dulkaxaabin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulkaxaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax buuxa oo dusha sare laga xaadiyo. Dh: korkaxaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulkaxaabis
-ka: (magac, lab, keli) dulka xaabin. Dulkaxaabis mooyee arrin kale ma hayside iga tag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulkaxaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) si khafiif ah uga qaadid. Dh: dulkaxaadis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulkaxaadi
(fal) wax si fudud uga kor qaad wax kale oo uu dusha ka saaran yahay adigoon ka hoose taaban.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulkaxaadis
-ka: (magac, lab, keli) inta sare aayar uga qaadid. Kolka la goolabo hadhuudhka ayay dulkaxaadistu dhib yar tahay.
dulkaxaadis -ka: (magac, lab, keli) hadal dul marid oo xaqiiqada dhabta ah guudka ka marmarid. Dh: dulkaxaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Culaabin
(Culaabin-ta)
Culaab u yeelid; culaabeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
culaabin
m.f.dh eeg culaabi. la-mid: culaabeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
culaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) culays dulsaarid. Dh: culaysin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax taagan, dhinac u ridid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulxaadi
(fal) wax meel yaal ama weel ku jira. dusha sare ka yara qaadid.
dulxaadi: (fal) arrin hoos ha uqu dhaadhicin. Li: doox.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ladaabin
(Ladaabin-ta)
Ladaab u shubid; durduurin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ladaabin
m.f.dh eeg ladaabi. la-mid: ladaabis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ladaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) maalin walba aroorin oo biyo waraabin; xoolo ladaab u shubid. Dh: ladaabis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dulalaati
(Dulalaati-ga)
Dalool ka muuqda geedo jiq ah ama wax la mid ah, dhexdood; (ama dululaati).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulalaati
m.l Dalool yar, ka bannaan wax is haysta ama jiq oo cirku muuqdo. la-mid: dululaati.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dulalaati
Space
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dulalaati
m. n. opening, way through (dense vegetation, etc.)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulalaati
-ga: (magac, lab, keli) cabsi aan wax la arkayo laga baqayn. Dulalaati geeluba mar buu digigixoodaaye. Dh: cabsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dulalaati
a: dululaati
de: opening, way through (dense vegetation, etc.)
lx: dulalaati
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: dulalaati
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulmanaan
m.f.dh eeg dulman. la-mid: dulmanaansho, dulmisanaan, dulmi-sanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulmanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid la dulmay oo caddaaladxumo lagu sameeyey ahaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dulxaadis
Strip mining
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulyaraan
m.f.dh eeg dulyar. la-mid: dulyari, dulyaraansho, dulyaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulyaraan
-ta: (magac, dhedig, keli) dulqaad yaraan aan gefka la qaadan karin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dullalaati
-ga: (magac, lab, keli) dalool yar oo ka bannaan wax is haysta ama jiq oo cirku muuqdo iga hayaa. Dh: dululaati.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majaxaabin
m.dh la-mid: manjaxaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
majaxaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) lugaha iskugu dhifasho oo legdid. Majaxaabinta waa lagu jabaa. Dh: mijaxaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalkaqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) dhul laga. qaado dadkii lahaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhakafaarin
m.f.dh eeg dhakafaari. la-mid: dhakafaaris¹, dheg-kafaarin, dhekafaarin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhakafaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale dawikhin oo madixiisa mijo ka yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhekafaarin
m.dh la-mid: dhakafaarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhekafaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, wareer ku ridid. Dh: dhakafaarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulcayaarid
m.f.dh eeg dulcayaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulcayaarid
-da: (magac, dhedig, keli) «ku cid kale dusheeda ku ciyaarid. Dh: dulciyaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
korkaxaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) inta ugu sarraysa qaadid. Dh: dulkaxaadin, korkaxaadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Manjaxaabin
(Manjaxaabin-ta)
Si manjaxaabo ah u legdid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
manjaxaabin
m.f.dh eeg manjaxaabi. la-mid: majaxaabin, majaxaabis, majaxaabo, manjaxaabis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
manjaxaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) ledginta ku timaad cagaha oo la iska hoos qaado ama lugaha oo la iska laago ogaal la'aan. Qof kaa itaal weyn manjaxaabin waad ku ledgi kari. Dh: mijaxaabin, manjxaabis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
minjaxaabin
m.dh la-mid: manjaxaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xankakaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) xa degdeg ah oo sacabka la buuxsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalambaabbin
m.dh la-mid: dalambaabbiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalambaabbin
-ta: (magac, dhedig, keli) carcaraafid oo dhibaato iyo rafaad ki jirid. Dh: dalanbaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulkumalable
m.l Ilmo geel oo dhicis ah oo iayada oo sidkeedii waxyar ka dhimman yihiin soo dhashay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulxawaareyn
m.f.dh eeg dulxawaaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulxawaareyn
-ta: (magac, dhedig, keli) aad u dul'ordid; xoog u dul caymadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulaacin
-ta: (magac, dhedig, keli) ladnaan, raaxo iyo caafimaad qab. Bullaale keligi buu halkan bulaacin ku noolyahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bulaalin
m.f.dh eeg bulaali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cukanaan
(Cukanaan-ta)
Wax cukan ahaan; wabaxsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cukanaan
m.f.dh eeg cukan. la-mid: cokanaan, cokanaansho, cukanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cukanaan
f. n., [abstract] state of having drunk its fill (of an animal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cukanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) cokanaan; cokani.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cukanaan
de: state of having drunk its fill (of an animal)
lx: cukanaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: cukanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabaalin
(Dabaalin-ta)
Qof ama wax kale oo aan dabaal aqoon biyo dhexmarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaalin
m.f.dh eeg dabaali. la-mid: dabaalsiin, dabbaalin, dabbaalsiin, dabbaalsiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dabaalsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dalaabid
(Dalaabid-da)
Dalqalaad iska aadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalaabid
m.dh 1. la-mid: dalow 1. Dal qalaad iska aadid. 2. eeg dalaaw².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dalaabid
m.dh 1. la-mid: dalow¹. Dal qalaad iska aadid. 2. eeg dalaaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalaabid
-da: (magac, dhedig, keli) dal shisheeye aadid oo xuduudda ama badaha ka tallaabid. Dh: tallaabid, dhoofid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) isku wadidda dad jilicsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danaanin
m.f.dh eeg danaani. la-mid: danaano.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danaanin
-ta: (magac, dhedig, keli) labo qof oo is haya midkood la jirid. Mataanaha danaaninta waa lagu yagaannaa. Dh: hiilin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dawaafin
(Dawaafin-ta)
Qof ama dad badan horkac loo noqdo oo Kacbada lagu soo warwareejiyo, gudashada Xajka darteed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawaafin
m.f.dh eeg dawaafi. la-mid: dawaafsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawaafin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, cibaado Kacbada ugu wareejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawdabin
m.f.dh eeg dawdabi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawdabin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo, meel dheer u aroorin. Dh: aroorin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaaxaan
(adv) often (ofan); many times; frequently. Ex: dhaaxaan ku iri ha samayn! I told you often not to do that!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dilaacin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dillaacin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dubaaxin
(Dubaaxin-ta)
Boodboodid yaryar oo kolkol hilibku yeesho, siiba muruqyada; burunjiyeyn; jarcayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubaaxin
m.dh la-mid: dibaaxin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dubaaxin
-ta: (n) spasm (ispaa-sam); shivering (shever-ing)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubaaxin
-ta: (magac, dhedig, keli) neef la gawracay, dhaqdhaqaaq neefka markaa uun la bireeyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dulbaa'i
(Dulbaa'i-ga)
Jaho muuqata oo fog; dhinac; doc; xag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulbaa'i
m.l.kh D. ah: jaho muuqata oo fog; dhinac; doc; xag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dulbaa'i
m. n. distant ~ side view
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulbaa'i
-ga: (magac, lab, keli) jiho fog oo meel dheer ka muuqata. Dh: xag, dhan, dhinac, jiho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dulbaa'i
de: distant ~ side view
lx: dulbaa'i
pd: (-ga)
ps: n-m
key: dulbaa'i
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulmarin
-ta: (magac, dhedig, keli) xagga sare ka marin, korka ka marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulqamin
m.f.dh eeg dulqami.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duraabid
m.f.dh eeg duraab².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duwanaan
(Duwanaan-ta)
Qof duwan ama wax duwan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duwanaan
m.f.dh eeg duwan. la-mid: duwanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duwanaan
f. n., [abstract] state of being different ~ strange
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duwanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) weecsanaan iyo baydhsanaan shey yoolkiisii ka leexdo.
duwanaan: -ta: (magac, dhedig, keli) «ka ~» wax la hayay ama la ogaa, aan la mid ahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duwanaan
de: state of being different ~ strange
lx: duwanaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
syn: sarwacnaan
key: duwanaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gubaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, hadal gubaabo ah u jeedin. Guubaabintii baan weli gawda ku hayaa. Dh: tirtirsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gulaaban
(tilmaame) wax meel iska taagan. Xoor gulaaban geedaha saroo guudka kaga jooga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habaabin
(Habaabin-ta)
Qof, kd., dhul uusan kala aqoon ku dhex lumin; anbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaabin
m.f.dh eeg habaabi. la-mid: habaabis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) anbinta qof jidkii qummanaa laga anbiyo ama laga leexiyo. Dh: Jumin, anbin, hallayn. Li: toosin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hulaajin
-ta: (magac, dhedig, keli) ka caraysiin. Dh: hullaajis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kacaamin
m.dh la-mid: kacaamayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kacaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) kacaan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalaawin
m.f.dh eeg kalaawi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalaawin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg kalaawi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karaarin
m.f.dh eeg karaari. la-mid: karaaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) karaar u yeelid. Dh: taraarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kullaabi
(Kullaabi-da)
1. Xiddo weyn oo ballaaran.
2. Marada xiddadaas leh, lafteeda.