dulundulco
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulundulco
m.dh Socod si talantaalli ah dhinac loogu leexdo oo maska, mulaca, abeesada iyo wixi lamida leeyihiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulundulco
-da: (magac, dhedig, keli) dhaqdhaqaaqa ay biyaha ama masasku sameeyaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulundulcee
f.mg2 (-ceeyay, -ceysay) Biyo, mas iyo wixi lamida si dulundulco ah u socosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dulundulcee
v. flow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulundulcee
(fal) sida daadka u soco. Dixda daadkiibaa dulundulcaynaaya caawa baabuurrana ma mari karaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dulundulcee
de: flow
lx: dulundulcee
pd: (dulundulceeyey)
ps: v2b=
key: dulundulcee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gulungulco
(Gulungulca-da)
Qaab gaaban oo kankoonsan leh; kuusan; lucuuman.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gulungulco
m.dh 1. Qaab gaaban oo kankoonsan leh; kuusan; lucuuman. 2. Daruur cufan oo biyo sidda ama da'aysa. 3. la-mid: gulungulceyn. la-mid: dulundulco.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gulungulco
f. n. (adj.): squat person; short and fat, rounded shape
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gulungulco
-da: (magac, dhedig keli) dareere culus oo isaga oo aanan kala go'ayn kolba dhinac isu raaca.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gulungulco
cf: kankoonsan, kuusan, lucuun
de: squat person; [atr.] short and fat, rounded shape
lx: gulungulco
pd: (/da)
ps: n6-f
key: gulungulco
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulundulceysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Si dulundulco ah u wadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rogan
rogan¹: f.mg1 (-gmay, -gantay) 1. Wax dhankii hooseen lahaa sareeyo noqosho. 2. Sidiisii hore wax ka duwan noqosho. 3. Fure hal mar sakatuuro ku wareegid. 4. Reer ama dad tirtirmid. 5. Ka r.: meel biyo ka dulundulcoobid.
rogan²: f.mg4 (-gnaa, -gnayd) 1. Wax dhiniiciisa hoose la sarraysiiyay ahaansho. 2. Wax gaadiid laga dejiyay ahaansho (rar). 3. Wax isteensal lagu badiyay ahaansho (qoraal). 4. Ku r.: wax, wax kale ku gambisan ahaansho. 5. Ka r.: wax meel agteeda ku sugan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rogan
rogan¹: f.mg1 (-gmay, -gantay) 1. Wax dhankii hooseen lahaa sareeyo noqosho. 2. Sidiisii hore wax ka duwan noqosho. 3. Fure hal mar sakatuuro ku wareegid. 4. Reer ama dad tirtirmid. 5. Ka r.: meel biyo ka dulundulcoobid. m.f.dh, rogmid.
rogan²: f.mg4 (-gnaa, -gnayd) 1. Wax dhiniiciisa hoose la sarraysiiyay ahaansho. 2. Wax gaadiid laga dejiyay ahaansho (rar). 3. Wax isteensal lagu badiyay ahaansho (qoraal). 4. Ku r.: wax, wax kale ku gambisan ahaansho. 5. Ka r.: wax meel agteeda ku sugan ahaansho. m.f.dh, rognaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dulundulceyn
(Dulundulceyn-ta)
Sida biyaha ama halaqa u socosho; mulacyeyn; qulqulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulundulceyn
m.f.dh eeg dulundulcee. la-mid: dulundulceys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulundulceyn
-ta: (magac, dhedig, keli) sida biyaha u socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulundulceys
m.l la-mid: dulundulceyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bulunbulyo
(Bulunbulya-da)
Bahal yar oo qoryaha gala oo cuna; xar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bulunbulyo
f. n. termite, white ant
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bulunbulyo
de: termite, white ant
lx: bulunbulyo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: bulunbulyo
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dulinduleed
m.l (-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Noole dulin ah oo soorihiisa dusha kaga nool. Tusaale: Injirta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulinduleed
-ka: (magac, lab, keli) noole dulin ah oo soorihiisa dusha kaga nool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gulungulcee
f.mg2 (-ceeyay, -ceysay) Biyo, mas iyo wixi lamida si dulundulco ah u socosho. la-mid: dulundulcee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gulungulcee
(fal) dareere culus, hadba is rogrog.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dululuc
-a: (magac, lab, keli) dhul sii kala hooseeya. Dululuca mari foostada giraamaha leh oo wilaanwili.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dundumo
(Dunduma-da)
Duddumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dundumo
m.dh la-mid: duddun.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dundumo
f. n. termite mound, ant hill
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dundumo
-dundumada: (n) anthill ~ duddun, duddumo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dundumo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg duddumo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dundumo
a: duddumo
de: termite mound, ant hill
lx: dundumo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: dundumo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huluulo
f.g/mg3 (-uushay, -uulatay) la-mid: xaluulo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
huluulo
v. squeeze ~ push through
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huluulo
(fal) meel cidhiidhi ah oo hulan ka hoos dus. Dh: xuluulo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
huluulo
bw: xuluulo
de: squeeze ~ push through
lx: huluulo
nt: huluulad (ka) [vn-m], huluulasho (/da) [vn-f]
pd: (huluushay)
ps: v3b=
key: huluulo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quluulo
f.mg3 (-uulay, -uushay) Xoolo da' weyn ama dad nafaqaxumo awgeed meel uga kici waayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuluulo
f.g/mg3 (xuushay, xuulatay) 1. Meel kayn ah dhexgelid adiga oo is gaabinaya. 2. Irrid gaaban ka hoos dusid. la-mid: huluulo, xaluulo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xuluulo
f.g/mg3 (-luushay, -luulatay) 1. Meel kayn ah dhexgelid adiga oo is gaabinaya. 2. Irrid gaaban ka hoos dusid. m.f.dh, xuluulasho. la-mid: huluulo, xaluulo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xuluulo
v. squeeze through; walk bent over in a place with a low ceiling
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xuluulo
-xuluushay / xuluulatay: (v) pass through a into a narrow opening
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuluulo
(fal) meel aan layska arki karin oo jiq ah dhex gal. kaynta xuluulo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xuluulo
a: huluulo
de: squeeze through; walk bent over in a place with a low ceiling
initial: x
lx: xuluulo
pd: (xuluushay)
ps: v3b=
key: xuluulo
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
YULUULO
(Yululu) S Corchorus olitorius L. Tiliaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dululubo
(tilmaame) wax dhuuban oo dheer. Dh: dhululubo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lunlulmo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg lulmasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dulaandul
(Dulaandul-ka)
Labada muruq oo xoogga badan oo dheerdheer oo lafdhabarta labadeeda dhinac ku kala dhilan, midkood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulaandul
m.l (-llo, m.dh) Labada muruq ee dhaadheer oo lafdhabarta labadeeda dhan ku kala yaal midkood; daqay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dulaandul
m.l (-llo, m.dh) Labada muruq ee dhaadheer oo lafdhabarta labadeeda dhan ku kala yaal midkood; daqay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dulaandul
m. n. muscle of the back
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulaandul
-ka: (magac, lab, keli) labada cad ee duudka ka raaca adhaxda hareeraheeda. dulaaqan: (tilmaame) mid afka ilkihii ka daateen ama ka dhammaadeen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dulaandul
de: muscle of the back
lx: dulaandul
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: dulaandul
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bulumbulyo
m.dh (-ooyin, m.l) Cayayaan yar, u eg suuska badarka gala oo qoryaha dhuuxooda burburiya; xar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bulumbulyo
m.dh (-ooyin, m.l) Cayayaan yar, u eg suuska badarka gala oo qoryaha dhuuxooda burburiya; xar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulumbulyo
-da: (magac, dhedig, keli) cayayaan qoryaha engegan ku dhasha oo intuu cuno budliya. Bulunbulyo galool ledegtey Dh: bulumbulyo, xar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dilindillo
(Dilindilla-da)
Garangarinta wixii duuban ama leh qaab kankoonsan ama wareegsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dilindillo
m.dh Garangarinta wax kankoonsan ama duuban oo la garaangariyo. la-mid: dilindillayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dilindillo
m.dh Garangarinta wax kankoonsan ama duuban oo la garaangariyo. la-mid: dilindillayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dilindillo
f. n. rolling, trundling
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dilindillo
-da: (magac, dhedig, keli) wilaanwilinta wax sida giraanta u wareega. Wax geerer waawayn lihi dilindillada kuma fiicna. Dh: giraangir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dilindillo
de: rolling, trundling
lx: dilindillo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: dilindillo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dilindilqo
(Dilindilqa-da)
Geed geedquwaaxa kamid ah oo dhulka cadduunka ah ka baxa; kor uma kaco ee dhulkuu ku faalalaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dilindilqo
m.dh Geed geedquwaaxyada ka mid ah oo dhulka caddun kaah ka baxa oo kor u bixin ee dhulka ku dhabbacan. la-mid: dililiqo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dilindilqo
f. n., [collective] incense-bearing tree species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dilindilqo
-da: (magac, dhedig, keli) jaad ka mid ah geedquwaaxa oo dhulka ku barraaha oo meelaha cadduunka ah ka baxa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dilindilqo
de: incense-bearing tree sp.
lx: dilindilqo
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: dilindilqo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulin-duleed
m.l (-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Noole dulin ah oo soorihiisa dusha kaga nool. Tusaale: “Injirta”.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gulungulcayn
-ta: (magac, dhedig, keli) kolba dhinac u rogmasho sida qaabsocodka xamaaratada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gulungulceyn
m.f.dh eeg gulungulcee. la-mid: dulundulceyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalandoolyo
m.dh la-mid: dalandoolli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuundalool
f.mg1 (-oolay, -ooshay) U dh.: arrin xog-ogaal u noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhuundalool
f.mg1 (-oolay, -ooshay) U dh.: arrin xog-ogaal u noqosho. m.f.dh, dhuundaloolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuundalool
-ka: (magac, lab, keli) xiisayn oo ku xeeldheeraan; u jajabnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuundhuumo
f.mg3 (-uuntay, -uumatay) 1. Dhuundhuumashow ciyaarid (carruur). 2. Isqarqarin; gaggabbasho. la-mid: dhuudhuudhuumo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuundhuumo
v. hide oneself repeatedly; play hide and seek
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuundhuumo
(fal) eeg dhuudhuumo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuundhuumo
de: hide oneself repeatedly; play hide and seek
lx: dhuundhuumo
pd: (dhuundhuuntay)
ps: v3b=pl
key: dhuundhuumo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dufandawaco
m.dh Cunno yar oo aan laga dhergin.