duudseef
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duudseef
m.l Rati aan kurus lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulmici
m.l Duudseef.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Duudabees
Nooc kamid ah soofaha looxa ee leh afar dhaban oo isu le'eg labo ballaaran iyo labo yar yar kaasoo ah soofeyaasha looxa kan ugu dheer uguna ballaaran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duudsi
(Duudsi-ga)
Mag ama gar kale oo qof lahaa oo aan wax laga soo qaadin ee ogaal iyo kas loo seejiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duudsi
duudsi¹: m.l Xaq ama gar qof leeyahay oo la seejiyo.
duudsi²: m.l la-mid: duudsasho.
duudsi³: f.lg1 (-iyay, -iday; -iyi) Xaq qof lahaa seejin. la-mid: duudsii.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duudsi
duudsi¹: m.l Xaq ama gar qof leeyahay oo la seejiyo.
duudsi³: f.lg1 (-iyay, -iday; -iyi) Xaq qof lahaa seejin. m.dh, duudsiyid. la-mid: duudsii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duudsi
v. deny, refute
duudsi vl. n. denial, refutation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duudsi
-ga: (n) injustice (in-jastis); violation of one's rights ~ caddaalad-daro
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Duudsi
Senza compenso
Forefeiture
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duudsi
(fal) xaq qof uu lahaa weysii ama muran ka geli. Dh: dulmi.
duudsi -ga: (magac, lab, keli) cid waxay leedahay loo diido hadal qof yidhi oo uu iska diido. Dh: dafiraadda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duudso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Ilmo duud ku xambaarasho. 2. Biyo yar oo weel salkiisa ku jira ka shubasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sudeef
(Sudeef-ka)
Dhulmar; dalxiis: wareeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sudeef
m.l (-fyo, m.dh) Sabool.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sudeef
m. n. wandering, travel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sudeef
-ka: (magac, lab, keli) dhulmar; dalxiis; wareeg.
sudeef -ka: (magac, lab, keli) faqri iyo saboolnimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sudeef
cf: dalxiis, wareeg
de: wandering, travel
initial: s
lx: sudeef
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: sudeef
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duudsad
m.l la-mid: duudsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duudsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) la-mid: duudsi³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuudhee
f.mg2 (-dheeyay, -dheysay) 1. Socod aayar ah oo aan meel la tageyn socosho. 2. Isku x.: laba nafley isku dirid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duudsi_1
de: deny, refute
hm: 1
lx: duudsi
pd: (duudsiyey)
ps: v2a=
key: duudsi_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duudsi_2
de: denial, refutation
hm: 2
lx: duudsi
pd: (-ga)
ps: vn2a-m, vn7-m
key: duudsi_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duudsiin
m.dh la-mid: duudsiyid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhuuxgeed
m.l (baay.) habdhiska kelli ee jirridda ubaxlayda iyo beerlammaanayaasha oo badanaa ka sameysan nudaha baarankiima. Xididdada qaarkood, habdhiska kelli wuxuu noqdaa baarankayma, halkii uu ka noqon ahaa saylam, xididdada noocaas ahina waxay leeyihiin dh. g.. Shaqada dh. g.ku waa kaydinta cuntada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubduleed
m.l 1. (cilmiga naflayda) Lakab jinsiyeedka dusha ee uurjifka, kaasi oo u kora timo, ganjidho kala duwan iyo wixi lamida. 2. (baayoloji) Lakabkaugu sareeyo ee unugyada gasturulaha, kaas oo isku beddeli doona dubka sare ee maqaarka iyo habdhiska dareenwadka ee qaangaadhka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dubduleed
m.l 1. (cilmiga naflayda) Lakab jinsiyeedka dusha ee uurjifka, kaasi oo u kora timo, ganjidho kala duwan iyo wixi lamida. 2. (baay.) Lakabkaugu sareeyo ee unugyada gasturulaha, kaas oo isku beddeli doona dubka sare ee maqaarka iyo habdhiska dareenwadka ee qaangaadhka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulduleel
dulduleel¹: m.l la-mid: daldalool¹.
dulduleel²: f.mg1 (-eelay, -eeshay) la-mid: daldalool².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duudgelid
m.dh Duudgaloobidda. la-mid: duudgal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duudsasho
m.f.dh eeg duudso. la-mid: duudsad, duudsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duudsiyid
(Duudsiyid-da)
Duudsi ka dhigid, ka yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duudsiyid
m.dh eeg duudsi³. la-mid: duudsin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duudsiyid
-da: (magac, dhedig, keli) wax qof xaq u leeyahay badheedhe ugu diidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuudhyeel
(fal) wax kelidaa wada qaado.
fuudhyeel -ka: (magac, lab, keli) cabbirqaadad: cabbiraad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guduudshe
(Guduudsha-ha)
Badar aan wanaagsanayn; (ama guduudi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guduudshe
m.l la-mid: guduudi¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guduudshe
m. n., (mass n.): inferior grain
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guduudshe
a: guduudi
de: inferior grain
lx: guduudshe
pd: (/ha)
ps: n0-m-mass
key: guduudshe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muuqdheer
-ta: (magac, dhedig, keli) gabadh qurux badan oo dheer. Li: gaabay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muuqsheeg
m.l (-ooyin, m.l) (baayoloji) Astaamaha ka muuqan kara noolaha. Astaamahaasi waxay ku xidhanyihiin hiddo-sidihiisa, xidhiidhka shiiqsanaanta ee ka dhexeeya aliiladiisa, iyo laqabsiga hiddo-sidaha degaankiisa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muuqsheeg
m.l (-ooyin, m.l) (baay.) Astaamaha ka muuqan kara noolaha. Astaamahaasi waxay ku xidhanyihiin hiddo-sidihiisa, xidhiidhka shiiqsanaanta ee ka dhexeeya aliiladiisa, iyo laqabsiga hiddo-sidaha degaankiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuuxdheere
(Dhuuxdheera-ha)
Dhuuxa arxaanka dhex mara; xangulle; xididmaskaxeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuuxdheere
m.l Dhuuxa dheer oo dhex mara lafdhabarta; xangulle.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhuuxdheere
m.l Dhuuxa dheer oo dhex mara lafdhabarta; xangulle.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuuxdheere
m. n., [compound] marrow of the spine
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuuxdheere
-ha: (magac, lab, keli) dhuuxa lafdhabarta dhex mara. Dh: xididmaskaxeed, xangulle.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuuxdheere
de: marrow of the spine
lx: dhuuxdheere
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: dhuuxdheere
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duud'oogeed
-ka: (magac, lab, keli) oogo dhadhaab Ishiileed ah, inta badan ufuq ahaan, wuxuu samaysmaa marka magma soo herdiyo laba lakab oo dhadhaab lakabeed dhexdood oo halkaa ku qaboobo kuna adkaado; qaradiidu waxay gaadhi kartaa xoogaa sentimitirro ah ama dhowr boqol mitir, laakiin ufuqiisu inta badan wuu ka weynyahay marka la barbardhigo qaradiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duud-oogeed
m.l (jooloji) Oogo dhadhaab shiileed ah, inta badan ufuq ahaan, wuxuu samaysmaa marka magma soo herdiyo laba lakab oo dhadhaab lakabeed dhexdood oo halkaa ku qaboobo kuna adkaado; qaradiidu waxay gaadhi kartaa xoogaa sentimitirro ah ama dhowr boqol mitir, laakiin ufuqiisu inta badan wuu ka weynyahay marka la barbardhigo qaradiisa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duud-oogeed
m.l (jool.) Oogo dhadhaab shiileed ah, inta badan ufuq ahaan, wuxuu samaysmaa marka magma soo herdiyo laba lakab oo dhadhaab lakabeed dhexdood oo halkaa ku qaboobo kuna adkaado; qaradiidu waxay gaadhi kartaa xoogaa sentimitirro ah ama dhowr boqol mitir, laakiin ufuqiisu inta badan wuu ka weynyahay marka la barbardhigo qaradiisa.