato weyn labadaba leh, oo dhulka kulul ka baxa; wuxuu lee yahay dhacaan sida caanaha u cad oo la engejiyo, oo dabadeed la cuno ama sida sigaarka loo shito; kartida iyo maanka qofkaba habbisuu saaraa, haddaan degdeg la isaga qabanna waa lala doorsoomaa oo lala dufoobaa (sida xashiishka, qaadka ...).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Basaas
1. (Basaas-ka) Jaasuus.
2. (Basaas-ta) Dufan la is marsho kolka la waayo, abaarta iyo engegga, timaha iyo wixii la mid ah, ka muuqda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Birri
(Birri-ga)
Dhulka intiisa engegan; inta aan baddu ku fadhiyin; dhul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Canab
(Canab-ka)
1. Miro yaryar oo kulkulucsan oo dhawr midab (guduud; cagaar,...) leh, oo cuntub cuntub u baxa: sidoodaa lagu cunaa, ama khamraa laga sameeyaa, ama inta la engejiyo baa sabiib laga dhigaa.
2. Geedka mirahaasi ka baxaan; (ama cinab).
3. Kuul mirahaas u eg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darro
(Darra-da)
Jaad dhoobada kamid ah oo timaha, nadaafo darteed, loo marsado oo inta lagu engejiyo laga mayro oo uskaga oo dhan ka saarta; xaraar; malaas; balaso; deeb; (ama tarro).
-darro: Tiraab ereyada qaarkood gadaal kaga dhega, ulajeeddadiisuna tahay: la'aan, yari, xumo...
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaaddan
Aan caato, kd., la engegin ee qoyan; aan jaynafsanayn; ladnaani ka muuqato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhabbayn
(Dhabbayn-ta)
1. Dhabbe marid; qoodayn; socod.
2. Dhabbe ka dhigid.
3. Habka xaskusha loo tumo qaarkiisa danbe: waa tumidda labaad oo ku xigta god ka soo bixinta, oo laga dhigo wax xallefsan, oo kolka qorraxda lagu waro durba engega.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dharid
(Dharid-da)
1. Godad ama aroorro ama haryuub yeelasho, sida kolka miraba qaarkood inta bislaad dhaafaan engeg soo galo oo kankoonsanaantii iyo dibbirkii ka ba'aan oo isku soo ururaan.
2. Haryuub iyo duudduub yeelashada oogada dadka kolkay gabowdo oo jilicdo; qaaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhegayare
(Dhegayara-ha)
Ubax isagoo aan buqin la gooyo oo la engejiyo oo ka baxa geed weligi cagaar ah oo dhulalka kulul: wuxuu u eg yahay qodob yar oo dhego leh; dhirta cunnada lagu udgooneeyo buu ka mid yahay in kastoo Soomaalidu shaaha keliya ku darsato; waxaa kaloo laga sameeyaa dawo, siiba tan ilkaha, saabbuun, cadar iyo waxyaalo kale oo lays marsho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhisid
(Dhisid-da)
1. Aqal ama wax la mid ah oo aan hor u jirin, bilaabid oo dhammayn.
2. Harag qoyan ama wax la mid ah, inta la kala bixiyo oo la togo, engejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhul
(Dhul-ka)
1. Meeraha korkiisa dadku deggan yahay oo ku nool yahay: xagga weynaanta waa meeraha shanaad, xagga qorrax xigiddana waa kan saddexaad; wuxuu u dhexeeyaa Waxaraxirta (Sahra) iyo Farrarre (Mariikh).
2. Dhulka intiisa negi oo engegan oo aan baddu fadhiyin.
3. Dhul kooban oo seere la yaqaan leh.
4. Ciidda aynnu cagaha ku haynno; duni; adduun; arlo; carro; if.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dibqallooc
(Dibqallooc-a)
Bahal caarada la bah ah oo ku nool dalalka kulul oo engegan; wuxuu lee yahay lix lugood iyo labo ciddiyood oo sida birqaabka wax u qabta iyo dabo dheer oo xubno leh oo kor u qaroofan oo ku dhammaata caarad daloosha oo wax mudda oo uu waabaayadiisa ka dhiijiyo; qaniinyadiisu waa xanuun badan tahay, kolkolna waa loo dhintaa; hangaralle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dowr
(Dowr-ka)
1. (ceel, kd.) Biyo ka gurid; engeg; kagguur; goof.
2. Kaalin; qayb.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dumaa
(Dumaa-ga)
Caws kolkuu engego durba basa oo lul noqda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Engeg
(Engeg-ga)
Qallayl; qoyaan la'aan; kafaf; kawrax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Engegid
(Engegid-da)
Qoyaan ka bi'id; qallalid; kafafid; kawrixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Engegnaan
(Engegnaan-ta)
Wax engegan ahaan; qallalnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Engejin
(Engejin-ta)
Qallayl ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Filfil
(Filfi-sha)
Miro yaryar oo la engejiyey oo ka baxa geed faalala oo dhulalaka kulkulul; aad bay u kulul yihiin, dhirta cunnada lagu darsadona waa ka mid, badanaana waa madow yihiin ama waa cad yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
den
f.mg1 (-emey, -entey) la-mid: dąn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
den
/dhen/ (n) 1. xerada ama rugta dugaagga (n) 2. qol gaar ah (sida qoolad hawIl gaar ah lugu qabsado).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
den
(fal) dab ama laydh shidan bakhti.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
den
n., (cavern) booraan, -ti, god, -ki.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
end
/endh/ (n) 1. dhammaad (v) 2. dhammayn.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
end
n., aakhir, -ki, idlaan, -ti; last or breath (death), ugu dambays, -ti; the end of the year, sanadda aakhirkeedi or idlaantii; go to the further end of the street, surinku meeshuu ku go’o tag; he draws towards his end, ugu dambaystiisii buu u dhowyahay; the ultimate end is death, judgment, heaven or hell, kolki ugu dambaysay, or dugta ugu dambaysa waa geeri, iyo xisaab, iyo janno ama cadaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gen
f.g1 (-nay, -ntay) la-mid: gan³.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hen
/hen/ (n) digaagad (dooro).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
hen
n., digaaga, -di, luki, -di, tujad or tijad, -ki.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
men
/meen/ eeg man (man oo jamac ah).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
pen
/pen/ (n) 1. qalin khad leh (qalin biire iwm) 2. xero (meel xoolaha lugu xereeyo); xerayn.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Pen
Qalin
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
pen
n., qalim, -ki.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ten
/ten/ (n) toban.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
ten
n.c., toban, -ki.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
wen
n., buro, -adi.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
yen
/yen/ (n) 1. lacagta jabbaanka (v) 2. jamasho, aad u rabid.