edaab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
edaab
-ta: (magac, dhedig, keli) habdhaqanka suubban ee guud ahaan qafka. Waxa lagu qiyaasaa diinta iyo dhaqanka bulshadu aaminsan tahay si loo xaddido xumaanteeda iyo samaanteeda. Haddaan uud u shakaalo, jeeruu awle dareemo, anqacduu iga dhawriye edaabtiisu samaa! Dh: adaab, edeb, asluub, akhlaaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daab
1. (Daab-ka) Alaabta ama qalabka qaarkiis, docdiisa loogu talaggalay in la qabto ama lagu qaado, kd.
2. (Daab-ta) Xanuun kubadhagaxow daran wata oo ku dhaca ubadka yaryar iyo weylaha iyo maqasha oo caanaha cusub iyo danbarku keenaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daab
daab¹: m.l (-bab, m.l) Qori ama bir la qabsado oo ku rakiban qalab goynta, jebinta, qodidda iyo wixi lamida loo adeegsado.
daab²: m.dh 1. Cudur leh shuban oo ku dhaca dhasha xoolaha markay dambar badan nuugaan. 2. la-mid: doog².
daab³: f.g1 (-bay, -btay) Qalab goynta, jebinta, qodidda iyo wixi lamida loo adeegsado, qori ama bir la qabsado ku rakibid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daab
daab¹: m.l (-bab, m.l) Qori ama bir la qabsado oo ku rakiban qalab goynta, jebinta, qodidda iyo wixi lamida loo adeegsado.
daab²: m.dh Cudur leh shuban oo ku dhaca dhasha xoolaha markay dambar badan nuugaan; doog².
daab³: f.g1 (-bay, -btay) Qalab goynta, jebinta, qodidda iyo wixi lamida loo adeegsado, qori ama bir la qabsado ku rakibid. m.f.dh, daabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daab
m. n. handle
daab v. make a handle, put a handle on
daab [feminine] n., [collective] diarrhea, disease in calves
daab [feminine] n. injury, wound
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daab
-ka: (n) handle (handhal); shaft (shaaft); ax handle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daab
(fal) mindi, gudin, kabatole iyo wixii la mid ah, daab gali. Kababtole aan daab lahayn kabo laguma tolo.
daab-ka: (magac, lab, keli) gudin, waran, mindi iyo wixii la mid ah, inta aan birta ahayn ee laga qoro laamaha geedka. Daab iyo dhillisi isu baahanaa, Allow yaa isku beega.
daab -ta: (magac, dhedig, keli) shuban maqashu ay ka qaaddo danbarka marka ay si tandhaaf ah u jaqaan. Nirigtan daab baa dili haddaan danbarka loo mitamin.
daab -ta: (magac, dhedig, keli) nafaqodarro iyo gaajo xanuun isu roga oo ku dhacda maqasha marka ay soo dhalato ee aan la anqarin.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Daab
Gacanqabsiga dubbaha, soofaha, dismiska, mudaca ee ka samaysnaan kara loox, caag (blaastiig) iwm.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adaab
-ta: (magac, dhedig, keli) anshaxa iyo dhaqanka wanaagsan. Dh: adab, edeb.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
edeb
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg edaab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deddaab
-ta: (magac, dhedig, keli) meel dhudhub ah oo xooluhu hadday maraan aanay ka soo noqon karin. Deddaabta ka horjoogsada geela. deddan: (tilmaame) tuulan oo dusha wax laga saaray. Nin busto ku deedan ayaa jiifa. Dh: dedan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aadaab
m.dh 1. Anshax iyo dhaqan wanaagsan oo cidi leedahay. 2. Anshax iyo dhaqan ay cidi leedahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aadaab
m.dh 1. Anshax iyo dhaqan wanaagsan oo cidi leedahay. 2. Anshax iyo dhaqan ay cidi leedahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aadaab
m. n. good manners, educated ~ polite behavior
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aadaab
aadaab-ta: (n) politeness (polaayt-nes); manners (man neris); etiquette (eti keeyt) ~ akhlaaq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aadaab
-ta: (magac, dhedig, keli) anshaxa suubban ee la jecel yahay in uu qofku yeesho. Waaberi wa arday aadaab leh. Dh: akhlaaq, edeb.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aadaab
bw: Arabic
de: good manners, educated ~ polite behavior
lx: aadaab
pd: (-ka)
ps: n-m
key: aadaab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bedaan
-ka: (magac, lab, keli) jaad mid ah gaadiidka badda, doontana ka yar huudhigana ka weyn oo lagu kalluumaysto. Dh: beden.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bedqab
f.mg1 (-bay, -btay) 1. Nafley, nabad, caafimaad iyo wixi lamida ku sugnaansho. 2. Wax guri ka ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bedqab
f.mg1 (-bay, -btay) 1. Nafley, nabad, caafimaad iyo wixi lamida ku sugnaansho. 2. Wax guri ka ahaansho. m.f.dh, bedqabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bedqab
v., [compound] be safe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bedqab
-ka: (magac, lab, keli) nabadqab aan wax iin ah lahayn. Dh: nabadqab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bedqab
de: be safe
lx: bedqab
pd: (bedqabay)
ps: v1=cmp
key: bedqab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cadaab
(Cadaab-ka)
Aakhiro, meesha intii Ilaah caasiday oo dhurdarraystay ay joogaan oo lagu silciyo; naar; jahannamo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadaab
cadaab¹: m.l/dh 1. (dii.) Meel aad u kulul, dhibaato badan oo lagu ciqaabo inta Eebbe ku caasiday marka ay aakhiro tagaan; naar. 2. Dhibaato weyn; silic; rafaad.
cadaab²: f.g1 (-bay, -btay) 1. (dii.) Eebbe, inta caasiday naar gelin. 2. Cid ciqaabid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadaab
cadaab¹: m.l/dh 1. (dii.) Meel aad u kulul, dhibaato badan oo lagu ciqaabo inta Eebbe ku caasiday marka ay aakhiro tagaan; naar. 2. Dhibaato weyn; silic; rafaad.
cadaab²: f.g1 (-bay, -btay) 1. (dii.) Eebbe, inta caasiday naar gelin. 2. Cid ciqaabid. m.f.dh, cadaabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cadaab
m. n., [collective] hell; torture; pain, stress
cadaab v. damn, send to hell; punish
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cadaab
-ta: (n) [Pl. cadaabo-ha] hell (hel) ~ naar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaab
(fal) kadeed oo saxariiri; dhibaato gaadhsii.
cadaab: (fal) 'awood Ilaahay' cadaabta ku rid.
cadaab -ta: (magac, dhedig, keli) kadeedka iyo saxariirta cid la gaadhsiiyo, wejigii ay dooniba ha yeelatee.
cadaab -ta: (magac, dhedig, keli) aakhiro meesha intii Ilaahay caasida la geynayo. Dh: jahannamo, naar, saciira. Li: janno.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadaab
-ka: (magac, lab, keli) qori weyn oo dogob ah oo loogu daadego godadka ceelasha iyo wixii la mid ah. Dh: makaab, xakab, karkaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dedaal
dedaal¹: m.l la-mid: dadaal¹.
dedaal²: f.mg1 (-lay, -shay) la-mid: dadaal².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eedaad
(Eedaad-ka)
1. Aan la mahadin; rafaad; dhibaato; silic; saxariir.
2. Xanuun taah leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eedaad
eedaad¹: m.l 1. Rafaad; silic; saxariir. 2. Xanuun daran.
eedaad²: f.mg1 (-day, -dday) 1. Rafaad badan la kulmid. 2. Xanuun daran la kulmid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
eedaad
v. sigh, groan
eedaad m. n. difficulty, hardship; sigh, groan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
eedaad
-ay/day: (v) to utter a deep voice of pain or displeasure: groan (gorown); moan (mown) ~ taah
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eedaad
(fal) gef iyo qalad aad geysatay, cidhibtiisa u dhibtoo; cidhibta dhib aad geysatay eed.
eedaad: (fal) silic iyo saxariir ha ku haleelaan; rafaad iyo dhib lagu mari.
eedaad -ka: (magac, lab, keli) silic iyo darxumo. Waxan eedayeen, eedaad u maray, adigay ahayd Dh: hiirtaanyo, saxariir, silic. Li: badhaadhe, barwaaqo, ladnaan.
eedaad -ka: (magac, lab, keli) xanuun jibaad iyo taah weheliyaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eedaan
(Eedaan-ka)
(xoolo) ci xanuun keenay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eedaan
eedaan¹: m.l la-mid: aadaamid.
eedaan²: f.mg1 (-day, -dday) la-mid: aadaan².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
eedaan
vl. n. animal's cry of pain
eedaan v. cry with pain (of an animal)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
eedaan
-ka: (n) mournful cry made by animals, usually indicative of pain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eedaan
(fal) salaadda dadka ugu yeedh; sallaadda ku baaq. Dh: aadaan, adaan.
eedaan: (fal) riyo, qalaad; ci'.
eedaan -ka: (magac, lab, keli) ereyo af Carabi ah oo ka bilaabma 'Allaahu akbar' kuna dhammaada 'laa ilaaha illaa Allaahu' oo loo sharciyeeyey in salaadda la iskugu yeedho; baaqa marka salaadda waqtigeegu gaadho dadka lagu ogaysiiyo. Dh: aadaan, adaan.
eedaan -ka: (magac, lab, keli) ci'da iyo qalaadka ri'yaha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
eedaan
de: animal's cry of pain
lx: eedaan
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: eedaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eydaar
-ta: (magac, dhedig, keli) hal sidkeegii soo dhoweysay. Dh: fooladka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gedaad
(Gedaad-ka)
Inta wax la qoonsado, la caroodo; dhirif; dharas; diidmo; guhaad; gadood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gedaad
gedaad¹: m.l la-mid: gadoodid.
gedaad²: f.mg1 (-day, -dday) la-mid: gadood².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gedaad
m. n. anger
gedaad v. be angry
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gedaad
-ka: (magac, lab, keli) dhiisha marka culaygu ka xumaado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gedaan
-ka: (magac, lab, keli) haanta guudkeeda; saabka haanta qarkiisa ama geerkiisa. Dh: gadaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ladaab
1. (Ladaab-ka) leg.
2. (Ladaab-ta) (cabidda xoolaha) maalin walba; had iyo goor; kalaggo'id la'aan; durduur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ladaab
ladaab¹: m.l (-byo, m.dh) Legga xoolaha.
ladaab²: m.dh 1. Waraabinta xoolaha maalin walba la waraabiyo. 2. L. ah: xoolo maalin walba biyo cabba.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ladaab
m. n. brisket, fatty meat on breast of an animal
ladaab [feminine] n. daily watering, interval at which livestock are watered
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ladaab
-ta: (magac, dhedig, keli) cabbidda xoolaha ee maalin walba la waraabiyo. Dh: durduurad
ladaab -ta: (magac, dhedig, keli) leg hilib ah. Nin ladaabta ka hirqaday, oo laqanyoonayaan ahaay. Dh: dhinac, leg, dhawar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
medaad
-da: (magac, dhedig, keli) khadka wax lagu qoro. Dh: anqaas.
medaad -ka: (magac, lab, keli) xoojin iyo gargaar. Dagaalkii Beder Muslimiinta waxa medaad looga dhigay Malaa'ig. Dh: gurmad, taageero.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geedgaab
m.l.u Dhirta inteeda in yar dhulka ka kacsan ee aan hoos dadku harsan karo lahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geedgaab
m.l.u Dhirta inteeda in yar dhulka ka kacsan ee aan hoos dadku harsan karo lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geedgaab
m. n. short plant, plant that doesn't grow tall
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geedgaab
-ka: (magac, lab, keli) sarciga la beerto inta ay ka midka yihiin heedda qamadiga iyo sarreenku. Sannadkan banka geedgaab ayaa si wanaagsan uga baxay.
geedgaab -ka: (magac, lab, keli) geedaha inta aan jirrid adag lahayn ee aan dhulka aad uga kicin. Dh: nagaadh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geedgaab
de: short plant, plant that doesn't grow tall
lx: geedgaab
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: geedgaab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aab
erey ixtiraam iyo qaddarin ah oo ilmuhu aabbihii ugu jawaabo kolka uu u yeedho. Dh: aabbo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daa
f.g2 (dayay, deysay; deyn) 1. Wax xannibnaa faraha ka qaadid. 2. Hawl la hayay faraha ka qaadid. 3. Wax la caadaystay joojin. Tusaale: “Waxaa fiican inaad sigaarka dayso”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daa
f.g2 (dayay, deysay; deyn) 1. Wax xannibnaa faraha ka qaadid. 2. Hawl la hayay faraha ka qaadid. 3. Wax la caadaystay joojin. Tusaale: Waxaa fiican inaad sigaarka dayso. m.f.dh, deyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daa
v. let be, leave alone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daa
-yey/daysay: (v) 1. leave it alone ~ dhaaf, iska daa 2. —sii daa: (v) release (ri-liis); dismiss (dis-mis); set free
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daa
(fal) wax aad faraha ku hayso ama samaynayso jooji. Daa oo faraha ka qaad beerta.
daa: (fal) «ku soo ~» daah ama wax kor ku laalan hoos u soo daadeji. Ku soo daa daaha daaqadda.
daa: (fal) «ku soo ~» ilmo maqal ah hooyadii mareeg ama xero uga soo daa. Ku soo daa saca weysha.
daa: (fal) «ku soo ~» walax meel ku jirta ama saaran ha ka saarin ama haka qaadin. Dabaqa daboolka ku daa daqsigu yaanu geline.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dab
(Dab-ka)
Kulaylka iyo iftiinka ka yimaada, wixii la gubo ama la shido.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dab
dab¹: m.l (-bab, m.l) 1. Wax holac kulayl iyo iftiin leh oo ka dhasha gubashada. 2. Hub. 3. Danab. la-mid: deb.
dab²: m.dh Ceel maax ah oo aan dowlis lagu cabbin.
dab³: f.g1 (-bay, -btay) 1. Ugaar, shimbir iyo wixi lamida dabin ku qabasho. 2. Timo soohid. 3. Il muddo yar isku hayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dab
dab¹: m.l (-bab, m.l) 1. Wax holac kulayl iyo iftiin leh oo ka dhasha gubashada. 2. Hub. 3. Danab. la-mid: deb.
dab²: f.g1 (-bay, -btay) 1. Ugaar, shimbir iyo wixi lamida dabin ku qabasho. 2. Timo soohid. 3. Il muddo yar isku hayn. m.f.dh, dabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dab
m. n. fire
dab v. trap, entrap, snare; braid; tow (a vehicle)
dab vl. n. trapping
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dab
/daab/ (n) 1. taabasho khafiif ah (dusha ka salaaxid) (v) 2. dusha ka mar-marin (korka ka yar marin).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dab
-ka: (n) 1. fire (faayar) 2. dab -ay / tay: (v) trap (taraap); ensnare (inis-neer); trap with or catch with a snare ~ dabin qool
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dab
Fuoco
Fire
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dab
(fal) labo wax isku xidhiidhi oo isku dabaxidh.
dab: (fal) ul iyo wixii la mid ah, wax toosan ha noqon ee galloocsan. Bakooraddii way dabtay dhisid bay u baahantahay.
dab: (fal) ugaadh ama wax kale, dabin u dhig. Dumarka adduunyaa lagu dabaa, ugaadhana ay doqonkana ammaan.
dab: (fal) gaadhi aan gaar u socon karin gaadhi kale ku jiid. Gaadhiga, gaadhi kale ku dab oo ku jiid.
dab: (fal) il isku qabo. Ninkasta markuu wax shiishaayo il buu dabaa ilna wuu furaa.
dab: (fal) timo tidic ama sooh oo marmarrooci. Anoo jooga gurigii, gacallo hooyaday, guudkana la ii dabin, adaa ii la soo galay jacaylkee.
dab -ka: (magac, lab, keli) kulaylka iyo iftiinka ka yimaadda wixii shidmaya oo leh dhib iyo dheef labada hadba dhanka loo adeegsado. Dab iyo cudur meel ma wada fadhiistaan. Dh: naar, cadaab.
dab -ka: (magac, lab, keli) oogada meel kasta oo la gubay haarta iyo raadka ay ka tagto. Caloosha dab badan ayaa kaaga yaalla maxaa ku helay ma markaad yarayd lagu gugubay?
dab -ka: (magac, lab, keli) awoodda maayada ee qalabku ku shaqeeyo; tamarta kulaylka, awoodda dhaqdhaqaaqa iyo iftiinka dhalisa. Dabkii baa naga tegey oo nalkii waa naga demey. Dh: kooraan.
dab -ka: (magac, lab, keli) hubka ama qoryaha rasaastu ka dhacdo. Aan dagaalnee, Alla dab iyo maad na siisid dirays. Dh: hub.
dab-ta: (magac, dhedig, keli) ceel maax ah oo aan dowlis lagu cabbin ama biyihiisu dhow yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adaa
mu.eb Magacuyaalka qofka labaad oo ka kooban 'adi' iyo 'aa 1'.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
adaa
pron., red, sg. It is you who ...
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
adaa
(pronoun) to you.... Ex: Buuggaan adaa leh; this book belongs to you
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adaa
(magac'uyaal) tilmaamaya qofla labaad ee lalahadlaha ah; 'adi' iyo 'ayaa' oo la isku daray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Adab
(Adab-ta)
Kolay yar oo wax lagu gurto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adab
adab¹: m.l Suugaan.
adab²: m.dh (-byo, m.l) 1. Qalab u gaar ah aqal Soomaaliga oo wax lagu rito sida qufadda, xashinta iyo wixi lamida. 2. Kolay yar oo ka samaysan harag ama mayrax oo ay haweenku wax ku gurtaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
adab
m. n., [collective] discipline (in education)
adab [feminine] n. small container, bag, purse
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
adab
-ka: (n) 1. discipline (disipiliin)-, 2. a branch of knowledge or teaching; art (aart)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adab
-ka: (magac, lab, keli) magac guud oo lagu tilmaansado suugaanta, waana erey ka soo jeeda af Carbeed.
adab -ta: (magac, dhedig, keli) anshaxa iyo. dhaqanka wanaagsan.
adab-ta: (magac, dhedig, keli) kolay yar oo ka samaysan maydhax iyo wax la mid ah oo ay haweenka Soomaaliyeed wax ku ridan jireen.
adab -ta: (magac, dhedig, keli) mid ka mid ah agabka aqal Soomaaliga oo wax lagu gurto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baab
(Baab-ka)
1. Qaybaha ama xubnaha kitaabka middood, fasalka ka weyn.
2. Jaad; nooc; jinsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baab
m.l (-bab, m.l) 1. Qayb ka mid ah qaybo buug. 2. Mowduuc ku saabsan arrin gaar ah. 3. Isku b.: wax isku nooc ah. Tusaale: “Dad aan isku baab ahayn ayaad casuntay”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baab
m.l (-bab, m.l) 1. Qayb ka mid ah qaybo buug. 2. Mowduuc ku saabsan arrin gaar ah. 3. Isku b.: wax isku nooc ah. Tusaale: Dad aan isku baab ahayn ayaad casuntay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baab
m. n. type, kind; topic; chapter
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baab
-ka: n) phase (feeyzf aspect; one of b o or more opposing sets of opinions
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baab
(fal) fal ku akhri, sixir u qabo. Nin Banaadir joogoo, Beledweyn la haystoo, waxaan ahay la baabee. Dh: sixir.
baab -ka: (magac, lab, keli) fal qofka lagu sameeyo oo wax u dhima maskaxdiisa. Ninkii baab dhigaa isagana balaayaa u taal. Dh: Sixir, qataar, girigiri.
baab -ka: (magac, lab, keli) qaybta ama badh hadal ah oo ka kooban sadar ama sadarro. Aan baab tusaale ah, ku bilaabe hadalkee, bismilaahi waa kow.
baab -ka: (magac, lab, keli) jaad turubka ah; afarta jaad ee turubka midkood. Dheeman iyo isbigmid kastaa waa baab.
baab -ka: (magac, lab, keli) qaybaha kitaab ama buug ka kooban yahay, qayb is ku hal ujeeddo ka hadlaysa. Dh: cutub, qayb.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baab
bw: Arabic
de: type, kind; topic; chapter
lx: baab
pd: (-ka Pl: baabab)
ps: n4-m
key: baab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daac
daac¹: m.dh Qabatoon; macaluul; diihaal.
daac²: f.g/mg1 (-cay, -cday) 1. (f.g) Neef caloosha ka timaadda oo dhawaaq leh, afka ka sii deyn. 2. (f.mg) Nafley caatoobid. la-mid: daaco².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daac
daac¹: m.dh Qabatoon; macaluul; diihaal.
daac²: f.g/mg1 (-cay, -cday) 1. (f.g) Neef caloosha ka timaadda oo dhawaaq leh, afka ka sii deyn. 2. (f.mg) Nafley caatoobid. m.f.dh, daacid. la-mid: daaco.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daac
v. belch, burp
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daac
-ay / day: (v) belch (beelji); burp (beerp); expel gas from the mouth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daac
(fal) qallooco oo hoos u diis, hoos u dhuuc, hoos u godo. Waxa aan la kufay xagashaai daacday miiskaankaan qaadday awgii.
daac: (fal) dhereg awgii la daac, wax naqas leh oo aad cabtay hawo goosgoos ah afka keen, afka neef xoog badan ka keen. Dibbiro darteed buu doqonku la daacayaa.
daac: (fal) webi, tog, laag iyo wixii la mid ah, meel kale ku dar ama ku faaf meel doox ah ama dhul siman oo hoose. Docda bari dareeriga baddiyo, Seylac darifkeeda, dusha koonfureed iyo ilaa, webiga daaciisa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daac
de: belch, burp
lx: daac
pd: (daacay)
ps: v1=intr
key: daac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daad
(Daad-ka)
Biyaha roobka (xareedda) ama webiyaasha oo dhulka dulundulceeya ama xoog ugu soo dillaaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daad
daad¹: m.l (-dad, m.l) 1. Biyo xoog leh oo faafa oo ka yimaadda roob da'ay ama webi fatahay. 2. Qaybta roobka ka mid ah oo ugu dambaysti gaarta duruuraha.
daad²: m.l (-dad, m.l) (juqraafi) Biyo si kedis ah oo dar-dar ah u shubma ee uu gaar ahaan keeno roobka weyn ee ka da'a waadiyada meelaha lamadegaan-u-ekeyaasha ah.
daad³: f.mg1 (-day, -dday) Biyo badan oo ka yimid roob da'ay ama webi fatahay faafid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daad
daad¹: m.l (-dad, m.l) 1. Biyo xoog leh oo faafa oo ka yimaadda roob da'ay ama webi fatahay. 2. Qaybta roobka ka mid ah oo ugu dambaysti gaarta duruuraha.
daad²: m.l (-dad, m.l) (juqraafi) Biyo si kedis ah oo dar-dar ah u shubma ee uu gaar ahaan keeno roobka weyn ee ka da'a waadiyada meelaha lamadegaan-u-ekeyaasha ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Daad
Run-off, Flash-flood
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daad
m. n. flood, floodwater
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Daad
nickname; name-m flood. Lit: born quickly or unexpectedly. Cf: Butaaco