ekaa
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ekaa
(tilmaame) la mid ahaa; si yaab leh iskugu. dhowaa ama mid ahaa! Labada gabdhood isku ekaa, ma mataanaa!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ekaad
m.l la-mid: ekaansho (1).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ekaad
(tilmaame) adhi la sii daayey. Adhi ekaad ah ayaa halkaa maraya. Dh: soof.
ekaad -ka: (magac, lab, keli) mid ahaanta ama isku muuqaal dhowaansho labo qof ama labor shey. Dh: ekaansho.
ekaad -ka: (magac, lab, keli) ku sugnaanshaha meel la isla og yahay. Dh: ekaansho, sugnaansho, ku koobnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ekaan
(Ekaan-ta)
1. Wax u eg ahaan.
2. Xoolo ama wax kaloo badan oo socona haya, meel ku ballaarasho; meel ku sugnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ekaan
m.f.dh eeg eg. la-mid: ekaansho (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ekaan
f. n., [abstract] similarity, likeness; limitedness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ekaan
-ta: (n) resemblance (ri sam- balans), likeness (laayk nes) ~ u ekaansho. Syn: similarity, similitude, analogy, affinity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ekaan
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg ekaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ekaan
de: similarity, likeness; limitedness
lx: ekaan
pd: (-ta)
ps: n1-f, n0-f-abs
key: ekaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aaddanaan
(Aaddanaan-ta)
Ku abbaarnaan; toosnaan; ekaan; beegnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abeesow
(Abeesow-ga)
Cudur oogada dadka ku dhaca oo haraggu u ekaado haragga abeesada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Batiikhoobid
(Batiikhoobid-da)
Batiikh u ekaansho; sida batiikha u cayilid ama u bislaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bil
(Bi-sha)
1. Dayaxa waaxdiisa hore ama danbe oo uu u ekaado qaanso afafka u dhuuban oo dhexda u weyn; dayuxu markuu dhasho ama sii dhammaana hayo.
2. Soddonka maalmood oo u dhexeeya dhalashada iyo dibbadka dayaxa; 12ka qaybood oo sanada, middood; afar toddobaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carruuroobid
(Carruuroobid-da)
Carruur noqosho; carruur u ekaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Circaddaa
(Circaddaa-ga)
Kolka roobku da'a hayo, oo daruuruhu iyagoo isku tirmay oo isu wada ekaaday, cirka qarshaan oo wada daboolaan, oo jahooyinka la kala aqoon waayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhasheeg
(Dhasheeg-ga)
Dhulka meeliisa hooseeya oo biyaha webiyaashu ku soo daadaan oo hadba inta buuxsama harooyin u ekaada; biyabbaxo; godob.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheerayn
(Dheerayn-ta)
1. Wax dheereeya ahaansho; orod badi.
2. Wax dheer ka dhigid; dhererka u kordhin.
3. (ka dheerayn) a) Tartanka ka orod badin; dhiqid. b) Ka fogayn; ka durkin. c) Labo is le'ekaa midkood, dhererka wax ugu darid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuudhi
(Dhuudhi-ga)
Jaadadka booddada mid kamid ah oo dadka oogadiisa gala oo ku kora oo kolkuu weynaado u ekaada xabbad meseggo ah oo bisil; wayaale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duunkiyeel
(Duunkiyeel-ka)
(qof) aan talada dadka kale maqal oo raacin oo siduu isagu doono ama ay ula ekaato keliya yeela.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ekaansho
(Ekaansha-ha)
1. Meel ku ballaarasho, ku sugnaansho.
2. Si toosan, habboon, eg, noqosho.
3. (u ekaansho) u eg noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iimaan
(Iimaan-ka)
1. (diin) Ilaah, malaa'ig, nebiyo, kd., jiriddooda rumaysasho.
2. Wixii la helo, in kasta ha le'ekaadeene, oo lagu laabsamaado ee aan la saluugin; qaneeco.
3. Ugaas, Islaan, Wabar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Indhacagaarshe
(Indhacagaarsha-ha)
Cudur dadka ku dhaca midabka indhuhuna cagaar u ekaadaan; indhacaseeye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isle'ekaan
(Isle'ekaan-ta)
Wax is le'eg ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jidbo
(Jidba-da)
Si xadrada (digri) lagu noqdo oo qofku u ekaado qof maqan ama miyirkii ka tegey, badanaana qaylo ama suuxdini weheliso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Le'ekaan
(Le'ekaan-ta)
Wax is le'eg ahaan; isku fil ama isku culays ama wax si kale isu le'eg ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Le'ekaansho
(Le'ekaansha-ha)
Le'ekaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maandhaaf
(Maandhaaf-ka)
(is maandhaaf) Arrin laysku diido oo qofba si ula ekaata; heshiinwaa; khilaaf, is-afgaranwaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meermeerto
(Meermeerta-da)
Isku-kor-wareeg xoog badan oo biyaha badda iyo webiyaashu yeeshaan oo ceel wareega haya u ekaadaan; mid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaa
Kaas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaa
kaa¹: mu.ti.l (kuwaas, w) la-mid: kaas¹.
kaa²: mu.dhm.ly Magacuyaal layeele oo tilmaamaya qofka labaad ee kelida ah. Tusaale: “Cali wargeyska ayuu iiga kaa qaatay”.
kaa³ (-kaa): dk.lh.l la-mid: kaaga².
kaa⁴ (-kaa): dk.ti.l la-mid: kaas².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaa
kaa¹: mu.ti.l la-mid: kaas.
kaa²: mu.dhm.ly Magacuyaal layeele oo tilmaamaya qofka labaad ee kelida ah. Tusaale: Cali wargeyska ayuu iiga kaa qaatay.
kaa³: (-kaa) dk.lh.l la-mid: kaaga².
kaa⁴: (-kaa) mu.ti.l la-mid: kaas².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaa
pron. and preposition: from you, about you
kaa pron. and preposition: than you [comparative]
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaa
(pronoun you plus preposition from) from you. Ex: buugguu kaa qaatay, ma kuu keenay? did he bring back, the book he took from you?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaa
(magac-uyaal) tilmaama qofka saddexaad oo lab oo kelida ah oo meel fog jooga. Dh: kaas. Wa: kuwaas.
kaa: (magac-uyaal) layeele oo tilmaama qofka labaad ee kelida ah. Macallinku, qaladkii wuu iiga kaa jaray.
kaa: (magac-uyaal) dibkabe ah oo tusmeeya lahaanshaha qofka labaad ee kelida ah. Dh: kaaga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ekaw
(fal) (ku ~) joog oo ha dhaafin. Halkaa ad joogto ku ekaw. Dh: sugnow. Li: dhaqaaq.
ekaw: (fal) «u ~» suuraddiisa oo kale yeelo; la mid noqo. Labadaada waalid mid u ekaw. Dh: shabbah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ekay
(fal) xoolo socda, meel ku baahi ama kufidi; xoolo meel ku du' ama u leexi.
ekay: (fal) wax kale isku toosi adiga oo halis ka dhuumanaya. Derbiga isku ekay haddii lagu soo aa'o.
ekay: (fal) (la ~) ku xidh. Awrka dabar la ekay.
ekay: (fal) «u ~» wax u eg oo kale ka dhig.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dekad
Porto
Port
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dekad
-da: (magac, dhedig, keli) laamiga baabuurtu marto. Dekadda ka soo saar carruurta gaadhiyadaa jiidhiye. Dh: laami, waddogaadhi, shaaric, jid.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dekad
ميناء، مَرْفَاً مَرْسَى ثَغْرِ بَنْدَرِ
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
edaab
-ta: (magac, dhedig, keli) habdhaqanka suubban ee guud ahaan qafka. Waxa lagu qiyaasaa diinta iyo dhaqanka bulshadu aaminsan tahay si loo xaddido xumaanteeda iyo samaanteeda. Haddaan uud u shakaalo, jeeruu awle dareemo, anqacduu iga dhawriye edaabtiisu samaa! Dh: adaab, edeb, asluub, akhlaaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eeyaa
e.d la-mid: eey³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eeyaa
erey loogu yeedho qofka da'da weyn oo la macne ah 'odaygow/islaantaay, hee dheh.'
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ekayn
(Ekayn-ta)
1. Wax is le'eg ama wax kale u eg, ka dhigid.
2. Wax socona haya oo badan, meel, si ballaaran ugu duwid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ekayn
m.f.dh eeg ekee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ekayn
-ta: (magac, dhedig, keli) labo wax, isla mid ka dhigid; wax is le'eg ama isku eg ka dhigid; isku ekeysiin.
ekayn -ta: (magac, dhedig, keli) xoolo socda oo badan, meel si ballaadhan ugu du'wid.
ekayn -ta: (magac, dhedig, keli) (la ~) wax ku xidhid. Dameerku meeshiisii kama dhaqaaqin waayo xadhig baa lala ekeeyay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ekays
-ka: (magac, lab, keli) eeg ekayn.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Eykar
Acre
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iskaa
(iskay, iskiis, iskeed, kd.) qofka laftiisa; nafta tiis ah, kd.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iskaa
pron. and preposition: on one's own; for oneself; oneself ... to you
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iskaa
(pronoun) yourself, —iskiis; himself, —iskeen; ourselves, —is-kood; themselves, —iskay; myself. Ex: iskiis u shaqaysta; self employed man
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iskaa
de: on one's own; for oneself; oneself ... to you = is + ka + u
lx: iskaa
ps: pro + prep
xe: Let me introduce myself to you.
xv: Bal an iskaa baro.
key: iskaa
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mekal
(fal) dil oo nafta ka qaad. Shaydaanku ninkaad isku xanaaqdaanba mekal buu yidhaa. Dh: dil, khaariji, kambal.
mekal -ka: (magac, lab, keli) xadhig fardaha afka laga geliyo oo ninka wadaayi gacanta ku qabto si uu kolba dhinaca uu u leexinayo faraska ugu maamulo. Dh: majare.
mekal -ka: (magac, lab, keli) maraakiibta, dayuuradaha iyo wixii la mid ah, garaaddaha kambaska ee muujisa tubta ay ku socdaan oo lagu wado. Markabkii majarihii ayaa cadilmay. Dh: majare.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sekan
m.l Daqiiqad; ilbiriqsi. la-mid: seken.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sekan
m.l Daqiiqad; ilbiriqsi. la-mid: seken.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sekan
m. n. second (of time)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sekan
-ka: (n) second (se-kend). Ex: lixdankii sekan waa hal daqiiqo; there are sixty seconds in one minute
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sekan
-ka: (magac, lab, keli) sikin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sekan
bw: daqiiqad ~ daqiiqo {Eng}
de: second (of time)
initial: s
lx: sekan
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: ilbiriqsi
key: sekan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
—kaas
(pronoun) that; with masculine nouns having definite article -ka. Ex: wiilkaas; that boy. Ninkaas; that man
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheekaa
m.dh Geedgaab qodax aan lahayn oo miro macaan oo la cuno leh iyo xidid wax lagu daweeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leekaan
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg le'ekaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mekhaan
m.l la-mid: maqaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mekhaan
m.l 1. Darajo. 2. Sharaf; maamuus; qaymo. 3. maqaan (2).