eki
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eki
-da: (magac, dhedig, keli) mid ahaanta ama isku muuqaal dhowaansho labo qof ama labo shey. Isku ekida labada mataanood waa wax la filan karo. Dh: ekaansho.
eki-da: (magac, dhedig, keli) ku sugnaanshaha meel la isla og yahay. Dh: ekaansho, sugnaansho, ku koobnaan.
eki -da: (magac, dhedig, keli) eeg ekaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Babbaay
(Babbaay-ga)
Geed dhulka kulul ka baxa oo yare baarta u eg; baarka sare wuxuu ku lee yahay caleemo balballaaran; wuxuu dhalaa miro waaweyn oo qaraha u eg oo iniino badan oo filfil u eki dhexda uga buuxaan; (ama mafafaay).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saraacimo
(Saraacima-da)
Libaax-badeed aad u weyn oo badaha kulul ku nool; wuxuu qalka kore ku lee yahay gafuur dheer oo xalleef ah oo ilko, kuwa miinshaarta u eki, labada dhinac kaga teedsan yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shanbal
(Shanbal-ka)
Qalabka muusikada mid ka mid ah oo ka samaysan labo qalbac oo midkiiba meel dhexda ah ka xoldhan yahay oo kolka la isku dhufto, dhawaaq kan koorta u eki, ka soo baxo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ekisrey
m.l (fiisikis) Fallaaro elektaro-magneetiyeed oo leh dherermowjadeed aad u gaaban (beyond the ultraviolet) kuwaaso leh awood weyn oo ay ku dhex galaan walaxda uusan ifku dhex mari karin. Fallaraha ekis waxay sameysmaan marka elektaroons tamar aad u sarreysa leh ay ku dhacaan maaddo. Waxa loo isticmaala cuduraqoonsi ee farsamada raadiyo-graafiga iyo noocyada qaarkood raajo ku daaweynta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raadiyografi
m.l (-iyo, m.dh) (daawo) Raajada cuduraqoonsiga. Farsamada baari-taanka jirka ayadoo la dhexmarsiinayo fallaraha ekis (x-rays), waxay soo saartaa sawirro (raadiyograafis) ku yaal beniikol loogu talaggalay ama iskriin fallooroshidan leh. Raadiyograafka waxaa loo adeegsadaa cudur aqoonsiga: lafaha jaba, boogcaloo-leed, iyo dhagax gala xameeytihaysta ama kelyaha, marka baaritaanka dibedda uu ku fillaan waayo cudur aqoonsiga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ekisrey
m.l (fiis.ex-ray) Fallaaro elektaro-magneetiyeed oo leh dherermowjadeed aad u gaaban (beyond the ultraviolet) kuwaaso leh awood weyn oo ay ku dhex galaan walaxda uusan ifku dhex mari karin. Fallaraha ekis waxay sameysmaan marka elektaroons tamar aad u sarreysa leh ay ku dhacaan maaddo. Waxa loo isticmaala cuduraqoonsi ee farsamada raadiyograafiga iyo noocyada qaarkood raajo ku daaweynta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raadiyografi
m.l (-iyo, m.dh) (daaw.) Raajada cuduraqoonsiga. Farsamada baaritaanka jirka ayadoo la dhexmarsiinayo fallaraha ekis (x-rays), waxay soo saartaa sawirro (raadiyograafis) ku yaal beniikol loogu talaggalay ama iskriin fallooroshidan leh. Raadiyograafka waxaa loo adeegsadaa cudur aqoonsiga: lafaha jaba, boogcalooleed, iyo dhagax gala xameeytihaysta ama kelyaha, marka baaritaanka dibedda uu ku fillaan waayo cudur aqoonsiga.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
X,x
/ekis/ xarafka labaatan iyo afraad ee alifbeetada ingirusiga.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
X-ray
/ekis-rey/ (n) 1. raajo, raajito. e.g. I'm going to the hospital
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ecstasy
/ekistasi/ (n) jidbo, siiba farxad darteed.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ecstatic
/ekistaatik/ ecstatically (adj) jid-baysan, jidbo keenaya.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
excavate
/ekiskaveyt/ (v) 1. kabxid, faagid (meel la dhisi-doono ama wax laga-qodi doono, ciidda kore oo jilicsan ka qaadid) (v) 2. faagid, qodid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
excavator
/ekiskaveytor/ (n) faage, kabxe (qof ama mashiin wax faaga).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
exclaim
/ekiskaleym/ (v) la-qaylin, yaab dartiis. e.g. “Oh my God!” she exclaimed.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
exclamation
/ekiskalameyshan/ (n) qaylo ama hadal yaab-leh.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
excrement
/ekiskarament/ (n) saxaro.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
excreta
/ekiskarita/ (n) qashin-saarka jirka, sida xaarka, kaadida iyo dhididka.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
excrete
/ekiskariit/ (v) qashin-saar samayn, sida xaarida, kaadinta, iyo dhidid-saarka.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
excretion
/ekiskariishan/ (n) qashin saarka jirka.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
excruciating
/ekiskruushiyeytin/ (adj) xanuun aad u-daran. e.g. an excruciating headache.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-ki
de: his
lx: -ki
ps: pro-det-3m
xe: He didnt find his son.'
xv: =-kiisa
key: -ki
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ebi
ebi¹: m.dh la-mid: ibi.
ebi²: f.g1 (-byay, -biday; -byi) Hawl hore loo billaabay ama qabyo ahayd dhammaystirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ebi
f.g1 (-byay, -biday; -byi) Hawl hore loo billaabay ama qabyo ahayd dhammaystirid. m.f.dh, ebyid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ebi
v. complete, fill up
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ebi
yey say: (v) finish (finish); reach the end of a task or course: complete (kom pliit); conclude
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ebi
(fal) dhammay oo qabyatir. Ebi sawirka aad billawday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ebi
de: complete, fill up
lx: ebi
pd: (ebiyey / ebiday)
ps: v1=
key: ebi
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
épi
épi, n.m. - sabuul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eri
eri¹: m.l 1. la-mid: ari. 2. Cayrinta la cayriyo xoolo, dad, baabuur iyo wixi lamida.
eri²: m.l la-mid: eryid.
eri³: f.g1/2 (-ryay, -riday/risay; -ryi) 1. Wax cayrin. 2. Nafley meel ay ku noolayd in ay joogto u diidid. 3. Ku e.: dalool wax ku librin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
eri
f.g1/2 (-ryay, -riday/risay; -ryi) 1. Wax cayrin. 2. Nafley meel ay ku noolayd in ay joogto u diidid. 3. Ku e.: dalool wax ku librin. m.f.dh, eryid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
eri
v. discharge, fire, dismiss; exclude; drive ~ chase away; send (abroad)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
eri
-eryey / erisay: (v) 1. dismiss (dis mis); fire (faayer). Ex: waxaa lagu eryey amardiido; he was dismissed for insubordination --Syn: bo, bounce, discharge, drop, sack. 2. drive away, chase away, break up, disband; disperse (dis peersi). Ex: boolisku waxuu kala eryey dadkii mudaharaadayey; the police dispersed the demonstrators
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eri
(fal) kexee oo halka aad joogto ka caydhi. Dh: caydhi, caymadi, firxi, eryo baaci, cayri.
eri: (fal) «ka ~» ka caydhi shaqo ama martabo uu hayay.
eri -ga: (magac, lab, keli) baacsiga iyo caydhsiga cid kale.
eri-ga: (magac, dhedig, keli) (ka ~) ka caydhinta shaqo iyo martabo uu hayay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
eri
de: discharge, dismiss; exclude; drive ~ chase away; send (abroad)
lx: eri
pd: (eryay ~ eriyey)
ps: v1= / v2a=
key: eri
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ski
/skii/ (n) alwaax dhuuban oo meel lugaha lagu xiro leh oo barafka lagu dulmaro.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ski
ski, n.m. - ciyaarta barafka lagu dul simbiririxdo; iski
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
belki
-ga: (magac, lab, keli) eeg balki.
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Eskir
(I) Cavallo baio o sauro;
(E) Bay or Sorrel Horse
(S) ESKIR (S. c. m.: Eskir)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wedki
a: wadki-arag
de: bird sp.
initial: w
lx: wedki
pd: (-ga)
ps: n-m-cmp
key: wedki