dum(ø)id
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dum(ø)id
m.f.dh eeg dųn². la-mid: dumis² (*).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dun
dun¹: m.dh (-umo, m.l) Liilimo laga soohay cudbi, dhogor, xariir iyo wixi lamida oo laga sameeyo dharka, meeshii ka dillaacdana lagaga tolo.
dun²: f.g1 (umay, -untay; -umi) Dad ama xoolo meel isugu ururin. m.f.dh, dumid.
dųn: f.mg1 (-umay, -untay; -umi) 1. Dhisme iyo wixi lamida burburid. 2. Gabbal dhicid. m.f.dh, dum(ø)id. m.f.dh, dųmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dumid
(Dumid-da)
1. (-) a) Wax la dhisay oo soo dhacay. b) Wax maqnaa oo soo galay (maqrib, habeen).
2. Isu duwid; isku dubbarridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dumid
m.f.dh eeg dun². la-mid: dumis².
dųmid: m.f.dh eeg dųn². la-mid: dųmis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dumid
-da: (n) collapse (kolaapsi); breaking down; falling down ~ burburid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dumid
-da: (magac, dhedig, keli) tiro ciidan ah oo meel la isugu keenay. Soo dumidda ciidanka waa inaad horseed adigu ka ahaatid.
dumid -da: (magac, dhedig, keli) dhisme kala daadin, burburid oo kala daadasho. Dumidda guriga dabayshaa sabab u ahayd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dumaalid
(Dumaalid-da)
Guursashada walaalku guursado afadii walaalki ka dhintay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dumaalid
m.f.dh eeg dumaal². la-mid: dumaalis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dumaalid
-da: (magac, dhedig, keli) gabadh nimaad xigto tihiin ka dhintay guursashadeeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulmidiid
m.l.kh D. ah: qof aan dadka dulmin gardarradana oggolayn. la-mid: dulmifiir.