durrin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durrin
m.dh (-imo, m.dh) Dhul bannaan oo degaanka ku wanaagsan. la-mid: derrin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durrin
-ta: (magac, dhedig, keli) kayn weyn oo duur leh. Durrimaha agtoodaba ha marin yey ku daakhiline.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Durriin
(Durriin-ka)
Waxkasheeg; durid; hurin; (ama durniin).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
durriin
m. n. criticism; repeal; restriction, qualification (of a law)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
durriin
-ka: (n) injection (injekshin) ~ mudis
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
durriin
de: criticism; repeal; restriction, qualification (of a law)
lx: durriin
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: durriin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burrin
m.dh la-mid: bųrin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darrin
-ta: (magac, dhedig, keli) soo korodhka wax cusub oo aan hore loo ogayn.
darrin -ta: (magac, dhedig, keli) xaalad soo korodhay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
derrin
m.dh (-imo, m.dh) la-mid: durrin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
derrin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax hor lehi cusub keenid oo soo siyaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durgin
m.dh la-mid: durkin.

durjin
m.dh la-mid: durkin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Durkin
(Durkin-ta)
Sii dhaqaajin; sii riixid; (soo durkin) soo dhoweyn; (sii durkin) sii fogeyn; meel ka dhaqaajin oo meel kale geyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durkin
m.f.dh eeg durki. la-mid: durgin, durgis, durjin, durjis, durkis, durqin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durkin
-ta: (magac, dhedig, keli) fidinta bedka walaxi leedahay. Dh: ballaadhin. Li: koobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durqin
m.dh la-mid: durkin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duurin
-ta: (magac, dhedig, keli) astaan ama summad dhegta hasha lagu dhigo oo in yar caarada laga saro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurrin
(Gurrin-ka, Gurrin-ta)
Neef guga gudihiisa rimay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gurrin
m. n. animal that conceives during the wet season
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gurrin
cf: Gu ~ Gu'
de: animal that conceives during the wet season
lx: gurrin
pd: (-ka ~ -ta)
ps: n2a-m/f
key: gurrin
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
siringa
s.f. - irbad (durrin).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiqtooloho
-da: (magac, dhedig, keli) hawd aad u dhir badan oo aan qooro banbannaan yeelan: kayn, duud iyo durrimo awdan. Dh: hinni, durrin, duud, ay, hawd, jiq, kayn, cuun, toondheer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Durdurin
(Durdurin-ta)
Ordid culus sida orodka geela; baabbacayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durdurin
durdurin: m.f.dh eeg durduri. la-mid: durduris.
dųrdurin: m.f.dh eeg dųrduri. la-mid: dųrduris.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
durdurin
vl. n. running ~ galloping (e.g., of camels), stampede
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
durdurin
-ta: (vn) 1. running (raning); galloping (gaalaping) ~ durduro, baabacayn, faclayn. 2. ku durduri -yey/say: (v) run over by galloping or knock down by cantering. Ex: rati baa carruutii ku durduriyey; a camel knocked down the children
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durdurin
-ta: (magac, dhedig, keli) oradka uu sameeyo geelu oo ay dhereg oo farxadi ku jirto, samayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
durdurin
de: running ~ galloping (e.g., of camels), stampede
lx: durdurin
pd: (-ta)
ps: vn2a-f
key: durdurin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dureerin
m.dh la-mid: dareerin¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bururin
m.dh eeg bururi. la-mid: Bururis; burburin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bururin
-ta: (magac, dhedig, keli) kala bashaaqin oo muuq iyo dheecayn ka keenid. Muuska bururinta ka daa oo saani u cun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dararin
(Dararin-ta)
Darar ka keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dararin
m.f.dh eeg darari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dararin
-ta: (magac, dhedig, keli) neef irmaan, candhada caano ka buuxin. Daaqa badhkii ayaa dararinta kordhiya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dayrrin
(Dayrrin-ka)
(xoolo) dayrta rimay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diirrin
(Diirrin-ta)
Wax diirran ka dhigid; (ama diirin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirrin
m.dh la-mid: diirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diririn
(Diririn-ta)
(dayax) habeenka uu dirirka la fariisto (aragga isha).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dįririn
m.f.dh eeg dįriri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diririn
-ta: (magac, dhedig, keli) dad dagaal gelin oo dirirsiin. Dh: dirirsiin.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Durraan
name-m to pray or call upon (a saint); to pray to a saint, usually with gifts of money or a feast by the one who prays. Lit: he who was born after a religious man read the Qur'an over his mother
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) waxyeellada jinku u gaysto insiga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Furriin
(Furriin-ka)
Furid; furitaan; (ama furniin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furriin
m.l la-mid: furid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
furriin
vl. n. divorce
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
furriin
-ka: (n) legal dissolution of a marriage; divorce (divoorsi) ~ furitaan, furniin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furriin
-ka: (magac, lab, keli) guntin xidhnayd, sii kala deyn.
furriin-ka: (magac, lab, keli) kala tagga ninka iyo haweenayda isqabay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
furriin
a: furniin
de: divorce
lx: furriin
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: furriin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
furriin
طلاق تطليق
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muurrin
(Muurrin-ta)
Dhutin yar; heetis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muurrin
m.f.dh eeg muurri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muurrin
-ta: (magac, dhedig, keli) aayar u dhutiyid. Muurrintu waa dhuti fudud. Dh: hitiqin, heetin. muursasho -da: (magac, dhedig, keli) muur ka dhigasho. Ninka an awr hayin ah lahayn muursashada dameer Allaa baday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Turriin
(Turriin-ka)
Turaal, turriimo, (ama turriinsho).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
turriin
-ka: (magac, lab, keli) u naxariisashoda. xeerin darted looga daayo wax aanuu jeclayn, in lagu sameeyo. Turriinkaaga waan ku qasbanahay. Dh: tudhaal, turriimo, turaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duri
duri¹: m.l (-iyo, m.dh) Asal; fir; hidde.
duri²: f.mg1 (-ryay, -riday; -ryi) Hargabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duri
v. catch a cold ~ headcold
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duri
(magac, lab, keli) eeg duray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duri
de: catch a cold ~ headcold
lx: duri
pd: (duryay / duriday)
ps: v1=
syn: hargab
key: duri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Urin
(Urin-ta)
Sanka wax ku dareemid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
urin
m.f.dh eeg uri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
urin
-ta: (magac, dhedig, keli) sanku ur ku dareemid.
urin -ta: (magac, dhedig, keli) wax ama meel, ur qudhmuun u yeelid. Dh: uris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arrin
(Arrin-ka, Arrin-ta)
Talo, hadal iyo in wax laga qabto u baahan; xaal; talo; xaajo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arrin
m.l/dh (-imo, m.l) Talo, hadal iyo in wax laga qabto u baahan; xaajo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
arrin
m.l/dh (-imo, m.l) Talo, hadal iyo in wax laga qabto u baahan; xaajo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
arrin
f. n. matter, affair, case, problem, situation, topic, question, clause, provision
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
arrin
-ta: (n) a subject of concern, feeling, or action: matter (maa ter)-, a state of affairs; a situation; case (keeys) ~ xaajo
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Arrin
Argomento; oggetto
Issue; subject
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arrin
-ka: (magac, lab, keli) male iyo fikir laga tashanayo. Dh: talo, xaal, xaajo.
arrin -ta: (magac, dhedig, keli) xaajo ama hawlo taladeedu taagantahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
arrin
de: matter, affair, case, problem, situation, topic, question, clause, provision
lx: arrin
pd: (-ta ~ -ka)
ps: n1-f, n2c-m
key: arrin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Burin
(Burin-ta)
1. (-°) Wax hor u jirey baabbi'in; xeer hore jebin; weeso, kd. jebin, gadid.
2. () Eryid, cayrin, cagaajin.
3. Dheeri siin.
4. Abur soo saarid; karid (wax kulul oo shubma).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burin
burin¹: m.f.dh eeg buri. la-mid: buris.
burin²: m.dh 1. (fals.) Ficil ama fikrad ka soo horjedda jiritaan shay. 2. (fals.) Nooc ka mid af diidmada, ama afkaar dhamaanteed ka soo horjeedda, wixii jiray dhamaan.
bųrin: m.f.dh eeg bųri. la-mid: bųris, burrin, burris.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
burin
m.dh 1. (fals.) Ficil ama fikrad ka soo horjedda jiritaan shay. 2. (fals.) Nooc ka mid af diidmada, ama afkaar dhamaanteed ka soo horjeedda, wixii jiray dhamaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burin
-ta: (magac, dhedig, keli) «used u kordhin, dheeri siin.
burin -ta: (magac, dhedig, keli) ballan ama wacad baajintii, fulintiisa oo aad ka baaqsato. Xaajo burin iyo been iyo war baad, nagu banjariseene. Dh: buris.
burin -ta: (magac, dhedig, keli) dheri wax lagu bislaynayo, oo dab la saaray, kar awgii dureerihii ku jirey geesaha ka soo daadasho.
burin-ta: (magac, dhedig, keli) eryidda ama fiijin; baydadin ama bajin. Dh: buriyow, eryood.
burin -ta: (magac, dhedig, keli) gees isu badin, dhan isu buris. Waad isbaahisaye dhan isuburin samee.
burin -ta: (magac, dhedig, keli) weyso, soon, xaj iyo waxii la mid ah jebin. Burinta weysada waxyaabaha keena waxa ka mid ah hurdada.
burin-ta: (magac, dhedig, keli) xeer jirey baabi'in. Burinta xeerka baarlamaankaa horseeday. Dh: jebin.
burin-ta: (magac, dhedig, keli) xunbo soo saarid kar dartiis abur tufid. Burinta keldhiga ka ilaali shaahu yaano daadan. Dh: aburis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burri
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: bųri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Curin
(Curin-ta)
Wax aan hor u jirin, jirsiin; bilaabid; abuurid; uumid; alkumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curin
m.f.dh eeg curi. la-mid: curis (3).
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Curin
Composizione
Composition
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax aan hore u jirin, samayn; allifid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curri
m.l la-mid: curre.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
curri
m.l la-mid: curre.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
curri
m. n. male cat, tomcat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
curri
-ga: (n) tom cat (toom kaat); a male cat ~ curre
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curri
-ga: (magac, lab, keli) eeg curre.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
curri
de: male cat, tomcat
lx: curri
pd: (-ga)
ps: n6-m, n7-m
key: curri
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
curri
بَس، هِرٌ، قِطْ
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
darin
f. n. mat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
darin
-ta: (n) mat (maat); mat used as floor-covering ~ derin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax lagu fadhiisto ama lagu seexdo. Dh: salli, derin, dermo, caw, bal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
darin
a: derin ~ darmo
de: mat
lx: darin
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: darin
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
darri
f. n. lack of
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darri
-da: (magac, dhedig, keli) xaafad; aqal ka mid ah reero meel wada yaal. Dh: tarri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
darri
de: lack of
lx: darri
pd: (-da)
ps: n0-f
key: darri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Derin
(Derin-ta)
Gogol caw laga sameeyey; dermo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
derin
m.dh la-mid: dermo.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
derin
mat
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
derin
f. n. palm-leaf mat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
derin
-ta: (magac, dhedig, keli) gogol lagu seexdo oo ka samaysan caw. Dh: salli, dermo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
derin
a: darin; darmo ~ dermo
de: palm-leaf mat
lx: derin
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: derin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
derri
(fal) wax cusub oo aan horay loo aqoon soo biiri oo keen. Dh: biiri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dirri
(Dirri-da, Dirri-ga)
Ban aan wax ku yaal la arag; aan cidi joogin; bannaan; digdigo.