durjisan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durjisan
f.mg4 (-snaa, -snayd) la-mid: durugsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durjisad
m.l la-mid: durugsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durjisnaan
m.dh la-mid: durugsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durjin
m.dh la-mid: durkin.

durjis
m.l la-mid: durkin.

durjisi
m.l la-mid: durugsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durjiso
f.g3 (-stay, -satay) la-mid: durugso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulmisan
f.mg4 (-snaa, -snayd) la-mid: dulman.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dureysan
Durey hayo; hargabsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dureysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax durey hayo ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dureysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax durey hayo ahaansho. m.f.dh, dureysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dureysan
der. [adjective] having a cold
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dureysan
-aa: (adj) having a cold; having caught a head cold; having catch a cold ~ hargabsan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dureysan
de: having a cold
lx: dureysan
pd: (dureysanaa)
ps: adj-der
key: dureysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Durugsan
La durkiyey; la dhaqaajiyey; fog; dheer; aan dhoweyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durugsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax la durkiyey ahaansho. 2. Wax fogaaday ahaansho. la-mid: durjisan, duruqsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
durugsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax la durkiyey ahaansho. 2. Wax fogaaday ahaansho. m.f.dh, durugsanaan. la-mid: durjisan, duruqsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
durugsan
der. [adjective] distant, far off
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
durugsan
-aa / nay: (adj) distant (distant) ~ fog, dheer. -Syn. Far, far-off, faraway, remote
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
durugsan
cf: fog, dheer, shishe
de: distant, far off
lx: durugsan
pd: (durugsanaa)
ps: adj-der
key: durugsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duruqsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: durugsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murxisan
(tlmaame) la murxiyay ah oo waxba dul oollin. Geed murxisan ayuu midho u doontay: Dh: muruxsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurbisan
(tilmaame) mid gabalgabal u jaran oo yaryaraysan. Dh: kidfan, jarjaran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
surmisan
(tilmaame) aad u harraadsan. Dh: harraadan. Li: cokan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durjisasho
m.dh la-mid: durugsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dujin
(Dujin-ta)
1. Dhammaystirid: ebyid; bogid.
2. Afgenbiyid; baabbi'in; ciribgoyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dujin
m.f.dh eeg duji. la-mid: tuji. la-mid: dujis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dujin
-ta: (magac, dhedig, keli) baabi'in oo cidhib jarid.
dujin-ta: (magac, dhedig, keli) dhammaystirid o wax soo afjarmay ka dhigid. Bil baa ka hadhay dujinta mashruuca. Dh: ebyid, dhammaystirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dujis
m.l la-mid: dujin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duris
-ta: (v) injection (zn-ji.c-s/ien); injection with syringe ~ durid, mudis durriin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durji
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: durki.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burjan
(tilmaame) burji fiican dhashay oo ayaan badan; buruud wanaagsan. Sahal waa nin burjan. burji-ga: (magac, lab, keli) xiddig ama waqti fiican ku dhashay, habeen cawo dhashay. Ninkani wuu iga burji sarreeyaa agtiisa kuma hadli karo. Dh: buruud, bili.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curjin
-ka: (magac, lab, keli) eeg curdin.
curjin -ta: (magac, dhedig, keli) hareeraha ka cadaadin.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Curjis
Compression
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curjis
-ka: (magac, lab, keli) walax, labada dhinac xoog kaga keenid oo isku soo cadaadin.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Curjis
Wax badan oo wadajir meel ku diiq ah ama ku ciriiri ah isku mar soo caabiya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darsan
darsan¹: m.l la-mid: darsin.
darsan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) la-mid: daran².
darsan³: f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: daran³.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
darsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: daran³.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
darsan
m. n. dozen
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
darsan
a: darsin ~ dersin
de: dozen
lx: darsan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: darsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhisan
La dhisay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhisan
dhisan¹: f.mg1 (-smay, -santay; -smi) 1. Aqal, dugsi iyo wixi lamida wax la sameeyey noqosho. 2. Xubno dowladeed oo cusub wax la magcaabay noqosho. 3. Qoys cusub wax la aasaasay noqosho. 4. Harag qoyan oo la togay wax la engejiyay noqosho. 5. Wax jira oo tiirar adag leh noqosho.
dhisan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Aqal, dugsi iyo wixi lamida wax ka sameeyey ahaansho. 2. Xubno dawladeed oo cusub wax la magcaabay ahaansho. 3. Qoys cusub wax la aasaasay ahaansho. 4. Harag qoyan oo la togay wax la engejiyay ahaansho. 5. Qof wax la qurxiyay ahaansho. 6.Wax jira oo tiirar adag leh ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhisan
dhisan¹: f.mg1 (-smay, -santay; -smi) 1. Aqal, dugsi iyo wixi lamida wax la sameeyey noqosho. 2. Xubno dowladeed oo cusub wax la magcaabay noqosho. 3. Qoys cusub wax la aasaasay noqosho.4. Harag qoyan oo la togay wax la engejiyay noqosho. 5. Wax jira oo tiirar adag leh noqosho. m.f.dh, dhismid.
dhisan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Aqal, dugsi iyo wixi lamida wax ka sameeyey ahaansho. 2. Xubno dawladeed oo cusub wax la magcaabay ahaansho. 3. Qoys cusub wax la aasaasay ahaansho. 4. Harag qoyan oo la togay wax la engejiyay ahaansho. 5. Qof wax la qurxiyay ahaansho. 6.Wax jira oo tiirar adag leh ahaansho. m.f.dh, dhisnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhisan
der. [adjective] built, erected, set up, established; well-dressed, elegant
dhisan [inchoative] v. be constructed, get built up, be established
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhisan
(tilmaame) meel taagan oo wax la dhisay ah. Aqal iska dhisan ayaan iibsaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diisan
Hoos u gotey, dillaac la'aan, xoog ama baari la saaray darti; riixan; buusan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diisan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax hoos u godan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diisan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax hoos u godan ahaansho. m.f.dh, diisnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diisan
der. [adjective] compressed, squashed, dented
diisan [inchoative] v. get dented ~ compressed, become squashed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diisan
-diisnaa / diisnayd: (adj) dented (den-tidh) ~ buusan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diisan
(tilmaame) wax hoos u buusan oo deri yeeshay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dudsan
dudsan: f.mg4 (-naa, -nayd) Wax caraysan ahaansho (qof).
dųdsan: f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: didsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dudsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax caraysan ahaansho (qof). m.f.dh, dudsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dudsan
der. [adjective] suspicious (of something), paranoid
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dudsan
-aa / ayd: (adj) angry (ang-geri), disgruntled (dis-gurantlidh) ~ see [eeg] caraysan, xanaaqsan, xayraansan, ciishaysan,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dudsan
(tilmaame) mid dudmo ku maqan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dudsan
de: suspicious (of s.t.), paranoid
lx: dudsan
pd: (dudsanaa)
ps: adj-der
see: didsan
key: dudsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dunsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la dumiyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dunsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la dumiyey ahaansho. m.f.dh, dunsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dunsan
der. [adjective] broken, fractured, demolished
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dunsan
-aa / ayd: (adj) collapsed (kolaapsidhy demolished (di-moolishidhy destroyed (dis-tarooyidh) ~ burbursan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dunsan
(tilmaame) burbursan oo wax dumay ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dunsan
de: collapsed, broken, fractured, demolished
lx: dunsan
pd: (dunsanaa)
ps: adj-der
key: dunsan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
durban
[adverb] or [adverbial] [expression] already
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
durban
de: already
lx: durban
ps: adv
see: durba
key: durban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durgin
m.dh la-mid: durkin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durgis
m.l la-mid: durkin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durjid
m.dh la-mid: durkid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Durkin
(Durkin-ta)
Sii dhaqaajin; sii riixid; (soo durkin) soo dhoweyn; (sii durkin) sii fogeyn; meel ka dhaqaajin oo meel kale geyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durkin
m.f.dh eeg durki. la-mid: durgin, durgis, durjin, durjis, durkis, durqin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durkin
-ta: (magac, dhedig, keli) fidinta bedka walaxi leedahay. Dh: ballaadhin. Li: koobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durkis
m.l la-mid: durkin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durqan
(tilmaame) mid wax ku mudan yahay ama ku taagan yahay. Qodax baa ku durqan yarka ee ka goo. Dh: mudsan, turqan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durqin
m.dh la-mid: durkin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durqis
durqis¹: m.l la-mid: durkin.
durqis²: m.dh la-mid: durkid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durrin
m.dh (-imo, m.dh) Dhul bannaan oo degaanka ku wanaagsan. la-mid: derrin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durrin
-ta: (magac, dhedig, keli) kayn weyn oo duur leh. Durrimaha agtoodaba ha marin yey ku daakhiline.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duryan
(Duryan-ka)
Guryan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duryan
duryan¹: m.l la-mid: guryan¹.
duryan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) la-mid: guryan².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duryan
m. n. grumbling; rambling talk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duryan
(fal) hadal aan loo fiirsan ama aan macno lahayn oo fara badan ku hadal. Dh: yulqan.
duryan -ka: (magac, lab, keli) hadal badan oo aan micno lahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duryan
cf: daroori, guryan
de: grumbling; rambling talk
lx: duryan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: duryan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hursan
(dab) La huriyey; shidan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hursan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la huriyey ahaansho (dab).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hursan
der. [adjective] kindled
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hursan
-aa: (adj) stoked (istookidh); ignited (ignaaytid)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hursan
(tilmaame) dab la huriyey ama shidan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hursan
de: kindled
lx: hursan
pd: (hursanaa)
ps: adj-der
key: hursan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murjin
m.f.dh eeg murji. la-mid: murgin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murjin
-ka: (magac, lab, keli) waran yar oo can fiiqan oo daab gaaban leh oo ul ahaan ay ina badan culimada iyo dadka suufiyadu u qatan. Dh: eebo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Murjis
(Murjis-ka)
1. Waran yar oo af dhuuban leh; (ama murgin).
2. (Murjis-ta) Geed-abaareed buuraha ka baxa oo xoolaha lagu dhacariyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murjis
murjis¹: m.l (-syo/murjis, m.dh) Waran yar oo af dhuuban leh.
murjis²: m.dh Geed-abaareed buuraha korkooda ka baxa oo xoolaha lagu dhacariyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
murjis
m. n. small spear
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
murjis
-ka: (n) javelin (jaavalin); a light spear
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murjis
-ka: (magac, lab, keli) eeg murjin.
murjis -ta: (magac, dhedig, keli) geed abaareed buuraha ka baxa oo xoolaha lagu dhacariye Xoolaha meel murjis leh u soofi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
murjis
de: small spear
lx: murjis
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: murjis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uursan
f.mg4 (-amaa, -amayd) Qof uurfiyow ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uursan
f.mg4 (-amaa, -amayd) Qof uurfiyow ahaansho. m.f.dh, uursamaan.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Artisan
Farsammalow
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
artisan
artisan, n.m. - Xirfadle; Ninka hawl gacmeedka u xirfadda leh.