dungeon
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dungeon
/dhanjon/ (n) alambakho, jeel hoos u qodan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dungo'
-a: (magac, lab, keli) wax dunida ka dhammaaday noqo. Dh: sayngo', cayngo', dabargo'.
dungo' -a: (magac, lab, keli) wax dunida ka dhammaaday noqosho. Dungo' buu maroodigii ku noqday dhulka Soomaalida. Dh: sayngo', cayngo'.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dungoo
(fal) shey cidhibtir oo tafiirtir. Dh: sayngoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dangeyn
m.f.dh eeg dangee. la-mid: dangeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hungeyn
(Hungeyn-ta)
Hungo ka dhigid, badid; quusin; qadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hungeyn
m.f.dh eeg hungee.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
surgeon
(n) a physician specializing in surgery.
dhakhtarka ku takhasusay qalintaanka
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
surgeon
/serjan/ (n) dhakhtarka qalliinka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daangeyn
m.f.dh eeg daangee.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hinge on
/hinj-on/ (v) ku-xiran. e.g. Everything hinges on what I do next.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
plongeon
plongeon, n.m. - la tiimbiyo.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dune
Bacaad
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dune
/dyuun/ sand dune (n) bacaad, cammuud.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dung
/dan/ (n) faanto, dhiriqda lo'da, fardaha iwm.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
dung
n., (excrement) xaar, -ki, saxaro, -adi, uus, -ki; of camels, horses and cattle, faanto, -adi, fulul, -ki (when dry) and falti, -di (when liquid); of camels, sheep and goats, saalo, -adi.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
néon
néon, n.m. - Neef aan midab lahayn oo hawada dhulkan aad ugu yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dango
m.dh Garabsiin waayidda cid hiillo u baahnayd.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
dingo
dingo, adj. fam. - Yar waalan; Qof yara waalan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dugey
Dugey!
Erey qofkii dhibaato weyni gaarto uu yiraahdo: jabay! hoogey! ba'ay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dugey
e.d Erey qofkii dhibaato weyni gaarto uu yiraahdo; jabay!; hoogey!; ba'ay!
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dugey
inter. ouch!; ah!; heck!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dugey
erey uu ku calaacalo ama uu ku ooyo qof ay dhib weyni ku dhacday. Dh: jagay! hoogay! ba'ay! ba'ayaalay!
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dugey
de: ouch!; ah!; heck! expression of pain, unpleasant surprise or consternation
lx: dugey
pd: (dugay)
ps: intj
key: dugey
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dugso
f.g3 (-saday, -satay) Meel dhaxan ka gelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dugso
f.g3 (-saday, -satay) Meel dhaxan ka gelid. m.f.dh, dugsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dugso
v. take shelter; lean on someone (for moral support)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dugso
-dugsaday / dugsatay: (v) take refuge; take shelter under; find shelter
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dugso
(fal) meel ka gal dhaxanta iyo dabaylaha; cid kale wehesho oo cadawga ka taageerso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dugso
de: take shelter; [ext.] lean on s.o. (for moral support)
lx: dugso
pd: (dugsaday)
ps: v3a=
key: dugso
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dunce
/dans/ (n) damiin, muqafal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dunle
-ha: (magac, lab, keli) marada dunta ka samaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dunno
(Dunna-da)
Sacabka oo duuban oo wax lagu dhufto; tantoonyo; feer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dunno
m.dh Ku dhufashada cid si xoog ah loogu dhufto gacan duuban.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dunno
f. n. punch
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dunno
de: punch
lx: dunno
pd: (/da)
ps: n6-f
key: dunno
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duugo
v. bury (for oneself)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duugo
de: bury (for oneself)
lx: duugo
pd: (duugtay)
ps: v3b=
key: duugo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hungo
(Hunga-da)
Qof ama meel wax loo doontay, oo wixii laga waayo; eber.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hungo
m.dh 1. Meel aan waxba oollayn. 2. la-mid: hingo¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hungo
m.dh 1. Meel aan waxba oollayn. 2. la-mid: hingo¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hungo
f. n. emptiness, empty-handedness; disappointment
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hungo
-hungada: (n) emptiness (em-ti-nes)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hungo
(tilmaame) madhnaanta shabaagta dabashada kalluunka, shabaggii waa hungo.
hungo -da: (magac, dhedig, keli) guuldarro iyo farama-dhnaan lagala soo noqdo meel lagu hanweynaa. Dh: qadid, lugo'id.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hungo
cf: eber
de: emptiness, empty-handedness; disappointment
lx: hungo
pd: (/da)
ps: n0-f
key: hungo
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
lungo
agg. - dheer.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Union
Isu tag
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
union
/uunyan/ (n) 1. urur (itixaad) (n) 2. midow (isu-tag).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
union
union, n.f. - isutag; urur; midow.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
union
n., isku darnaan, -ki.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
bunion
(n) a painful, inflamed swelling on the big toe.
suulka cagta bararay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dangee
f.g2 (-geeyay, -geysay) Cid hiillo u baahnayd oo garab la siin waayey ahaansho.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
danger
(n) a situation or condition that is harmful and may cause injury,
khatar
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
danger
/dheynjar/ (n) khatar (halis).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
danger
danger, n.m. - khatar; halis; khatar weyn.
mettre en danger - Khatar gelin; la khatar gesho.
sans danger - Khasnad, ammaan ah; ka dhowarsanaan khartarta;
exposer au danger - khatar gelin; sigid.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
danger
n., cabsi, -di, shil, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dangow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Cid hiillo u baahnayd oo garab la siin waayey noqosho.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHOGON
(Dogon) C Manilkara mochisia (Bak.) Dubard. Sapotaceae.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dragon
/dhragon/ (n) 1. bahal xajmi wayn oo dab neefsada, oo carruurta looga sheekeeyo (n) 2. qof laga cabsado (qof bahal u eg). e.g. Her mother is a real dragon.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
dragon
n., mas duula, mas laayaan ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duceyn
(Duceyn-ta)
Duco akhriyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duceyn
m.f.dh eeg ducee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duceyn
-ta: (magac, dhedig, keli) Ilaahay baryid oo duco sacabbada u taagid. Dh: ducayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulgee
(fal) cid meel ka kaxee oo cid meel kale joogta dul jooji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dunayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dun, meel gelin sida irbad, shawlad ama faynuus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dundun
(Dundun-ka)
Duluc; xudduud; ujeeddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dundun
dundun¹: m.l la-mid: diddin¹.
dundun²: m.l Mawduuc, arrin, baab.
dundun³: m.dh la-mid: duddun.
dundun⁴: f.mg1 (-umay, -untay; -umi) la-mid: diddin².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dundun
m. n. plot, theme; main point, gist, essence
dundun [feminine] n. termite mound, anthill
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dundun
-ta: (n) anthill ~ duddun, duddumo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dundun
-ta: (magac, dhedig, keli) ujeeddo iyo duluc.
dundun-ta: (magac, dhedig, keli) eeg duddumo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dungul
-ka: (magac, lab, keli) timaha dameeraha iyo gamaanka kale margaagga kaga yaalla.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Duniyo
pr. n., [feminine] Duniya
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Duniyo
name-f worldly; lit: very beautiful and very gentle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Duniyo
magac loo baxsho gabadh quruxdii dunida oo dhan lagu metaalay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Duniyo
de: Duniya
lx: Duniyo
ps: name-f
key: Duniyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dunnee
f.g2 (-neeyay, -naysay) Gacan duuban cid si xoog ah ugu dhufasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dunnee
v. punch, hit with the fist
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dunnee
(fal) tantoomo la dhac. Dhabarka ka dunnee ha soo jeestee. Dh: tantoon.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dunnee
de: punch, hit with the fist
lx: dunnee
pd: (dunneeyey)
ps: v2b=
key: dunnee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dunsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la dumiyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dunsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la dumiyey ahaansho. m.f.dh, dunsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dunsan
der. [adjective] broken, fractured, demolished
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dunsan
-aa / ayd: (adj) collapsed (kolaapsidhy demolished (di-moolishidhy destroyed (dis-tarooyidh) ~ burbursan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dunsan
(tilmaame) burbursan oo wax dumay ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dunsan
de: collapsed, broken, fractured, demolished
lx: dunsan
pd: (dunsanaa)
ps: adj-der
key: dunsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duqeyn
m.f.dh eeg duqee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duqeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) hub waaweyn bartilmaameed ku garaacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durgin
m.dh la-mid: durkin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duugan
La duugey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duugan
duugan¹: f.mg1 (-gmay, -gantay; -gmi) Wax la xabaalay noqosho.
duugan²: f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax la xabaalay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duugan
duugan¹: f.mg1 (-gmay, -gantay; -gmi) Wax la xabaalay noqosho. m.f.dh, duugmid.
duugan²: f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax la xabaalay ahaansho. m.f.dh, duugnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duugan
der. [adjective] buried, covered with sand ~ soil
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duugan
-aa: (adj) buried (beeridh) ~ aasan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duugan
(tilmaame) wax la duugay oo jidhkiisa gacanta la mariyay. Lugtu way i duugan tahaye ha i taaban.
duugan: (tilmaame) wax aasan oo dhulka ku hoos jira. Qabrigaa awawgay baa ku duugan. Dh: aasan, xabaalan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duugan
de: buried, covered with sand ~ soil
lx: duugan
pd: (duugnaa)
ps: adj-der
key: duugan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duugmo
m.dh 1. Daliigidda qof muruqyadu xanuunayaan la daliigo. 2. Jilcinta harag la jilciyo, iyada oo la daliigayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duugmo
m.dh 1. Daliigidda qof muruqyadu xanuunayaan la daliigo. 2. Jilcinta harag la jilciyo, iyada oo la daliigayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duugmo
-da: (magac, dhedig, keli) jidhka oo dufan la mariyo oo gacanta lagu duugo.
duugmo -da: (magac, dhedig, keli) qalab badanaa caw ka samaysan oo dhulka lagu haro, qashinkana lagu xaadho. Dh: dhulfiiq, minfiiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duugow
(Duugow-ga)
1. Duugoobid; duugid.
2. Xabaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duugow
duugow¹: m.l la-mid: dugoobid.
duugow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Duug noqosho (wax).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duugow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Duug noqosho (wax). m.f.dh, duugoobid.