durraamo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durraamo
durraamo¹: m.dh.kh (-ooyin, m.l) D. ah: neef in lagu allebaryo loogu talaggalay.
durraamo²: f.g/lg3 (-aantay, -aamatay) 1. (f. g) Ilaah baryid. 2. (f.g/lg) Ka d./d.: wax weyddiisasho saraadii ku jirto; yu'asho; dhaawasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
durraamo
f.g/lg3 (-aantay, -aamatay) 1. (f.g) Ilaah baryid. 2. (f.g/lg) Ka d./d.: wax weyddiisasho saraadii ku jirto; yu'asho; dhaawasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
durraamo
v. pray, call upon (a religious man) to pray for (someone)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
durraamo
de: pray, call upon (a religious man) to pray for (s.o.) usually accompanied by gifts of money or a feast for the one who prays
lx: durraamo
nt: durraamad (da) ~ durraamasho (/da) [vn-f]
pd: (durraantay)
ps: v3b=
key: durraamo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
axadeysi
m.l Durraamo yar oo ay haweenku sameeyaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Durraamad
(Durraamad-da)
Durraamasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durraamad
m.l la-mid: durraamasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durraamad
-da: (magac, dhedig, keli) bahal lagu ciyaaro oo la isku maaweeliyo xilliyada firaaqad ah. Durraamad bay ciyaarayaan wiilashii.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Durraan
name-m to pray or call upon (a saint); to pray to a saint, usually with gifts of money or a feast by the one who prays. Lit: he who was born after a religious man read the Qur'an over his mother
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darraato
-da: (magac, dhedig, keli) maalinta shalay ka horraysay. Dh: dorraad, dorraato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dorraato
(Dorraata-da)
Dorraad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dorraato
m.dh la-mid: dorraad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dorraato
adv., time: day before yesterday
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dorraato
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dorraad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dorraato
de: day before yesterday
lx: dorraato
ps: adv-time
key: dorraato
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dullaamo
m.dh la-mid: dillaamo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dullaamo
-da: (magac, dhedig, keli) ciiridda uu shay dhan u ciiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durrayso
(fal) wax dhibso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durriimo
-da: (magac, dhedig, keli) mudniin ku samayn. Dh: turqin, mudniin, irbadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Durraamasho
(Durraamasha-da)
1. (Ilaah, kd.) baryid; tuugid.
2. Wax weyddiisasho saraadi ku jirto; yu'asho; dhaawasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durraamasho
m.f.dh eeg durraamo. la-mid: durraamad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
darraadto
(n) the day before yesterday ~ darraad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhurwaayo
(Dhurwaaya-da)
Maro walaayatida u eg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhurwaayo
m.dh Maro midabkeedu isugu jiro madow iyo caddaan oo aalaa danyartu qaadato.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhurwaayo
f. n. kind of cloth
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhurwaayo
cf: walaayati; maro
de: kind of cloth
lx: dhurwaayo
pd: (/da)
ps: n-f
key: dhurwaayo
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dorraadto
(adv) the day before yesterday ~ darraadto
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durraansi
-ga: (magac, lab, keli) hadal aan raalli laga ahayn oo la isku celceliyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durraaxad
-da: (magac, dhedig, keli) marada lagu dul goglo furaashka ama sariirta. Durraaxadda ka beddel sariirta oo mid nadiif ah saar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curraafnimo
-da: (magac, dhedig, keli) faaliyenimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durro
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhib leh. Durro ayuu sigaarku u leeyahay caafimaadka guud iyo ka gaar ba. Dh: dhibaato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raamo
m.dh 1. Dhul daaqa xoolaha ku wanaagsan oo ciid cad, jilicsan leh. 2. eeg raan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raamo
m.dh 1. Dhul daaqa xoolaha ku wanaagsan oo ciid cad, jilicsan leh. 2. eeg raan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raamo
m. n., pl. tangles, snarls in the hair
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
raamo
-raamaha: (n) messy and tangled hair
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Raamo
Wixii isku dhega ama is qabsada. Timaha burushku way isku raamoobaan haddii looga shaqeeyo wax kulul ama xaydh leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raamo
de: tangles, snarls in the hair
lx: raamo
pd: (/ha)
ps: n1-m-pl
key: raamo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duraab
duraab¹: m.dh Biyo maax ah oo ceel ku jira.
duraab²: f.mg1 (-bay, -btay) Ceel maaxasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uraano
(xiddigo)
Meereyaasha qorraxda, kooda toddobaad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Uraano
pr. n., loc. Uranus (the seventh planet)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Uraano
-da: (magac, dhedig, keli) meeraha toddobaad ee qorraxda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Uraano
de: Uranus (the seventh planet) {It}
initial: u
lx: Uraano
ps: n0-loc
key: Uraano
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ursamo
m.dh Dabayshu xagga ay u dhacayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ursamo
-da: (magac, dhedig, keli) dabayshu xagga ay u dhacayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arraajo
m.dh (-ooyin, m.l) Areebo; basari.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
arraajo
m.dh (-ooyin, m.l) Areebo; basari.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
arraajo
f. n. slovenly woman, slob, disorderly ~ careless woman
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arraajo
-da: (magac, dhedig, keli) haweenay aan mamulka reerkeeda ku fiicnayn. Dh: basari.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
arraajo
de: slovenly woman, slob, disorderly ~ careless woman
lx: arraajo
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: areebo
key: arraajo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curaago
(fal) «u ~» aad uga dhereg. Ka curaago caawaan sidii ceelka kuu dariye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Curraaf
(Curraaf-ka)
Xiddigaha ka faaliya; xiddigasheeg; xiddigiye; faaliye, faalallow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curraaf
curraaf¹: m.l (-fyo, m.dh) 1. Xiddigaha ka faalliga; xiddigiye. 2. Qof faalka yaqaan. la-mid: curraf, curraafiye.
curraaf²: m.dh (-fo, m.l) Neef ido ah dheddig oo laf yar.
curraaf³: f.g1 (-fay, -ftay) Cid sixrid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
curraaf
m.l (-fyo, m.dh) 1. Xiddigaha ka faalliga; xiddigiye. 2. Qof faalka yaqaan. la-mid: curraf, curraafiye.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
curraaf
m. n. astrologer, fortune-teller
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curraaf
-ka: (magac, lab, keli) nin faaliya, ama falallow ah. Dh: xiddigiye, faaliye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
curraaf
de: astrologer, fortune-teller
lx: curraaf
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: curraaf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dakaamo
(Dakaama-da)
Dakaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dakaamo
m.dh 1. Daal badan oo ku yimaadda gammaanka iyo awrta marka ay socod dheer galaan. 2. la-mid: dakaamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dakaamo
f. n. wild, untrained (horse)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dakaamo
-da: (magac, dhedig, keli) tabargabid ku dhacda faras. Dakaamo badan ayaa ka muuqda geenyada.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dakaamo
a: dakaan (ka) [n-m]
de: wild, untrained (horse)
lx: dakaamo
pd: (/da)
ps: n-f
key: dakaamo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daraaro
-da: (magac, dhedig, keli) xeedho cunto ah oo casuumad iyo duco ahaan loo kariyo oo subag iyo caano wixii la helaba lagu daro. Dh: taraaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daraaso
m.dh Baaridda ama u dhabbagelidda wax la rabo in xogtooda la ogaado. la-mid: daraasad, diraaso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daraaso
m.dh Baaridda ama u dhabbagelidda wax la rabo in xogtooda la ogaado. la-mid: daraasad, diraaso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daraaso
-da: (magac, dhedig, keli) eeg daraasad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darraad
m.dh la-mid: dorraad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
darraad
f. n. the day before yesterday
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darraad
-da: (magac, dhedig keli) maalinkii shalay maalinkii ka horreeyey. Darraad ayaan safar ka imid. Dh: dorraato.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
darraad
a: dorraad
de: the day before yesterday
lx: darraad
pd: (-da)
ps: n0-f-time
key: darraad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darraan
-ka: (magac, lab, keli) qudhacu markuu weynaado ee ay qodaxdiisu noqoto mid soo laaban sida ta cadaadda oo kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diraaco
f.mg3 (-cday, -catay) la-mid: diraacso.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Diraaco
name-f dry season; autumn (born during that season)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Diraaco
magaca gabadh dhalatay xilli roobaad dhulku barwaaqo yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diraaso
m.dh la-mid: daraaso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diraaso
f. n. study
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diraaso
-da: (magac, dhedig, keli) cilmibaadhis; xog'ururin cilmiyaysan oo qotadheer
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diraaso
bw: Arabic
de: study
lx: diraaso
pd: (/da)
ps: n6-f
see: daraasad
key: diraaso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dorraad
(Dorraad-da)
Maalintii shalay ka horraysey; dorraato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dorraad
m.dh Maalinta la joogo maalinteeda saddexaad ee la soo dhaafay, maalintii shalay ka horreysay. la-mid: darraad, dorraato.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dorraad
m.dh Maalinta la joogo maalinteeda saddexaad ee la soo dhaafay, maalintii shalay ka horreysay. la-mid: darraad, dorraato.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dorraad
f. n., adv-time: day before yesterday
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dorraad
-da: (magac, dhedig, keli) shalay maalinta ka horraysa; maalinta la joogo maalinta ku saddex ah ee ka horraysa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dorraad
a: darraad
de: day before yesterday
lx: dorraad
pd: (-da)
ps: n0-f, adv-time
key: dorraad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubaaqo
m.dh Nabar weyn oo jirka gaaray.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dubaaqo
m.dh Nabar weyn oo jirka gaaray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubaaqo
-da: (magac, dhedig, keli) nabar madaxa ku dhaca oo dhaloonqo noqda ama lafaha madaxa oo meel qudha ka jaba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubaaxo
f.mg3 (-xay, -xatay) la-mid: dibaaxo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulaami
(fal) dhinac u rid. Dh: ciirsii, dullaami, dilaami.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Durbaan
(Durbaan-ka)
Qalab cayaaraha lagu tunto; wuxuu ka samaysan yahay qalab xoldhan oo af ama labada afba ka daloola oo harag ama xuub xalleefsani ku rogan yahay oo sacabbada lagu garaaco; reeme.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durbaan
m.l (-nno, m.dh) (muus.) Qori xordan oo labadiisa af harag khafiif ahi ku dahaaranyahay oo ciyaaraha loo tumo, cod weynna bixiya. la-mid: gurbaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
durbaan
m.l (-nno, m.dh) (muus.) Qori xordan oo labadiisa af harag khafiif ahi ku dahaaranyahay oo ciyaaraha loo tumo, cod weynna bixiya. la-mid: gurbaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
durbaan
m. n. drum
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
durbaan
-ka: (n) drum (daraani)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durbaan
-ka: (magac, lab, keli) agab ka samaysan xeedho harag afka lagaga tigtigay loona isticmaalo ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka iyo caroosyada. Nin durbaan tumay ilaaq dalbay. Dh: gurbaan, def, narso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
durbaan
de: drum
lx: durbaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: durbaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dureemo
m.dh la-mid: dareemo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dureemo
-da: (magac, dhedig, keli) geed cawseed meelaha dooxayada ah ku badan oo xooluhu gu' iyo jiilaal ba daaqaan oo ay ku cayilaan. Dameerihii waa kuwaa dureemada dooxa daaqaya. Dh: dareemo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durqumo
-da: (magac, dhedig, keli) hadhaaga mooyaha gunta kaga dhegta marka lagu budlinayo raashinka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) waxyeellada jinku u gaysto insiga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karaamo
(Karaama-da)
1. Arrin wixii la arki jirey weydaarsan oo qof amran ama barakaysan xaggiisa laga arko: barako.
2. Sharaf; xurmo.