ebinefiriin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ebinefiriin
m.l (baayoloji) Hormoon uu soo daayo medullaha qanjidh kelyoodku, kaas oo kordhiya garacaa wadnaha, kor u qaada awoodda iyo dheeraynta dhaqdhaqaaqa muruqyada iyo kordhinta dhaqsaha iyo qotada neefsiga, si uu ugu diyaariyo jidhka cabsi, orod ama dagaal. Waxa kale oo uu joojiyaa dheefshiidka iyo qashinsaarka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ebinefiriin
m.l (baay.) Hormoon uu soo daayo medullaha qanjidh kelyoodku, kaas oo kordhiya garacaa wadnaha, kor u qaada awoodda iyo dheeraynta dhaqdhaqaaqa muruqyada iyo kordhinta dhaqsaha iyo qotada neefsiga, si uu ugu diyaariyo jidhka cabsi, orod ama dagaal. Waxa kale oo uu joojiyaa dheefshiidka iyo qashinsaarka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ebinefiriin
-ka: (magac, lab, keli) hormoon uu soo daayo medullaha qanjidh kelyoodku oo kordhiya garaaca wadnaha, korna u qaada awoodda iyo dheeraynta dhaqdhaqaaqa muruqyada iyo dhaqsaha iyo qotada neefsiga, si uu ugu diyaariyo jidhka cabsi, orod ama dagaal. Waxa kale oo uu joojiyaa dheefshiidka iyo qashinsaarka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Finfiniin
(Finfiniin-ka)
1. Jajab yaryar oo wax xoog loo tumayo ama loo garaacayo ka soo duulduula.
2. Meel colaadi joogto ama dagaal - af iyo addinba - waxyaalaha ama arrimaha dardaran oo ka dhaca haya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
finfiniin
m. n., [collective] fragments, splinters, smithereens
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
finfiniin
-ka: (n) flying chips [pieces] as of wood, stone, or water drops , broken or cut off ~ fanfaniin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
finfiniin
-ka: (magac, lab, keli) jajab yaryar oo wax xoog loo tumayo ama loo garaacayo ka duulduula.
finfiniin -ka: (magac, lab, keli) meel colaadi ka jirto ama lagu dagaalamayo, waxyaabaadka ka gudba oo degaannada aan ku jirin ka soo gaadhgaadha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
finfiniin
de: fragments, splinters, smithereens
lx: finfiniin
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: finfiniin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hinfiriir
(Hinfiriir-ka)
Hanfariir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinfiriir
m.l la-mid: hanfariir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hinfiriir
m. n., [abstract] fright
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinfiriir
-ka: (magac, lab, keli) yaab iyo amakaag qofka ku dhaca kolka wax caadada khilaafsan la arko. Dh: yaab, anfariir, dhabannaqabsi, amkaag, fajac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hinfiriir
de: fright
lx: hinfiriir
pd: (-ka)
ps: n2-m-abs
see: hanfariir
key: hinfiriir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biciriir
(Biciriir-ka)
Wax eegid iyadoo indhaha aan dhab loo kala qaadin, muruqyadoodana la adkayna hayo: kolka indhaha wax-araggoodu yar yahay ama if xoog badani ka hor yimaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biciriir
m.l Eegitaan aan indhaha dhab loo kala qaadin iyadoo muruqyadooda la adkaynayo kolka aragtidoodu yartahay ama if xoog badani ka hor yimaado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biciriir
m.l Eegitaan aan indhaha dhab loo kala qaadin iyadoo muruqyadooda la adkaynayo kolka aragtidoodu yartahay ama if xoog badani ka hor yimaado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biciriir
v. look from under one's eyelids, glance furtively
biciriir vl. n. furtive glance, quick look
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biciriir
-ka: (magac, lab, keli) neef ishin ah oo aad u naaxsan sida dibiga. Biciriir dibiyaa martida loo qalay markay barada soo gaadhay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biifniin
-ka: (magac, lab, keli) biifitaan ku samayn. Biifniin waxba ka qaadi waayey waa weelala aan wax badan la maydhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biniinin
m.f.dh eeg biniini. la-mid: biniinis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biriirin
m.f.dh eeg biriiri. la-mid: biriiris.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Ingiriis
m. n. English (language), British (person)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Ingiriis
-ka: (n) 1. English language ~ ingiriisi-ga. 2. England or its people or culture
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Ingiriis
de: English (language), British (person)
lx: Ingiriis
pd: (-ka)
ps: n2-m
xe: iisal Wasaaraha Ingiriiska the British Prime Minister
xv: Ra
key: Ingiriis
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Beneficio
Naxariis, (faiido) nacfi
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
beneficio
s.m. sammaan, gargaar, faa'iido.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
findhirin
m.dh la-mid: fandharid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
finjiriir
-ka: (magac, lab, keli) foorarka dheer ee wax isku dhex daatay la kala gurayo, sida hadhuudh iyo bariis. Dh: gundud, gannood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaafiriin
m.dh.w eeg kaafir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaafiriin
-ta: (magac, dhedig, keli) dad aan Ilaah rumaysnayn. Dh: gaalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shintirin
(Shintirin-ta)
(wax u) maalmo ama bilo ama guyaal tirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shintirin
m.f.dh eeg shintiri. la-mid: shintiris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shintirin
-ta: (magac, dhedig, keli) u-wax maalmo ama bilo ama guyaal u tirin, shintiris. U shintirin uma baahna geelu.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
beneficial
/benafishal/ (adj) faa'iido ama waxtar leh.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
beneficial
/benefishal/ (adj) waltar leh (manfa'a leh).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
benisiliin
m.dh (daawo) Daawo ka sameysanta jeermiga loo yaqan “penicillum notatum” loona isticmaalo daaweynta caabuqa oo ay keenaan jeermiyaal aad u kala duwan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
benisiliin
m.dh (daaw.) Daawo ka sameysanta jeermiga loo yaqan 'penicillum notatum' loona isticmaalo daaweynta caabuqa oo ay keenaan jeermiyaal aad u kala duwan.