dulqaadbadni
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulqaadbadni
-da: (magac, dhedig, keli) adkaysi badnaan oo dulmi ama xadgudub kale iska saamixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dulqaadad
(Dulqaadad-ka)
Dulqaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulqaadad
m.l la-mid: dulqaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dulqaadasho
(Dulqaadasha-da)
Dhibaatada iyo xumaanta oo aan mid le'eg lagu gudin ee dhabarka loo rito oo dul loo yeesho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulqaadasho
m.f.dh eeg dulqaado. la-mid: dulqaadad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dulqaadasho
vl. n. patience, forebearance, pardon, forgiveness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulqaadasho
-da: (magac, dhedig, keli) kolka qofku ximmilaad muujiyo oo dhibaatooyinka u adkaysto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dulqaadasho
a: dulqaadad (ka) [vn-m]
de: patience, forebearance, pardon, forgiveness
lx: dulqaadasho
pd: (/da)
ps: vn-f
key: dulqaadasho
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dulqaad yari
-da: (n) impatience (im-peey-shensi); intolerance (intoo-laransi); restlessness (rest-les-nes); nervousness (neer-vas-nes) ~ dulxumo, waxba aan xamili karin
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
DULSAAR BANKI
Interesse bancario
Bank interest
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
culaabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) culaab u yeelid; culaysin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) dal dalkisii laga riixo oo dad kali ka qaataan. Dh: dalqaadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhulqabad
m.l la-mid: dhulqabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhulqabad
-ka: (magac, lab, keli) dhul aan la degi jirin hoy ka samaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulaysani
-da: (magac, dhedig, keli) mid dulli qaba ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulsaaran
dulsaaran¹: f.mg4 (-rmay, -rantay; -rmi) Lacag la amaahday faa'iido ku korortay noqosho.
dulsaaran²: f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Ood weyn oo godaha laga keymamiyo ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dulsaaran
f.mg4 (-rmay, -rantay; -rmi) Lacag la amaahday faa'iido ku korortay noqosho. m.f.dh, dulsaarmid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dulsaaran
Comp. adj., (ie. n., adj.): placed on top of; staying ~ living with another group
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dulsaaran
(adj) 1. placed (paleeysidh); placed on the top of. 2. dependent (di-peen-dhant); relying on or requiring the aid of another for support. Ex: wiilkii reerkuu dulsaaran yahay; the boy is dependent on the family
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulsaaran
(tilmaame) dushiisa saaran oo koryaal. Dh: dulyaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dulsaaran
de: placed on top of; [fig] staying ~ living with another group (e.g., friend, relatives or family)
lx: dulsaaran
pd: (dulsaarnaa)
ps: adj-cmp
key: dulsaaran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hullaabad
(Hullaabad-ka)
Hullaabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hullaabad
m.l la-mid: hullaabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hullaabad
-ka: (magac, lab, keli) hab loo huwado go'a oo iyada oo aan madaxa lagu qarin, qaarka sare loogu duubo, gacmuhuna hawl u bannaadaan. Dh: hullaabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ayaanbadni
-da: (magac, dhedig, keli) hoodobadni; nasiibbadni.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulkaxaadi
(fal) wax si fudud uga kor qaad wax kale oo uu dusha ka saaran yahay adigoon ka hoose taaban.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dullaysani
-da: (mafac, dhedig, keli) wax la xaqiray oo dulleeyey ahaan. Dh: dullaysanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulsabbayn
m.f.dh eeg dulsabbee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulsabbayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax fudud, biyo korkooda socosho. Nin aan dabbaal aqoon dulsabaynta kari maayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaylbadni
m.dh la-mid: dabaylbadnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaylbadni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dabayl badnaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
damac badni
-da: (n) excessive desire for wealth; cupidity (ki-yuubi-dity); avarice (a-vares) ~ hunguri-weyni
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulsaarnaan
m.f.dh eeg dulsaaran². la-mid: dulsarnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulsaarnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) shey wax kale dulsaaran ahaan. Miiska dulsaarnaanta ka fudaydi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kulqaadgaar
m.l (fiisikis) Summad: c. Kulqaadka halkii halbeeg ee cuf ah, oo ah xaddiga kulka ee loogu baahdo in uu sare u qaado heerkulka hal halbeeg oo cufka walax hal digrii kelfin (IK). Kulqaadka gaarka ee walax waxa lagu cabbiraa Juul/Kg K.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhulqaadasho
m.f.dh eeg dhulqaado.