durki
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durki
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax meel yiil sikin. 2. Wax fogeyn. la-mid: durgi, durji, durqi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
durki
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax meel yiil sikin. 2. Wax fogeyn. m.f.dh, durkin. la-mid: durgi, durji, durqi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
durki
v. shift; move something apart, space out
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
durki
-yey / say: (v) push aside a bit; change position by moving slightly; shift (shift) ~ siki
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durki
(fal) meel durugsan wax gey. Dh: fogee. Li: dhawee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
durki
de: shift; move s.t. apart, space out rw: durug
lx: durki
pd: (durkiyey)
ps: v2a=tr
key: durki
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Durkid
(Durkid-da)
Meel ka dhaqaaqid; (soo durkid) soo dhowaansho; (sii durkid) sii fogaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durkid
m.f.dh eeg durug. la-mid: durjid, durqid, durqis².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durkid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ama shey, ka fogaan oo u dhawaansho la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Durkin
(Durkin-ta)
Sii dhaqaajin; sii riixid; (soo durkin) soo dhoweyn; (sii durkin) sii fogeyn; meel ka dhaqaajin oo meel kale geyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durkin
m.f.dh eeg durki. la-mid: durgin, durgis, durjin, durjis, durkis, durqin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durkin
-ta: (magac, dhedig, keli) fidinta bedka walaxi leedahay. Dh: ballaadhin. Li: koobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durkis
m.l la-mid: durkin.

duri
duri¹: m.l (-iyo, m.dh) Asal; fir; hidde.
duri²: f.mg1 (-ryay, -riday; -ryi) Hargabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duri
v. catch a cold ~ headcold
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duri
(magac, lab, keli) eeg duray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duri
de: catch a cold ~ headcold
lx: duri
pd: (duryay / duriday)
ps: v1=
syn: hargab
key: duri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durgi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: durki.

durji
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: durki.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durmi
-ga: (magac, lab, keli) jaad haadda duusha ka mid ah oo Soomaalida badh aaminsan yahay, haddii uu ilmo yar dul maro inuu xanuun u horsaadayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durqi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: durki.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Turki
pr. n., loc. Turkey
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Turki
(n) Turkey (tur-ki); Ankara is the capital and Istanbul the largest city
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Turki
de: Turkey
initial: t
lx: Turki
pd: (-ga)
ps: n0-loc-m
key: Turki
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ansac
(Ansac-a)
(bad) riixid; durkin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caari
(Caari-da)
(bad; kd.) dib u noqosho; xagga xeebta ka durkid; (ama caarid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caaryid
(Caaryid-da)
1. (bad) dib u noqosho; xagga xeebta ka durkid.
2. (ku caaryid) Meel xeeb ah baddu geyn, ku tufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaqaajin
(Dhaqaajin-ta)
1. Socodsiin; nuuxin; riixid; durkin.
2. (subag fadhiya, kd.) wax shubma oo dareera ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaqaaq
(Dhaqaaq-a)
In yar meel ka tegid; nuuxsi yar; socod bilaw; durkid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheerayn
(Dheerayn-ta)
1. Wax dheereeya ahaansho; orod badi.
2. Wax dheer ka dhigid; dhererka u kordhin.
3. (ka dheerayn) a) Tartanka ka orod badin; dhiqid. b) Ka fogayn; ka durkin. c) Labo is le'ekaa midkood, dhererka wax ugu darid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Durugsan
La durkiyey; la dhaqaajiyey; fog; dheer; aan dhoweyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaafasho
(Gaafasha-da)
1. (xoolo) habka neefka godlan oo la lisa hayaa isu taago oo lugaha u kala durkiyo; faarumaysasho.
2. Taagnaan ama socod gaar ah oo digtoonaani ku jirto, oo wax la qaban doono ama dhici doona la isu golaadiyo oo loo darbado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jarrad
(Jarrad-da)
(bad) shiraac durkin ama dhifasho yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Riixan
La riixey; meeshii hore laga durkiyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Riixid
(Riixid-da)
1. (wax) inta xoog gadaal lagaga keeno, horay u wadid, u dhaqaajin, u durkin.
2. Tuujin; duugid; qabqabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sikasho
(Sikasha-da)
Wax yar durkid, dhaqaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sikin
(Sikin-ta)
1. Durkin yar; nuuxin.
2. Badar kala soocid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tiqraar
(Tiqraar-ka)
Meel la jeexay ama la furay oo la kala durkiyey wax la dhexgeliyo (qori ama wax la mid ah) oo docaha kala celiya oo u diida inay isku soo noqdaan oo is qabsadaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhurmi
v. drain something out completely
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhurmi
de: drain s.t. out completely rw: dhur ~ dhuran
lx: dhurmi
pd: (dhurmiyey)
ps: v2a=
key: dhurmi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuuki
f.mg2 (-iyay, -isay) Si tartiib ah oo gaadmo ku jirto u socosho (nafley).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhuuki
f.mg2 (-iyay, -isay) Si tartiib ah oo gaadmo ku jirto u socosho (nafley). m.f.dh, dhuukin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuuki
v. stalk, tiptoe up on
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuuki
de: stalk, tiptoe up on
lx: dhuuki
pd: (dhuukiyey)
ps: v2a=
syn: gaatan
key: dhuuki
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
durcir
durcir, v. - Adkayn; la adkeeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durgin
m.dh la-mid: durkin.

durgis
m.l la-mid: durkin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durjid
m.dh la-mid: durkid.

durjin
m.dh la-mid: durkin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durjis
m.l la-mid: durkin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durqid
m.dh la-mid: durkid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durqin
m.dh la-mid: durkin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durqis
durqis¹: m.l la-mid: durkin.
durqis²: m.dh la-mid: durkid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durrin
m.dh (-imo, m.dh) Dhul bannaan oo degaanka ku wanaagsan. la-mid: derrin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durrin
-ta: (magac, dhedig, keli) kayn weyn oo duur leh. Durrimaha agtoodaba ha marin yey ku daakhiline.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duryid
(Duryid-da)
Durey ku dhicid, qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duryid
m.f.dh eeg duri².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dur
f.g1 (-ray, -rtay) 1. Wax caarad dhuuban cid ku mudid. 2. Cid dawo cirbad ku siin. 3. Marag, dood, iyo wixi lamida iin u yeelid.
dųr: m.l 1. Shilin, kumi iyo wixi lamida dhinaca aan sawirka lahayn. 2. Ciyaarta delebka, qoriga lagu ciyaaro dhiniciisa durka leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dur
f.g1 (-ray, -rtay) 1. Wax caarad dhuuban cid ku mudid. 2. Cid dawo cirbad ku siin. 3. Marag, dood, iyo wixi lamida, iin u yeelid. m.f.dh, durid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dur
v. prick; inject, give an injection; criticize
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dur
-ay / tay: (v) 1. inject (injaki); treat with syringe ~ mud. Ex: waxaa lagu duray daawo cusub; he was injected with new drugs. 2. criticize (kiriti-saayz) ~ ciladayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dur
(fal) cid kale, wax caaro fiiqan leh ku mud. Irbadda duumada isku dur oo is dawee. Dh: turuq.
dur -ka: (magac, lab, keli) qoryaha delebka iyo jilfaha tamaanka lagu ciyaaro dhankooda madow ama sare. Durkiyo daabacaba waw dhigaa deleb sidiisiiye. Dh: daabac.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
dur
dur, adj. - Xoog badan; si adag; adag; xaal adag; aan sahlanayn; hawl yarayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dur
de: prick; inject, give an injection; [fig.] criticize
lx: dur
pd: (duray)
ps: v1=
key: dur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uri
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax urkooda dareemid. 2. Wax qurmin. Tusaale: “Kalluunkii bakhtiyey baddii buu uriyey”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uri
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax urkooda dareemid. 2. Wax qurmin. Tusaale: Kalluunkii bakhtiyey baddii buu uriyey. m.f.dh, urin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
uri
v. smell something, sniff
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
uri
-yey -say uraya: (v) smell (ismeel); snuff (isnaaf); sniff (isniif) ~ urso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uri
(fal) sanka wax ka dareen.
uri: (fal) wax ama meel, ur qudhmuun u yeel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
uri
de: smell s.t., sniff
initial: u
lx: uri
pd: (uriyey)
ps: v2a=tr
key: uri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buri
buri: f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Nafley orodsiin si meel looga fogeeyo; eryid; cayrin. 2. (f.mg) Qof meel uu ku noolaa ama hawl ka hayey ka fogayn dhaliil awgeed. 3. (f.mg) U b.: cid sed dheeraad ah siin.
bųri: f.g2 (-iyay, -isay) 1. Cid weyso u dhawrnayd ka jebin. 2. Xeer jirey baabbi'in. 3. Xeer jirey ku xad gudibid. la-mid: burri.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buri
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Nafley orodsiin si meel looga fogeeyo; eryid; cayrin. 2. (f.mg) Qof meel uu ku noolaa ama hawl ka hayey ka fogayn dhaliil awgeed. 3. (f.mg) U b.: cid sed dheeraad ah siin. m.f.dh, burin¹.
bųri f.g2 (-iyay, -isay) 1. Cid weyso u dhawrnayd ka jebin. 2. Xeer jirey baabbi'in. 3. Xeer jirey ku xad gudibid. m.f.dh, bųrin. la-mid: burri.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buri
v. annul, cancel, invalidate; chase (away)
buri v. give in excess; boil over
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buri
-yey / say: (v) cancel (kaan sal)-, annul or invalidate
buri: -yey I say: (v) boil over
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buri
(fal) ballandarree oo kaga bax waxaad isku ogaydeen. Belo ha qaaddo ninkii buriyey, ballan qaadku galaye. Dh: baaji.
buri: (fal) noole caymadi. Baraarka ha burin. Dh: eri, caydhi, baaci.
buri: (fal) weyso, soon, xaj iyo waxii la mid ah jebi. Dhuusadu wey burisaa.
buri: (fal) xeer ama qanuun jirey jebi ama ka tallaabso oo ku dhaqmi waa. Sharcigii burisay oo buuraha jiidhay.
buri: (fal) xunbo soo saar. Keldhigii wuu buriyee dabka ka qaad. Dh: aburi, budhi.
buri: (fal) war ama xog la hayay, beeni, warkii laguu sheegay ama aad hore u haysatey buri.
buri: (fal) (isku ~) dhiniciisa isku badi. Hadba kii bahnima kuu xigaa, laysku buriyaaye.
buri: (fal) used u kordhi; dheeri sii. Walaalkii buu u buriyey bariiskii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax aan hore u jirin samayn, sida maanso, muusika iyo qoraal allifid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
curi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax aan hore u jirin samayn, sida maanso, muusika iyo qoraal allifid. m.f.dh, curin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
curi
v. create, start something for the first time, initiate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
curi
-yey / say: (v) create or produce, especially a literary or musical piece; compose (kompows). Ex: heeskaan waxaa curiyey Cabdullaahi Sangub; this song was composed by Abdullahi Sangub
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curi
(fal) wax aan hore u jirin, samee oo allif. Anaa curiyay sawtaan ku idhi, cidi ma sheegteene.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
curi
de: create, start s.t. for the first time, initiate
lx: curi
pd: (curiyey)
ps: v2a=
key: curi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dari
-da: (magac, dhedig, keli) meel godan oo sagxad ballaadhan ku dhex taal. Dameerku sidii loo rarayay ayuu dhabarka dari ku yeeshay. Dh: deri, godni. Li: tuur.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dark
/dhaark/ (adj) 1. mugdi (iftiin-la'aan) (adj) 2. madoow-badan.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
dark
darkness, n., gudcur, -ki.
dark, a., gudcur, gudcur ah, madowbaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deri
(Deri-da)
Godnaanta dhabarka, xiriirkoo gudaha u ceshan darteed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deri
m.dh (cilmiga naflayda) Godniinka lafdhabarka oo u furan dibedda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
deri
m.dh (cilmiga naflayda) Godniinka lafdhabarka oo u furan dibedda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deri
f. n. curve of the back
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deri
-da: (magac, dhedig, keli) meel godan oo dhabarka ah ama dhulka ku taal.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Deri
Guluc dhexe oo godan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deri
de: curve of the back
lx: deri
pd: (-da)
ps: n-f
key: deri
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
duck
/dhak/ (n) 1. boolonboollo (v) 2. gabbasho.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
duck
n., badag, -gi; v.tr., (immerse) quusi, muquuri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dudi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: didi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dudi
(fal) ka xanaaqsii oo inuu cadho ku socdo sabab u ahaw. Dh: dudsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duji
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax dhammaystirid. 2. Wax afgembiyid. 3. la-mid: tuji.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duji
v. finish something, finish off; turn over ~ upside-down
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duji
-da: (magac, dhedig, keli) doorada dhedig. Dh: digaagad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duji
de: finish s.t., finish off; turn over ~ upside-down
lx: duji
pd: (dujiyey)
ps: v2a=tr
key: duji
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
duke
/dhuuk/ (n) darajada gof laan-dheere ama shariif ah uu qaato. e.g. She married a duke.