duqadayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duqadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ridgitaanka hilibka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cuqdadayn
(Cuqdadayn-ta)
Cuqdad gelin; baqdin ku abuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuqdadayn
m.f.dh eeg cuqdadee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuqdadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cuqdad gelin ama cuqdad ku abuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiqadayn
m.f.dh eeg diiqadee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muqmadayn
(Muqmadayn-ta)
Muqmad ka dhigid; Oodkicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muqmadayn
m.f.dh eeg muqmadee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muqmadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) muqmad ka dhigid. Dh: luqmadayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duqayn
-ta: (n) 1. the act of crashing (karaash-ing) or colliding (kolaydh-ing) ~ shilgalid 2. air raid-rusheyn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hadhimo cunid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cukadayn
(Cukadayn-ta)
Cukad ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cukadayn
m.f.dh eeg cukadee. la-mid: cokadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cukadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cokos ka dhigid. Dh: cukadays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dufanayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dufan marin ama ku idaamid. Jimcabarkhadluhu waa maalinta dufanaynta geesaha lo'da.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quwadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) quwad u yeelid, taageero siin. Dh: xoojin, quwadayn. Li: daciifin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sumadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ammaaradayn calaamadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sadaqadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sadaqad u bixin; sadaqays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daafadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof qof kale garbis xoog leh ku jiidha. Markuu i garbiyey ayaan daafadayntiisii la dhacay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacsadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) baabuur iyo wixii la mid ah, dacsad u yeelid ama u samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacwadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dacwad ku oogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
damradayn
m.f.dh eeg damradee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damradayn
-ta: (magac, dhedig, keli) libaaxbadeed ama wax kale, damrad ku ganid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
danqadaan
m. n. pain
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
danqadaan
de: pain
lx: danqadaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: danqadaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darbadayn
m.f.dh eeg darbadee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darbadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) biyaha lagu dabbaalanayo inta hoos loo galo, labada lugood la soo kor mariyo oo lagu dhufdhufto biyaha. Dh: shaambadayn.
darbadayn-ta: (magac, dhedig, keli) ciyaar ka badin.
darbadayn-ta: (magac, dhedig, keli) kubbad si fiican u laagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darxadayn
m.f.dh eeg darxadee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiradayn
m.dh (naxwe) Marka diirad la saaraayo qayb ka mid ah weerta (eeg diirad 2.).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

dubaaqayn
m.f.dh eeg dubaaqee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubaaqayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dibaaq samayn; foorado samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muqmadays
-ka: (magac, lab, keli) muqmad samayn; luqmadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muunadayn
(Muunadayn-ta)
Muunad u yeelid; xurmayn; weyneyn; tixgelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muunadayn
m.f.dh eeg muunadee. la-mid: muunayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muunadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) midabyo qunoon u yeelid. Dh: naqshadayn, midabayn, aslid.
muunadayn -ta: (magac, dhedig, keli) cid kale si sharaf iyo qaddarin ah u soo dhawayn oo u xur mayn. Dh: xurmayn, tixgelin, muunadays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nuuradayn
(Nuuradayn-ta)
Nuurad ku caddayn, marin, ku dhisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuuradayn
m.f.dh eeg nuuradee. la-mid: nuuriyadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuuradayn
-ta: (magac, dhedig, keli) nuurad cad marin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qudbadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) khudbad jeedin. Dh: khudbadayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
summadayn
vl. n. branding, marking; endorsement
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
summadayn
de: branding, marking; [ext.] endorsement
initial: s
lx: summadayn
pd: (-ta)
ps: vn1-f
key: summadayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuradayn
-ta: (magac, dhedig, keli) suuradin; suuradays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabaqadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sumad kuwa kale lagaga garto u yeelid. Daabaqadayn ku samee markaad iibsato adhiga. Dh: astaamayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muqmadaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Hilib wax muqmad laga dhigay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muqmadaysan
der. [adjective] jerked, preserved (meat)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muqmadaysan
(tilmaame) la muqmadeeyey ah; muqmad laga dhigay ah. Dh: luqmadaysan, oodkacaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muqmadaysan
de: jerked, preserved (meat) {N & W}
lx: muqmadaysan
pd: (muqmadaysnaa)
ps: adj-der
key: muqmadaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qulquladayn
(Qulquladayn-ta)
Cid qulqulad ku samayn; rabshayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qulquladayn
m.f.dh eeg qulquladee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadan
dadan¹: m.dh la-mid: dedan¹.
dadan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) la-mid: dedan².
dadan³: f.mg4 (-dnaa, -dnayd) la-mid: dedan³.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duqad
f. n. dent, bump (from a collision)
duqad [feminine] n., (mass n.): ground meat condiment
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duqad
-da: (n) 1. dent (dhenf); depression in a surface made by pressure or a blow ~ daqar. Ex: duqada gaariga geeskissa ku taal; the dent in the side of the car. 2. ground meat (garawndh miit) ~ hilib shiishiid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duqad
-da: (magac, dhedig, keli) gaadhi matoorka waxyeello ka gaadhay ama matoorkiisu dhintay.
duqad-da: (magac, dhedig, keli) hilib lagu ridqay mashiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qadan
(Qadan-ka)
1. Nasiib; ayaan; cawo; hoodo; buruud.
2. Xoog iyo laf leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qadan
m.l 1. Nasiib; ayaan. 2. Q. ah: qof xoog iyo laf leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qadan
m. n., abs., [ext. atr.]: fate, fortune, (good) luck; strong, robust
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Qadan
name-f good luck; lucky charm, amulet (Arb). Syn: Khadan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadan
(tilmaame) xoog iyo laf leh. Faysal waa nin qadan ah.
qadan: (tilmaame) baahan oon biyo iyo baad helin. Ninka qadan dhergiya.
qadan -ka: (magac, lab, keli) nasiib iyo ayaan; cawo iyo hoodo. Ninkaasi waa nin qadan fiican. Dh: buruud.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Qadan
Habka iyo muuqa guud.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qadan
de: fate, fortune, (good) luck; [ext. atr.] strong, robust
lx: qadan
pd: (-ka)
ps: n2-m-abs
syn: ayaan, nasiib
key: qadan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaday
(magac, dhedig, keli) hadhimo cun. Anoo bargadii wax cunay, qadayn kari maayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Budayn
(Budayn-ta)
Budo ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
budayn
m.f.dh eeg budee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
budayn
-ta: (magac, dhedig, keli) bud ku garaacis. Dh: ulayn.
budayn-ta: (magac, dhedig, keli) wax adag ridgid oo budo ka dhigid. Budaynta hadhuudhka tabar uma hayee iga nasi.
budayn -ta: (magac, dhedig, keli) wax adag ama dareer, budo ku darid. Budayntii unbaa u hadhsan shuurada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cadcad u googoyn. Dh: cadays, yaryarayn, cadcadayn, jarjarid.
cadayn -ta: (magac, dhedig, keli) wax kasta oo dahsoon ama muuqda oo gartaada run ahaanteeda caddaynaya sida: waraaqaha markhaatiga dhaarta sawirrada iwm. Dh: xujo. Wa: caddaymo.
cadayn -ta: (magac, dhedig, keli) midabka caddaanka u yeelid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Da'ayn
Dating
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) bir la geliyey dhamac ama bayteriga oo dab iyo tamar loo yeelo iyadoo la adeegsanayo koronto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dacayn
(Dacayn-ta)
Biyo dac ah ku bi'in; biyo miir ah oo deggan qasid oo dac ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacayn
m.f.dh eeg dacee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dacayn
vl. n. state of overflowing, making water dirty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ceelka iyo darka inta u dhaxaysa biyo ku daadaadin. dacaynaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax dacayda ka xidhan ahaan. Awrka dacaynaanta ha ku deyne ka fur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dacayn
cf: dac, dacee
de: state of overflowing, making water dirty
lx: dacayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: dacayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dakayn
(Dakayn-ta)
Sariir iyo wax la mid ah korkeed isku kala bixin; (ku dakayn) nasasho; dangiigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dakayn
m.f.dh eeg dakee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dakayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sariir iyo wax la mid ah korkeeda isku kala bixin oo ku dangiigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dalayn
(Dalayn-ta)
1. Dal ka dhigid.
2. Qurxin; dheehid; jalayn.
3. Aqal, kd., meelo ka banbannayn, si neecawda iyo iftiinku u soo galaan; neecaabin; khalfado u furid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalayn
m.f.dh eeg dalee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) aqal iyo wixii la mid ah, in meel laga banneeyo si iftiin iyo neecawba uga soo galaan.
dalayn-ta: (magac, dhedig, keli) qurux u yeelid oo midabayn. Jawaabaha duxdoodii, adigaa daleeyoo, dahaadhkii ka qaadaye.
dalayn -ta: (magac, dhedig, keli) hadhayn ama dadid. Dalaynta waababku dhib kuma laha Suge oo waa nin dheer. Dh: hadhayn. Li: qaawin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Danayn
(Danayn-ta)
Dan u gelid; dan u yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danayn
m.f.dh eeg danee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax u soo jeedid iyo fiiro u yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darayn
(Darayn-ta)
(legdan) daro ku qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darayn
m.f.dh eeg daree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dar u yeelid. Darayn la'aan ceel duunyo lagama waraabiyo. Dh: darays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ducayn
-ta: (magac, dhedig, keli) Eebbe baryid iyo wax waydiisigiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dufayn
(Dufayn-ta)
1. Si hore oo fiicnayd si danbe oo xun ka dhigid; baabba' ka yeelid.
2. (qof) wax duf qaba ama dufoobey ka dhigid; dhogortiisa rogid; doorin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dufayn
m.dh eeg dufee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dufayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dullayn oo wax horay u fiicnaa xumayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dukaan
(Dukaan-ka)
Qol ama aqal alaabada ganacda ah la dhigo oo lagu kala gato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dukaan
m.l (-nno/-ammo, m.dh) Qol khaanado alaabta la saaro leh oo cuntada, dharka iyo wixi lamida lagu gado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dukaan
m.l (-nno/-ammo, m.dh) Qol khaanado alaabta la saaro leh oo cuntada, dharka iyo wixi lamida lagu gado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dukaan
common n. shop, store
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dukaan
-ka: (n) shop (shop), store (istoor) ~ daas
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dukaan
Negozio
Shop
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dukaan
-ka: (magac, lab, keli) meherad wax lagu iibiyo oo si joogta ah looga shaqeeyo. Dukaanka kabriid iiga soo iibi. Dh: tukaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dukaan
bw: Arabic
de: shop, store
lx: dukaan
pd: (-ka Pl: dukaammo ~ dukaanno (/da))
ps: n2b/c-m
key: dukaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dul sarraysa u yeelid.
dulayn -ta: (magac, dhedig, keli) dulli iyo xaqiraad badid oo u sabibi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dumayn
m.f.dh eeg dumee. la-mid: dumays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dumayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dad abaabulid oo soo ururin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dunayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dun, meel gelin sida irbad, shawlad ama faynuus.