ereyga

elektaroon

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

elektaroon

DHAN

m.l (-nno, m.dh) (fiisikis) Saxar saleed sita saldanab tabaneed.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

elektaroon

DHAN

m.l (-nno, m.dh) (fiisikis) Saxar saleed sita saldanab tabaneed.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

elektaroon

DHAN

-ka: (magac, lab, keli) saxar saleed sita saldanab tabane ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Elektroon

DHAFAN

Electron

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

elektaroonig

DHAFAN

-ga: (magac, lab, keli) habab kala duwan oo ay adeegsadaan aaladaha elegtaroonka ku shaqeeya sida raadaarrada, telefishinnada iyo wixii la mid ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

alluumiiniyam

DHAABAN

m.dh (kiimika) Bir firfircoon oo jilicsan, waana curiyaha labaad ee ururka (III) ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Wuxuu leeyahay ratibaadda elektaroonnada ee niyuun iyo saddex elektaroon oo dheeraad ah oo ku jira heertamarka ugu sarreeya. Alluumiiniyantu waxay ku jirtaa macadanno badan; waa curiyaha ugu caansan biraha ku jira oogada dhulka, waana ka saddexaad xagga badnaanta.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

atam

DHAABAN

m.l (-myo, m.dh) (fiisikis) Saxarka ugu yar ee curiye jiri kara kana qaybqaadan kara falgal kiimikaad. Waxa uu ka koobanyahay bu' iyo elektaroonno ku dul wareega. Bu'du waxa ay siddaa saldanab togane ah, elektaroonnaduna waxa ay sidaan saldanab tabane ah. Atamku danabneg ahaan waa dhexdhexaad. la-mid: atom.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

ayoon

DHAABAN

m.dh (-nno, m.dh) (kiimika) Atam ama koox atamyo ah oo lumiyay hal ama in ka badan oo elektaroonno ah si ay u yeeshaan saldanab togan (a. togan), ama helay hal ama in ka badan oo elektaroonno ah si ay u yeeshaan saldanabtaban (a. taban). Weliba eeg aayoonayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

ayoon-taban

DHAABAN

m.l (-nno ..., m.dh) (kiimika) Ayoon saldanab taban leh, oo sameysma marka atamyada ama molikiyuulada lagu daro elektaroonno. Marka danabsoocidda la sameynaayo, ayoonada taban waxa jiita qotinka togan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

ayoon-togan

DHAABAN

m.l (-nno ..., m.dh) (kiimika) Ayoon saldanab togan oo ka dhashay atammo ama molikuyuullo laga xayuubiyey elektaroonno. Marka danabsoociddu dhacayso, ayoon-toganayaasha waxa jiita qotinka taban.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

biraha-alkaali

DHAABAN

m.l (kiimika) Curiyayaasha ururka 1aad ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Waxay dhammaantood ku leeyihiin hal elektaroon heertamarkooda ugu sarreeya. Waxay sameeyaan ayoonno togan oo xaaladdooda ogsidhayntu tahay I. Ogsaydhadoodu waxay ku milmaan biyaha si ay u sameeyaan alkaaliyo. Biraha alkali waa litiyam (li), soodiyam (Na), botaasiyam (K), rubiidiyam (Rb), susiyam (Cs) iyo faransiyam (Fr).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

biro-dhuleed-alkaliin

DHAABAN

m.l (kiimika) Curiyayaasha ururka 2aad ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Inkasta oo aanay aad ugu milmin biyaha haddana waxay la sameeyaan iyo beysyo. Waxay dhamaantood ku leeyihiin laba elektaroon heertamarta ugu sarreysa. Waxay sameeyaan ayoonno togan oo xaaladdooda ogsidhayntu tahay II. Biraha ururkani waa: biriliyam (Be), magniisiyam (Mg), kaalsiyam (Ca), istorontiyam (Sr), baariyam (Ba) iyo radiyam (Ra).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

curiye

DHAABAN
1

curiye¹: m.l (-yayaal m.l/dh) (riw.) Qofka wax curiya.

2

curiye²: m.l (-yayaal, m.l/dh) (kiimika) Walaxda aan loo sii kala bixin karin walxo ka sii fudud asal haan. Atammada curiyuhu waxay dhammaantood leeyihiin tiro borotoon oo isku mid ah iyo weliba tiro isku mid ah oo elektaroon, taas oo jaangoysa firfircoonaanta kimikaad. Curiyayaasha, dabiici ahaan, laga helo dhulku waa ilaa 92.

3

curiye³: m.l (-yayaal, m.l/dh) (naxwe) Erey guud oo tilmaama xubin ka mid ah xubnaha uu shay ka koobanyahay, sida erey oo ah xubin ka mid ah weerta ama dibkabe oo ah xubin ka tirsan ereyga.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dabar-ayoon

DHAABAN

m.l (-rro ..., m.dh) (kiimika) Xoogga isku dabridda ee u dhexeeya ayoonada ku jira iskudhis, kaas oo ayoonnadu ku samaysmaan elektaroonada hal curiye oo si dhammaystiran ugu wareegey mid kale ama xididshe.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dabar-haydarojiin

DHAABAN

m.dh (-rro ..., m.dh) (kiimika) Dabar molikiyuuleed ka dhex samaysma molikiyuulo haydarojiintoodu u dabarantahay curiye elektaroonjiida shadiisu xooggantahay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dabar-lammaan

DHAABAN

m.l (-rro ..., m.dh) (kiimika) Dabar elektaroon, wadaag ah oo isku haya laba atam kaas oo ka kooban laba lammaane elektaroon oo hal lammaane u dhigmo dabar keliya (lammaanaha sigma) kan kalena sa)m. aynaayo dabar dheeraad ah (dabarka bay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dabar-wadaag

DHAABAN

m.l (-rro ..., m.dh) (kiimika) Dabar ka dhex samaysma laba atam oo wadaaga lammaane elektaroon.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

deeqe

DHAABAN

m.l (-ayaal, m.l/dh) (kiimika) Atamka, ayoonka ama molikuyuulka bixiya lammaane elektaroon marka dabar elektaroon-wadaag ahi samaysmayo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhud

DHAABAN
1

dhud¹: m.dh (-do, m.l) 1. Daliigo miiqan ama soohan, oo inta laysku jebsho, xargaha laga sameeyo, middood. 2. Summan ama xargo qalab ka koobanyahay middood. 3. Maro shan mitir ah. 4. Jirrid dhuuban.

2

dhud²: m.dh (fiisikis) Fallaadho ileys oo u socda si urursan. Waxa ay ka koobnaan kartaa saxaro (sida, dhud elektaroon) ama kaahin birlab danabeed (sida, hud raadar).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

ekisrey

DHAABAN

m.l (fiisikis) Fallaaro elektaro-magneetiyeed oo leh dherermowjadeed aad u gaaban (beyond the ultraviolet) kuwaaso leh awood weyn oo ay ku dhex galaan walaxda uusan ifku dhex mari karin. Fallaraha ekis waxay sameysmaan marka elektaroons tamar aad u sarreysa leh ay ku dhacaan maaddo. Waxa loo isticmaala cuduraqoonsi ee farsamada raadiyo-graafiga iyo noocyada qaarkood raajo ku daaweynta.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

elektaroon-kaaftoon

DHAABAN

m.l.u (-nno, m.dh) (kiimika) Elektaroon dibedeedka atamka ee ka qayb gala samaynta dabarrada kiimikaad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

fallaadho-qotin-tabane

DHAABAN

m.l (-ayaal, m.l/dh) (fiisikis) Durdur elektaroono oo ka soo baxa qotin tabanaha tuubbada madhan ee leh qotin tabane iyo qotin togan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

heer-dhul

DHAABAN

m.l (fiisikis) Xaalad tamareedka neg, uguna hoose, ee molikiyuul, atam ama bu'. Tusaale ahaan, marka elektaroonka atamka hydaroojin ugu dhow bu'da, ayaa heerka tamarta atamka haydaroojin ugu hooseeyaa. Taas ayaa ah heer dhulka atamka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

heer-tamar

DHAABAN

m.dh (kiimika) (Atam). Dhiska elektarooneed ee tilmaamaya sida elektaroonada ku gadaaman bu'du u habaysanyihiin, gaar ahaan heertamarrada ay ku sugan yihiin. Elektaroon kasta waxa xaaladdiisa. Lagu asteeyaa afarta tiro kuwaantam.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

kaahfalid

DHAABAN

m.dh (fiisikis) Burburka dabiiciga ah ee ku dhaca bu'da atamyada qaarkood, ayna weheliso bixinta saxarrada alfa, bu'da heliyam, saxarrada beta elektaroonno, ama fallaaraha gaama.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Electron

DHAFANDHAAF

Elektroon

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

electron

DHAFANDHAAF

/il-lektran/ (n) elektaroon (saddexda qurub ee atamka midkood ee aan la sii burburin karin)

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

eletaaroonig

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: elegtroonig.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]

délectation

DHAFANDHAAF

délectation, n.f. - Maaweelin; Madadaalin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]

delectation

DHAFANDHAAF

n., farxad, -di, raaxo, -adi.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

elegtroonig

DHAFANDHAAF

m.l Habab kala duwan oo ay adeegsadaan aaladaha elegtaroonka ku shaqeeya sida raadarada, telefeeshinnada, combiyuutarka iyo wixi lamida. la-mid: eletaaroonig, eletroonig.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

elegtroonig

DHAFANDHAAF

m.l Habab kala duwan oo ay adeegsadaan aaladaha elegtaroonka ku shaqeeya sida raadarada, telefeeshinnada, kombiyuutarka iyo wixi lamida. la-mid: eletroonig.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

elegtroonig

DHAFANDHAAF

m. n., [collective] electronics

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

elegtroonig

DHAFANDHAAF
1

a: eletroonig {Eng}

2

de: electronics

3

lx: elegtroonig

4

pd: (-ga)

5

ps: n2a-m-col

6

key: elegtroonig

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]

letargo

DHAFANDHAAF

s.m. - hurdo dheer.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

election

DHAFANDHAAF

/ilekshan/ (n) doorasho, food.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]

élection

DHAFANDHAAF

élection, n.f. - doorasho; afti; doorashooyin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

eletrodi

DHAFANDHAAF

m. n. electrode

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

eletrodi

DHAFANDHAAF
1

de: electrode

2

lx: eletrodi

3

pd: (-ga)

4

ps: n2a-m

5

key: eletrodi

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Elevation

DHAFANDHAAF

Foocld

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

elevation

DHAFANDHAAF

/elaveyshan/ (n) 1. sare u-qaadis (n) 2. joog-sare (meel sare).

waa la naqliyay ✓

Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]

Elevation

DHAFANDHAAF

Heer sare

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]

élévation

DHAFANDHAAF

élévation, n.f. - sarrayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

eletroonig

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: elegtroonig.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

eletroonig

DHAFANDHAAF

-ga: (n) electronics (i lek troon ikis) ~ elegtaroonik

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]

félécitation

DHAFANDHAAF

félécitation, n.f. - tahniyad; hambalyo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

koolestarool

DHAFANDHAAF

m.l (daawo) Isterool badankeeda laga helo nudaha xayawaanka iyo qaar ka mid ah dhirta sare iyo aljiga. K.ka waxaa laga nuugaa mindhicirka yar ama waxaa lagu sameeyaa beerka. Naasleyda sare waxaa laga helaa dhiigga, waxaanay kaalin weyn ka ciyaartaa qaadidda duxda iyo soo saaridda horomoonada.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

koolestarool

DHAFANDHAAF

m.l (cilmiga naflayda) Isterool badankeeda laga helo nudaha xayawaanka iyo qaar ka mid ah dhirta sare iyo aljiga. K.ka waxaa laga nuugaa mindhicirka yar ama waxaa lagu sameeyaa beerka. Naasleyda sare waxaa laga helaa dhiigga, waxaanay kaalin weyn ka ciyaartaa qaadidda duxda iyo soo saaridda horomoonada.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

celebration

DHAFANDHAAF

/selabreyshin/ (n) dabbaaldeg (damaashaad).

waa la naqliyay ✓

Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]

Celebration

DHAFANDHAAF

Dabbaaldeg, damaashaad

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]

célébration

DHAFANDHAAF

célébration, n.f. - dabbaaldigida

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]

detestation

DHAFANDHAAF

n., necbaan, -ti.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

edebdarrood

DHAFANDHAAF

m.f.l eeg edebdarroo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

edebdarrood

DHAFANDHAAF

m.f.l eeg edebdarroo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

edebdarrood

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) anshaxumo samayn; edebdarro samayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Expectation

DHAFANDHAAF

Filitaan

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

expectation

DHAFANDHAAF

/ekispekteyshan/ (n) rajo, rajeyn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]

expectation

DHAFANDHAAF

n., sugniin, -ti.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

meekarafoon

DHAFANDHAAF

-ka: (n) microphone (maay-karafoon); megaphone (meg'afoon) ~ maggaroofan, makarafoon, maykarafoon

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Niyuutaroon

DHAFANDHAAF

Neutron

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

niyuutaroon

DHAFANDHAAF

m. n. neutron

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

niyuutaroon

DHAFANDHAAF

-ka: (n) [physics] neutron (nuutaroon)

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

niyuutaroon

DHAFANDHAAF
1

de: neutron {Eng}

2

lx: niyuutaroon

3

pd: (-ka)

4

ps: n2-m

5

key: niyuutaroon

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

sallikaroon

DHAFANDHAAF

m.dh (-nno, m.dh) Derin yar oo in yar ka weyn salliga oo lagu fariisto laguna tukado.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Telefisyoon

DHAFANDHAAF
1

* (Telefisyoon-ka)

2

Qalab muuqaallada iyo masawirrada hawada mariya oo muujiya, (ama telefishen).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

telefisyoon

DHAFANDHAAF

m.l (-nno, m.dh) la-mid: telefishen¹.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

telefisyoon

DHAFANDHAAF

m. n. television

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

telefisyoon

DHAFANDHAAF

-ka: (n) television (tela-vi-shin); TV (tii-vii) ~ taleefishin

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

telefisyoon

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) fogaal arag. qalab maqal iyo muuqaal ba leh oo xogaha la isugu tabiyo. Dh: fogaal'arag.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

telefisyoon

DHAFANDHAAF
1

de: television

2

initial: t

3

lx: telefisyoon

4

pd: (-ka)

5

ps: n2-m

6

xe: We heard it on the TV. {Eng}

7

xv: Telefisyoonka baannu ka maqalley.

8

key: telefisyoon

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

electrocution

DHAFANDHAAF

/ilekrokiyuushan/ (n) koronto ku-dilis (danab koronto nafta uga-qaadis).

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]

électrocution

DHAFANDHAAF

électrocution, n.f. - koronto dishay ama lagu dilay.

waa la naqliyay ✓