dulmanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulmanaan
m.f.dh eeg dulman. la-mid: dulmanaansho, dulmisanaan, dulmi-sanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulmanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid la dulmay oo caddaaladxumo lagu sameeyey ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sulmanaan
m.f.dh eeg sulman. la-mid: sulmanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulmisanaan
m.dh la-mid: dulmanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulmisanaansho
m.l/dh la-mid: dulmanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
holganaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof dulman ahaan; dulmanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dumnaan
m.f.dh eeg duman². la-mid: dumnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duwanaan
(Duwanaan-ta)
Qof duwan ama wax duwan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duwanaan
m.f.dh eeg duwan. la-mid: duwanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duwanaan
f. n., [abstract] state of being different ~ strange
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duwanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) weecsanaan iyo baydhsanaan shey yoolkiisii ka leexdo.
duwanaan: -ta: (magac, dhedig, keli) «ka ~» wax la hayay ama la ogaa, aan la mid ahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duwanaan
de: state of being different ~ strange
lx: duwanaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
syn: sarwacnaan
key: duwanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calmanaan
m.dh eeg calman. la-mid: calmanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calmanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la doortay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dammanaan
(Dammanaan-ta)
Qof damman ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dammanaan
m.f.dh eeg damman. la-mid: dammanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dammanaan
f. n., [abstract] absent mindedness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dammanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax aan maankiisu dhannayn oo qaqabaw ahaan. dammanaansho-ha: (magac, lab, keli) mid maahsan oo maqan ahaan. Dh: maahsanaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dammanaan
de: absent mindedness
lx: dammanaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: dammanaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
demmanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof aan firfircooni badan oo maskaxeed lahayn, noole goor iyo ayaan baraad lahayn. Dh: dammanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dudsanaan
dudsanaan: m.f.dh eeg dudsan. la-mid: dudsanaansho.
dųdsanaan: m.f.dh la-mid: didsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dudsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid dudmo ku maqan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulyaraan
m.f.dh eeg dulyar. la-mid: dulyari, dulyaraansho, dulyaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulyaraan
-ta: (magac, dhedig, keli) dulqaad yaraan aan gefka la qaadan karin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dunsanaan
m.f.dh eeg dunsan. la-mid: dunsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dunsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax dumay oo isku dhacay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hulganaan
m.f.dh eeg hulgan. la-mid: hulganaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qulbanaan
m.f.dh eeg qulban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qummanaan
(Qummanaan-ta)
Wax qumman ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qummanaan
m.f.dh eeg qumman4. la-mid: qummanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qummanaan
f. n., [abstract] straightness, correctness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qummanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax hagaagsan oo toosan ahaan. Nin qummanaan lagu bartay qaladkiisa yarbaa wax wayn laga dhigaa. Dh: saxsanaan, hagaagsanaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qummanaan
a: qummanaansho (/ha) [vn6-m-st]
de: straightness, correctness
lx: qummanaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: qummanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuhmanaan
m.f.dh eeg tuhman. la-mid: tuhmanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuhmanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax tuhman ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulmanaansho
m.l/dh la-mid: dulmanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulmanaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg dulmanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dullaysnaan
-ta: (amagac, dhedig, keli) eeg dullaysani.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulsaarnaan
m.f.dh eeg dulsaaran². la-mid: dulsarnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulsaarnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) shey wax kale dulsaaran ahaan. Miiska dulsaarnaanta ka fudaydi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulucsanaan
m.f.dh eeg dulucsan. la-mid: dulucsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daldalnaan
m.f.dh eeg dąldalan. la-mid: daldalnaansho, deldelnaan, deldelnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daldalnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax daldalan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhimmanaan
(Dhimmanaan-ta)
Wax ka maqnaan; qabyo ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhimmanaan
m.f.dh eeg dhimman. la-mid: dhimmanaansho, dhinnaan, dhinnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhimmanaan
f. n., [abstract] deficiency, incompleteness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhimmanaan
-ta: (n) incompleteness (in-kom-pliitnes); deficiency (di-fishensi) ~ dhimmanaasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhimmanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mug ama tiro aan buuxin ahaan. Dh: dhinnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhimmanaan
de: deficiency, incompleteness
lx: dhimmanaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: dhimmanaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) xaqiraad iyo dulli qabitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duufsanaan
m.f.dh eeg duufsan². la-mid: duufsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
golmarnaan
-ta: (magac, dhedig keli) uur iyo ilmo naaska jaqa ka madhnaan; haweeney aanan uur lahayn sabina nuujinayn. Dh: golmadhnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gulaalnaan
m.f.dh eeg gulaalan. la-mid: gulaalnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rummaynaan
m.f.dh eeg rummayan. la-mid: rummaynaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rummaynaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax cadayan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dulman
Lagu gaboodfalay; la jululey; dulmi lagula kacay; holgan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulman
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dulmi lagu sameeyey ahaansho. la-mid: dulmisan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dulman
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dulmi lagu sameeyey ahaansho. m.f.dh, dulmanaan. la-mid: dulmisan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dulman
der. [adjective] wronged, oppressed
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dulman
name-f wronged, oppressed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dulman
-aa/ayd: (adj) oppressed (o-pareesidh); subjugated (sab-ju-geeytidh)-, enslaved (en-isleeyvidh)', discriminated against
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulman
(tilmaame) qof xaqdarro lagu hayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dulman
de: wronged, oppressed rw: dulun
lx: dulman
pd: (dulmanaa)
ps: adj-der
key: dulman
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ulnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax ulan ahaan. ulniin -ka: (magac, lab, keli) wax ulan ka dhigid. Dh: ulitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
culnaan
m.f.dh eeg culan. la-mid: cugnaan, cugnaansho, culnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
culnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) weel cugan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhanaan
1. Dhadhanka cusbada leh.
2. (Dhanaan-ka) Dhadhanka cusbada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhanaan
dhanaan¹: m.l Dhadhan aan macaanayn, kharaarayn, carrabku uusan jeclaysan oo laga helo cusbada, liinta iyo wixi lamida.
dhanaan²: f.mg1 (-aamay, -aantay; -aami) Wax dhadhan cusbo leh noqosho.
dhanaan³: f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dhadhan cusbo yeelasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhanaan
m.l Dhadhan aan macaanayn, kharaarayn, carrabku uusan jeclaysan oo laga helo cusbada, liinta iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhanaan
m. n., [abstract] (adj.): tartness, acrid ~ salty flavor; tart, sour, salty
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhanaan
-ka: (n) 1. sour (saawar) taste; salty taste ~ mayac. Ex: caano dhanaan ah: sour milk. 2. (adj) salty (soolti); something containing, or seasoned with salt. 3. tasting like lemons
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhanaan
-ka: (magac, lab, keli) dhadhanka cusbadu ama ciirtu leedahay oo kale. Dhanaan baan la cabbi kari waayey caanihii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhanaan
de: tartness, acrid ~ salty flavor; [atr.] tart, sour, salty
lx: dhanaan
pd: (-ka)
ps: n2-m-abs
key: dhanaan
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dhanaan
مَرَارَةَ، عُفُوصِةَ، حَرْوَةَ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dilnaan
m.f.dh eeg dilan³. la-mid: dilnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dubnaan
(Dubnaan-ta)
Dubnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubnaan
dųbnaan: m.f.dh eeg dųban². la-mid: dųbnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dubnaan
f. n., [abstract] stated of being baked ~ fried
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la dubay oo dab lagu bisleeyey ahaan. Xasiidda dubnaan iyo karsanaanba waa lagu cunaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dubnaan
a: dubnaansho (/ha) [vn6-f-st]
de: stated of being baked ~ fried
lx: dubnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: dubnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dullaan
dullaan¹: m.l la-mid: dillaamid.
dullaan²: f.mg1 (-aamay, -aantay; -aami) la-mid: dillaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dullaan
-ka: (magac, lab, keli) wax culus oo taagan, dhan u ciiris oo dhicid. Haddaad maanta dullaanto oo uu daayeerkaasi ku laayo, anna saw dumi maayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulmane
-ha: (magac, lab, keli) qof xaquu lahaa la duudsiyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hulnaan
m.f.dh eeg hulan. la-mid: hulnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hulnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid hulan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lulnaan
m.f.dh eeg lulan². la-mid: lulnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lulnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax lulan ahaan: laadlaadsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tumnaan
m.f.dh eeg tuman. la-mid: tumnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tumnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel tuman ahaan; xoomsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xulnaan
m.f.dh eeg xulan. la-mid: xulnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aslanaan
m.f.dh eeg aslan². la-mid: aslanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aslanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) weel asal lagu suubbiyay ahaan; mid aslan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cukanaan
(Cukanaan-ta)
Wax cukan ahaan; wabaxsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cukanaan
m.f.dh eeg cukan. la-mid: cokanaan, cokanaansho, cukanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cukanaan
f. n., [abstract] state of having drunk its fill (of an animal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cukanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) cokanaan; cokani.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cukanaan
de: state of having drunk its fill (of an animal)
lx: cukanaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: cukanaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daganaan
-ta: (magac, dhedig, keli) geeddi iyo safar midna aan ku jirin oo iska deggan ahaan. Dh: degganaan.
daganaan-ta: (magac, dhedig, keli) kacsanaan iyo buuq midna aan la hayn oo iska niyad san.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deganaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax deggen ahaan. Qayaad iyo Warfaa deganaan ayaan ku ogaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dufanayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dufan marin ama ku idaamid. Jimcabarkhadluhu waa maalinta dufanaynta geesaha lo'da.