egmo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
egmo
(fal) cid kale, xil iyo masuuliyad u xilsaaro. Hawsha nin qaban kara u egmo. Dh: igmo, idmo, wakiilo, xilsaaro, qareenso, qaanso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Degmo
(Degma-da)
1. Rugta la deggan yahay.
2. Cid; beel; duddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
degmo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Beel. 2. Qaybaha gobod u qaybsamo middood. 3. la-mid: degsiimo. Meel la degganyahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
degmo
f. n. settlement; camp; community, town; administrative district
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Degmo
name-f settelement; camp
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
degmo
-degmada: (n) 1. district (distirikt); locality (loo-kaalati). 2. settlement (sa-tel-ment); colony (kolonii)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Degmo
Distretto
District
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Degmo
ama Dejiya, magaca gabadh labadeeda waalid dhalashadeedii ku heshiiyeen. Waxa kale ee loo bixiyaa gabadh la baryayo Eebbe in ay dhalashadeedu reerka barwaaqo lagu dego u horseeddo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
degmo
-da: (magac, dhedig, keli) dad meel wada yaalla oo nolol wadaag ah oo ceel iyo cawsku ka wada dhexeeyo. Dh: beel. Li: jees.
degmo -da: (magac, dhedig, keli) magaalo ama degaan hoosaad marka maamulka gobolku qaybsamo noqota waax ka mid ah oo gobolku xukumo. Degmada waxa laga xukumaa magaala madaxda gobolka.
degmo -da: (magac, dhedig, keli) dhul baaxda weyn ku fadhiya oo beelo kala duwani deggan yihiin. Degmadu dorraad bay doogsatay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
degmo
de: settlement; camp; community, town; administrative district
lx: degmo
pd: (-da)
ps: n6-f
syn: beel, duddo
key: degmo
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
degmo
منطقه
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eegmo
m.dh Daymo; fiiro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
eegmo
m.dh Daymo; fiiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eegmo
-da: (magac, dhedig, keli) daymo ama jalleecis wax muuqda; hal mar eegid. Eegmadu hadday Aadanow kuu ekoontahay e. Dh: eegis, dhugasho, daymo, jalleeco, milicsi, fiiro.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ego
/iigow/ (n) gab (han, sida gofku isu-qabo inuu yahay).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
élmo
s.m. - koofiyad bir ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
igmo
f.g3 (-maday, -matay) la-mid: igbo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
igmo
(fal) gar ama hawl kale, cid u xilsaaro. Haddaad afka aqoon cid kale igmo Dh: wakiilo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beegmo
m.dh 1. Isla simid; iswaafaqid. 2. la-mid: beeg1 (1).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beegmo
f. n. means ~ act of measuring (grain)
beegmo [feminine] n. correspondence, coincidence
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beegmo
-da: (magac, dhedig, keli) cabbirid samayn. Mitirka waxan u sitaa beegmo.
beegmo -da: (magac, dhedig, keli) shiishid oo meel ku toosin. Waa la kala beegmo toosan yahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceymo
(fal) eeg caymo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dagmo
f. n. fake item, false answer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dagmo
-dagmada: (n) deception (disapshan) ~ khayaano
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dagmo
de: fake item, false answer
lx: dagmo
pd: (/da)
ps: n-f
key: dagmo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dedmo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dedid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
degso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Wax meel kore saaran hoos uga qaadasho. 2. Sharci, xeer, iyo wixi lamida samaysasho. 3. Cunno meel ku jirta mid kale kaga ridasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
degso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Wax meel kore saaran hoos uga qaadasho. 2. Sharci, xeer, iyo wixi lamida samaysasho. 3. Cunno meel ku jirta mid kale kaga ridasho. m.f.dh, degsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
degso
v. draw up (document); pour oneself (beverage); bring ~ take down something for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
degso
(fal) naftaada xasili oo ha cadhoon.
degso: (fal) wax meel saaran dhulka u soo dhaadhacso. Alaabtaada degso. Dh: dejiso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
degso
de: draw up (document); pour oneself (beverage); bring ~ take down s.t. for oneself
lx: degso
pd: (degsaday)
ps: v3a=tr
key: degso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dermo
(Derma-da)
Derin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dermo
m.dh (-ooyin, m.l) Gogol laga sameeyay caw, caws, mayro iyo wixi lamida. la-mid: derin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dermo
m.dh (-ooyin, m.l) Gogol laga sameeyay caw, caws, mayro iyo wixi lamida. la-mid: derin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dermo
f. n. rush mat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dermo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg darmo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dermo
a: darmo
de: rush mat
lx: dermo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: dermo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deymo
v. borrow
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
deymo
-deyntay / deymatay: (v) borrow (baaroow); take on loan (loown); take on credit; get credit ~ deynso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deymo
-da: (magac, dhedig, keli) jalleec mar qudhat ah. Dh: eegmo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deymo
de: borrow
lx: deymo
pd: (deeyntay)
ps: v3b=
key: deymo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ergoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Ergo aadid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ergoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Ergo aadid. ergood m.f.l eeg ergoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ergoo
(fal) cid kale, farriin u gee ama ergo ugu teg.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Eymow
name-m hunter; skilled
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Fermo
Joogso
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
férmo
agg. - taagan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gedmo
f.mg3 (-maday, -matay) Tiro, xisaab iyo wixi lamida khaldamid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gedmo
f.mg3 (-maday, -matay) Tiro, xisaab iyo wixi lamida khaldamid. m.f.dh, gedmasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gedmo
v. be confused ~ mistaken, forget
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gedmo
(fal) meel aad u socto garan waa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gedmo
de: be confused ~ mistaken, forget
lx: gedmo
nt: gedmasho (/da) [vn-f]
pd: (gedmaday)
ps: v3a=
key: gedmo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heemo
heemo¹: m.dh Illin ama duuf aan layska tirin.
heemo²: f.mg3 (-maday, -matay) 1. Degid isu diyaarin. 2. Ku h.: wax ku soo uruurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heemo
(fal) haad, degitaan isku diyaari; soo hoobo.
heemo: (fal) wax farabadan, soo gawriirso; meel ku soo shumuum.
heemo: (fal) «u ~» u xagaldaac; u hamro.
heemo -da: (magac, dhedig, keli) dheecaan aad u qoyan oo indhaha dadka ka yimaad. Dh: himish, dhalxan.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hegto
Hecto
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
légno
s.m. - jirridda geedka intiisa adag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leqmo
-da: (magac, dhedig, keli) in kol afka la geliyo oo la leqi karo. Dh: liqmo, leqdin, leqmo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
negro
/niigrow/ (n) qof madoow (qof madow ah oo ka yimid Afrika, ama asalkiisu yahay).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
négro
agg. e s.m. - qof madow.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
negro
n., sawaaxili, -gi, adon, -ki, -ti, biday, -ihi.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
pégno
s.m. curaar.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
régno
s.m. - boqortooy.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rogmo
f.mg3 (-maday, -matay) 1. Wax qalibmay noqosho (baabuur). 2. Wax sidii ay ahaayeen si ka duwan noqosho. 3. Hoore wax karaya noqosho. 4. Nafley wax tirtirantay noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rogmo
f.mg3 (-maday, -matay) 1. Wax qalibmay noqosho (baabuur). 2. Wax sidii ay ahaayeen si ka duwan noqosho. 3. Hoore wax karaya noqosho. 4. Nafley wax tirtirantay noqosho. m.f.dh, rogmasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rogmo
v. turn around ~ over; come to a boil; become bad, change for the worse
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rogmo
-rogmaday / rogmatay: (v) become overturned; capsize (kaapsaayz) ~ gadoon, geddoon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rogmo
(fal) gaddoon; dhinac kale isu rog.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rogmo
de: turn around ~ over; come to a boil; become bad, change for the worse [curse when wishing s.o. will face tragedy or difficulties]
lx: rogmo
nt: rogmad (ka) [vn-m], rogmasho (/da) [vn-f]
pd: (rogmaday)
ps: v3a=intr
key: rogmo
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
ségno
s.m. - calaamad, summad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wegdo
(Wegda-da)
Qaabxumo yar oo lugaha gasha oo ay gadow ama labo qaanso oo afafka isku haya u ekaadaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wegdo
m.dh la-mid: wagdo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wegdo
m. n., [collective] bow-legs, bandy-legs
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wegdo
- wegdaha: (n) bowlegs (bowleegis) ~ hogfo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wegdo
-ha: (magacwadareed) eeg wagdo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wegdo
de: bow-legs, bandy-legs
initial: w
lx: wegdo
pd: (/ha)
ps: n-m-col
key: wegdo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weglo
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaaraha Soomaalida ee caanka ah midkood. Waa haddaad wax garad tahay haddii kale weglada tumo. Dh: dhaanto
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
egoismo
s.m. - anaaniyo.