duud-oogeed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duud-oogeed
m.l (jooloji) Oogo dhadhaab shiileed ah, inta badan ufuq ahaan, wuxuu samaysmaa marka magma soo herdiyo laba lakab oo dhadhaab lakabeed dhexdood oo halkaa ku qaboobo kuna adkaado; qaradiidu waxay gaadhi kartaa xoogaa sentimitirro ah ama dhowr boqol mitir, laakiin ufuqiisu inta badan wuu ka weynyahay marka la barbardhigo qaradiisa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duud-oogeed
m.l (jool.) Oogo dhadhaab shiileed ah, inta badan ufuq ahaan, wuxuu samaysmaa marka magma soo herdiyo laba lakab oo dhadhaab lakabeed dhexdood oo halkaa ku qaboobo kuna adkaado; qaradiidu waxay gaadhi kartaa xoogaa sentimitirro ah ama dhowr boqol mitir, laakiin ufuqiisu inta badan wuu ka weynyahay marka la barbardhigo qaradiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duud'oogeed
-ka: (magac, lab, keli) oogo dhadhaab Ishiileed ah, inta badan ufuq ahaan, wuxuu samaysmaa marka magma soo herdiyo laba lakab oo dhadhaab lakabeed dhexdood oo halkaa ku qaboobo kuna adkaado; qaradiidu waxay gaadhi kartaa xoogaa sentimitirro ah ama dhowr boqol mitir, laakiin ufuqiisu inta badan wuu ka weynyahay marka la barbardhigo qaradiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuux-geed
m.l (baayoloji) habdhiska kelli ee jirridda ubaxlayda iyo beerlammaanayaasha oo badanaa ka sameysan nudaha baarankiima. Xididdada qaarkood, habdhiska kelli wuxuu noqdaa baarankayma, halkii uu ka noqon ahaa saylam, xididdada noocaas ahina waxay leeyihiin dh. g.. Shaqada dh. g.ku waa kaydinta cuntada.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Daah oogeed
Sill
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huud-carbeed
-ka: (magac, lab, keli) jaad kaluunka ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cudur-goboleed
m.l (-dyo, m.dh) (daawo) Cudur sida badan ama sida joogto ah looga helo waddan ama gobol gaar ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duudseef
m.l Rati aan kurus lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duurjoog
m.dh 1. ldcidla'joog. Nafleyda inta duurka ku nool ee dadka nacfiga u leh. 2. Dhammaan xaywaanka aan ladhaqan (saynis).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duurjoog
m.dh 1. la-mid: cidla'joog. Nafleyda inta duurka ku nool ee dadka nacfiga u leh. 2. Dhammaan xaywaanka aan ladhaqan (saynis).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duurjoog
f. n., [compound] wild animal; foresters; wild, rough and rugged people
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duurjoog
-ta: (n) wild animal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duurjoog
-ta: (magacwaareed) xayawaanka aan la rabbayn ee ku nool ayda. Dh: ugaad. Li: docjoog, dabjoog.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duurjoog
de: wild animal; foresters; [fig.] wild, rough and rugged people
lx: duurjoog
pd: (-ta)
ps: n-f-cmp
syn: banjoog, cidla'joog
key: duurjoog
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
udgoonee
f.g2 (-neeyay, -neysay) la-mid: udgi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
udgoonee
v. perfume, put scent on
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
udgoonee
(fal) wax udgoon ka dhig: neecaw laddifan u yeel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
udgoonee
a: udgi
de: perfume, put scent on
initial: u
lx: udgoonee
pd: (udgooneeyey)
ps: v2b=tr
key: udgoonee
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhuuxgeed
m.l (baay.) habdhiska kelli ee jirridda ubaxlayda iyo beerlammaanayaasha oo badanaa ka sameysan nudaha baarankiima. Xididdada qaarkood, habdhiska kelli wuxuu noqdaa baarankayma, halkii uu ka noqon ahaa saylam, xididdada noocaas ahina waxay leeyihiin dh. g.. Shaqada dh. g.ku waa kaydinta cuntada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubduleed
m.l 1. (cilmiga naflayda) Lakab jinsiyeedka dusha ee uurjifka, kaasi oo u kora timo, ganjidho kala duwan iyo wixi lamida. 2. (baayoloji) Lakabkaugu sareeyo ee unugyada gasturulaha, kaas oo isku beddeli doona dubka sare ee maqaarka iyo habdhiska dareenwadka ee qaangaadhka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dubduleed
m.l 1. (cilmiga naflayda) Lakab jinsiyeedka dusha ee uurjifka, kaasi oo u kora timo, ganjidho kala duwan iyo wixi lamida. 2. (baay.) Lakabkaugu sareeyo ee unugyada gasturulaha, kaas oo isku beddeli doona dubka sare ee maqaarka iyo habdhiska dareenwadka ee qaangaadhka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duljoogid
m.f.dh eeg duljoog.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duljoogid
-da: (magac, dhedig, keli) jid liidata oo bukaan ah, dulfadhiyid.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Duudabees
Nooc kamid ah soofaha looxa ee leh afar dhaban oo isu le'eg labo ballaaran iyo labo yar yar kaasoo ah soofeyaasha looxa kan ugu dheer uguna ballaaran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duudgelid
m.dh Duudgaloobidda. la-mid: duudgal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duugoobid
(Duugoobid-da)
Duug noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duugoobid
m.f.dh eeg duugow². la-mid: duugow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duugoobid
-da: (magac, dhedig, keli) gaboobid darteed wax burburaya noqosho. Dh: baaliyoobid.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEED-GEED
(Ghed-ghed) N Indigofera amorphoides Jaub. & Spach. Papilionaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lukooseed
-ka: (magac, lab, keli) unugyada dhiigga cad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duudlo'aad
m.l Geedka gallayda ama meseggadu inta uusan alamada yeelan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku soojeed
v. face (towards)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_soojeed
de: face (towards)
lx: ku soojeed
pd: (soojeeday)
ps: v1=expr
xe: He was facing me.
xv: Wuu igu soojeeday.
key: ku_soojeed
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEED-GOLEED
(Ged-goled) S Landolphia sp. Apocynaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quun-saneed
m.l (-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Qanjirro linfo sooheed ah qaybta sare ee dhuunta oo marka ay bukoodaan sanka xira.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
quun-saneed
m.l (-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Qanjirro linfo sooheed ah qaybta sare ee dhuunta oo marka ay bukoodaan sanka xira.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuub-xabeed
m.l (-dyo, m.dh) (baayoloji) Lakab nudo ah oo ka kooban ibitiiliyam ay tiiriyaan nudo isku-xidhayaal. Ibtiiliyamka dhexdiisa waxa laga heelaa unugyo goblet oo gaar ah, kaas oo guudka kaga dhiijiya xab, ibitiiliyamkuna badanaa waxaa uu leeyahay gan. Xuub xabeebku wuxuu ku dhereereranyahay moqorrada jidhka ee xidhiidhka la leh dibadda sida mariinka cuntada iyo mariinka hawada.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xuur-badeed
-ka: (n) cormorant (koor-ma-ranf)
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cudurgoboleed
m.l (-dyo, m.dh) (daaw.) Cudur sida badan ama sida joogto ah looga helo waddan ama gobol gaar ah.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEED-BOHOLEED
(Ged-boholet) S Croton talaeporos A. Radc-Sm. Euphorbiaceae.