eeby
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
EEBY
Jatropha tropaeolifolia 20
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eey
(Eey-ga)
Bahal jaadad badan ah oo dadka la dhaqma oo yeeyda iyo dawacada xiga; (ama ey).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eey
eey¹: m.l (-eey/-yo, m.dh) (cilmiga naflayda) Naasley dab joog ah, yeyda ay isku bah yihiin, hilib cun ah, oo loo adeegsado ugaarsiga iyo ilaalinta guryaha, xoolaha, beeraha iyo wixi lamida. la-mid: ey¹.
eey²: m.dh (-eey/-yo, m.dh) Eey dheddig ah. la-mid: eeyad, ey².
eey³: e.d Erey dareen: ehi!, oh! la-mid: eeyaa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
eey
eey¹: m.l (-eey/-yo, m.dh) (cilmiga naflayda) Naasley dab joog ah, yeyda ay isku bah yihiin, hilib cun ah, oo loo adeegsado ugaarsiga iyo ilaalinta guryaha, xoolaha, beeraha iyo wixi lamida. la-mid: ey.
eey²: m.dh (-eey/-yo, m.dh) Eey dheddig ah. la-mid: eeyad, ey.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
eey
m. n. dog
eey [feminine] n., [collective] female dog, bitch
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
eey
-gada: (n) dog (dhoog) eeyddin -ta: (n) cramp (kraap); muscular stiffness ~ ayddin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
eey
كلب
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eebo
(Eeba-da)
Waran yar; hooto; sallaaddi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eebo
eebo¹: m.dh (-ooyin, m.l) 1. Nooc ka mid ah warmaha yaryar oo la tuuro. 2. Balaayo.
eebo²: f.g3 (-btay, -batay) Magangelid (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
eebo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Nooc ka mid ah warmaha yaryar oo la tuuro. 2. Balaayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
eebo
f. n. arrow-head, spear-head; small spear
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
eebo
-eebada: (n) spear (spii·er) ~ waran, hooto
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eebo
-da: (magac, dhedig, keli) birta waranka afka kaga jirta ee wax turuqda ama jeexda. Aawadaabaa, eebo waran iyo, abley danantiyo, ul laysula dhacay. Dh: birwaran, murjin.
eebo -da: (magac, dhedig, keli) waran yar oo gaaban. Cawil, eebo ayuu libaaxii ku taagay. Dh: murjis, hooto, sallaaddi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
eebo
cf: hooto
de: arrow-head, spear-head; small spear
lx: eebo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: eebo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceebay
(fal) xuuman aan qofku lahayn ku sheeg. Dh: canbaaray; fadeexadee;.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hereby
/hiyerbay/ (adv) halkaan. e.g. I hereby declare that I'll be responsible for repaying this money.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beeba
m.l Ciyaar lagu jidboodo oo laga yaqaan degaanka webiyada, gaar ahaan magaaloxeebeedyada koonfureed (Xamar, Marka iyo Kismaayo).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beeba
m.l Ciyaar lagu jidboodo oo laga yaqaan degaanka webiyada, gaar ahaan magaalo-xeebeedyada koonfureed (Xamar, Marka iyo Kismaayo).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beebo
-da: (magac, dheddig, keli) ciyaar lagu jiboodo oo laga yaqaan degaanka wabiyada, gaar ahaan magaalaxeebeedyada koonfurta Soomaaliya ee Xamar, Marka iyo Kismaanyo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
beefy
/biifi/ (adj) murgo weyn (xoog weyn)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deebi
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f. g) Weel caano lagu maalo deeb ku nadiifin. 2. (f.g) Harag qoyan si dhogortu uga dhacdo deeb marin. 3. (f.g) Xoolo cadheysan deeb ku dhayid. 4. (f.g) Digir si uusan bahal ugu dhalan deeb ku shubid. 5. (f.mg) Kaga d.: wax meel yiil wada dhammayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deebi
v. tan hides ~ dress the hair with wood-ash
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deebi
(fal) xoolo cadho qaba, deeb ku dhayid.
deebi: (fal) digir iyo wax la mid ah, si uusan bahal ugu dhalan deeb ku shub.
deebi: (fal) (kaga ~) wax meel yiilwada dhammayn.
deebi: (fal) weel caano lagu maalo, uga dhig caws culay; caws ku cug.
deebi: (fal) harag qoyan, dhogorta ka saar adiga oo adeegsanaya geed kulayl iyo danbas la isku daray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deebi
de: tan hides ~ dress the hair with wood-ash
lx: deebi
pd: (deebiyey)
ps: v2a=
key: deebi
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
derby
/dherbi/ (n) koofiyad-nimeed adag, oo badanaa madoow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eebbe
(Eebba-ha)
Kan wax walba abuura oo u taliya oo weligi jirey weligina jiri doona; Ilaah; Rabbi; Guulle; Madhinte; Weyne; Baahilaawe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eebbe
m.l Sarreeyaha awoodda leh oo wax kasta abuura oo weligiis jirey, jirina doona; Ilaah; Rabbi, Guulle, waaq, madhinte, weyne.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
eebbe
m.l Sarreeyaha awoodda leh oo wax kasta abuura oo weligiis jirey, jirina doona; Ilaah; Rabbi, Guulle, waaq, madhinte, weyne.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Eebbe
m. n. / name: God
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Eebbe
-Eebbaha: (n) God (gaadh); creator Rabbi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Eebbe
mid ka mid ah magacda Ilaahay; kan wax walba abuura oo u taliya oo weligii soo jirey haddana jira, weligiina sii jiri doona. Eebboow mahaddaa. Dh: Rabbi, Ilaah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Eebbe
bw: Eebbow
de: God
lx: Eebbe
pd: (/ha)
ps: n0-m / name-m
syn: Alla, Daa'in
xv: oh God!
key: Eebbe
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
Eebbe
الله
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eeday
(fal) cid kale, eed iyo denbi dusha ka saar; cid kale, denbi ku oog. Dh: cambaaray, eedee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eesay
(fal) faldenbiyeed ku xidhiidhin ama ceeb u tirin. Anbaqaadku tay uma ekayn eersigii sababta, an maahayne eesay kan loo aniga ha i saarin. Dh: eeday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eexay
(fal) wax cid na dhib u ah cid kale na xannaanayn u ah samee. Ma idahaynu eexaynaa oo bannaanka ayaan degnaa mise riyahaynu eexaynaa oo buurta ayay nu u guurnaa. Dh: xannaani, eexi, naasnuuji, xig, gacanbidixeedi.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
enemy
/enemi/ (n) cadow.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
enemy
n., cadow, -gi, col, -ki; become, be enemy with, la collow (sing.), collooba (plur.).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
every
/evri/ (adj) kasta. e.g. He comes here every other day.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
every
a., kasta, walba; everywhere, meel kasta, meel walba.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Jeebo
nickname-m precise incision; cur, torn, break
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
LEBEY
Albizia obbiadensis 10
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leebi
-ga: (magac, lab, keli) qof aad u dhoogsan oo wuxuu shiishaba la hela. Askari leebi ah ayaa loo dhiibaa waxa la tooganayo. Dh: shiishaar.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Leebo
Birlab buuxda oo inta badan xaglo kala jeeda leh ee loogu isticmaalo furidda sanaadiiqda iyo wixii la xiriira.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
needy
/niidhi/ (adj) baahan (gaajaysan).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
needy
(man), a., (nin) caydh ah, caydh, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
reebe
m.l la-mid: reeb.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
reebi
m.l Biyaqabatin weyn ku sameysma buuraha agtooda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
reebi
-ga: (magac, lab, keli) colka habeennimo wax weerara. Reebi baa reerka soo galay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
reebo
f.g3 (-btay, -batay) 1. Wax la bixinayo qaar la harid. 2. Wax fal xun ka celin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
reebo
f.g3 (-btay, -batay) 1. Wax la bixinayo qaar la harid. 2. Wax fal xun ka celin. m.f.dh, reebasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seebi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: seeb².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seebi
(fal) loox balbaleexsan ku kaxay, seeb ku kaxee.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
seedy
/siidhi/ (adj) 1. tacbaan (liita, aan fiicnayn) 2. iniinyo badan (iniinyo ka buuxaan).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
weepy
/wiipi/ (adj) ooyi-raba; murugaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeebi
(fal) illaa xeebta ku hagaaji oo agteeda mari. Safarka berriga ha u saarine xeebi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeebo
f.mg3 (-btay, -batay) 1. U x.: wax u turid. 2. U x.: wax u xilasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeebo
(fal) u tudh oo ilmo kaa yar u cees. U xeebo carruurta. Dh: naxariiso. Li: aargooso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ceebayn
(Ceebayn-ta)
Ceeb ka sheegid ama ku sheegid; ceeb u yeelid; canbaarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceebayn
m.f.dh eeg ceebee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceebayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, ceeb ka sheegid ama ku sheegid, xumaan ka sheegid. Dh: cambaarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceebays
-ka: (magac, lab, keli) eeg ceebayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ceebeyn
vl. n. embarrassment, exposure, unmasking, defamation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ceebeyn
-ta: (n) the act or an instance of condemning (kon-dheem-ing); blaming (baleeym-ing) or disgracing
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ceebeyn
de: embarrassment, exposure, unmasking, defamation
lx: ceebeyn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: ceebeyn
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
ceebeyn
عَيْبٍ، تغيير
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geedbey
-ga: (magac, lab, keli) jaad geedaha la isku daweeyo ka mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeebayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhar jeeb u yeelid.
jeebayn-ta: (magac, dhedig, keli) mid la jeebay oo gacmaha ka xidhan, ka dhigid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
thereby
/deerbay/ (adv) sidaas-ajligeed (sababtaas-awgeed).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
whereby
/weer bay/ (adv) halkaasoo.