durraysi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durraysi
-ga: (magac, lab, keli) marka ay cidi muujiso dareen ah inay wax dhibsanayso. Kuuma fiicna durraysigu ee bishaarayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darraysi
m.l la-mid: darraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darraysi
-ga: (magac, lab, keli) eed darraysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirraysi
-ga: (magac, lab, keli) hawl wada qabasho. Dirraysi baa lagaga cabbaa ceelka. Dh: madaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durrayso
(fal) wax dhibso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durraansi
-ga: (magac, lab, keli) hadal aan raalli laga ahayn oo la isku celceliyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) waxyeellada jinku u gaysto insiga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuraysi
(Kuraysi-ga)
Kuraysasho; kur; sagaalays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuraysi
m.l la-mid: kuraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuraysi
-ga: (magac, lab, keli) hooyo haddeed umul u diyaar ah, kuraysasho. Dh: taraaraysi, sagaalaysi.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
uuraysi
-ga: (n) conception (kon-sep-shiriy, conceiving (kon-ziiv-ing)-, getting pregnant ~ uur qaadid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uuraysi
-ga: (magac, lab, keli) haweeney uur yeelasho. Dh: rimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurrays
m.l 1. Dabaggaalle. 2. Ubad geel ama dad oo diifeysan ama korriimmadii ka xumaatay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carraysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg carraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cumraysi
m.l la-mid: cumraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cumraysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg cumraysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darrayso
f.g3 (-stay, -satay) Timaha darro marsasho. la-mid: tarrayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darrayso
(fal) timaha darro marso. Warfaa timaha ayuu darraystay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarraysi
m.l la-mid: jarraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karraysi
m.l la-mid: karraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karraysi
-ga: (magac, lab, keli) caafimaad helid oo xanuun ka bogsood. Dh: raysasho, ladnaansho, karraysad, karraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarraysi
m.l la-mid: darraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darraysad
(Darraysad-ka)
Darraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darraysad
m.l la-mid: darraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darraysad
-ka: (magac, lab, keli) ciid cad oo timaha lagu nadiifiyo sida xinnaha madax ugu dhaboolaqid. Dh: dhoobaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheeraysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg dheeraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurraysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Ilmo yar wax niyadda laga dilay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guuraysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Nafley habeen wadid. la-mid: guureggeli.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guuraysii
v.caus: make someone walk ~ travel at night
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guuraysii
-yey / say: (v) cause someone to travel at night
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guuraysii
(fal) cid kale, habeen socodsii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guuraysii
de: make s.o. walk ~ travel at night
lx: guuraysii
pd: (guuraysiiyey)
ps: v2a=caus
key: guuraysii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horraysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Wax dhanka hore xijin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
horraysii
v. cause to be put ahead; make someone ~ something be preceded
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horraysii
(fal) ka koobaad ee u horreeya ka dhig: xagga hore mari. Li: dambaysii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
horraysii
de: cause to be put ahead; make s.o. ~ s.t. be preceded
lx: horraysii
pd: (horraysiiyey)
ps: v2a=tr
key: horraysii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarraysin
m.dh Xilli subax ah oo iftiin wacani jiro laakiin qorraxdu aanay soo bixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarraysin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof ama meel wax ka filasho.
jarraysin -ta: (magac, dhedig, keli) wax yar oo martida subaxda hore la siiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarraysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Ka s.: wax, wax kale ka kor marin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sarraysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Ka s.: wax, wax kale ka kor marin. m.f.dh, sarraysiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sarraysii
v. upgrade; put in a high position
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarraysii
(fal) meel sare geyn ama dhigid, meel sare gaadhsiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sarraysii
de: upgrade; put in a high position
initial: s
lx: sarraysii
pd: (sarraysiiyey)
ps: v2a=tr
key: sarraysii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uduufaysi
-ga: (magac, lab, keli) mid liita ka dhigasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuurtaysi
-ga: (magac, lab, keli) xuurto isku qabasho oo nakhaska isku dhejin. Carruurtu waxay ciyaar ka dhigtaan xuurtaysiga
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhirirtaysi
m.l la-mid: dhirirtaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gardarraysi
(Gardarraysi-ga)
Gardarraysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gardarraysi
m.l la-mid: gardarraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gardarraysi
-ga: (magac, lab, keli) dad daandaansasho oo ku xadgudub; gardarnaan qof aan wax kuu gaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duray
m.l (daawo) Cudur fiirus keeno oo dunida oo dhan ku faafsan kaas oo keena halamacoodka sanka, cunaha iyo dhuumaha neefta. Cudurka waxa la isku qaadsiiya qufaco iyo hindhisada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duray
m. n. cold
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duray
-ga: (n) common cold; flu (fuluuf influenza (in fuluu-weens dy, cold (kooldhiy coryza (koraayza) ~ durey, ifilo, hargab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duray
-ga: (magac, lab, keli) xanuun qufac iyo xummad leh oo inta badan qofka cabbudhiya. Dh: hargab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duray
de: cold
lx: duray
pd: (-ga)
ps: n-m
see: durey
key: duray
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg raysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaysi
f.mg2 (-iyay, -isay) Neef dhays yeelasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaysi
v. have milk in its udders (of pregnant animal)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaysi
de: have milk in its udders (of pregnant animal)
lx: dhaysi
pd: (dhaysiyey)
ps: v2a=
key: dhaysi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirays
-ka: (magac, lab, keli) maryaha lagu labbisto ama la xidho ee ay qaataan askarta iyo ciyaalka dugsiyada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dumays
m.l la-mid: dumayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dumays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dumayn.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
GURRAY
[GURAY, GU-RHEYEJ Commiphora gurreh 01
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hurray
/huurey/hooray; (inter) baga, bagah e.g. You have done it! Hurray!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murray
m.l Nooc ka mid ah kuusha dumarku qoorta ku xirtaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ufaysi
-ga: (magac, lab, keli) wax qadhmuun ka dhigasho. Ku maad ku xumaynaysa wax ufaysigan badheedhka ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurays
-ka: (magac, lab, keli) eeg uurayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurray
-da: (magacwadareed) xoolaha boqolka lagu bixinayo, geela inta buuxda ee irmaan ama rimman. Waxa middiiba lagu qiimeeyaa labo iyo toban laxaad oo u dhiganta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yurays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg yurayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afraysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg afraysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bunaysi
m.l la-mid: bunaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg bunaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buurays
-ka: (magac, lab, keli) kuuliga dhabbada xadiidka ee tareenku maro. Laba buurays ah baan arkayaa.
buurays -ka: (magac, lab, keli) kuuliga dhagaxa jebiya ama gura. Bartayda haddaan u dhaqo ama buurays u galo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrays
-ka: (magac, lab, keli) eeg carrayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
culaysi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax culays saarid; cuslayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
culaysi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax culays saarid; cuslayn. m.f.dh, culaysin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
culaysi
v. make heavy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
culaysi
-yey / say: (v) make heavy or heavier; add weight (weeyt) ~ culaabee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
culaysi
(fal) wax culus saar. Li: fududee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
culaysi
de: make heavy
lx: culaysi
pd: (culaysiyey)
ps: v2a=
key: culaysi
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
curarsi
v.rifl. - isbaxnaanin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
currafi
f.mg2 (-iyay, -isay) la-mid: currafee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabrays
-ka: (magac, lab, keli) weerar daran ku qaadis. Dabrays baa ragga inta badan lagu laayey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Danaysi
(Danaysi-ga)
Danaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danaysi
m.l Qabsashada qof uu qabsado dan uu leeyahay. la-mid: danaysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
danaysi
m.l Qabsashada qof uu qabsado dan uu leeyahay.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
danaysi
-ga: (n) the state of being opportunistic (opar-junistik)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Danaysi
Perseguimento
Pursuit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danaysi
-ga: (magac, lab, keli) danaysad ku dhaqmid.
danaysi-ga: (magac, lab, keli) marka aad muraadkaaga oo keliya wax walba ka horraysiisid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dubbays
magac loo baxsho wiil adag abuur ahaan ama akhlaaq iyo dhaqanba.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ducayso
(fal) Ilaahay weydiiso wax fiican. Ducayso dadkana saamax. Dh: Allabari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duceysi
(Duceysi-ga)
Duceysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duceysi
m.l la-mid: duceysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duceysi
vl. n. act of prayer, praying for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duceysi
-ga: (magac, lab, keli) Ilaahay baryid oo wax wanaagsan weydiisa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duceysi
a: duceysad (ka) [vn2-m], duceysasho (/da) [vn6-f]
de: act of prayer, praying for oneself
lx: duceysi
pd: (-ga)
ps: vn2a-m
key: duceysi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durjisi
m.l la-mid: durugsasho.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Durraan
name-m to pray or call upon (a saint); to pray to a saint, usually with gifts of money or a feast by the one who prays. Lit: he who was born after a religious man read the Qur'an over his mother
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Durugsi
(Durugsi-ga)
Durugsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durugsi
m.l la-mid: durugsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
durugsi
vl. n. expansion, moving something away