e
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
E
(e')
Xarafka shanaad oo Alifka Soomaalida. Waa shaqal.
-e: (-ee)
Hadallo ama tixo bay xiriirisaa, kol ay erey ku dabakaran tahay iyo kol ay gooni isu taagto, labadaba waa leedahay; (sida: Waa Liibaane u yeer; ama: Waa Liibaan ee u yeer).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
e
e¹: m.dh (e') Xarafka shanaad ee alifka Soomaaliga, kana mid ah shaqallada.
e²: xi. (-e) la-mid: ee¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
e
(e') m.dh Xarafka shanaad ee alifka Soomaaliga kana mid ah shaqallada.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
e
-da: (n) the fifth [5th] letter of the Somali alphabet, according to the style adopted by this dictionary, it is vowel letter ~ shaqal
—e (suffix) one that performs a specified action: doer (dhuuwer), —er or —or. Ex: dhise; budder. Sheelare; accelerator; karkariye; broiler
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
e
cong. - iyo, -na.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
e
(e'): xarafka shanaad ee xuruufta Af-Soomaaliga, ahna shaqal gaaban oo u qorma: E, e, E, e.
e: (xidhiidhiye) hadal ama tixo isku taxa oo xidhiidhiya. Mararka qaar eray bay ku dabakarantaa kolna goonni ayay isu taagtaa sida: Waa Aadane u yeedha. Ha kaa qaboobo e, shaaha iska dhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
A
a: (a')
Xarafka koowaad oo Alifka Soomaalida. Waa shaqal.
-a: (naxwe) qodob raaca ereyada lab oo kelida ah oo 6 shibbane ku dhammaada (c, h, kh, q, x iyo hamsa, sida: magac-a, daah-a, jookh-a, maraq-a, madax-a iyo go'-a).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aadaan
(Aadaan-ka)
Ereyo yar oo lagu dheeraysto oo dadka tukashada loogu yeero (ama addin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aaddan
Ku abbaaran; toosan; eg; beegan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aaddanaan
(Aaddanaan-ta)
Ku abbaarnaan; toosnaan; ekaan; beegnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aammiin
(Aammiin-ta)
Erey ducada dabadeeda la yiraahdo oo ulajeeddadiisu tahay Ilaahow aqbal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aarbax
(Aarbax-a)
Eedbax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aarbixid
(Aarbixid-da)
Eedbixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaalmarin
(Abaalmarin-ta)
Abaalkiis abaal le'eg marin; abaalgudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abbaar
(Abbaar-ta)
Sida eg, tusmo; marin; aaddanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abboowe
(Abboowa-ha)
Erey walaal ka dhigan oo kuwa wada dhashay ama xigto ah ama isjeceli, isugu yeeraan (ama boowe).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abeesow
(Abeesow-ga)
Cudur oogada dadka ku dhaca oo haraggu u ekaado haragga abeesada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abqo
(Abqa-da)
Quraca iyo maraaga iyo geedaha la mid ah mirohooda (iniino badan oo yaryar oo ku gudajira galal dheerdheer oo laba qalbac ah oo kolkay engegaan furma); geydhe; mergiyaale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abwaannimo
(Abwaannima-da)
Abwaan ahaansho; aqoon, tan abwaanka u eg, lahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Adaar-biciid
(Adaar-biciid-ka)
Nagaar aan qodax lahayn oo ka baxa balliyada iyo togagga; wuxuu lee yahay, miro kuwa bunka u eg, dhirta dawadana waa ka mid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Addin
(Addin-ka)
1. Lugaha iyo jeenyaha iyo gacmaha middood.
2. Ereyo yar oo lagu dheeraysto oo dadka tukashada loogu yeero (ama aadaan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Af
(Af-ka)
1. Xubinta nafleydu cunnada ka cunto oo bushimaha iyo carrabka iyo ilkuhu ku yaalliin.
2. Ereyada iyo ulajeeddooyinkooda; hadal dhan oo tol isku garto oo ku wada hadlo, oo wax ku qabsado.
3. Dhinaca birtu wax ka gooyso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afargees
(Afargees-ka, Afargees-ta)
Muug fidsan oo leh afargees oo toosan iyo afar dhinac oo is wada dherer le'eg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afgobaadsi
(Afgobaadsi-ga)
Hadal macaan oo hufan oo eed ka cararid darteed keliya loo yiraahdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afyuun
(Afyuun-ka)
Geed-ubax la beero oo waxtar (dawo) iyo dhibaato weyn labadaba leh, oo dhulka kulul ka baxa; wuxuu lee yahay dhacaan sida caanaha u cad oo la engejiyo, oo dabadeed la cuno ama sida sigaarka loo shito; kartida iyo maanka qofkaba habbisuu saaraa, haddaan degdeg la isaga qabanna waa lala doorsoomaa oo lala dufoobaa (sida xashiishka, qaadka ...).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Akhriyid
(Akhriyid-da)
Erey ama hadal qoran kicin; ku dhawaaqid; naqid; marin.