durruje
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durruje
m.l (-jayaal, m.l/dh) Nooc quraca waaweyn ka mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durrujaa
-ga: (magac, lab, keli) wixii dhulka ka soo taagan ee lagu turunturrooda oo dhan. Durrujaa baan lugta la helay oo aan ku kufay.
durrujaa -ga: (magac, lab, keli) geed da' weyn oo aan koritaan fiican lahayn. Durrujaa gaboobiyo, xume laga diqoodiyo, ma wixii dorraataa?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durruq
durruq¹: m.l.kh D. ah: neef, cudur iyo da' la tabar darreeyey.
durruq²: f.mg1 (-qay, -qday) Neef, cudur iyo da' awgeed la tabar darreyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durruq
(fal) irbad wax ku mud.
durruq-a: (magac, lab, keli), neef, cudur iyo da la tabar darreeyey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durfule
-ha: (magac, lab, keli) xayawaanka cayngalka ah ee baydada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhurruur
f.g1 (-ray, -rtay) Biyo calawsan kala miirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durruqid
m.f.dh eeg durruq².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durruqso
f.mg3 (-saday, -satay) Si itaal yari iyo jirro ka muuqato u socosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
durruqso
f.mg3 (-saday, -satay) Si itaal yari iyo jirro ka muuqato u socosho. m.f.dh, durruqsasho.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
fourrure
fourrure, n.f. - dhogorta xayawaan gaar ah sida bisadaha, bakaylaha iwm.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dururuqlee
(fal) si macnodarro ah iskaga hadal Dururuqlee sidii qof aan fayoobayn. Dh: tororoglee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dure
m.l Jiilaalka bartamihiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
urre
m.l Aboorka kiisa labka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
urre
-ha: (magac, lab, keli) aboorka kiisa lab. Urraha ayaa wax dhisa oo difaaca aboorka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burje
m.l la-mid: burge.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Curre
(Curra-ha)
Dummadda keeda lab; (ama curri).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curre
m.l (-rayaal, m.l/dh) Bisad ama mukulaal lab. la-mid: curri.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
curre
m.l (-rayaal, m.l/dh) Bisad ama mukulaal lab. la-mid: curri.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
curre
m. n. male cat, tomcat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
curre
-curraha: (n) tomcat (toomkaat); a male cat ~ curri
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curre
-ha: (magac, lab, keli) bisaaska, kiisa lab; dinnadda keeda lab. Dh: curri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
curre
de: male cat, tomcat
lx: curre
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: curre
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Drupe
Laflay
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
durée
durée, n.f. - Wakhti xaddidan; wakhti ama millay aad u dheer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durji
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: durki.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durro
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhib leh. Durro ayuu sigaarku u leeyahay caafimaadka guud iyo ka gaar ba. Dh: dhibaato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durub
-ka: (magac, lab, keli) jaad kalluunka badda laga soo saaro ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duruf
m.l (duruf/-fyo/-ruuf, m.dh) 1. la-mid: duluf. Derin, jawaan, raar iyo wixi lamida oo duugoobay. 2. Jawaan maran.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duruf
m. n. worn out cloth, mat ~ bag; empty sack ~ container
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duruf
-ka: (ml. used cloth (yuusidh klooth) 2. empty sack
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duruf
bw: Arabic
de: worn out cloth, mat ~ bag; empty sack ~ container
lx: duruf
pd: (-ka Pl: duruuf (ta))
ps: n2-m, n8-m
key: duruf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durug
f.mg1 (-rkay, -rugtay; -rki) 1. Meel ka sikasho. 2. Meel ka fogaansho. la-mid: duruq.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
durug
f.mg1 (-rkay, -rugtay; -rki) 1. Meel ka sikasho. 2. Meel ka fogaansho. m.f.dh, durkid. la-mid: duruq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
durug
v. shift position, move (oneself)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
durug
-durkay / durugtay: (v) move oneself a bit to give space to someone; move yourself a bit; shift (shift) ~ siko. Ex: iga durug; give me a space [move away from me]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durug
(fal) meel dheer teg. Dhankaa iiga durug aan fadhiistee. Dh: siko, fogow
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
durug
bw: siko
de: shift position, move (oneself)
lx: durug
pd: (durkay / durugtay)
ps: v1=intr
see: durki
key: durug
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duruq
f.mg1 (-rqay, -ruqday; -rqi) la-mid: durug.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duule
(Duula-ha)
1. Habaar-qabe; lala-tage; alla-qaad.
2. Ku colka duullaanka ah kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duule
duule: m.l (-layaal, m.l/dh) Qof dhibaato badan, dhallin yar.
dųule: m.l (-layaal, m.l/dh) Col; qof dųulaya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duule
m. n. aggressor, attacker, invader
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Duule
ama Duulaan, wiil dhashay xilli uu aabihii duullaan tegayay ama ku maqnaa. Waxa kale oo loo baxshaa wiil la rajaynayo in uu noqdo mid duula oo cadawga weerara.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duule
de: aggressor, attacker, invader
lx: duule
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: duule
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Furre
magac loo baxsho wiil dheg laga saray oo fur loo yeelay farre awgii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furre
-ha: (magac, lab, keli) qof ama neef fur leh oo dhegtu daloosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurre
m.l Midab madow-dhalaal ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hurre
m.l Midab madowdhalaal ah.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Hurre
nickname-m black; darker
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Hurre
magac ama naanayso loo baxsho wiil aad u madaw. Dh: madoobe. Li: caddawe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murre
m.l Xabag aad u qaraar oo uu dhalo geedka dheddin oo daawo ahaan loo isticmaalo; malmal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
murre
m.l Xabag aad u qaraar oo uu dhalo geedka dheddin oo daawo ahaan loo isticmaalo; malmal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murre
-ha: (magac, lab, keli) geed xamagtiisa bararka la dulmariyo oo la isku daweeyo. Dh: mur.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Surre
name-m honey, sweet
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
urrun
-ka: (magac, lab, keli) xaadhinta dugaaggu ku hoydo kolka uu ugaadhsiga ka soo laabto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buruuj
m.l la-mid: buruud.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darree
(fal) xoolo soo arooray, dar u samee.
darree: (fal) timaha darro mari. Intaad ceelka shubayso timaha darree. Dh: dhoobee.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
dùnque
cong. - haddaba, marka.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
durare
v.intr. - raagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Durdur
(Durdur-ka)
Biyo yar oo il ka soo baxaya oo aan go'ayn oo webi yar u eg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durdur
durdur¹: m.l (-rro, m.dh) 1. Tog yar oo leh biyo joogto ahaan u qulqula oo aan go'in. 2. D. ah: Biyo si joogto ah u qulqulaya oo aan go'ayn.
durdur²: f.mg1 (-ray, -rtay) Biyo si joogto ah oo aan kala go' lahayn u socosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
durdur
m.l (-rro, m.dh) 1. Tog yar oo leh biyo joogto ahaan u qulqula oo aan go'in. 2. D. ah: Biyo si joogto ah u qulqulaya oo aan go'ayn.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Durdur
Stream
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
durdur
m. n. running water, stream
durdur v. flow, run (water)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durdur
-ka: (magac, lab, keli) biyo quiqulaya oo si joogto ah u socda. Dixdani waxay leeyahay durdur aan go'in.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durguf
(falkaabe) marka noole si orod iyo booddo ku jirto meel uga soo baxo. Durguf buu doofaarkii igaga soo yihi ijaarka beerta.
durguf: (tilmaame) qof waalan ama khafiifay.
durguf -ka: (magac, lab, keli) col jabay intii ka hadhay oo baydad ah ama firxad. Durgufkii ka hadhay gaaladaan doy ka ridayaaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Durqun
(Durqun-ka)
Ismaandhaaf iyo wax-isweydaarsi yar; xinif; gardarro; eed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durqun
m.l Hadal xaniif iyo gardarro leh oo la is dhaafsado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
durqun
m.l Hadal xaniif iyo gardarro leh oo la is dhaafsado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
durqun
m. n. mumbling, murmuring; antagonism, misunderstanding ~ hostility within a family
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Durqun
nickname-m mumbled, murmured; antagonistic, misunderstanding -- hostility within a family
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Durqun
magac loo baxsho gabadh dhalatay reerka oo buuq iyo khilaaf jiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durqun
(fal) cid kale dhibaato dhaawac ku ah u geyso. Dadka ma durqumo mana daandaansado. Dh: durree.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
durqun
de: mumbling, murmuring; antagonism, misunderstanding ~ hostility within a family
lx: durqun
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: durqun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durrin
m.dh (-imo, m.dh) Dhul bannaan oo degaanka ku wanaagsan. la-mid: derrin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durrin
-ta: (magac, dhedig, keli) kayn weyn oo duur leh. Durrimaha agtoodaba ha marin yey ku daakhiline.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duruuf
m.dh.w 1. la-mid: duruufo. Xaalad lagu suganyahay. 2. eeg duruf.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duruuf
m.dh.w 1. la-mid: duruufo. Xaalad lagu suganyahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duruuf
f. n., pl. states of being, conditions, circumstances
duruuf [feminine] n., pl. edges, sides
duruuf [feminine] n., pl. worn out mats, sacks ~ bags
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duruuf
-ta: (n) condition (kon di shin)-, situation (sijuweey-shin); circumstance (sirkom istans); state (isteeyt) ~ marxalad, wadci, wacyi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duruuf
-ta: (magac, dhedig, keli) waayaha nolosha ku xeeran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duruus
m.dh.w eeg dersi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duruus
f. n., pl. lessons, lectures
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duruus
-ta: (n) [plural of darsin-ka] lessons (lesanis) ~ casharo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duruus
bw: Arabic
de: lessons, lectures
lx: duruus
pd: (-ta Sg: darsi ~ dersi)
ps: n8-f-pl
key: duruus
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurree
f.g2 (-reeyay, -reysay) Ilmo yar niyadda laga dilay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurrun
m.l (-nno, m.dh) Meel dhir badan; jiq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurrun
(tilmaame) meel dhir badan leh; jiq ah; kayn ah; hirrig ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murruq
-a: (magac, lab, keli) mijin qaad ah ama jaad ah oo laba meelood loo qaybiyay meel ahaan. Dh: nadalo, aqaar.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
pursue
/parsuu/ (v) 1. eryasho (cayrsasho) ~ bursasho 2. sii wadid (wadid ama socodsiin arin aad rabto inaad gaarto).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
pursue
v.tr., eri, raacday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurrud
-ka: (magac, lab, keli) eeg qoodhe.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
UR-URE
(Ur-ure) S Basilicum polystachyum (L) Moench. Labiatae.
S Endostemon gracilis (Benth) Ashby. Labiatae.
S Cassia longiracemosa Vatke. Caesalpinaceae.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
verrue
verrue, n.f. - fiix ama fin qofka ka soo baxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaruqe
m.l Dixri yaryar oo boogaha ku dhasha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daaruqe
m.l Dixri yaryar oo boogaha ku dhasha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darruur
magaca wiil midab cad oo qurux badan la dhashay oo lagu metaalay fadka iyo darruuraha.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
durable
/dhyurabal/ (adj) cimri-dheer, waaraya. e.g. durable peace.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
durante
prep. - intii (waqti).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durduri
durduri: f.mg2 (-iyay, -isay) Biyo si joogto ah oo aan kala go' lahayn u socosho.
dųrduri: f.mg2 (-iyay, -isay) Si culus u ordid (geel); baabbacayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
durduri
v. cause to flow; make run, stampede