duleeshanaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duleeshanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) meel ama weel, in yar oo ka bannaan ama furan ahaan. Dh: dalooshanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duleeshnaan
m.dh la-mid: dalooshnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duleeshan
duleeshan¹: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) la-mid: dalooshan¹.
duleeshan²: f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: dalooshan².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duleeshan
der. [adjective] pierced, having a hole
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duleeshan
-aa: (adj) pierced (piir-sidh); drilled (diriiled)-, bored (booridh) ~ daloolshan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duleeshan
(tilmaame) meel, in yar oo ka bannaan ama furan leh. Weel duleeshan biyo ma celiyo. Dh: dalooshan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duleeshan
de: pierced, having a hole
lx: duleeshan
pd: (duleeshnaa)
ps: adj-der
see: dalooshan
key: duleeshan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulmisanaan
m.dh la-mid: dulmanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulucsanaan
m.f.dh eeg dulucsan. la-mid: dulucsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalooshanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax fur bannaan leh ahaan. Dalooshanaan weyn jiingadda kuma ogayne maxay la darrooshimaynaysaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuluushanaan
m.f.dh eeg xuluushan. la-mid: xuluushanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuluushanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax xuluushan oo gudaha ugu jira ahaan. Birta xuluushanaanta dabka u daa ha casaatee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duleeshnaansho
m.l/dh la-mid: dalooshnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duleeshnaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg dalooshanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalleensanaan
m.f.dh eeg dalleensan. la-mid: dalleensanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalleensanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mus ama ood gaaban oo laga dhici karo ahaan. Dh: gaabnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalaashanaan
m.f.dh eeg dhalaashan. la-mid: dhalaashanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalaashanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax dab ama wax kale lagu dhalaaliyay. Dh: dhalaalsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
degsanaan
m.dh eeg degsan. la-mid: degsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
degsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax degsan ahaan. Degsnaanta ayaa u sabab ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
densanaan
m.dh la-mid: dansanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
densanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) bakhtiisnaan aan waxba shidmayn. Aqalka densanaan ayaan ugu imid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheehnaan
(Dheehnaan-ta)
Dheeh lahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheehnaan
m.f.dh eeg dheehan². la-mid: dheehnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheehnaan
f. n., [abstract] state of being enamelled ~ plated
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dheehnaan
Mistura
Mixture
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dheehnaan
de: state of being enamelled ~ plated
lx: dheehnaan
pd: (-ta)
ps: n2-f-abs
key: dheehnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dudsanaan
dudsanaan: m.f.dh eeg dudsan. la-mid: dudsanaansho.
dųdsanaan: m.f.dh la-mid: didsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dudsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid dudmo ku maqan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulmanaan
m.f.dh eeg dulman. la-mid: dulmanaansho, dulmisanaan, dulmi-sanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulmanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid la dulmay oo caddaaladxumo lagu sameeyey ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dunsanaan
m.f.dh eeg dunsan. la-mid: dunsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dunsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax dumay oo isku dhacay ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leqsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax wax liqsan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deebsanaan
m.f.dh eeg deebsan. la-mid: deebsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deebsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax deeb afka ku leh ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegsanaan
m.f.dh eeg dhegsan. la-mid: dhegsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel ku naban ahaan. Dh: nabnaan, dhejisnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duceysnaan
m.f.dh eeg duceysan. la-mid: du- ceysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duceysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid duco iyo khayrqaba ahaan. Dh: ducaysnaan. Li: habaarnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) xaqiraad iyo dulli qabitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dureysnaan
m.f.dh eeg dureysan. la-mid: dureysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duufsanaan
m.f.dh eeg duufsan². la-mid: duufsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuushanaan
m.f.dh eeg fuushan. la-mid: fuushanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuushanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dusha wax ka saarnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Leexsanaan
(Leexsanaan-ta)
Wax leexsan ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leexsanaan
m.f.dh eeg leexsan. la-mid: leexsanaansho.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Leexsanaan
Deviation
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
leexsanaan
f. n., [abstract] state of being turned towards oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leexsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dhinac u baydhsanaan. Dh: weecsanaan.
leexsanaan -ta: (magac, dhedig, keli) sidii habboonayd ka weecsanaan. Dh: qalloocsanaan. Li: toosnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
leexsanaan
de: state of being turned towards oneself
lx: leexsanaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: leexsanaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liishanaan
-ta: (magac, dhedig,keli) ahaanta wax la liishaamay; nishaabnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
looshanaan
m.f.dh eeg looshan. la-mid: looshanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
luleysnaan
f. n., [abstract] sleepiness
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
luleysnaan
de: sleepiness
lx: luleysnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: luleysnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalooshnaan
m.f.dh eeg dalooshan². la-mid: dalooshnaansho, duleeshnaan, duleeshnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
debecsanaan
m.f.dh eeg debecsan. la-mid: dabacsanaan, dabacsanaansho, debacsanaan, debacsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
debecsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax dabacsan oo aan giijisnayn ahaan. Xadhigga debecsanaan ha ku dayn. Dh: dabacsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaashanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid subag marsaday ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duleeshamid
m.dh la-mid: delooshamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duleeshamid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dalooshamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulsaarnaan
m.f.dh eeg dulsaaran². la-mid: dulsarnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulsaarnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) shey wax kale dulsaaran ahaan. Miiska dulsaarnaanta ka fudaydi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durugsanaan
m.f.dh eeg durugsan. la-mid: durjisnaan, durjisnaansho,durugsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duruqsanaan
m.dh la-mid: durugsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kulansanaan
m.f.dh eeg kulansan. la-mid: kulansanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kulansanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel ku kulmay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qulubsanaan
m.f.dh eeg qulubsan. la-mid: qulubsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
selelsanaan
m.f.dh eeg selelsan. la-mid: salal-sanaan, salalsanaansho, selelsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dareensanaan
m.f.dh eeg dareensan. la-mid: dareensanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dareensanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) inay wax jiraan maanka ku hayn oo fahamsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maliishanaan
m.f.dh eeg maliishan. la-mid: maliishanaansho, mariishanaan, mariishanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daryeelsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax daranyada laga dhabay ahaan. Dh: xaslanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalleecsanaan
m.f.dh eeg jalleecsan. la-mid: jalleecsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leelleesanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) rafaadsanaan; silicsanaan; jirrabnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xalleefsanaan
m.f.dh eeg xalleefsan. la-mid: xalleefsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalleefsanaan
-ta: (magac, dhedig. keli) wax xalleefsan oo aad u qarayar ahaan. Dh: qarayaraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuluushanaansho
m.l/dh la-mid: xuluushanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuluushanaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax xuluushan ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buusanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) ahaanta wax diisan. Buusnaanta gaariga bi'i. Dh: daacsanaan, diisanaan, dhuucsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuskanaan
m.f.dh eeg cuskan. la-mid: cuskanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuskanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax lagu tiirsaday ama la cuskaday ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dansanaan
m.f.dh eeg dansan. la-mid: dansanaansho, densanaan, densanaan -sho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dansanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dab, laydh ama wax la mid ah bakhtiisan ahaan. Dh: densanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darsanaan
m.dh la-mid: daranaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax isku darsan oo mid keliya ah haan. Isku darsanaanta subagga iyo caanuhu waa cunuun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deddanaan
m.dh la-mid: daddanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deddanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax dedan ahaan. Dh: dednaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Degganaan
(Degganaan-ta)
1. Meel ku sugnaan; negaan.
2. Xasilloonaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
degganaan
m.f.dh eeg deggan. la-mid: degganaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
degganaan
f. n., [abstract] state of being settled; calm, tranquility, modesty
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
degganaan
-ta: (n) calm (kaam); stability (istaabiliti); tranquillity (taraang-kuwility); peacefulness (piis-ful-nes); serenity (sa-re-neti);
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Degganaan
Stabilità; calma
Stability; calmness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
degganaan
-ta: (magac, dhedig, keli) deegaan aad ku negidahay geeddina aanad meelna uga ahayn. Dh: negaan, oolliin. Li: hayaan, geeddi, guuritaan.
degganaan-ta: (magac, dhedig, keli) xasilloonaan aanay dhib jirin. Dh: xasilnaan.
degganaan -ta: (magac, dhedig, keli) kalsoonaan iyo kasho qabitaan dheeri ah, col iyo abaar la'aan, nabad iyo caano.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
degganaan
de: state of being settled; calm, tranquility, modesty
lx: degganaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: degganaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
demmanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof aan firfircooni badan oo maskaxeed lahayn, noole goor iyo ayaan baraad lahayn. Dh: dammanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
didsanaan
m.f.dh eeg didsan. la-mid: didsanaansho, dųdsanaan, dųdsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
didsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) anfariirsanaan oo indhaha cabsi la taagtaagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulsaaran
dulsaaran¹: f.mg4 (-rmay, -rantay; -rmi) Lacag la amaahday faa'iido ku korortay noqosho.
dulsaaran²: f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Ood weyn oo godaha laga keymamiyo ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dulsaaran
f.mg4 (-rmay, -rantay; -rmi) Lacag la amaahday faa'iido ku korortay noqosho. m.f.dh, dulsaarmid.