duxid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duxid
(Duxid-da)
Dufan dibadda u soo habya yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duxid
m.f.dh eeg dux³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duxid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dareera ah oo liigaya ama muusaya, hoos u dhaadhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duxi
duxi¹: m.dh la-mid: dixi.
duxi²: f.g2 (-xiyay, -xisay) Laf iyo wixi lamida dux ka dhalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duxi
(fal) noole, dheefee; dheef u yeel; dux sii. Dh: buullee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dubid
(Dubid-da)
(cunno) dab ama raran ku bislayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubid
dųbid: m.f.dh eeg dųb².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dubid
-da: (n) the act of baking, roasting, broiling or grilling ~ solid, dubis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubid
-da: (magac, dhedig, keli) dab dushii wax ku solid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dudid
(Dudid-da)
Caro aan milgo lahayn oo dumarka iyo carruurtu lee yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dudid
dudid: m.f.dh eeg dud². la-mid: dudis.
dųdid: m.dh la-mid: didid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dudid
-da: (magac, dhedig, keli) ka tegidda halkaad degganayd adiga oo cadho qaba. Dudidda badani reerkaagay dumisaa. Dh: ulmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dugid
(Dugid-da)
1. Ebyoomid: dhammaansho.
2. Afgenbi u dhicid; jabid; bi'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dugid
dųgid: m.f.dh eeg dųg².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dugid
-da: (magac, dhedig, keli) ba' iyo ba'ayaale la kulmid. Dh: hoogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dumid
(Dumid-da)
1. (-) a) Wax la dhisay oo soo dhacay. b) Wax maqnaa oo soo galay (maqrib, habeen).
2. Isu duwid; isku dubbarridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dumid
m.f.dh eeg dun². la-mid: dumis².
dųmid: m.f.dh eeg dųn². la-mid: dųmis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dumid
-da: (n) collapse (kolaapsi); breaking down; falling down ~ burburid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dumid
-da: (magac, dhedig, keli) tiro ciidan ah oo meel la isugu keenay. Soo dumidda ciidanka waa inaad horseed adigu ka ahaatid.
dumid -da: (magac, dhedig, keli) dhisme kala daadin, burburid oo kala daadasho. Dumidda guriga dabayshaa sabab u ahayd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Durid
(Durid-da)
1. Wax fiiqan oo jir ama wax kale muda ama dhexgala; mudid.
2. Qeydada iyo qaanuunka oo wax laga sheego si xooggooda iyo kartidooda wax loogu dhimo oo loo baabbi'iyo ama loo yareeyo; waxkasheegid; burin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durid
m.f.dh eeg dur.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
durid
-da: (n) injection (in-jak-shen)-, injection with a syringe ~ duris
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durid
-da: (magac, dhedig, keli) wax turqid ama mudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dusid
(Dusid-da)
Meel daloosha dhex marid; meel kor ka awdan oo aan taagnaan lagu mari karin, ka bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dusid
m.f.dh eeg dus.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dusid
-da: (magac, dhedig, keli) qof meel ka gaaban hoos maraya ama u bixitaanka si qarsoodi ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duwid
(Duwid-da)
leexin; (ka duwid) Meeshuu ku aaddanaa oo ku abbaarraa, ka weecin; ka leexin; (ku duwid) meeshii lala rabey ku toosin, aadsiin; ku leexin; (u duwin) meeshii lala rabey ku abbaarid u weecin; u leexin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duwid
m.f.dh eeg duw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duwid
-da: (magac, dhedig, keli) dhan u weecin; dawga ka leexin oo meel kale marsiin. Hadalka duwidda ka daa siduu yahay u qaado. Dh: leexin, baydhin.
duwid -da: (magac, dhedig, keli) «ku ~» ilmaha naaska afka u gelin. Duwidda naasku ilmaha waxtar badan bay u leedhay. Dh: nuujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duxin
m.f.dh eeg duxi². la-mid: duxis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duxis
m.l la-mid: duxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ruxid
(Ruxid-da)
Gilgilid; lulid; dhaqdhaqaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruxid
m.f.dh eeg rux.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
ruxid
to shake off
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruxid
-da: (magac, dhedig, keli) geed, weel calal iyo wixii la mid ah, lulid oo kolba dhan u dhaqaajin. Dh: lulid.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
ruxid
اهتزاز
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dux
dux¹: m.dh Dufan, dheef, shux.
dux²: m.l (-yo, m.dh) (baay.) Koox iskudhis oorgaanika ah oo laga helo noolayasha kuwaas oo aan ku milmin biyaha haseyeeshee ku milma milayaasha oorgaanikada sida koloorofoom, baasiin iyo wixi lamida.
dux³: f.mg1 (-xay, -xday) Laf iyo wixi lamida dufan dibadda u soo saarid. m.f.dh, duxid.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Seepage
Duxid; Soo duxid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dixad
-ka: (magac, lab, keli) dareere, si aayar ah meel ugu duxid. Dh: dixasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dixasho
-da: (magac, dhedig, keli) dareere, si aayar ah meel ugu duxid. Dixashada subagga waa la dareemaa. Dh: duxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuuxid
(Dhuuxid-da)
1. Dhuuxa lafaha ku jira la bixid; cunid.
2. Hadal ama arrin, aad ugu fiirsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuuxid
m.f.dh eeg dhuux³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuuxid
-da: (magac, dhedig, keli) lafaha subagga ku dhex jira, kala bixid. Laf sagaaro dhuuxid ma leh.
dhuuxid -da: (magac, dhedig, keli) war la sheegay aad u dhugasho oo aad u fahmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buuxid
(Buuxid-da)
Wax buuxa ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buuxid
m.f.dh eeg buux². la-mid: buux¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuxid
-da: (magac, dhedig, keli) buuxsanaansho ahaan; wax budh ah ahaan. Weel afka jooga buuxid kale uma hadhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabxid
m.dh la-mid: daabaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daxlid
-da: (magac, dhedig, keli) bir, midhidh yeelasho. Dh: daxaloobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaxid
-da: (magac, dhedig, keli) marka nooluhu uu baradiisa meel aan ahayn seexdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhixid
(Dhixid-da)
1. Soo hoyasho la'aan.
2. (ku dhixid) meel habeen ku maqnaansho.
3. (u dhixid) maranti u ahaan; xilo u ahaan; qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhixid
m.f.dh eeg dhax². la-mid: dhixis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhixid
-da: (n) 1. the act of staying) overnight 2. u dhixid -da: (n) married (maaridh)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhumid
(Dhumid-da)
Wax la waayey noqosho; hallaabid; habaabid; lumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhumid
m.f.dh eeg dhun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhumid
-da: (magac, dhedig, keli) hallaabid oo wax la waayay noqosho. Wiilka yari magaalada ma garanayee dhumidda ka ilaali. Dh: hallaabid, lumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhurid
(Dhurid-da)
Biyo ama wax la mid ah meel ka shubid oo meel kale ku shubid, iyadoo weel yar (dhure, kd.) la dardara hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhurid
m.f.dh eeg dhur².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dooxid
(Dooxid-da)
Caloosha dillaacin; caloosha ka soo ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dooxid
m.f.dh eeg doox². la-mid: doox¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dooxid
-da: (magac, dhedig, keli) caloosha ka soo ridid; neef iyo wax la mid ah caloosha ka dillaacin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubmid
dųbmid: m.f.dh eeg dųban¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulmid
m.dh la-mid: dulmiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulmid
-da: (magac, dhedig, keli) dulan iyo gardarro kula dhaqmid dadka kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dunmid
(Dunmid-da)
Isku duwmid; isku dubbarridmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dunmid
m.f.dh eeg duman¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dunmid
vl. n. organization, act of organizing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dunmid
-da: (magac; dhedig; keli) abaabulmid oo qof cid wax la wada ahaan. Dh: abaabulmid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dunmid
de: organization, act of organizing
lx: dunmid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: dunmid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durjid
m.dh la-mid: durkid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Durkid
(Durkid-da)
Meel ka dhaqaaqid; (soo durkid) soo dhowaansho; (sii durkid) sii fogaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durkid
m.f.dh eeg durug. la-mid: durjid, durqid, durqis².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durkid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ama shey, ka fogaan oo u dhawaansho la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durqid
m.dh la-mid: durkid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duryid
(Duryid-da)
Durey ku dhicid, qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duryid
m.f.dh eeg duri².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duubid
(Duubid-da)
1. Boqor, kd., ka dhigid inta madaxa duub ama wax kale loo saaro; boqrid; caleemasaarid; ubaxsaarid.
2. Galoolid; (ku duubid) ku marid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duubid
duubid¹: m.f.dh 1. eeg duub². 2. eeg duub³. la-mid: duubis.
duubid²: m.dh Marka meseggada ama galleyda sabuul ka yeelan rabto.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Duubid
Rounding off
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
duubid
twist
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duufid
duufid: m.f.dh eeg duuf². la-mid: duuf¹ (2).
dųufid: m.f.dh eeg dųuf². la-mid: dųuuf¹ (3).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duugid
(Duugid-da)
1. Suun ama wax la mid ah oo la jilciyo inta suunduuge ama qalab kale wax lagaga qabto.
2. (qof) tuujin: daliigid.
3. Dhulka dhexdiisa ku qarin; xabaalid; aasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duugid
m.f.dh eeg duug³. la-mid: duug² (2), duugis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duugid
-da: (magac, dhedig, keli) faraha si farsamo iyo khibradi ku jirto jidhka ugu jijibin oo xididdada iyo muruqyada ku furfurid.
duugid -da: (magac, dhedig, keli) qof dhintay, qabri ku aasid. Duugidda maydka laguma raago.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duulid
(Duulid-da)
1. Hawada dhexdeeda marid sida haadka iyo dayuuradaha; haadid; lalid; heehaabid.
2. Col badani, inuu soo dagaallamo oo cid wax soo yeelo, u bixid; xarbi aadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duulid
duulid: m.f.dh eeg duul². la-mid: duulis.
dųulid: m.f.dh eeg dųul². la-mid: dųulis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duulid
vl. n. flight, act of flying
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duulid
-da: (n) flight (falaayt); the act of flying ~ duulis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duulid
-da: (magac, dhedig, keli) marka noole taagnida ka kaco ama uu duulo. Aboodigu waa shinbir duulid badan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duulid
de: flight, act of flying
lx: duulid
pd: (-da)
ps: vn1-f, vn2a-f
key: duulid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duxsad
m.l la-mid: duxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furxid
m.f.dh eeg furux². la-mid: furxasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furxid
-da: (magac, dhedig, keli) mid dubka laga saaray ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guuxid
(Guuxid-da)
1. Guux soo saarid.
2. Farxid; wax u bogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guuxid
m.f.dh eeg guux². la-mid: guux¹ (4).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mulxid
(Mulxid-ka)
Gaal; kaafir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mulxid
mulxid¹: m.l (-diin, m.dh) (dii.) Gaal, kufri; qof aan diimaha rumaysnayn.
mulxid²: m.l (-diin, m.dh) (fals.) Qof aan xiisayn ama aan dan ka lahayn arrimaha ku saabsan diinta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mulxid
mulxid¹: m.l (-diin, m.dh) (dii.) Gaal, kufri; qof aan diimaha rumaysnayn. (fals.) Qof aan xiisayn ama aan dan ka lahayn arrimaha ku saabsan diinta.
mulxid²: m.l (-diin, m.dh) (fals.) Qof aan xiisayn ama aan dan ka lahayn arrimaha ku saabsan diinta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mulxid
m. n. atheist, infidel, unbeliever
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mulxid
-ka: (n) 1. atheist (eeythiyast) ~ diinlaawe, 2. communist (kom 'a niist) ~ shuuci
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mulxid
-ka: (magac, lab, keli) gaal aan wax diin ah lahayn. Neef mulxid qalay lama cuno. Dh: diinlaawe.