durbaansan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Durbaansan
Qaab durbaan leh; isku duuban; kankoonsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durbaansan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax qaab durbaan leh ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
durbaansan
der. [adjective] drum-shaped, round
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durbaansan
(tilmaame) wax sida durbaanka u samaysan oo wareeg kankoonsan leh. Dh: kankoonsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
durbaansan
de: drum-shaped, round
lx: durbaansan
ps: adj-der
key: durbaansan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curyaansan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Qof xanniban oo wax u suurtaggeli waayeen ahaansho. 2. Hawl, wax xannibaadi gashay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
curyaansan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Qof xanniban oo wax u suurtaggeli waayeen ahaansho. 2. Hawl, wax xannibaadi gashay ahaansho. m.f.dh, curyaansanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
curyaansan
der. [adjective] crippled
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
curyaansan
-aa / ayd: (adj) sabotaged; disabled, incapacitated or crippled (kirippalidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curyaansan
(tilmaame) la curyaamiyey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
curyaansan
de: crippled
lx: curyaansan
pd: (curyaansanaa)
ps: adj-der
key: curyaansan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murqaansan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: marqaansan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murqaansan
(tilmaame) fayaansan oo qayilaad la wareersan. Dh: marqaansan, mirqaansan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurbaansad
-ka: (magac, lab, keli) cunto iyo hilib lagu Alla baryo samaysasho. Dh: ducaysi, daraaraysi, qurbaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durbaansanaansho
m.l/dh eeg durbaansan. la-mid: durbansanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durbaansanaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg durbaansanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durbaansanaan
m.f.dh egg durbansan. la-mid: durbaansanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durbaansanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax durbaansan oo sida durbaanka u kankoonsan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Durbaan
(Durbaan-ka)
Qalab cayaaraha lagu tunto; wuxuu ka samaysan yahay qalab xoldhan oo af ama labada afba ka daloola oo harag ama xuub xalleefsani ku rogan yahay oo sacabbada lagu garaaco; reeme.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durbaan
m.l (-nno, m.dh) (muus.) Qori xordan oo labadiisa af harag khafiif ahi ku dahaaranyahay oo ciyaaraha loo tumo, cod weynna bixiya. la-mid: gurbaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
durbaan
m.l (-nno, m.dh) (muus.) Qori xordan oo labadiisa af harag khafiif ahi ku dahaaranyahay oo ciyaaraha loo tumo, cod weynna bixiya. la-mid: gurbaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
durbaan
m. n. drum
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
durbaan
-ka: (n) drum (daraani)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durbaan
-ka: (magac, lab, keli) agab ka samaysan xeedho harag afka lagaga tigtigay loona isticmaalo ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka iyo caroosyada. Nin durbaan tumay ilaaq dalbay. Dh: gurbaan, def, narso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
durbaan
de: drum
lx: durbaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: durbaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaansan
f.mg4 (-naa, -nayd) Weel wax buuxa ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaansan
der. [adjective] filled, full (of liquid)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaansan
(tilmaame) weel ama wax kale oo buuxa oo daf ah. Dh: buuxsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaansan
de: filled, full (of liquid)
lx: dhaansan
pd: (dhaansanaa)
ps: adj-der
key: dhaansan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duraanso
(fal) cid kale hadal u jeedi waano ah ama canaan ah.
duraanso: (fal) cid kale, bari oo tuug.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muransan
f.mg4 (-naa, -nayd) Laba qof ama ka badan wax murmay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muransan
f.mg4 (-naa, -nayd) Laba qof ama ka badan wax murmay ahaansho. m.f.dh, muransanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muransan
der. [adjective] in disagreement, having a dispute ~ controversy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
muransan
-aa: (adj) quarreling (kuwoor al ing); feuding (fiyuud-ing); disputed (dis piyuutidh)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muransan
de: in disagreement, having a dispute ~ controversy
lx: muransan
pd: (muransanaa)
ps: adj-der
key: muransan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darbanaan
(Darbanaan-ta)
Wax darban ahaan; diyaarsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darbanaan
m.f.dh eeg darban. la-mid: darbanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
darbanaan
f. n., [abstract] readiness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darbanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) hawl u diyaar ahaan. Dh: heellanaan, heeganaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
darbanaan
de: readiness
lx: darbanaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: darbanaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durraansi
-ga: (magac, lab, keli) hadal aan raalli laga ahayn oo la isku celceliyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giraansan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax qaab wareegsan leh noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giraansan
(tilmaame) wax siddii giraangirtii oo kale ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kurbaysan
Kurbo qaba; kurbo hayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kurbaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Cid kurbo hayso ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kurbaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Cid kurbo hayso ahaansho. m.f.dh, kurbaysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kurbaysan
der. [adjective] worried, anxious, troubled
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kurbaysan
-kurbaysnaa: (v) feeling uneasy, distressed (distareesidh), troubled (tarabalidh), worried (wooridh), anxious (ang shas)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kurbaysan
(tilmaame) kurbo qaba; kurbo hayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kurbaysan
de: worried, anxious, troubled
lx: kurbaysan
pd: (kurbaysnaa)
ps: adj-der
key: kurbaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murbaxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: mudbaxsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murbaxsan
(tilmaame) hawl wax si fiican u dhammeeyey ah oo ka farabaxsan. Dh: mudhbaxsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurbaansi
-ga: (magac, lab, keli) eeg qurbaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurbaanso
f.mg3 (-saday, -satay) Qurbaan samaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurbaanso
(fal) qurbaan samayso. Dh: ducayso,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurbanaan
m.f.dh eeg qurban. la-mid: qurbanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duggaalsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax duggaal leh ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duggaalsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax duggaal leh ahaansho. m.f.dh, duggaalsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farxaansan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: faraxsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farxaansan
(tilmaame) mid farad iyo raynrayn ku jira.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liibaansan
(tilmaame) qof barwaaqaysan; mid liibaan helay ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marqaansan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax marqaamay ahaansho (qof). la-mid: murqaansan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
marqaansan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax marqaamay ahaansho (qof). m.f.dh, marqaansanaan. la-mid: murqaansan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
marqaansan
der. [adjective] intoxicated, drunk, high on any intoxicant
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
marqaansan
-aa: (adj) heady (hee-di); drunk, stimulated or excited, especially from khat chewing
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
marqaansan
de: intoxicated, drunk, high on any intoxicant
lx: marqaansan
pd: (marqaansanaa)
ps: adj-der
key: marqaansan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murbaxsanaan
m.dh la-mid: mudbaxsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murbaxsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax hawl si wanaagsan uga farabaxay oo mudh ka yidhi ahaan. Dh: mudhbaxsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murqaansanow
f.mg3 (-naaday, -naatay) la-mid: marqaansanow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murqaansanow
(fal) wax mirqaansan oo jaad cunay ahaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurbaansasho
m.f.dh eeg qurbaanso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurbaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) qurbaan samaysasho. Dh: ducaysasho, qurbaansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbararsan
(tilmaame) barbarar meelo badan ku leh. Bullooy waad barbararsantahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daandaansan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax wareersan ahaansho (nafley).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daandaansan
(tilmaame) ruux la wareersan, nabar iyo jug gaadhay darteed. Nin daandaansan dariiq ma maro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhugbadnaan
m.f.dh eeg dhugbadan. la-mid: dhugbadnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhugbadnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) fiiro dheer iyo dhugasho fiican lahaan. Booliska waxa looga baahan yahay dhugbadnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhurnaansho
m.l/dh la-mid: dhurnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulsaarnaan
m.f.dh eeg dulsaaran². la-mid: dulsarnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulsaarnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) shey wax kale dulsaaran ahaan. Miiska dulsaarnaanta ka fudaydi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durugsanaan
m.f.dh eeg durugsan. la-mid: durjisnaan, durjisnaansho,durugsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duruqsanaan
m.dh la-mid: durugsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duubnaansho
(Duubnaansha-ha)
Oof la duubay ama wax la duubay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duubnaansho
m.l/dh la-mid: duubnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farxaansani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg farxaansanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku balaqsan
adj., [expression] spilled (out)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_balaqsan
de: spilled (out)
lx: ku balaqsan
pd: (balaqsanaa)
ps: adj-expr
xe: There was spilled water in the place.
xv: Biyaa meel ku balaqsanaa.
key: ku_balaqsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kurbaysnaan
m.f.dh eeg kurbaysan. la-mid: kurbaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kurbaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax kurbo qaba ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musbaarnaan
m.dh la-mid: musmaarnaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sarkhaansan
-aa / ayd: (n) drunk (darank)-, intoxicated (in-took-si-keeytidh); under the influence
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
turmaagnaan
m.f.dh eeg turmaagan. la-mid: turmaagnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
turmaagnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) malluugnaan; liqdaarnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurxaarnaan
m.f.dh eeg uurxaaran. la-mid: uur-xaarnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curyaansanaan
m.f.dh eeg curyaansan. la-mid: curyaansanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curyaansanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax curyaansan ahaan; wax la curyaamiyey ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharbaaxaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Qof la dharbaaxay ahaansho. la-mid: dhirbaaxaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharbaaxaysan
(tilmaame) mid la dharbaaxay; mid dharbaaxo lala dhacay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhirbaaxaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) la-mid: dharbaaxaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhirbaaxaysan
(tilmaame) eeg dharbaaxaysan.