dynamic
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dynamic
/dhaynamik/ (adj) 1. firfircoon (nashaad badan) (adj) 2. tamar-leh (dhaq-dhaqaaq leh).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Dynamic
Wax socda
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dynamics
Daynaamikada
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dynamics
/dhaynamikis/ (n) diinaamiko (cilmiga la xiriira tamarta iyo dhaqaaqa).
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Daynaamikada
Dynamics
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dinaamiko
f. n., [abstract] dynamics {physics}
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dinaamiko kul
n. phr. thermal dynamics {physics}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
carcar
-ta: (n) untested or fresh; untried; unbeaten; dynamic energy. Ex: carcartiisii buu qabaa; he is fresh and untested
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
firfircoon
-aa: (adj) energetic (ener-jatik); active (aaktiv), dynamic, vigorous, lively. Ex: xubin firfircoon; an active member
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tamar leh
(adj) dynamic (dhaay-naamik); active (aak-tiv); powerful (paawer-fuul) ~ firfircoon
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dinaamiko
de: dynamics {physics} {It}
lx: dinaamiko
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: dinaamiko
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dinaamiko_kul
de: thermal dynamics {physics}
lx: dinaamiko kul
ps: np
key: dinaamiko_kul
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
dinàmico
agg. - firfircoon.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dynamite
/dhaynamayt/ (n) qaraxdo awood-badan, oo loo adeegsado qarxinta ceelasha macdanta.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dynamo
Daynabo
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dynamo
/dhaynamo/ (n) diinimo (matoor).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Dynamo
Diinamo, ama Deynabada
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
dynamo
dynamo, n.f. - Mishiin quwadda qaaca, ta biyaha iwm, u beddela tamar danab (koronto).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
dynamique
dynamique, adj. - Firfircoon; wax qabanaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dayaamid
(Dayaamid-da)
Dayaan ka yeerid; daryaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayaamid
m.f.dh eeg dayaan². la-mid: daryaamid, diryaamid, diyaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayaamid
-da: (magac, dhedig, keli) dayaan iyo qaylo samayn. Buuraha ayaa dayaamiddu xoog ugu soo baxdaa.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
dinamite
s.f. - miino.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diyaamid
m.dh la-mid: dayaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diyaamid
-da: (magac, dhedig, keli) dhawaaq weyn oo ka daba shanqadha bixin. Diyaamidda hubka meel dheer baa laga maqlaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daynaamiko
m.dh (fiisikis) Qayb ka mid mekaanikada oo la xiriirta xoogagga dooriya ama abuura socodka walxaha. la-mid: dinaamiko.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

dami
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Dab, nal iyo wixi lamida bakhtin. 2. Dhibaato xasilin. la-mid: demi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dami
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Dab, nal iyo wixi lamida bakhtin. 2. Dhibaato xasilin. m.dh, damin. la-mid: demi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dami
v. extinguish, put out; turn off (light ~ engine)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dami
-yey / say: (v) switch off (iswiij of)', put out (put awt), turn off (teen of); extinguish (ikistingguwiish) ~ bakhtii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dami
(fal) bakhtii dab, laydh baxaya ama matoor guuxaya. Nalka gaadhiga dami. Dh: bakhtii. Li: daar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dami
a: demi
de: extinguish, put out; turn off (light ~ engine) rw: dan
lx: dami
pd: (damiyey)
ps: v2a=tr
key: dami
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cynic
/sinik/ (n) qofka aaminsan in dadkoo dhan danaystayaal yihiin, oo ka aamin baxa dadka iyo hawlahooda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Damac
(Damac-a)
1. Jeclaanta la jeclaysto in wax walba la helo ama la yeesho; hunguriweyni.
2. Doonis, rabitin, wax jeclaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
damac
damac¹: m.l 1. Hunguri weynaan dheeraad ah oo wax loo yeesho. 2. Rabitaan. 3. la-mid: damcid.
damac²: f.mg1 (-mcay, -macday; -mci) 1. Hunguri weynaan dheeraad ah wax u yeelasho (cid). 2. Wax rabid (cid). Tusaale: “Waxaan damcay in aan Diinsoor aado.”
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
damac
damac¹: m.l 1. Hunguri weynaan dheeraad ah oo wax loo yeesho. 2. Rabitaan.
damac²: f.mg1 (-mcay, -macday; -mci) 1. Hunguri weynaan dheeraad ah wax u yeelasho (cid). 2. Wax rabid (cid). Tusaale: Waxaan damcay in aan Diinsoor aado. m.f.dh, damcid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
damac
m. n. desire, longing, ambition; intention
damac v. desire, intend
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
damac
-a: (n) 1. desire (di-zaayar); wanting (waant-ing); aspiration (aas-pi-reey-shin); intention (zn-teen-shin); ambition (am-bi-shin); eagerness (iiger-nes) ~ doonid, rabitaan, hammad 2. greed (giriidh); selfishness (selfish-nes); greediness (giriidines) ~ hunguriweyni
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damac
-a: (magac, lab, keli) doonitaanka iyo hindisaha ku abuuran qofka aadamaha ah ee la jeclaysto in wax walba la helo ama la yeelsho. Rag damac iyo dacari ka ma dhammaadaan. Dh: doon, jeclayso, hunguriweyni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Damid
(Damid-da)
Dhammaansho; soo yaraansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
damid
m.f.dh eeg dąn. la-mid: demid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damid
-da: (magac, dhedig, keli) ololkii joojin oo bakhtiyid. Dab dabayli shidayso damid ha ka sugin. Dh: damis, bakhtiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
damin
m.dh eeg dami. la-mid: damis, demin, demis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
damin
vl. n. extinguishing; turning off (a light)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damin
-ta: (magac, dhedig, keli) dab ololaya bakhtiin. Daminta dabka dabdemiska ayaa u xilsaaran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
damin
de: extinguishing; turning off (a light)
lx: damin
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: damin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
damis
m.dh la-mid: damin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg damin.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
anemic
(adj) suffering from anemia.
dhiig yaraan baa haysa
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
anemic
/aniimik/ eeg: anaemic.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daamir
(Daamir-ka)
Wax cumur ah oo layiig ah oo madow oo wax ku dhegdhega oo qoryaha iyo dhuxusha. kd., lagala soo baxo; laami; (ama daamur).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daamir
m.l Walax layiig dhegdheg ah, madow, oo jidadka lagu sameeyo; laami. la-mid: daammur.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daamir
m.l Walax layiig dhegdheg ah, madow, oo jidadka lagu sameeyo; laami. la-mid: daammur.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daamir
m. n. tarmac, blacktop
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daamir
-ka: (magac, lab, keli) walax midab madow oo ah hadhaaga shidaalka caydhiin ah, badiyaana loo isticmaalo samaynta waddooyinka. Dh: gaamur, daamur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daamir
a: daamur
de: tarmac, blacktop
lx: daamir
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: laami
key: daamir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaami
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. Ceel biyo ka doonid. 2. Weel buuxin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaami
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. Ceel biyo ka doonid. 2. Weel buuxin. m.f.dh, dhaamin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaami
v. turn on water, pour water; draw ~ get ~ go for water
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaami
(fal) reerka biyo u doon oo aroor.
dhaami: (fal) weel buuxi oo daf ka sii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaami
de: turn on water, pour water; draw ~ get ~ go for water
lx: dhaami
pd: (dhaamiyey)
ps: v2a=
key: dhaami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhamac
(Dhamac-da)
Dhuxul adag oo dhirta waaweyn laga dubo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhamac
m.l/dh 1. Dhuxul qaxantay oo waaweyn. 2. Derin aan casaan lahayn oo faylikida u eg.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhamac
m.l/dh 1. Dhuxul qaxantay oo waaweyn. 2. Derin aan casaan lahayn oo faylikida u eg.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhamac
m. n. charcoal, ember; torch
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dhamac
nickname; name-m hot; charcoal, embers; torch
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhamac
-da: (n) burning charcoal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dhamac
magac loo baxsho wiil yaraantiisii firfircoon iyo geesinimo ku dheehnayd.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhamac
-da: (magac, dhedig, keli) qoryo gubtay dhuxusha ka hadhay ee nool.
dhamac -da: (magac, dhedig, keli) kulaylka laftiisa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhamac
de: charcoal, ember; torch
lx: dhamac
pd: (-da)
ps: n2a-m
key: dhamac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhamid
(Dhamid-da)
Cabbidda caanaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhamid
m.f.dh eeg dhan². la-mid: dhamis, dhamitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhamid
-da: (magac, dhedig, keli) caano, afka ku shubasho oo ligid. Caano dhamid mooyee calalis ma laha. Li: calalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhamis
m.dh la-mid: dhamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhamis
-ta: (magac, dhedig, keli)eeg dhamid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
dinamo
s.f. - diinamo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dunmid
(Dunmid-da)
Isku duwmid; isku dubbarridmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dunmid
m.f.dh eeg duman¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dunmid
vl. n. organization, act of organizing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dunmid
-da: (magac; dhedig; keli) abaabulmid oo qof cid wax la wada ahaan. Dh: abaabulmid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dunmid
de: organization, act of organizing
lx: dunmid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: dunmid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaamis
(tilmaame) aan iidaan lahayn. Carruurta cunto yaamis ah ha siin. L: iidaaman
yaamis-ka: (magac, lab, keli) cunto aan daan lahayn. Dh: yaabis.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
anaemic
/aneemik/anemic; (adj) 1. qofka dhiig yarida qaba 2. qof midabkiisu badalmay ama, diif ka muugato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aynabid
m.f.dh eeg aynab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aynabid
-da: (magac, dhedig, keli) dad badan, iyo wixii la mid ah isku kol wada dilid. Aynabiddu waa ceeb ninkii aqli lehow. Dh: layn, xasuuqid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ceramic
/seramik/ (n) dhoobo ka samaysan.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
ceramic
/seraamik/ (adj) wal dhooby ly guby ku suubsyng, sithy dhery, ashuung iwm.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dananid
(Dananid-da)
Ciyidda fardaha; sida faras u ciyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dananid
m.f.dh eeg danan². la-mid: danan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dananid
-da: (magac, dhedig, keli) ciyidda faraska.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deynmid
(Deynmid-da)
Deyn gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deynmid
m.f.dh eeg deyman.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deynmid
vl. n. borrowing, entering into debt
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deynmid
-da: (magac, dhedig, keli) deyn badan qabid. Dh: deymoobid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deynmid
de: borrowing, enter-ing into debt
lx: deynmid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: deynmid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaamid
(Dhaamid-da)
1. Wasakh ku dhoobid; uskag ka buuxin.
2. Ka wanaagsanaan, ka fiicnaan; ka door roonaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaamid
m.f.dh eeg dhaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan badanay ka roonaan; in yar ka fiicnaan. Dh: roonaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaamin
(Dhaamin-ta)
1. Dhaan kaxayn.
2. Afka ka joojin; buuxin.