ed
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
ed
cong. - iyo, (waxaan la isticmaalaa marka uu magaca ka dambeeya ku bilaabmo shaqal).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Anshax
(Anshax-a)
Xeerarka dhaqanwanaagga iyo bulshannimada; edeb; xishood; asluub; xarrago; hufnaan; (ama anshi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciyaal
(Ciyaal-ka)
Carruur yaryar, siiba kuwa aan si wanaagsan loo edbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhoocil
(Dhoocil-ka, Dhooci-sha)
1. Wiil ama gabar aan guri ama dugsi edebta bara helin oo hadal xun iyo cay badan.
2. Rati weyn; xaaswalwaal; biyammaddaadshe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Edbin
(Edbin-ta)
Edeb u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Edeb
(Edeb-ta)
Dhaqanwanaag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Edebdarro
(Edebdarra-da)
Edeb la'aan; basarxumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Edeg
(Edeg-ga)
Xero yar oo loo dhigo maqasha xoolaha; meel ciriiryoon; qolqol.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rabbayn
(Rabbayn-ta)
1. (carruur) Dhaqan iyo edeb wanaagsan ku abahin, barid, ku korin; barbaarin.
2. (xoolo) rabbaayad ka dhigid; carbin; laylyid; jebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saqajaan
(Saqajaan-ka)
1. Qof aan asluubta iyo dhaqanwanaagga bulshada aqoon; qof anshi xun.
2. Asluub-darro; anshax-xumo; edebdarro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xishmo
(Xishma-da)
1. Xishood.
2. Muuno; sharaf; weyneyn; tixgelis.
3. Edeb; (ama xushmo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asluubeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Asluub lahaansho; edebeysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciddikudhufaan
m.l la-mid: edegkudhufaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durruqaan
m.l 1. Ci'da dameeraha. 2. Hadal edebdarro ku jirto oo qof aan xishoonayni ku hadlo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
edbin
m.dh eeg edbi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
edebdarnaan
m.f.dh eeg edebdaran. la-mid: edebdarnaansho, edebdarro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
edebdarnaansho
m.l/dh la-mid: edebdarnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
edebdarri
m.dh la-mid: edebdarro (1).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
edebdarro
m.dh 1. la-mid: edebdarri. Anshax iyo asluub xun. 2. la-mid: edebdarnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
edebdarrood
m.f.l eeg edebdarroo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
edebsami
m.dh Anshax ama asluub wanaagsan oo cidi ku sifowdo. la-mid: edebsamo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bed
(Bed-da)
Nabad; ladnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bed
bed¹: m.l (-dad, m.l) Masaaxa dhul ku fadhiiyo.
bed²: m.l (-dad, m.l) (xisaab) Summad A. Cabbirka ama baaxadda dul. Dushu waxa ay noqon kartaa dul sallax ah ama dul xoodan. Halbeegga caalamiga ah ee bedka waa mitir labajibbaaran (m2).
bed³: m.l/dh (-do, m.l) 1. Caafimaad; ladnaan. 2. Badbaado. la-mid: bąd.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bed
bed¹: m.l (-dad, m.l) Masaaxa dhul ku fadhiiyo.
bed²: m.l (-dad, m.l) (xisaab) Summad A. Cabbirka ama baaxadda dul. Dushu waxa ay noqon kartaa dul sallax ah ama dul xoodan. Halbeegga caalamiga ah ee bedka waa mitir labajibbaaran (m2).
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bed
Area
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bed
f. n. safety, well-being, peace; protection, security
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bed
/bedh/ (n) 1. sariir 2. shay aasaaskiis ama salkiisa (gun-dhig) 3. meel wax lugu beero.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bed
/bed/ (n) 1. sariir. 2. meel wal lyky abuuraw. 3. hoos (maagnathy amy webighy salsho).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bed
(fal) magdhow wax kugu maqan oo wax u dhigma bixi. Bed gaadhigaad iga jebisay.
bed -ka: (magac, lab, keli) qiyaasta labajibbaaran ee shaxan dhexdiisu ka kooban tahay; inta labajibaar ee shaxan uu ka kooban yahay; meeli intay kala fidsan tahay oo lagu cabbiro halbeeg labajibbaaran. Bedka gurigu waa 20m2.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Bed
Cabbirka labanlaaban ee ku kooban dusha xeraysan ama heeraaran, Bedka gurigu ku fadhiyo waa mt. 4 x 6 = M² 24
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bed
de: safety, well-being, peace; protection, security
lx: bed
pd: (-da)
ps: n0-f
syn: nabad, ladnaan
key: bed
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bed
n., sariir, -ti, gogol, -shi; go to bed, hurda doono or tag; he is abed, waa jiifaa, waa hurdaa; he lies sick abed, bukaan or xanuun buu la jiifaa; put him out of his bed, sariirtiisa ka toosi; he is on his death bed, waa ugu dambaystiisii; bed side, sariirti geesteeda; he that goes to bed thirsty rises healthy, ninki haraad ku seexda, caafimaad buu kusoo toosaa; it is bed time, hurdaa joogta; bed stead, horiyo sariireed.
bed (of a river), n., dec or dix, -di, doox, -i; dry bed of a river, goof, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ded
(Ded-ka)
Wax biyaha iyo dabaysha iyo dheelka iyo kulka celiya oo ama aqallada la dhisa hayo korka laga saaro ama wax kaloo loo baqa hayo la huwiyo oo lagu daboolo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ded
ded¹: m.l 1. la-mid: dąd 1. Shey dusha laga saaro ama lagu daboolo wax feydan. 2. la-mid: dedid.
ded²: f.g1 (-day, -dday) Wax feydan, shey dusha ka saarid ama ku daboolid. la-mid: dąd².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ded
ded¹: m.l 1. la-mid: dąd¹. Shey dusha laga saaro ama lagu daboolo wax feydan.
ded²: f.g1 (-day, -dday) Wax feydan, shey dusha ka saarid ama ku daboolid. m.f.dh, dedid. la-mid: dąd.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ded
m. n. extra covering over roof of a hut (against rain ~ sun)
ded v. cover (with a sheet, etc. to protect); conceal
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ded
-ka: (n) cover (kofer); covering
ded -ay / day: (v) roof (ruuf); cover (kofer) ~ dabool —deddan: (adj) covered (ka-veridh) ~ daddan. Ex: walax deddan; something covered
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ded
(fal) wax meel yaalla dusha wax ka saar oo dabool. Bustaha ku ded bukaanka. Dh: qari, huwi. Li: fayd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eed
Eed — (Eed-da)
1. Xaal; arrin; xaajo; gar.
2. Gaboodfal; gef; denbi.
-eed
Waxay ka dabadhacdaa magaacyada qaarkood, ulajeeddo lahaaneedna u yeeshaa; (alaabo carruur-eed; askar Soomaaliy-eed).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eed
eed¹: m.dh (-do, m.l) 1. Denbi cid uusan ku caddayn lagu soo oogey. 2. Gef; denbi.
eed²: f.g1 (-day, -dday) Fal, arrin iyo wixi lamida samayntooda natiijo xun kala kulmid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
eed
eed¹: m.dh (-do, m.l) 1. Denbi cid uusan ku caddayn lagu soo oogey. 2. Gef; denbi.
eed²: f.g1 (-day, -dday) Fal, arrin iyo wixi lamida samayntooda natiijo xun kala kulmid. m.f.dh, eedid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
eed
v. blame, accuse; repent, regret, lament
eed [feminine] n. accusation, blame; reason, cause; fault, guilt
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
eed
-da: (n) allegation (ala-geey-shin); blame (baleeym); fault, guilt
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eed
(fal) qalad ad horay u gashay cidhibtiisa xambaaro oo ka qoomammee ama ku guuldarrayso. Dh: aalo.
eed: dabakar magacyada xagga danbe kaga darsama kolka cid loo aanaynayo ama loo tiirinayo Arrin dawladeed iyo indho qudhaanjeed, midna lama arko.
eed -da: (magac, dhedig, keli) cambaarayn gef iyo denbi xanbaarsan. Gaboobe Senge wuxu yidhi 'Eed geel laga wadaan waayay!' Dh: gaboodfal, denbi, canbaarayn, gef. Wa: eedo.
eed -da: (magac, dhedig, keli) xaal iyo arrin loo fadhiyo; xaajo iyo gar la naqayo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
end
/endh/ (n) 1. dhammaad (v) 2. dhammayn.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
end
n., aakhir, -ki, idlaan, -ti; last or breath (death), ugu dambays, -ti; the end of the year, sanadda aakhirkeedi or idlaantii; go to the further end of the street, surinku meeshuu ku go’o tag; he draws towards his end, ugu dambaystiisii buu u dhowyahay; the ultimate end is death, judgment, heaven or hell, kolki ugu dambaysay, or dugta ugu dambaysa waa geeri, iyo xisaab, iyo janno ama cadaab.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fed
/fedh/ (v) quudiyey (feed oo fal tagay ah).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ged
(Ged-da)
Dhalanka iyo baxaalliga qof u gaar ah; alab; baxaalli; dabeecad; falfal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ged
m.dh (-do, m.l) 1. Dhaqanka iyo baxaalliga qof leeyahay; dabeecad. 2. G.diisa: caadadiisa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ged
m.dh (-do, m.l) 1. Dhaqanka iyo baxaalliga qof leeyahay; dabeecad. 2. G.diisa: caadadiisa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ged
f. n. character, norm, aspect, standard
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ged
-da: (n) habitual practice of a person: habit (hab it); custom (kas-tem). Ex: waa geddiisii; it is his habit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ged
-da: (magac, dhedig, keli) dabeecad shey leeyahay ama lagu yaqaan. Dh: gad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ged
de: character, norm, aspect, standard
lx: ged
pd: (-da)
ps: n1-f
key: ged
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hed
m.dh Wax la cuno. la-mid: hąd (3).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hed
f. n. specific (period of) time
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hed
-da: (magac, dhedig, keli) nafta oo wakhtigeedu dhamaado oo la qaado. Haddii aan heddeen gelin intaan dunida hoos joogno. Dh: wed, geeri, ajal.
hed -da: (magac, dhedig, keli) goor la yaqaan oo billaw iyo dhammaad leh. Dh: kol, waqti.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hed
de: specific (period of) time
lx: hed
pd: (-da)
ps: n1-f
see: had
key: hed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jed
m.dh (-dad, m.l) la-mid: jarmo.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
JED
(Ged) S Kohautia caespitosa Schinz. Rubiaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
led
f.mg1 (-day, -dday) la-mid: lad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
led
v. be satisfied
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
led
/ledh/ (v) hoggaamiyey, hor-kacay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
led
(fal) seexo oo gama'.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
led
a: lad
de: be satisfied
lx: led
pd: (leday)
ps: v1=
key: led
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Med
(Med-ka)
Dhagax; shiid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
med
med¹: m.l la-mid: mad¹.
med²: f.g1 (-day, -dday) la-mid: mad².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
med
m. n. black stone, granite
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
med
(fal) dhagax ku dil. Med ninka isaga oo reer leh gogoldhaaf sameeya. Dh: mad.
med -ka: (magac, lab, keli) xarakada xarfaha badhkood oo la dheereeyo meelo gaar ah oo Qur'aanka Kariimka ah iyadoo la raacayo qaacido tajwid ah. Qur'aanka meeshii med leh jiid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
med
de: black stone, granite
lx: med
pd: (-ka)
ps: n-m
see: mad
key: med
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
red
/redh/ (n) guduud (casaan).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
red
a., cas, guduud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sed
(Sed-ka)
1. Wax la wadaago qaybta qof waliba gooni uga hela hayo.
2. (cunno) qayb go'an oo dowlad (ama maamul kale) cid ku masruufto; (ama sad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sed
m.l (-dad, m.l) Qayb cunto ah oo Ilaah nafley calaf uga dhigo. la-mid: sad¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sed
m.l (-dad, m.l) Qayb cunto ah oo Ilaah nafley calaf uga dhigo. la-mid: sad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sed
m. n. share, allotted portion, allotment; provisions
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sed
-ka: (n) 1. fate (feyt); luck (lak) ~ calaf, sad. 2. share (sheer); dividend (di-vi-dhend) ~ sad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sed
-ka: (magac, lab, keli) 'cunto' qayb go'an oo maammul ama dawladi cid ku masruufto. Sed ku filan dadka lama siinin. Dh: sad.
sed -ka: (magac, lab, keli) wax la wadaago, qaybta uu qof waliba goonni uga helo. Dh: saami, sad, qurus, calaf, kimis, qayb.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sed
a: sad
bw: Arabic
de: share, allotted portion, allotment; [pl] provisions
initial: s
lx: sed
pd: (-ka Pl: sedad (ka))
ps: n4-m
key: sed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wed
(Wed-ka)
Geeri; dhimasho; meleg; (ama wad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wed
wed¹: m.l Geeri; dhimasho. la-mid: wąd.
wed²: f.g1 (-day, -dday) Wax dilid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wed
m.l Geeri; dhimasho. la-mid: wąd.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wed
m. n. death, time (predestined) to die; causes of death
wed v. cause someone's death, kill
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
wed
/wedh/ (v) 1. guursasho (aroosid) 2. isu-geyn, midayn. e.g. to wed skill with hard work
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wed
-ka: (n) death (deeth) the act of dying ~ mowd
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wed
-ka: (magac, lab, keli) dhimashada aan sabab lahayn een la maarin karayn. Wed iyo habaar kulme. Dh: mawd, ajal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yed
yed¹: m.dh la-mid: yad¹.
yed²: f.g1 (-day, -dday) la-mid: yad² (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yed
-da: (magac, dhedig, keli) 'hanti lahaansho gaar ahaaneed. Gurigan anigaa yed u leh. Dh: yad.