durfule
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durfule
-ha: (magac, lab, keli) xayawaanka cayngalka ah ee baydada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dufle
m.l Marka sabuulka galleyda ama meseggadu aysaan iniinyahoodu waaweynaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duule
(Duula-ha)
1. Habaar-qabe; lala-tage; alla-qaad.
2. Ku colka duullaanka ah kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duule
duule: m.l (-layaal, m.l/dh) Qof dhibaato badan, dhallin yar.
dųule: m.l (-layaal, m.l/dh) Col; qof dųulaya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duule
m. n. aggressor, attacker, invader
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Duule
ama Duulaan, wiil dhashay xilli uu aabihii duullaan tegayay ama ku maqnaa. Waxa kale oo loo baxshaa wiil la rajaynayo in uu noqdo mid duula oo cadawga weerara.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duule
de: aggressor, attacker, invader
lx: duule
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: duule
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duufle
-ha: (tilmaame) nin doqon ah oo had iyo jeer sankiisu qoyanyahay. Dh: siinle.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
durable
/dhyurabal/ (adj) cimri-dheer, waaraya. e.g. durable peace.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durruje
m.l (-jayaal, m.l/dh) Nooc quraca waaweyn ka mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horfule
-ha: (magac, lab, keli) ninka hawl karka ah ee sahanka iyo hawsha u igman. Dh: horfiiq.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
auricule
auricule, n.m. - Degta wadnaha (godka sare ee wadnaha)
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Burbules
Baarumo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fulfulec
-a: (magac, lab, keli) fuqfuqsanaan ama dildilaacsanaan. Dh: dildilaac.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HURBUNLE
(Hurbunleh) S, May Dactyloctenium aegyptium (L) Willd. Gramineae.
May, S Dactyloctenium scindicum Boiss. Gramineae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kurtuble
-ha: (magac, lab, keli) ciyaar la ciyaaro. Aniga iyo axmed kurtuble ayaanu ciyaarnay. Dh: hurdub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yurqudle
m.l (-layaal, m.l/dh) Waqti gaajo aad u darani jirto oo cuntadu yar tahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yurqudle
-ha: (magac, lab, keli) waqti gaajo aad u darani jirto oo cuntadu yar tahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dururuqlee
(fal) si macnodarro ah iskaga hadal Dururuqlee sidii qof aan fayoobayn. Dh: tororoglee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dufe
-ha: (magac, lab, keli) dhogorta idaha ama bulka maydhaxda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dure
m.l Jiilaalka bartamihiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duul
(Duul-ka)
Dad; dooyo; cid; col; dar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duul
duul¹: m.l (baayoloji) Heer loo isticmaalo kala soocidda noolayaasha, kaas oo ka kooban tiro sinjiyaddoodu ay isku egyihiin ama ay isku dhawyihiin.
duul²: f.mg1 (-uulay, -uushay) 1. Diyaarad, shimbir iyo wixi lamida hawada dhexdeeda marid. 2. Diyaarad iyo wixi lamida ku safrid.
dųul¹: m.l (-lal, m.l) 1. Dad aad u badan oo aan la aqoon. 2. Jinni.
dųul²: f.mg1 (-uulay, -uushay) Dad badan in ay dagaal qaadaan u bixid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duul
duul¹: m.l (baay.) Heer loo isticmaalo kala soocidda noolayaasha, kaas oo ka kooban tiro sinjiyaddoodu ay isku egyihiin ama ay isku dhawyihiin.
duul²: f.mg1 (-uulay, -uushay) 1. Diyaarad, shimbir iyo wixi lamida hawada dhexdeeda marid. 2. Diyaarad iyo wixi lamida ku safrid. m.f.dh, duulid.
dųul¹: m.l (-lal, m.l) 1. Dad aad u badan oo aan la aqoon. 2. Jinni.
dųul²: f.mg1 (-uulay, -uushay) Dad badan in ay dagaal qaadaan u bixid. m.f.dh, dųulid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duul
v. fly
duul v. raid; attack
duul vl. n. attack, raiding
duul m. n. people, group of people
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duul
-ay / duushay: (v) 1. fly (flaay) 2. attack (ataak)-, take the offensive ~ ku duul, weerar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duul
(fal) weerar dagaal qaad. Labadii beelood beel baa lagu duulay.
duul: (fal) samada mar oo sare u haad.
duul -ka: (magac, lab, keli) dir ama dad isku asal ah. Dh: dir.
duul-sha: (magac, dhedig, keli) xawayaan weyn oo agdaaga biyaha webiyada iyo haraha laga helo. Dh: jeer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fule
(Fula-ha)
Fuley.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fule
m.l la-mid: fuley.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fule
m. n. coward
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fule
-ha: (magac, lab, keli) ninka cabsida badan leh. Fule hooyadii ma gablanto. Dh: fuley, fulay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fule
de: coward
lx: fule
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: fule
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Rule
Qaanuun
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
rule
sharci
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rule
/ruul/ (n) 1. qaanuun (sharci) 2. xukumid; maamulid) 3. mastarad (ul-wax lugu cabbiro).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
rule
n., qaynuun, -ki.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
brûlé
brûlé, adj. - Gubasho
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BUULE
(Bule) S,C Dasysphaera robecchii Lopr., Amaranthaceae.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dafle
nickname-m snatcher; taker of things forcibly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dafle
magac loo baxsho wiil degdeg badan ama xoog wax ku qaata.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
drôle
drôle, adj. - lagu qoslo; lagu maadaysto; maad leh; qosol leh; cajiib leh.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Drupe
Laflay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dufee
f.g2 (-feeyay, -faysay) Cid dulli badid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dufee
f.g2 (-feeyay, -faysay) Cid dulli badid. m.dh, dufayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dufee
v. spoil, degrade, ruin; humiliate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dufee
(fal) duf ka dhig. Maydhaxda aad kebedda ku samaynayso dugfee.
dufee: (fal) xumee oo sidii hore si ka sii liidata ka dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dufee
de: spoil, degrade, ruin; humiliate
lx: dufee
pd: (dufeeyey)
ps: v2b=tr
key: dufee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dugle
m.l Nafley caato ah oo tabardaran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dugul
m.l.kh D. ah: midab aad u madow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dugul
m.l.kh D. ah: midab aad u madow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dugul
m. n. dark item, black thing
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dugul
name-m dark, black
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dugul
magac loo baxsho wiil madaw u dhashay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dugul
-ka: (magac, lab, keli) midab aad u madow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dugul
de: dark item, black thing (e.g., hair, eyes, gums, etc)
lx: dugul
pd: (-ka)
ps: n-m
key: dugul
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulle
-ha: (magac, lab, keli) ul dheer oo suun amaba xadhig ku xidhan yahay oo lagu kaxeeyo dibida marka beerta lagu qodayo. Dh: shaabuug.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Dulle
Soofe ka tirsan soofeyaasha birta lagu soofeeyo ee ah bog la'aan duuban oo isku wada siiban afkana usii dhuubta oo lagu soofeeyo duleellada birta ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dunle
-ha: (magac, lab, keli) marada dunta ka samaysan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
durée
durée, n.f. - Wakhti xaddidan; wakhti ama millay aad u dheer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durfo
-ha: (magac, lab, keli) shey in badan jiray oo baali ah. Ilbaxnimada lagu diday, ma anigaa durfooboo, dawga toosan garab mara.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durub
-ka: (magac, lab, keli) jaad kalluunka badda laga soo saaro ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duruf
m.l (duruf/-fyo/-ruuf, m.dh) 1. la-mid: duluf. Derin, jawaan, raar iyo wixi lamida oo duugoobay. 2. Jawaan maran.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duruf
m. n. worn out cloth, mat ~ bag; empty sack ~ container
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duruf
-ka: (ml. used cloth (yuusidh klooth) 2. empty sack
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duruf
bw: Arabic
de: worn out cloth, mat ~ bag; empty sack ~ container
lx: duruf
pd: (-ka Pl: duruuf (ta))
ps: n2-m, n8-m
key: duruf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durug
f.mg1 (-rkay, -rugtay; -rki) 1. Meel ka sikasho. 2. Meel ka fogaansho. la-mid: duruq.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
durug
f.mg1 (-rkay, -rugtay; -rki) 1. Meel ka sikasho. 2. Meel ka fogaansho. m.f.dh, durkid. la-mid: duruq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
durug
v. shift position, move (oneself)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
durug
-durkay / durugtay: (v) move oneself a bit to give space to someone; move yourself a bit; shift (shift) ~ siko. Ex: iga durug; give me a space [move away from me]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durug
(fal) meel dheer teg. Dhankaa iiga durug aan fadhiistee. Dh: siko, fogow
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
durug
bw: siko
de: shift position, move (oneself)
lx: durug
pd: (durkay / durugtay)
ps: v1=intr
see: durki
key: durug
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duruq
f.mg1 (-rqay, -ruqday; -rqi) la-mid: durug.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duuli
duuli: f.g2 (-iyay, -isay) Diyaarad iyo wixi lamida hawada dhexdeeda ku wadid.
dųuli: f.g2 (-iyay, -isay) Col dagaal u hoggaamin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duuli
duuli: f.g2 (-iyay, -isay) Diyaarad iyo wixi lamida hawada dhexdeeda ku wadid. m.f.dh, duulin.
dųuli: f.g2 (-iyay, -isay) Col dagaal u hoggaamin. m.f.dh, dųulin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duuli
v. fly, cause to fly; pilot (an airplane)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duuli
-yey / say: (v) cause to fly (falaay); operate an aircraft or spacecraft
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duuli
(fal) diyaarad ama wax kale oo duula oo degsanaa kici oo samada u dir. Duuli diyaaradda oo dubay gee. Li: deji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duuli
de: fly, cause to fly; pilot (an airplane)
lx: duuli
pd: (duuliyey)
ps: v2a=tr
key: duuli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fuule
(Fuula-ha)
1. Docda fardaha laga fuulo.
2. Kan fuulaya ama fuula.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fuule
m. n. rider, horseman
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuule
-ha: (magac, lab, keli) dhinaca ama docda fardaha laga fuulo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fuule
de: rider, horseman
lx: fuule
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: fuule
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Guule
name-m giver of victory; God (pagan name)
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Hurfe
nickname-m darker and stronger
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Hurfe
magac loo baxsho wiil madow oo xoog leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quful
(Quful-ka)
Geed wax lagu xiro oo bir ah, oo fure iyo gan yar oo qoolaaban leh, oo kolna laysku dhufto kolna furanta, oo daloollada iyo ilaha iyo silsiladaha laga dhex dusiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quful
quful¹: m.l (-llo, m.dh) 1. (-llo, m.dh) Xubinta taranka ee gammaanka lab. 2. la-mid: qafil 1. 3. qafilid.
quful²: f.g1 (-ulay, -ushay) la-mid: qafil².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
quful
m.l (-llo, m.dh) 1. (-llo, m.dh) Xubinta taranka ee gammaanka lab. 2. la-mid: qafil.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quful
m. n. lock, padlock
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
quful
-ka: (n) lock (laak); padlock (paadh laak); combination lock
quful -ay / qufushay: (v) close with lock (laak)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quful
(fal) xidh; quful ku xidh.
quful -ka: (magac, lab, keli) eeg qafil.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quful
bw: Arabic
de: lock, padlock
lx: quful
pd: (-ka)
ps: n2-m
see: qafil
key: quful
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QUULE
(Kule) NFD Acacia edgeworthii T. Anders. Mimosaceae.
NFD Acacia turnbulliana Brenan. Mimosaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suful
(Sufu-sha)
Meel aan doog lahayn; abaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suful
m.dh 1. la-mid: sufur 2. Habaas yar oo dabayshu kiciso. 2. Meel abaar ah. 3. Hoog; belo. la-mid: sufuul, suluf.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suful
f. n. dry ~ grassless land, desert area
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suful
-sha: (magac, dhedig, keli) meel aan doog lahayn; abaar.
suful-sha: (magac, dhedig, keli) habaas yar oo dabayshu kiciso.
suful-sha: (magac, dhedig, keli) hoog; belo: sufuul; suluf.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suful
de: dry ~ grassless land, desert area
initial: s
lx: suful
pd: (/sha)
ps: n-f
key: suful
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Uurle
enceinte (femme).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
uvule
uvule, n.m. - hilib-dalqe.