durdur-kulul
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durdur-kulul
m.l (-rro ..., m.dh) (jooloji) Il dabiici ah oo biyaheedu kululyihiin, taas oo biyo kulul iyo qiiq kor u soo tuurta, amminta u dhexaysa kor u soo tuuridda way isla ekaan kartaa ama way kala duwanaan kartaa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
durdurkulul
m.l (-rro ..., m.dh) (jool.) Il dabiici ah oo biyaheedu kululyihiin, taas oo biyo kulul iyo qiiq kor u soo tuurta, amminta u dhexaysa kor u soo tuuridda way isla ekaan kartaa ama way kala duwanaan kartaa.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Durdur kulul
Thermal spring, Geyser
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duhur-kulul
m.l Xilliga u dhexeeya 1-da duhurnimo ilaa 2-da.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Geyser
Durdur kulul
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duddumo-yulug
m.dh Nooc duddumada ka mid ah oo aan lahayn sal ballaaran lehna fiiq dheer oo dhuuban. la-mid: dundumo-yulug.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dundumo-yulug
m.dh la-mid: duddumo-yulug.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHAY-KULUL
(Dai-kulul) S Maerua angolensis DC. Capparidaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barqo-kulul
m.dh Waqtiga duhurka ka horreya oo cadceeddu aad u kulushahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barqo-kulul
m.dh Waqtiga duhurka ka horreya oo cadceeddu aad u kulushahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daruurnugul
m.dh Daruur weyn oo hoos yeelata aanse di'in.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabeyl-kulul
m.dh (-lo ..., m.l) (juqraafi) Dabayl diiran oo qallalan oo ka dhacda dhinaca buurta ee duggaalka ah, waxaana aad loogu yaqaan waadiga buurta Albasta woqooyi, halkaas oo uu magacu ka soo askunmay.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QUWAAX-KULUL
(Goah-kulul) C, S Capparis cartilaginea Decne. Capparidaceae.