ereyga

duufaankulaalay

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

duufaankulaalay

DHAN

m.l (-nno ..., m.dh) (juqraafi) Gobol cadaadis hoose leh, dhulkeedu wuu yar yahay, laakiin waxay leedahay duufaan xoog leh, oo ka soo bilaabma gobollada kullalayda, runtii, waxay la mid tahay godan, laakiin way yartahay aadna way u xoog badantahay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Duufaan kulaalay

DHAFAN

Tropical cyclone

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

duufaan-kulaalay

DHAFAN

m.l (-nno ..., m.dh) (juqraafi) Gobol cadaadis hoose leh, dhulkeedu wuu yar yahay, laakiin waxay leedahay duufaan xoog leh, oo ka soo bilaabma gobollada kullalayda, runtii, waxay la mid tahay godan, laakiin way yartahay aadna way u xoog badantahay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Duufaan kulaaley

DHAFAN

Baguio

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Duufaan baraf

DHAFANDHAAF

Blizzard

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baalkutaabay

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) cayayaan leh baadad aad midabaysan oo u qurux badan. Waxa ay jeceshahay ubaxa iyo doogga dushiisa oo ay ku fadhiisataa. Dh: balambaallis.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhufaanitaan

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) tumitaan, xiniinyo ka saaritaanka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

suubaansalaax

DHAFANDHAAF

f.g1 (-xay, -xday) Cid sasabid. la-mid: suubasalaax.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

suubaansalaax

DHAFANDHAAF

-a: (magac, lab, keli) sasabid iyo sabaalayn. Suubaansalaax iyo inaad saami gooniya, wax ku siiso meeyee saantuun ha eegine. Dh: sabaalayn. Li: dagaalid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

duufaanonkodle

DHAFANDHAAF

m.l (-nno ..., m.dh) (fiisikis) Duufaan maayado hawo sare oo xooggan leh, oo sameeya daruuro kumuloonimbas ah oo aad u kobocsan, oo leh dhibco aad u waaweyn, oo yeelan kara baraf dhagax ah, kolkaa danab qulqulka sameysmaa bhaliyo hillaacyo, iyo onkod ka dhashay fididda hawada kulka badan e hilaaca darteed.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

duufaanonkodle

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) duufaan maayado hawo sare oo xooggan leh, oo sameeya daruuro kumuloonimbas ah oo aad u kobocsan, oo leh dhibco aad u waaweyn, oo yeelan kara baraf dhagax ah, kolkaa danab qulqulka sameysmaa bhaliyo hillaacyo, iyo onkod ka dhashay fididda hawada kulka badan e hilaaca darteed.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

suubaansalaaxid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg suubaansalaax. la-mid: suubasalaaxid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

suubaansalaaxid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) dhagax suubban aha ku salaaxid.

waa la naqliyay ✓