eefid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eefid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la qaybsanayo saami ka helid. Dh: eefis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Leefid
(Leefid-da)
Carrabka wax ku tirid, ama ku tirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leefid
m.f.dh eeg leef.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Leefid
Corrosion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leefid
-da: (magac, dhedig, keli) carrabka wax ku tirid; wax ama meel, carrabka dul marin. Dh: leefis. Wa: leefleefid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neefid
-da: (magac, dhedig, keli) soo urid oo hawe qudhmuun soo dayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
defid
-da: (magac, dhedig, keli) in yar qaboobid. Cuntadu defidda ayay ku macaan tahay. Dh: qaboobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eedid
(Eedid-da)
Wax la falay ku bi'id; ku hoogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eedid
m.f.dh eeg eed². la-mid: eedis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
eedid
vl. n. hardship, oppression
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eedid
-da: (magac, dhedig, keli) fal qaldan oo la sameeyay wixii dhib ka dhashay dusha ku qaadasho oo ka qoomamayn; qalad aad geysatay daraaddii, guuldarraysad ama jabitaan. Eedidda looxtuuridda yaraanta waa la hubaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
eedid
de: hardship, oppression
lx: eedid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: eedid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eefis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg eefid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eegid
(Eegid-da)
Indhaha saarid; dhawrid; dhugasho; fiirin; jalleecid; jeedaalin; arkid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eegid
m.f.dh eeg eeg².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eegid
-da: (magac, dhedig, keli) daranyo ka dhabid; baylah ka celin. Ubadku xoolaha kala eegid wanaagsan. Dh: jirid, darnyadhabid, ilaalin.
eegid -da: (magac, dhedig, keli) cid kale, fiirin oo indhaha la raacid; indhaha saarid. Dh: fiiris, eegis, dhawrid, dhugasho, fiirin, jalleecid, arkid.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
eegid
نظرة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gefid
(Gefid-da)
1. Wixii toosnaa oo la rabey in la sameeyo haleeli waayid; seegid.
2. Wax gardarro ah ama xumaato ah, ku kicid; falid, yeelid; gaboodfalid: (ama gafid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gefid
m.dh la-mid: gafid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gefid
-da: (magac, dhedig, keli) wixii toosnaa oo la rabay in la sameeyo seegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheefid
(Dheefid-da)
(ka dheefid) Waxtar ka helid; faa'ido ka helid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
telefid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan faa'iido dambe lahayn noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beegid
(Beegid-da)
1. Miisid; cabbirid.
2. (ku beegid) Ku abbaarid, ku toosin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beegid
m.f.dh eeg beeg². la-mid: beeg¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beegid
-da: (magac, dhedig, keli) wax qiyaasid ama miisid.
beegid-da: (magac, dhedig, keli) ku toosid. Shirka ku beegidda bisha soo socota. Dh: abbaarid, beegis.
beegid -da: (magac, dhedig, keli) wax la eegad oo ku beegis. Ku beegidda sida uu u yaqaan waad kaa yaabi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beelid
(Beelid-da)
Wax waxtar ah oo hor loo haystey waayid, sida: indhabeelid; dhega-beelid, gurya-beelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beelid
m.f.dh eeg beel³.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beelid
vl. n. act of losing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beelid
-da: (n) the state of losing something. Ex: indho beelidda; becoming blind
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beelid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad lahayd ama haysatay waayitaankii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beelid
de: act of losing
lx: beelid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: beelid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerid
m.f.dh eeg beer³. la-mid: beeris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerid
-da: (magac, dhedig, keli) dhir ama hadhuudh beeris. Basal beerid loo soo bannaan baxay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ceesid
(Ceesid-da)
Xurmayn; weyneyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceesid
m.f.dh eeg cees.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceesid
-da: (magac, dhedig, keli) (ka ~) ka xishood; ka sarriigasho. Dh: xurmayn, weyneyn.
ceesid -da: (magac, dhedig, keli) (ka ~) cid kaa itaal nagan, u tudhid; u naxariisasho. ceesitaan -ka: (magac, lab, keli) eeg ceesid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deegid
(Deegid-da)
Xoolo-beelid; cayroobid; sabool noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deegid
m.f.dh eeg deeg³. la-mid: deeg¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deegid
-da: (magac, dhedig, keli) caydhoobid oo sabool aan waxba haysan noqosho. Dh: saboolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deeqid
(Deeqid-da)
1. Ku fillaansho; wada gaarid.
2. Deeq bixin; wax bixin; siin; diiqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deeqid
m.f.dh eeg deeq².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deeqid
-da: (magac, dhedig, keli) marka shay ku fillaado ama le'ekaado cidda haysata ama wax lagu qaybshay. Dh: filnaansho, kaafiyid.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
eyelid
(n) either of two folds of skin and muscle that can be closed over an eye.
xiribaha
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
eyelid
/aaylidh/ (n) isha-baalkeeda (dahaarka isha daboola).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Feerid
(Feerid-da)
1. Cayaar ama dagaal feer ugu dhufasho, ula dhicid.
2. (timo) firid; shanlayn.
3. (caw, kd.) jeexjeexid; dhilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feerid
m.f.dh eeg feer³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feerid
-da: (magac, dhedig, keli) shanlaynta timo iyo wax la mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gedfid
(Gedfid-da)
Gedef u yeelid; dahaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gedfid
m.dh la-mid: gadfid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gedfid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dusha ka ilaalin oo dahaadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gefrid
(Gefrid-da)
1. (xoolo) sii deyn; xirid ama xerayn la'aan.
2. Ceelka gudihiisa ku sii deyn (wadaan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gefrid
m.f.dh eeg gefer².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heecid
m.f.dh eeg heec².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heegid
(Heegid-da)
Rati ama wax kale lugti iyo geed ama wax kaloo negi, xarig iskula xirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heegid
m.f.dh eeg heeg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heegid
-da: (magac, dhedig, keli) rati ama noole kale, lugta meel ugu xidhid. Dh: tigtigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heemid
-da: (magac, dhedig, keli) dusha qoyaan yar ka sii deyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heerid
(Heerid-da)
Naafo ka dhigid; goyn; dhaawicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heerid
m.f.dh eeg heer².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heerid
-da: (magac, dhedig, keli) naafo ka dhigid; dhaawicid, waxyeellayn. Dh: dhaawacid, heeris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heesid
(Heesid-da)
Hees qaadid, tirin, ka luuqin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heesid
m.f.dh eeg hees².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heesid
-da: (magac, dhedig, keli) hees qaadid ama ku luuqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeebid
(Jeebid-da)
1. Jeexid; goyn; dillaacin.
2. (ka jeebid) denbi ama gabood la falay, in le'eg oo ciqaab ah, gaarsiin; eedsiin; ka goyn; ka gudid; ka jarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeebid
m.f.dh eeg jeeb².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeebid
-da: (magac, dhedig, keli) qof labada gacmood ba ka xidhid.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Jeebid
Jarid, xalluufin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeedid
(Jeedid-da)
1. Meel u socosho; anbabbaxsanaan.
2. (u jeedid) wax indhaha ku hayn; arkid; fiirin.
3. (sii jeedid) dib u jeeda; qofka hadla haya dhabarka u duwa haya.
4. (soo jeedid) a) Xagga laga xigo ama laga hadla hayo u jeeda. b) seexasho la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeedid
m.f.dh eeg jeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeedid
-da: (magac, dhedig, keli) dhinac u jalleecsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeefad
m.l la-mid: jeefag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeefad
-ka: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah socodka fardaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeelid
(Jeelid-da)
Wax u jeel qabid; wax xiisayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeelid
m.f.dh jeel².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeelid
-da: (magac, dhedig, keli) baahi badan u qabitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeemid
-da: (magac, dhedig, kali) wax si siman u kala dhambalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeexid
(Jeexid-da)
Dillaacin; kalaggoyn; dhanbalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeexid
m.f.dh eeg jeex².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeexid
-da: (magac, dhedig, kali) in ka jeexis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Keenid
(Keenid-da)
1. Meel durugsan wax ka soo qaadid oo meesha kolkaas la joogo soo dhigid, soo joojin, soo taagid.
2. Wax aan hor u jirin abuurid, curin, hindisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
keenid
m.f.dh eeg keen³. la-mid: keenis.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Keenid
Imports
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
keenid
vl. n. supply (of essential services)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
keenid
-da: (magac, dhedig, keli) meel durugsan wax ka soo qaadid oo meesha kolkaas la joogo soo dhigid; soo joojin.
keenid -da: (magac, dhedig, keli) wax aan horay u jirin abuurid. Dh: curin, hindisid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
keenid
de: supply (of essential services)
lx: keenid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: keenid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Leefin
(Leefin-ka)
Wax la leefo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leefin
m.f.dh eeg leefi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
leefin
vl. n. something that is licked
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leefin
-ka: (magac, lab, keli) wax yar oo la leefo.
leefin-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale wax leefsiin. Leefinta xabasuudda ha ka daynin carruurta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
leefin
de: something that is licked
lx: leefin
pd: (-ka)
ps: vn1-m
key: leefin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leefis
-ta: (magac, dhedig, keli) carrab ku tiris ama dul marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meerid
(Meerid-da)
Socod wareeg ah socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meerid
m.f.dh eeg meer². la-mid: meer¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meerid
-da: (magac, dhedig, keli) xaafad jaarka ah tegid. Islaan meerid badan oo kolba xaafad ka sheekaysa edebsaa la yidhaa. Dh: meeris.
meerid -da: (magac, dhedig, keli) shaqo iyo wixii la mid ah si xograadin ah u soo wada marid. Kor meerid ayuu kaga war helay dhammaan hawlaha. Dh: wareegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Neefin
(Neefin-ta)
Neef meel ku jirta, kurteed ama qaarkeed sii deyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
neefin
m.f.dh eeg neefi. la-mid: neefis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neefin
-ta: (magac, dhedig, keli) (ka ~) nagas in yar ka sii deyn. Dhiishu neefin ayay u baahan tahay kolka la lulayo.
neefin-ta: (magac, dhedig, keli) naqas ku afuufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
neefis
m.l la-mid: neefin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neefis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg neefin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qeexid
(Qeexid-da)
Wax qeexan ka dhigid; caddayn.